Arbaco 15, May 2025 {HMC} Maxaa ka jira Sargaal Boolis ah inuu is daldalay.?
Dowladda soomaaliya oo soo dhaweysay xub dhigista ururka PKK
Arbaco, May 14, 2025 {HMC} Wasaaradda arrimaha dibadda Soomaaliya ayaa soo dhaweysay go’aankii ay ku dhawaaqeen Kooxda PKK ee ahaa inay hubka dhigayaan, isla markaana hishiis lagaareen Dawladda Turkiga oo muddo ay dagaal kula jireen ilaa looga aqoonsaday inay yihiin Koox Argagexiso.
“Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya waxay soo dhoweynaysaa warka kasoo baxay Xisbiga Shaqaalaha Kurdistan (PKK) ee ku saabsan go’aankooda ah in ay kala diraan, hubka dhigaan, isla markaana joojiyaan falalkooda hubeysan.” ayaa lahu yiri war qoraal ah oo kasoo baxay Wasaaradda arrimaha dibadda Soomaaliya.
Wasaaradda ayaa ku tilmaamtay in Tallaabadan geesinimada leh loo arki karo inay tahay dadaal muhiim ah oo lagu xoojinayo nabadda, laguna adkaynayo xasilloonida qaranka, sidoo kalana lagu hormarinayo horumarka Turkiga iyo guud ahaan gobolka.
“Soomaaliya waxay mar kale xaqiijineysaa taageeradeeda aan leexleexadka lahayn ee ku aaddan dhammaan dadaallada mudnaanta siiya wadahadal nabadeed, xoojinta midnimada qaran ee shacabka Turkiga, iyo ka qayb qaadashada horumarka xasilloonida goboleed.” ayaa lagu yiri qoraalka wasaradda.
Xisbiga Shaqaalaha Kurdistan (PKK) ayaa Isniintii ku dhawaaqay in la kala diray, isla markaana hub ka dhigis lagu sameeyay, iyagoo ka jawaabaya baaq ka soo yeeray hogaamiyaha taariikhiga ah ee xisbiga, Abdullah Ocalan, oo 26 sano ku xirnaa dalka Turkiga.
Turkiga ayaa si rasmi ah u bogaadiyay tallaabadan, iyadoo Wasiirka Arrimaha Dibadda Turkiga Hakan Fidan uu ku tilmaamay ku dhawaaqista PKK inay hubka dhigeen “mid taariikhi ah oo dhiirigelin leh.” Dhanka kale, af hayeenka xisbiga cadaaladda iyo horumarka (AKP) Omer Celik ayaa go’aankan u arkay tallaabo muhiim ah oo loo qaaday “Turkiga ka xorta ah argagixisanimada,” isagoo sheegay in dhamaadka rabshadaha ay keeni doonto waa cusub.
{DHAGEYSO} Warka Duhurnimo ee Radio Hiiraanweyn {14-05-2025}
Arbaco 14-May-2025 {HMC} – Dhageystayaal halkan waxa aan idiin kugu soo gudbi neynaa Warka Duhurnimo ee Warbaahinta Hiiraanweyn
Warka waxaa soo jeedinayo ::Cabdiqani Cosoble iyo Shugri Bayare
Farsamadii ::Mohamed Hassan Owsei
{DAAWO MUUQAALKA} Shir dhaqaale loogu raadinayo Ciidamada Nabad Ilaalinta Soomaaliya oo ka furmayo Qatar
Arbaco 15, May 2025 {HMC} Shir dhaqaale loogu raadinayo Ciidamada Nabad Ilaalinta Soomaaliya oo ka furmayo Qatar
HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA
{DAAWO MUUQAALKA} Saameeynta Hogaamiyaha Burkina Faso ee Qalbiyada Caalamka
Arbaco 15, May 2025 {HMC} Saameeynta Hogaamiyaha Burkina Faso ee Qalbiyada Caalamka
HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA
{DAAWO MUUQAALKA} Abaabul Dagaal oo ka socda Shabeelada Dhexe.
Arbaco 15, May 2025 {HMC} Abaabul Dagaal oo ka socda Shabeelada Dhexe.
HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA
{DAAWO MUUQAALKA} Dowladaha Turkiga iyo Soomaaliya oo ka wada hadlay Dagaaka AS.
Arbaco 15, May 2025 {HMC} Dowladaha Turkiga iyo Soomaaliya oo ka wada hadlay Dagaaka AS.
HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA
{DAAWO MUUQAALKA} Ciidamada koofur Galbeed oo sameeyey howlgalo ka dhan ah AS
Arbaco 15, May 2025 {HMC} Ciidamada koofur Galbeed oo sameeyey howlgalo ka dhan ah AS
HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA
{DAAWO MUUQAALKA} Ciidamada Puntland oo Gaaray goobihii ay Duqeeyeen Diyaaradaha Mareeykanka.
Arbaco 15, May 2025 {HMC} Ciidamada Puntland oo Gaaray goobihii ay Duqeeyeen Diyaaradaha Mareeykanka.
HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA
Dowladda Soomaaliya oo odooyal dhaqamed ku xirtay gobolka Gedo.
Arbaco, May 14, 2025 {HMC} faahinno dheeraad ah ayaa
waxaa laga helayaa tiro odayaal ah oo shalay lagu xiray gudaha magaalada Garbahaarey ee Gobolka Gedo.
Odayaasha la xiray oo gaaray illaa 10 Oday dhaqameed ayaa shalay shir
jaraa’id ku qabtay magaalada, waxayna kasoo horjeestay qorshaha
dowladda ay ku wajaheyso xaaladda Jubaland, waxaana lasoo wariyay in ay
soo xiraan ciidamada booliska Garbahaarey.
Arrintan ayaa dhalisay buuq xooggan iyo in durbo xaalad laga dareemo
gobolka Gedo oo mar kale wajahaya xiisad u dhexeyso Dowladda Federaalka
iyo Jubaland.
Ma jiro illaa iyo hadda wax hadal ah oo kasoo baxay maamulka degmada iyo
saraakiisha ciidamada oo ku aadan xarigga maanta loo gaystay qaar kamid
ah odayaasha gobolka Gedo.
Dhinaca kale Jubaland oo ka hadashay arrintan ayaa si weyn u
cambaareysay xarigga odayaasha, waxayna ku eedeysay dowladda ineey qas kawado deegaanada jubbaland.
Waxaa kale oo jirtay in Jubaland ay maanta sheegtay in la afduubtayAxmed
Xuseen Jaamac oo ka mid ah ururada bulshada rayidka ee degmadaasi, kaas
oo ay sheegtay in lagala baxay gurigiisa.
“Axmed Xuseen Jaamac oo ka mid ah ururada bulshada rayidka ayay
gordhow Ciidamo ka Amar qaata Xasan Sheekh Maxamuud iyo Kooxdiisa ka
afduubteen gurigiisa oo ku yaalo degmada Garbahaareey ee xarunta
Gobolka Gedo” ayaa lagu yiri qoraalka Jubaland.
Xiisadda Muqdisho iyo Kismaayo ayaa haatan u muuqata inay dib usoo laba
kacleysay, waxaana huriyay bayaankii kasoo baxay shirkii u dambeeyey ee
Golaha Wadatashiga Qaranka oo lagu sheegay in loo baahan yahay in sharci
loo wajaho xaaladda Jubbaland.



