Home Blog Page 911

Xisbi ay ku mideeysanyihiin Madaxda sare ee dalka iyo kuwa DG qaar oo oo muqdisho looga dhawaaqayo.

Talaado, May 13, 2025 {HMC} Waxaa lagu wadaa in maanta Muqdisho looga dhawaaqo Xisbiga Cadaaladda iyo Wadajirka oo ay ku mideysan yihiin xubno sare oo kamid ah Hoggaanka Siyaasadda dalka.

Munaasabad si heer sare ah ayaa lagu ayaa la filayaa inay ka qeybgalaan madaxda ugu sarreysa dowladda Federaalka Soomaaliya iyo dowlad goboleedyada.

Waxaa la rajeynayaa in Madaxweynaha Dowladda Federaalka, Ra’iisul Wasaaraha, iyo Madaxweynayaasha dowlad-goboleedyada Hirshabelle, Galmudug, iyo Koonfur Galbeed ay kasoo muuqdaan xafladda.

Ilo lagu kalsoon yahay ayaa sheegaya in Madaxweynaha Koonfur Galbeed, Cabdicasiis Xasan Maxamed (Laftagareen), uu ka qeyb gali doono Munaasabadan.

Xisbiga Cadaaladda iyo Wadajirka ayaa muddooyinkii u dambeeyay waday qabanqaabada xafladan, iyada oo Arbacadii hore la qorsheeyay balse dib u dhacday.

Puntland oo ka hadashay wararka sheegaya in diyaarado dagaal soo iibsatay

Talaado, May 13, 2025 {HMC} Warar soo baxayay maalmihii lasoo dhaafay , ayaa sheegayay in maanulka Puntland soo iibsadeen diyaarado dagaal, kuwaa oo ka qeyb qaadanaya dagaalka ka dhanka ah kooxda Daacish .

Af-hayeenka ciidamada difaaca Puntland u qaabilsan hawlgalka Calmiskaad S/Guuto, Maxamuud Maxamed Axmed (Faadhigo) ayaa markii u horraysay xaqiijiyay in Puntland soo iibsatay afar kamid ah diyaaradaha dagaalka ee casriga ah.

S/Guuto Maxamuud Faadhigo, oo wareysi kooban bixiyay ayaa si rasmi ah u xaqiijiyay wararka ku saabsan in Puntland soo iibsatay afar kamid ah diyaaradaha dagaalka ee casriga ah, kuwaasi oo qaabilsan fulinta duqeymaha iyo hawlgallada deg deg ah, islamarkaana ku biiray hawlgalka sifaynta firxadka argagixisada ISIS buuraha Calmiskaad.

” Puntland waxay soo iibsatay afar diyaaradood oo nooca dagaalka ah, waxaana ay ku soo iibsatay lacagteeda ma jirto cid ku taageertay, waa diyaarado casri ah oo kuwa duqeymaha deg dega fuliyaa, sidoo kalena loo adeegsado sahanka iyo daabulka ciidamada, waxayna ku biireen hawlgalka ciribtirka argagixisada ISIS ee buuraha Calmiskaad” ayuu yiri S/Guuto Maxamuud Faadhigo.

Af-hayeen Faadhigo oo ka jawaabayay su’aal laga weydiiyay duuliyaasha diyaaradahan ayaa sheegay in dhammaan duuliyaasha wadaa yihiin dhalinyaro reer Puntland ah oo loo carbiyay diyaaradaha dagaalka, kuwaasi oo dhawaan ka soo laabtay dalka dibaddiisa.

{DAAWO MUUQAALKA} Gadiid iyo dadkii Saarnaa oo lagu Afduubtay Gal-gaduud.

0

Isniin 12, May 2025 {HMC} Gadiid iyo dadkii Saarnaa oo lagu Afduubtay Gal-gaduud.

HOOS KA DAAWO MUUQAALKA.

{DAAWO MUUAALKA} Macawiseyda Hiiraan oo guulo ka sheegtay Dagaalo AS ay la galeen.

0

Isniin 12, May 2025 {HMC} Macawiseyda Hiiraan oo guulo ka sheegtay Dagaalo AS ay la galeen.

HOOS KA DAAWO MUUQAALKA

{DAAWO MUUQAALKA} Wasiir Fiqi Dagaal ka daran midka xabada oo lalagalayo AS.

0

Isniin 12, May 2025 {HMC} Wasiir Fiqi Dagaal ka daran midka xabada oo lalagalayo AS.

HOOS KA DAAWO MUUQAALKA.

{DAAWO MUQAALKA} Wararkii ugu Dambeeyay 12-5-2025.

0

isnin 12, May  2025 {HMC} Waxaa halkan idin kugu soo gudbineyna Wararkii ugu Dambeeyay Soomaaliya iyo Caalamka ee Warbaahinta Hiiraanweyn.

HOOS KA DAAWO WARARKII UGU DAMBEEYAY.

{DAAWO MUQAALKA} Dhacdooyinkii ugu Dambeeyay ee Caalamka 12-05-2025

0

Dhacdooyinkii ugu Dambeeyay ee Caalamka 12-05-2025

HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA

Dab Xoogan oo caawa ka kacay Suuqa Bakaaraha iyo khasaare kala duwan oo ka dhashay.

Isniin, May 12, 2025 {HMC} Dab xoog leh ayaa caawa ka kacay
suuqa weyn ee Bakaaraha ee magaalada Muqdisho, kaas oo dadaal dheer
kadib hadda lagu guuleystay in la demiyo.

Dabkaas ayaa ka kacay qeybta daawada ee Suuqa Bakaaraha, waxaana ku
basbeelay dhowr dukaan ooh anti badan ay taallay.

Guddoomiyaha Degmada Howlwadaag Bashiir Cabdi Maxamed ayaa
warbaahinta la hadlay goordhow markii lagu guuleystay deminta dabkaas.

laakiin hanti ayaa ku baaba’day, ilaa dhowr tukaan ayaa gubatay, ugu
dambeyn dabkii waa ka adkaanay, ilaahey ayaa nagu guuleeyey,” ayuu yiri
Guddoomiyaha Degmada Howlwadaag Bashiir Cabdi Maxamed.

Ugu dambeyntii Guddoomiyaha ayaa u mahadceliyey shirkadda Hormuud oo
sida uu sheegay gurmad deg deg ah u dirtay goobta, kuna guuleysatay
deminta dabkaas.

{DHAGEYSO} Warka Habeenimo ee Warbaahinta Hiiraanweyn {12-05-2025}

Isniin, May 12, 2025 {HMC} Dhageystayaal halkan waxa aan idiin kugu soo gudbi neynaa Warka Habeenimo ee Warbaahinta Hiiraanweyn

Warka waxaa soo jeedinayo ::Mohamed Hassan Cowsey

Farsamadii ::Mohamed Baryare Haamud

HOOS KA DHAGAYSO WARKA HABEENIMO

MW axmed madoobe “Xasanow waxaan ku leeyahay marka hore is dhageyso oo dhageyso hadaladii shalay iyo kuwa maanta”

Isniin, May 12, 2025 {HMC} – Madaxweynaha maamulka Jubbaland Axmed Maxamed Islaam Madoobe ayaa maanta si qota dheer uga hadlay qorshe madaxda dowladda iyo kuwa dowlad goboleedyada qaar ku doonayaan dhismaha Xisbi Siyaasadeed weyn.

Madaxweyne Axmed Madoobe ayaa ugu horeyn si kulul u dhaliilay hanaanka siyaasadeed ee madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud, isagoona xusay inuusan marnaba ka aqbali doonin waxyaabahii uu shalay ka diiday Farmaajo.

“Xasanow waxaan ku leeyahay marka hore is dhageyso oo dhageyso hadaladii shalay iyo kuwa maanta, aniga kaama qaadanayo waxan Shalay ka wada diideynay Farmaajo oo aan soo bax u laheyn” ayuu yiri madaxweynaha Jubbaland Axmed Madoobe.

Wuxuu sidoo kale tilmaamay madaxweynaha inuu la socdo abaabul uu sheegay in madaxtooyada Soomaaliya ay ugu jirto dhismaha Xisbi weyn oo la mid ah kii kacaanka dowladdii Maxamed Siyaad Barre oo kale.

“Xisbigii Hantiwadaaga kacaanka Soomaaliyeed oo kale ayey rabaan inay dhisaan laakiin waxaysan ogeyn in aysan waxbo gacanta ugu jirin, awoodii kacaankana aysan lahayn, xaguu Xibsiga ka shaqeyn oo ay dowladdani gacanta ku haysa, waa iyaga isku haysta guddoomiye aniga ka noqonaya iyo aniga ku xigeen ka noqonaya, Xisbigii kacaanka waxa dhistay dowladda dalka dhan gacanta ku haysay ee kuwan xagey gacanta ku hayaan” ayuu yiri Madaxweynaha Jubaland Axmed Madoobe.

Madaxweynaha Jubbaland wuxu sheegay inuu diyaar u yahay wadahadal inuu la galo madaxda dowladda Fedaraalka Soomaaliya si looga gudbo caqabadaha iyo is mari waaga siyaasadeed.

“Anigu waxaan diyaar u yahay wadahadal inaam la fariisto madaxda dowladda, sidaasna waxaa qaba Puntland iyo Siyaasiyiinta Mucaaradka ah, wadahadal waxaan aheyn oo wax lagu dhameyn karo majiraan, yaa sheegi kara qabiil qabiil kale ka awood badii oo dhamaan tirtiray qabiil kale inta dagaalada sokeeye dalka ka dhacayeen, taas waa maya, ee madaxweyne wadahal hadad diyaar u tahay gogosha waa diyaar” ayuu yiri Axmed Madoobe.

Hadalkaan kasoo yeeray madaxweynaha Jubbaland ayaa kusoo aadaya, iyadoo warar soo baxaya ay sheegayaan in madaxda dowladda iyo qaar kamid ah madaxda dowlad goboleedyada ay wadaan qorshe ay ku dhisanayaan Xisbi Siyaasadeed weyn.