Home Blog Page 912

Gudoomiyaha Gobolka Shabeellaha Dhexe oo ku baxay xiisad ka taagan Gobolkaas

Isniin, May 12, 2025 {HMC} – Gudoomiyaha maamulka gobolka Shabeellaha Dhexe Maxamuud Maxamed Nuur oo gaaray deegaanka Koogaar oo Shalay lagu dilay laba ruux oo shacab ah ayaa digniin adag u diray dad uu sheegay iney ka shaqeynayaan isku dirka bulshada iyo hurinta dagaal beeleed.

Wuxuu sheegay guddoomiyaha gobolka Shabeellaha Dhexe iney wadaan howlgalo ay ku doonayaan iney ku soo qabtaan dambiilayaashi geystay dilka dadka shacabka ahaa.

“Ciidamadu waxay wadaan howlgalo lagu soo qabanayo gacan ku dhiiglayaashii dilka ka geystay Koogaar ee dilay dadka samafalayaasha ahaa 48 sacadood gudahood ayaan ku soo qaban doona, waxaan kalo cadeynaya inaan talaabo sharciga waafaqsan ka qaadi doono dadka isku diraya beelaha walaalaha ee wada degan” ayuu yiri guddoomiyaha gobolka Shabeellada Dhexe.

Guddoomiye Maxamuud Maxamed Nuur ayaa sidoo kale ugu baaqay dadka shacabka iney ka fogaadaan faafinta wararka been abuurka ah ee keeni kara isku dhacyo iyo colaad beeleed.

Dhinaca kale waxgaradka deegaanka Koogaar ayaa ka dalbaday maamulka gobolka Shabeellaha dhexe in xal dhab ah u helaan dilalka soo badanaya oo ay xuseen iney sababi karaan colaad beeleed.

“Gobolkaan waa la wada ogyahay dhibaatada uu dhawaan kasoo baxay ee aheyd dagaal beeleedyada dhiiga badan ay ku daateen, hada waxay u muuqata in markale dib loogu noqon rabo dhibaatadii laga soo gudbay hadaan xal dhab ah loo helin dilalka loo geysanayo dadka shacabka ah” ayuu yiri mid ka mid wax garadka deegaanka Koogaar.

Si kastaba ha ahaatee gobolka Shabeellaha Dhexe, gaar ahaan deegaanada hoostaga Cadale waxaa ku soo noqnoqday dilalka ay geysanayaan Maleeshiyaadka hubeysan, kuwaas oo salka ku haaya arrimo la xiriira aanoyin qabiil.

{DAAWO MUQAALKA} Axmed Madoobe”Guul-daradii Ciidamada Raaskamboni kasoo gaartay ilaa hada waa laga dareema.”

0

Isniin 12, May 2025 {HMC} Axmed Madoobe”Guul-daradii Ciidamada Raaskamboni kasoo gaartay ilaa hada waa laga dareema.”

HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA

RW xamse oo ka qeyb galay munaasabadda xuska Maalinta Yurub

Isniin, May 12, 2025 {HMC} –Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi Barre, oo ka qeyb galay munaasabadda xuska Maalinta Yurub (Europe Day 2025), ayaa sheegay in maalintani ay astaan u tahay iskaashiga nabadda, midnimada iyo horumarka.

Ra’iisul Wasaaraha, ayaa tilmaamay doorka muuqda ee Midowga Yurub ay ku leeyihiin taageerada Soomaaliya ee dhinacyada amniga, horumarka dhaqaalaha, gargaarka bani’aadannimada iyo dib-u-dhiska, Waxa uuna carrabka ku adkeeyey muhiimadda ay leedahay in la sii xoojiyo iskaashiga labada dhinac, si loo gaaro horumar waara iyo nabad buuxda.

“Tobannaankii sano ee la soo dhaafay Midowga Yurub wuxuu garab taagnaa Soomaaliya, hadal kaliya ma ahayn balse ficil, waxaad naga caawiseen in miinooyinka la soo saaro, jidadka la dhiso, la tababbaro ciidamo Booliis ah, la horumariyo iskuullada iyo in la caawiyo beeralaydeenna. Taasi waa saaxiibtinnimada dhabta ah”. Ayuu yiri Ra’iisul Wasaare Xamsa.

Mudane Xamsa, waxa uu sheegay in Soomaaliya ay horumar la taaban karo ka samaysay hannaanka dowlad dhiska iyo dimuqraadiyeynta dalka, isaga oo xusay shirkii ugu dambeeyay ee 11aad ee Golaha Wadatashiga Qaranka (NCC) oo ay ka soo baxeen go’aamo wax ku ool ah oo horumarinaya dalka.

“Waxaan seeska u dhigaynaa hannaan doorasho oo loo dhanyahay, oo ka madax bannaan faragelin iyo cabsi. Wax fudud ma ahan balse waxa aan ognahay in Dimuqraadiyaddu ay mudan tahay.”

Ra’iisul Wasaaruhu waxa uu sheegay in hadafku dowladdu yahay sidii loo qaban lahaa doorasho qof iyo cod ah, taasi oo ka dhacaysa dhammaan gobollada dalka, waxaana uu intaas raaciyay in aanay jiri doonin doorasho dadban, oo dadka Soomaaliyeed ay go’aan ka gaari doona cidda hoggaamin doonta.

{DAAWO MUQAALKA} 5-bilood kadib Duulimaadkii Diyaadeed ee ugu Horeeyay oo ka dagay Manta Doolow

0

Isniin 12, May 2025 {HMC} 5-bilood kadib Duulimaadkii Diyaadeed ee ugu Horeeyay oo ka dagay Manta Doolow

HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA

{DAAWO MUQAALKA} 40-sano kadib Erdogan oo kala diray ururka PKK ee kurdida

0

Isniin 12, May 2025 {HMC} 40-sano kadib Erdogan oo kala diray ururka PKK ee kurdida

HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA

{DAAWO MUQAALKA} Ciidamadii xureeyn lahaa aboorey Oo lasoo bandhigay.

0

Isniin 12, May 2025 {HMC} Ciidamadii xureeyn lahaa aboorey Oo lasoo bandhigay.

HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA

{DAAWO MUQAALKA} Ciidanka Deegaanka Oo soo Bandhigay meeydad AS.

0

Isniin 12, May 2025 {HMC} Ciidanka Deegaanka Oo soo Bandhigay meeydad AS.

HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA

{DAAWO MUQAALKA} Sidee loogo soo dhaweyay Wasiirka batroolka Soomaaliya London

0

Isniin 12, May 2025 {HMC} Sidee loogo soo dhaweyay Wasiirka batroolka Soomaaliya London

HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA

Howlgal lagu dilay xubno ka tirsan AS oo ka dhacay gobolka Mudug

Isniin, May 12, 2025 {HMC} –Wararka ka imaanaya degaano hoostaga Degmada Xarardheere ee Gobolka Mudug ayaa kusoo waramaya in Ciidamada deegaanka oo kaa shanaya Kuwa Xoogga Dalka ay howlgal qorshaysan ka fuliyeen deegaanka Caalim oo hoos yimaada degmada Jowle, ee gobolka Mudug, halkaas oo ay ku dileen malayshiyaad ka tirsan Al shabaab, isla markaana ay ka furteen hub ay siteen.

Wararka waxa ay intaasi ku darayaan in Howlgalka oo si qorsheysan loo fuliyay lagu burburiyay saldhigyo ay kooxdaasi ku lahaayeen deegaanka, Ciidamada ayaa sidoo kale dul tagay meydadka Al shabaab howlgalka looga dilay oo ay ku jireen xubno sare sare oo Kooxda muhiim ugu ahaa shaqada ay degaanadaasi uga haayeen.

Guddoomiyaha degmada Xarardheere Casayr Ibraahim Mataan ayaa Warbaahinta Qaranka u xaqiijiyay in howlgalkaas ay ka fuliyeen aagga deegaanka Jowle ee gobolka Mudug kuna dileen Seddex xubin oo ka tirsan Al shabaab, waxaana ragga ay bartilmaameysadeen uu sheegay inay dhowr jeer ay beero dad shacab ah ay ku lahaayeen degaanka ka gubeen.

Saraakiisha Ciidamada Hogaamineysay ayaa sheegay in Howlgalka intii uu socday ay ku dileen Horjooge sare oo ka tirsanaa Al-Shabaab oo lagu magacaabi jiray Maxamed Cali Gaaguf oo ahaa madaxii deegaanka Jawlo ee Kooxdaaasi Al-Shabaab.

Ciidamada deegaanka ayaa sidoo kale gacanta ku dhigay Xareed Cabdi Cali oo horay uga tirsanaan jiray ciidamada deegaanka oo u goostay Al-Shabaab 8 bilood ka hor isagoo qeyb ka ahaa howlgalka ciidamada Macawiisleeyda ee la dagaalameysay Al shabaab.

Maalmihii lasoo dhaafay degaanada hoostaga Degmada Xarardheere waxaa ka jiray abaabul dagaal oo ciidamada Dowladda iyo kuwa Macawiisleeyda ay ku baacsanayeen Koox ka tirsan Al shabaab oo dhaq dhaqaaqyo kawaday halkaasi.

Somali PM meets Qatari Ambassador to boost bilateral cooperation and development support

Monday 12, May 2025 {HMC} Somali Prime Minister Hamsa Abdi Barre met with Qatari Ambassador to Somalia, Dr. Abdullah Bin Salem Al Nuaimi, to discuss strengthening bilateral relations and enhancing Qatar’s role in Somalia’s development efforts.

The meeting focused on expanding cooperation in key areas including security, infrastructure, and implementation of Somalia’s newly launched National Transformation Plan (NTP).

Prime Minister Hamsa emphasized the importance of strategic partnerships in accelerating national progress and expressed appreciation for Qatar’s ongoing support.

A statement from the Prime Minister’s Office highlighted Qatar’s contributions to Somalia’s reconstruction, particularly in infrastructure development and the delivery of essential services such as education and healthcare.

Ambassador Al Nuaimi reaffirmed Qatar’s commitment to supporting the Somali government and its people, pledging continued collaboration across the development and humanitarian sectors.

The meeting comes as Somalia intensifies military operations against terrorist groups and pursues broader reforms aimed at achieving long-term peace and stability.