Home Blog Page 913

Qaar kamid ah Salaadiinta Somaliland iyo Garaadada SSC-Khaatumo oo nabad isla qaatay

Isniin, May 12, 2025 {HMC} Qaar kamid ah salaadiinta ugu sarreeya ee Somaliland iyo garaadada SSC-Khaatumo oo si aan rasmi ahayn ugu kulmay xaflad caleemo-saar oo ka dhacday Deegaanka Soomaalida ayaa si wadajir ah ugu baaqay nabad.

Ugu horreyn, Garaadka Guud ee SSC-Khaatumo, Garaad Jaamac Garaad Cali, ayaa Suldaanka Guud ee Somaliland, Suldaan Daa’uud Suldaan Maxamed Suldaan Cabdiqaadir, ugu baaqay inuu nabadda kala shaqeeyo.

“Suldaan Daa’uudow, gurigaaga uma socdee, kaalay Soomaali u caddee in aadan gurigayga u socon. Waan kala nabad-galaynaa e,” ayuu yidhi Garaad Jaamac isaga oo la hadlayay Suldaan Daa’uud.

Suldaanka Daa’uud ayaa sheegay inuusan marnaba rabin in dad Soomaaliyeed ay islaayaan, isla markaana ay dhankiisa ka go’an tahay nabad, isaga oo ka jawaabayay baaqii Garaad Jaamac.

“Waxaan halkan ka caddeynayaa inaanan guri dad Soomaaliyeed ku nool yahay ku socon. Garaad, aynu dadkeenna midaysanno oo aynaan anagu gurigaaga duulaan ku ahayn, adiguna aanad kayaga duulaan ku ahayn. Ilaahay iyo ummadda Af-Soomaaliga ku hadashaaba waakan markhaati,” ayuu yidhi Suldaan Daa’uud.

Garaadka iyo Suldaanka ayaa goobta isku gacan qaaday iyaga oo midba midka kale u ballanqaaday inay nabadda ka shaqayn doonaan. Sidoo kale, waxay iska cafiyeen eedo ay hore hawada isku mariyeen.

Inkastoo salaadiintani si aan ku talagal ahayn ugu kulmeen goob lagu caleemo-saarayey mid kamid ah madaxda dhaqanka Deegaanka Soomaalida, haddana is-laab-xaadashadoodu waxay muujinaysaa ifafaale nabadeed.

Colaadda ka dhex taagan Somaliland iyo SSC-Khaatumo weli xal lagama gaadhin.

kulankii maanta BFS oo qabsoomay & wasir balcad oo hor tegay

Isniin, May 12, 2025 {HMC} Xildhibaannada Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Soomaaliya ayaa maanta magaalada Muqdisho kulan kamid ah Kalfadhiga lixaad.

Kulanka oo uu shir guddoomiyay Guddoomiyaha Golaha Shacabka, Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) ayaa ku furmay 146-xildhibaan, waxaana akhrinta koowaad marsiiyeen heshiiskii lagu dhisay Urur Goboleedka Horumarinta IGAD.

Wasiiru Dowlaha Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Cali Balcad ayaa Xildhibaannada u akhriyay heshiiska lagu aas aasey ururka IGAD.

Intaasi ka dib Xildhibaanadda Golaha Shacabka ayaa mas’uuliyiinta Wasaaradda Arrimaha Dibadda su’aalo ka weydiiyay qodobada heshiiskan iyo ka mid ahaanshaha Soomaaliya muhiimadda ay u leedahay, waxaana su’aalaha Xildhibaanadda ka jawaabayay Wasiiru Dowlaha Wasaaradda Arrimaha Dibadda.

Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) oo kulanka soo xiray ayaa faray Guddiga Arrimaha Dibadda ee Golaha Shacabka in heshiiskan akhrintiisa labaad soo diyaariyaan oo ay Golaha dib ugu soo celiyaan si looga doodo.

MW axmed madoobe oo shir looga hadlayo xaaladda deegaanka ka furay kismaayo

Isniin, May 12, 2025 {HMC}-Madaxweynaha Jubbaland, Mudane Axmed Maxamed Islaam, ayaa maanta si rasmi ah Aqalka Martida ee magaalada Kismaayo uga furay Shirweynaha Deegaanka iyo Isbeddelka Cimilada, kaas oo ay soo qabanqaabisay Wasaaradda Deegaanka iyo Isbeddelka Cimilada Jubaland.

Shirkan muhiimka ah ayaa lagu falanqeyn doonaa sidii loo xoojin lahaa dadaallada ilaalinta deegaanka, kor loogu qaadi lahaa wacyiga bulshada, iyo la tacaalidda saameynta sii kordheysa ee isbeddelka cimilada.

Madaxweynuhu waxa uu tilmaamay in dhibaatooyinka deegaanka ee ka jira Jubaland ay salka ku hayaan ficillo ay kamid yihiin:

• Deegaamaynta sharci darrada ah
• Jarista aan xadidneyn ee dhirta
• Isticmaalka aan waxtarka lahayn ee dhuxusha
• Qodista ceelal badan oo isku dhow iyo samaynta waro biyoodyo aan qorsheysneyn
Madaxweynaha ayaa si gaar ah faray Wasaaradda Deegaanka iyo Hay’adaha Amniga in ay si wadajir ah uga hortagaan ficillada halista ku ah deegaanka, loona diyaariyo qorshe cad oo lagu maareeyo ka faa’iidaysiga kheyraadka dabiiciga ah, si loo yareeyo khataraha ka dhasha isbeddelka cimilada.

{DAAWO MUQAALKA} Wararka ugu waa weyn Soomaaliya iyo Caalamka 12/05/2025

0

Isniin  12, May  2025 {HMC}   Waxaa halkan idin kugu soo gudbineynaa Wararka ugu waa weyn Soomaaliya iyo Caalamka ee Warbaahinta Hiiraanweyn

Hoos ka daawo Wararka ugu waa weyn

{DAAWO MUQAALKA} Maxuu yahay Heshiiska Dhax maray DFS iyo IGAD.?

0

Isniin 12, May 2025 {HMC} Maxuu yahay Heshiiska Dhax maray DFS iyo IGAD.?

HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA

Xildhibaanada kasoo jeeda SSC Khaatumo oo doonaya in lagusoo doorto kuraastooda Laascaanood

Isniin, May 12, 2025 {HMC} – Xildhibaanada labada aqal ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ee kasoo jeeda SSC-Khaatumo ayaa doonaya in doorashada kuraasta SSC-Khaatumo lagu qabto magaalada Laascaanood.

Arrintan ayaa ay u arkaan fursadda kaliya ee ay dib ugu heli karaan kuraastooda, iyagoo og in Madaxweyne Deni uu qorsheynayo in gebi ahaanba meesha kaga saaro xildhibaanada hadda matala Puntland ee ku jira labada aqal ee baarlamaanka.

Madaxweyne Deni ayaa horey u sheegay inuu ka niyad jabay xildhibaanadii uu Puntland u xulatay Baarlamaanka Federaalka, isagoo ku eedeeyay inay ku fashilmeen difaaca danaha Puntland.

Waxaa lagu eedeeyaa madaxweyne Deni inuu isagu gacantiisa ku soo xushay xildhibaanada Puntland haatan ku matala Muqdisho, isla markaana meesha ka saaray siyaasiyiin miisaan leh oo muddo dheer ka tirsanaa baarlamaanka Soomaaliya.

Deni, oo mar kale lagu wado inuu isku sharaxo xilka madaxweynaha Soomaaliya, ayaa dhabar-jab siyaasadeed u arka in xildhibaanada kasoo jeeda SSC-Khaatumo laga soo doorto meel ka baxsan Puntland. Tani ayaa loo arkaa sababta ugu weyn ee maamulka Puntland uu weli ugasoo horjeedo aqoonsiga SSC-Khaatumo.

Dhawaan, Golaha Wadatashiga Qaran ayaa si rasmi ah ugu aqoonsaday SSC-Khaatumo inay tahay dowlad-goboleed, taasoo micnaheedu yahay in gobollada Sool, Sanaag iyo degmada Buuhoodle ay si rasmi ah uga madax-bannaan doonaan Puntland.

{DAAWO MUQAALKA} “Wasiir Umadda Wala Wadaagi Kartaa Faa’ida inogu Jirta Kusii Mid Ahaanshaha Ururka ICAD”Xil Kooshin.

0

Isniin 12, May 2025 {HMC} “Wasiir Umadda Wala Wadaagi Kartaa Faa’ida inogu Jirta Kusii Mid Ahaanshaha Ururka ICAD”Xil Kooshin.

HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA

{DAAWO MUQAALKA} Soomaaliya waa u baahan tahay Heshiiska iGAD”Xildhibaan Dhabancad.

0

Isniin 12, May 2025 {HMC} Soomaaliya waa u baahan tahay Heshiiska iGAD”Xildhibaan Dhabancad.

HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA

{DHAGEYSO} Warka Duhurnimo ee Radio Hiiraanweyn {12-05-2025}

Isniin 12-May-2025 {HMC} – Dhageystayaal halkan waxa aan idiin kugu soo gudbi neynaa Warka Duhurnimo ee Warbaahinta Hiiraanweyn
Warka waxaa soo jeedinayo ::Cabdi Yare iyo Shugri Bayare

Farsamadii ::Mohamed Hassan Owsei

 

{DAAWO MUQAALKA} Faah Faahin 130 qof oo lagu Afduubay Sh-dhaxe

0

Isniin 12, May 2025 {HMC} Faah Faahin 130 qof oo lagu Afduubay Sh-dhaxe

HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA