Home Blog Page 915

{DAAWO MUQAALKA} Dowladda Soomaaliya Arimaha Dooloow waa in ay kala xiriirtaa Jubbaland.

0

Isniin 12, May 2025 {HMC} Dowladda Soomaaliya Arimaha Dooloow waa in ay kala xiriirtaa Jubbaland.

HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA

{DAAWO MUQAALKA} Muxuu yahay Balan qaadka Cusub oo ay Dowladda Qada u sameeysay Soomaaliya.?

0

Isniin 12, May 2025 {HMC} Muxuu yahay Balan qaadka Cusub oo ay Dowladda Qada u sameeysay Soomaaliya.?

HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA

Hoos udhac ku ymid Mushaarka Askarta Howlgalka Cusub ee Soomaaliya.

Isniin, May 12, 2025 {HMC} Qaramada Midoobay ayaa raadinaysa $41.6 milyan oo dheeraad ah si loo buuxiyo farqiga miisaaniyadeed ee Howlgalka Taageerada Xasiloonida Soomaaliya ee Midowga Afrika (AUSSOM), sida lagu sheegay warbixin uu Xoghayaha Guud soo saaray.

Miisaaniyadda la cusboonaysiiyay ee howlgalka AUSSOM ayaa haatan lagu qiyaasay $166.5 milyan, taasoo hoos uga dhacday qiyaastii hore oo ahayd $190.2 milyan. Isbeddelka ayaa yimid kaddib markii Midowga Afrika uu mushaarka askariga howlgalkan ka dhigay $828, halkii markii hore loo qoondeeyay in lagu saleeyo $1,000.

Ilaa hadda, lacagaha la xaqiijiyay ee la helay waxay gaarayaan $14.5 milyan, oo ay ku jiraan $10 milyan oo laga helay Sanduuqa Nabadda ee AU iyo $4.5 milyan oo deeq ah oo ka timid Japan iyo Koonfurta Kuuriya. Taasoo ka dhigan in weli la raadinayo $27 milyan oo dheeraad ah.

Warbixintu waxay muujisay in AUSSOM heshay taageero dhaqaale oo kooban, iyadoo caqabado dhaqaale oo caalami ah iyo mugdi ku hareereysan qaabka maalgelinta ay caqabad ku noqdeen helitaanka deeqo cusub.

Howlgalka AUSSOM ayaa la daalaa dhacaya dhaqaale xumo xilli ay jiraan khataro amni, iyadoo kooxda Al-Shabaab ay weli tahay mid khatar weyn ku ah amniga Soomaaliya.

Isniinta, xubnaha Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay ayaa la filayaa inay is-weydaarsadaan aragtiyo ku saabsan maalgelinta mustaqbalka AUSSOM iyagoo ka ambaqaadaya qaraarka 2719.

Inta badan xubnaha Golaha—oo ay ka mid yihiin Aljeeriya, Sierra Leone, Soomaaliya, Guyana, Denmark, Faransiiska, Giriigga, Slovenia, Panama iyo Koonfurta Kuuriya—ayaa taageeray in AUSSOM la maalgeliyo, waxayna u badan tahay inay taageeraan dhaqan-gelinta qaraarka cusub ee 2767. Dalalka Shiinaha, Ruushka, iyo Pakistan ayaa sidoo kale muujiyay taageeridooda.

{DHAGEYSO} Warka Subaxnimo ee Warbaahinta Hiiraanweyn {12.05.2025}

Isniin, May 12, 2025 {HMC} Dhageystayaal halkan waxa aan idiin kugu soo gudbi neynaa Warka Subaxnimo ee Warbaahinta Hiiraanweyn

Warka waxaa soo jeedinayo ::Mustaf Ali Addow

Farsamadii ::Mohamed Baryare Haamud

HOOS KA DHAGEYSO WARKA SUBAXNIMO

Maxaa looga hadlayaa maanta Kulanka Golaha Shacabka?

Isniin, May 12, 2025 {HMC} Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya, ayaa maanta yeelanayo kulankoodii caadiga ahaa, xilli labada fadhi ee ugu dambeeyay u baaqdeen Kooram la’aan.

Xogheynta Baarlamaanka ayaa farriin la wadaagay Xildhibaannada Golaha Shacabka, iyaga oo sheegay in maanta oo isniin ah jiro kulankii Golaha.

Labadii kal fadhi ee u dambeeyay ayaa u baaqday, roobkii xooganaa ee ka da’ay Muqdisho, kaasi oo sababay in Xildhibaannada awoodi waayaan soo gaarista xarruunta Golaha Shacabka.

Sidoo kale, waxaa taagna maalmahan xiisad iyo buuq ay sameynayaan qaar kamid ah Xildhibaannada Golaha Shacabka.

Fadhiyada Golaha Shacabka ayaa sida caadiga ah qabsooma maalmaha Sabtida, Isniinta iyo Arbacada. Xildhibaannada ayaa kalfadhigaan lixaad waxaa horyaalla qoddobo muhiim ah sida dhammeystirka Dastuurka iyo sharciyo kale.

Ra’iisul-Wasaare Xamsa oo seddax qodob kala hadlay dowladda Qatar.

Isniin, May 12, 2025 {HMC} Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Xamsa
Cabdi Barre ayaa xafiiskiisa ku qaabilay Danjiraha Qatar ee Soomaaliya, Dr.
Abdullah Bin Salem Al Nuaimi oo wadahad dheer uu yeeshay.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa ugu horeyn Danjiraha kala hadlay xoojinta xiriirka
iyo iskaashiga u dhaxeeya labada dal ee walaalaha ah ee Soomaaliya iyo
Qatar.

Sidoo kale, Ra’iisul Wasaaraha ayaa Danjiraha kala hadlay sidii dowladda
Qatar ay uga taageeri lahayd dowladda Soomaaliya seddax arrimood oo kala ah.

1 – Arrimaha ammaanka oo hadda Soomaaliya meel adag ka maraya,
dowladuna ay deg deg ugu baahan tahay garab istaag caalami ah.

2 – Arrimaha horumarka oo baahi badan ay u qabto bulshada Soomaaliyeed
oo ka soo kabaneysa colaado sokeeye oo u horseeday saboolnimo.

3 – Iyo fulinta Qorshaha cusub ee Isbeddelka Qaranka (NTP) kaas oo la
dejiyey in xukuumadda Soomaaliya ay ku shaqeyso sanadaha 2025 ilaa
2029, balse aan loo heynin wax kharash ah oo lagu hirgeliyo.

Wadahal dheer oo xafiiska Ra’iisul Wasaaraha ka dhacay kadib, Xamsa ayaa
uga mahadceliyey dowladda Qatar taageerada ay siiso Soomaaliya, gaar
ahaan mashaariicda kaabayaasha dhaqaalaha iyo horumarinta adeegyada
asaasiga ah, sida waxbarashada iyo caafimaadka.

Dhinaciisa, Danjire Abdullah, ayaa xusay in ay sii wadi doonaan taageerada
dhinacyada kala duwan leh ee ay mar walba la garab taagan yihiin Dowladda
iyo shacabka Soomaaliyeed.

Sidoo kale, Danjiraha ayaa ka balan-qaaday Ra’iisul Wasaaraha in dowladiisa
Qatar ay ka soo jawaabi doonto dalabka cusub ee dowladda Soomaaliya.

Qatar ayaa kamid ah dowladaha sida hagar la’aanta ah u taageera
Soomaaliya, iyadoo ficiladooda iyo hab-dhaqankooda aysan ka dhex muuqan
dano gaar ah oo dalkeena ay ka fushanayaan, sida Imaaraadka.

Xamas oo qaaday tallaabo ay taageero ugu raadinayso Mareykanka.

Isniin, May 12, 2025 {HMC} Xamaas ayaa sheegtay inay sii deyn doonto
askari Maraykan-Israa’iili ah oo lagu haysto Gaza, iyadoo shaacisay inay
wadahadallo toos ah kula jirto Maraykanka si loo gaaro xabbad-joojin ka
hirgasha dhulka dagaalladu halakeeyeen.

“Askari Israa’iili ah, Edan Alexander, oo wata laba dhalasho, Maraykan iyo
Israa’iili ah, ayaa la sii deyn doonaa, taas oo qayb ka ah dadaallada lagu
doonayo xabbad-joojin iyo dib-u-furista marinada gargaarka,” ayaa lagu yiri
bayaan kasoo baxay kooxda Xamaas.

Qoyska Alexander, oo 21 jir ah, ayaa sheegay in loo sheegay in la filayo in la
sii daayo “maalmaha soo socda.”

Bayaanka ay soo saareen ururka Families and Missing Families Forum, oo u
dooda qoysaska la haysteyaasha, ayaa lagu sheegay in qoysku “si joogto ah
ula xiriirayo maamulka Maraykanka” si ay uga wada hadlaan sii deynta la
filayo.

Hore, laba sarkaal oo Xamaas ah ayaa u sheegay AFP in wadahadallo ka
socda caasimadda Qatar ee Doha ay la leeyihiin Maraykanka, ayna jirto
“horumar” la taaban karo.

Dhanka kale, weerarrada Israa’iil ayaa socday, iyadoo hay’adda gurmadka
madaniga ee Gaza ay sheegtay in ugu yaraan 12 qof lagu dilay Axaddii, oo
ay ku jiraan afar carruur ah.

Sarkaal ka tirsan Xamaas oo ka hadlayay wadahadallada ayaa sheegay in
“horumar laga sameeyay… gaar ahaan gelitaanka gargaarka Gaza” iyo
suurtagalnimada is-weydaarsiga la haysteyaasha iyo maxaabiista
Falastiiniyiinta ee Israa’iil xiran.

Sarkaal kale ayaa sidoo kale xaqiijiyay horumar la xiriira “xabbad-joojin laga
hirgaliyo Gaza.”

Si kastaba ha ahaatee, Israa’iil ayaa ballanqaadday inay dagaalka sii wadi
doonto inkastoo wadahadallo socdaan.

Ciidamada Dowladda oo Fuliyay Howlgal qorsheysan oo lagu beegsaday kooxda AS.

Axad, May 11, 2025 {HMC} Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed, gaar ahaan guutada 8-aad ee qeybta 60-aad oo garab ka helaya Ciidanka Daraawiishta Koonfur Galbeed, ayaa howlgal qorsheysan oo lagu beegsaday kooxaha Al shabaab ka fuliyey tuulooyinka Kuraaw-rooge iyo Dhanbalka, kuwaas oo hoos yimaada deegaanka Deynuunay, gobolka Baay.

Howlgalka ayaa lagu burburiyey xarumo muhiim ah oo Al shabaab ay ku lahaayeen halkaasi, kuwaas oo u adeegayey abaabulka falalka amni-darrada ah. Gashaanle Dhexe Cabdiraxmaan Nishow Cali iyo Taliyaha Daraawiishta Burjaad G/le Awul Ibraahim Cabdullaahi ayaa sheegay in ujeeddada howlgalka ay ahayd xaqiijinta amniga, ciribtirka Khawaarijta, iyo xoojinta haykalka dowladnimo ee deegaanka.

Taliyayaashu waxay xuseen in shacabka deegaanka ay si wanaagsan u garab taagan yihiin ciidanka, taas oo sahashay in howlgalka lagu fuliyo si hufan.

 

K/Galbeed oo sheegtay in abaabul hubeysan laga wado deeganadeeda.

Axad, May 11, 2025 {HMC} – Maamulka Koonfur Galbeed ayaa
shaaciyay in jabhad hubeysan oo khatar ku ah amniga maamulka laga soo
abaabulayo magaalada Muqdisho ee caasimadda dalka.

Wasiirka Warfaafinta maamulka Koonfur Galbeed Soomaaliya, Maxamed
Ibraahin Bilaal oo maanta shir jaraa’id ku qabtay magaalada Baydhabo ayaa
sheegay in jabhadan looga dan leeyahay qalqal-galinta xasiloonida iyo
nabadda Koonfur Galbeed.

Wasiirka ayaa si cad u sheegay in maamulka Koonfur Galbeed uusan
marnaba aqbali doonin abaabul kasta oo lagu dhibaateynayo shacabka
deegaanka, isla markaana laga leeyahay dano gaar ah, sida uu hadalka udhigay.

“Koox Muqdisho joogta oo qas iyo fowdo abuureysa in naloo soo raro ma
aqbali doono,” ayuu yiri Wasiirka Warfaafinta Koonfur Galbeed, Maxamed
Bilaal.

Isagoo hadalkiisa sii wata, Wasiir Bilaal wuxuu carrabka ku adkeeyay in
mowqifka Madaxweynaha Koonfur Galbeed uu yahay mid taageersan
hannaanka federaalka iyo dowlad-dhisidda Soomaaliya, gaar ahaan geeddisocodka doorashooyinka qof iyo cod ah.

Sidoo kale, Wasiirka ayaa xusay in maamulka Koonfur Galbeed leeyahay
dowlad xooggan iyo shacab mideysan, taasoo ay lagama maarmaan tahay in
la ixtiraamo madax-bannaanida iyo nidaamka maamulkaasi. Wuxuu intaas
ku daray in cid kasta oo isku dayda inay carqaladeyso amniga maamulka ay
la kulmi doonto jawaab adag oo sharci iyo mid ciidanba leh.

Wasiirka ayaa xusay in ay heleen xog rasmi ah oo caddeyneysa abaabulka
jabhaddan, taasoo lagu diyaariyay Muqdisho, lana damacsan yahay in si
qarsoodi ah lagu soo geliyo deegaanada Koonfur Galbeed, sidaas darteedna
loo baahan yahay feejignaan buuxda.

{DHAGEYSO} Warka Habeenimo ee Warbaahinta Hiiraanweyn {11-05-2025}

Axad, May 11, 2025 {HMC} Dhageystayaal halkan waxa aan idiin kugu soo gudbi neynaa Warka Habeenimo ee Warbaahinta Hiiraanweyn

Warka waxaa soo jeedinayo ::Abdiqani Osoble

Farsamadii ::Mohamed Baryare Haamud

HOOS KA DHAGAYSO WARKA HABEENIMO