Home Blog Page 919

{DHAGEYSO} Warka Subaxnimo ee Warbaahinta Hiiraanweyn {11.05.2025}

Axad, May 11, 2025 {HMC} Dhageystayaal halkan waxa aan idiin kugu soo gudbi neynaa Warka Subaxnimo ee Warbaahinta Hiiraanweyn

Warka waxaa soo jeedinayo ::Yaasiin Ali Ahmed

Farsamadii ::Mohamed Baryare Haamud

HOOS KA DHAGEYSO WARKA SUBAXNIMO

Ra’iisul wasaare Xamse oo guddi u magacaabay ka jawaabida khasaaraha ka dhashay Roobka.

Axad, May 11, 2025 {HMC} Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Xamse Cabdi Barre, ayaa magacaabay guddi heer qaran ah oo ka kooban wasiirro, maamulka gobollada, iyo hay’adda SoDMA, si ay uga jawaabaan saameynta roobab ka da’ay Muqdisho.

Guddigan oo uu hoggaaminayo Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka Labaad, Mudane Jibriil Cabdirashiid, ayaa kormeer ku tagay qaar kamid ah goobaha uu waxyeeleeyay roobka.

Ra’iisul wasaare ku xigeen Jibriil ayaa sheegay in roobabku ay sababeen khasaarooyin naf iyo maal leh, ayna si weyn u saameeyeen ganacsiga iyo isu socodka magaalada.

Wuxuu u mahadceliyay hay’adaha iyo shaqaalaha gurmadka sameeyay, isagoo carrabka ku adkeeyay in Xukuumadda ay ka go’an tahay in ay kaalinteeda ka qaadato maareynta khasaaraha iyo gurmadka degdegga ah ee loo baahan yahay.

Xabbad-joojintii la kala dhax-dhigay Pakistaan iyo Hindiya oo bur-bur qarka usaaran.

Axad, May 11, 2025 {HMC} Xabbad-joojintii uu dhexdhexaadiyay Trump ee Pakistan iyo Hindiya ayaa u muuqata mid aan dhaqan gelin illa hadda kaddib markii milatariga Pakistan diyaaradaha aan duuliyaha lahayn iyo gantaallo ku weerarreen gudaha Hindiya, sida ay ku warantay wakaaladda wararka ee AFP.

Wakaalada wararka Reuters oo xiganeysa wasiirka waxbarashada Kashmir qeybta Pakistan ayaa yiri: Isku dhacyada labada ciidan ee xuduuda isku hor fadhiya wali waa kuwa socda.

“Waxaa weli socda iska horimaadyo ciidamada labada dal ku dhexmaraya xuduuda Kashmir, rasaas iyo madaafiic ayaana si joogto la isku weydaarsanayaa” ayuu yiri

Tan ayaa ka dhigan in heshiiskii xabbad joojinta uusan si dhab ah u hirgalin wali.

Trump, wuxuu ku dhawaaqay inuu dhex dhexaadiyay Pakistan iyo Hindiya, kaddib wada-hadallo waqti dheer qaatay oo ugu dambeyntii heshiis rasmi ah ay labada dal ka gaareen xiisaddii u dhaxeysay.

Pakistan waxay dib ugu furtay hawadeeda dhammaan duulimaadyada caalamiga ah kadib heshiiska xabad-joojinta ah ee ay la gashay Hindiya, kaasoo uu Mareykanku dhexdhexaadinayay.

Xoghayaha Arrimaha Dibadda ee Hindiya, Vikram Misri, ayaa sheegay in Taliyeyaasha Guud ee Hawlgallada Milatariga ee Pakistan iyo dhigooda Hindiya ay isla xiriireen isla markaana waxa uu sheegay inay ku heshiiyeen xabbad-joojin rasmi ah inay labada dal sameeyaan.

{DHAGEYSO} Warka Habeenimo ee Warbaahinta Hiiraanweyn {10-05-2025}

Sabti, May 10, 2025 {HMC} Dhageystayaal halkan waxa aan idiin kugu soo gudbi neynaa Warka Habeenimo ee Warbaahinta Hiiraanweyn

Warka waxaa soo jeedinayo ::Abdiqani Osoble

Farsamadii ::Mohamed Baryare Haamud

HOOS KA DHAGAYSO WARKA HABEENIMO

{DAAWO MUQAALKA} Maxbuus Hore uga Baxsaday Xabsiga Gaalkaacyo oo La Qabtay

Sabti 10, May 2025 {HMC} Maxbuus Hore uga Baxsaday Xabsiga Gaalkaacyo oo La Qabtay

HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA

{DAAWO MUQAALKA} Dhacdooyinkii ugu Dambeeyay ee Caalamka 10-05-2025

Sabti 10, May 2025 {HMC} Waxaa halkan idin kugu soo gudbineyna Dhacdooyinkii Ugu Dambeeyay Caalamka ee Warbaahinta Hiiraanweyn.

HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA

{DAAWO MUQAALKA} Odayaal keeni waayay Rag dhawaan dil geystay oo lagu xeray Matabaan.

Sabti 10, May 2025 {HMC} Odayaal keeni waayay Rag dhawaan dil geystay oo lagu xeray Matabaan.

HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA

{DAAWO MUQAALKA} Wararkii ugu Dambeeyay 10-5-2025.

Sabti 10, May 2025 {HMC} Waxaa halkan idin kugu soo gudbineyna Wararkii ugu Dambeeyay Soomaaliya iyo Caalamka ee Warbaahinta Hiiraanweyn.

HOOS KA DAAWO WARARKII UGU DAMBEEYAY.

{DAAWO MUQAALKA} khasaaraha ka dhashay Roobkii Muqdisho oo la Shaaciyay.

Sabti 10, May 2025 {HMC} khasaaraha ka dhashay Roobkii Muqdisho oo la Shaaciyay.

HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA

{DAAWO MUQAALKA} Maamuka Gobolka Banaadir oo ka Hadlay Khasaarihii ka Dhashay Roobki Xalay

Sabti 10, May 2025 {HMC} Maamuka Gobolka Banaadir oo ka Hadlay Khasaarihii ka Dhashay Roobki Xalay

HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA