Home Blog Page 918

Doowladaha Hindiya iyo Pakistan oo isku eedeeyay jebinta xabbad-joojinta

Axad, May 11, 2025 {HMC}ย  Hindiya iyo Pakistan ayaa midba midka kale ku eedeeyay “xadgudub” saacado ka dib markii labada waddan ay sheegeen inay ku heshiiyeen xabbad-joojin ka dib maalmo ay socdeen weerarro millatari oo xudduudaha ka gudbaya.

Kadib dhawaaqyo qaraxyo ah oo laga maqlay gobolka Kashmiir ee ay Hindiya maamusho, wasiirka arrimaha dibadda ee Hindiya Vikram Misri ayaa sheegay inay jireen “xadgudubyo soo noqnoqday oo ku saabsan fahamkii aan gaarnay”.

Wax yar ka dib, wasaaradda arrimaha dibadda Pakistan ayaa sheegtay in ay โ€œay ka goโ€™an tahay dhaqangelinta daacadda ah ee xabbad-joojinta…inkastoo ay jiraan xad-gudubyada ay Hindiya ka geysanayso meelaha qaarkoodโ€.

Dagaalka u dhaxeeyay Hindiya iyo Pakistan afartii maalmood ee la soo dhaafay ayaa ahaa iska horimaadkii ugu xumaa ee militari oo dhexmara labada dhinac ee iska soo horjeeda muddo tobanaan sano ah.

Madaxweeynaha Mareekanka oo Codsaday Kumannaan Booliis Dheeraad ah Si ay u Tarxiilaan Soo-Salootiga

Axad, May 11, 2025 {HMC}ย  Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump ayaa ku amray Waaxda Amniga Gudaha inay tiradii hore ku biiriyaan ugu yaraan 20,000 oo saraakiil booliis ah si ay gacan uga geystaan tarxiilka muhaajiriinta aan diwaan-gashaneyn.

Tallaabadan oo lagu dhawaaqay Jimcihii ayaa qeyb ka ah qorshaha maamulka ee lagu dhiirrigelinayo dadka inay iskood uu laabtaan dalkooda.

Farriin muuqaal ah, ayuu Trump ku sheegay inuu ka shaqeynayo in ka tegitaanka Mareykanka uu ka dhigo mid fudud.

Dowladda federaalka Mareykanka ayaa bixineysa kharashka muhaajiriinta aan diwaan-gashaneyn ee doonaya inay si iskood ah uga baxaan Mareykanka iyo waliba kharash dheeraad ah.

{DAAWO MUQAALKA} Muxuu kala hadlay Madaxweynaha SCC KHAATUMO madaxadii kula kulmay Muqdisho.?

0

Axad 11, May 2025 {HMC} Muxuu kala hadlay Madaxweynaha SCC KHAATUMO madaxadii kula kulmay Muqdisho.?

HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA

{DAAWO MUQAALKA} FAAH FAAHIN Dad Shacab ah oo lagu Dilay Shabeelada Dhexe.

0

Axad 11, May 2025 {HMC} FAAH FAAHIN Dad Shacab ah oo lagu Dilay Shabeelada Dhexe.

HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA

{DAAWO MUQAALKA} Dagaal ka dhax qarxay Hindiya iyo Bakistaan Kadib markii ay Burday Xabad Joojintii lagu Hishiiyey,

0

Axad 11, May 2025 {HMC} Dagaal ka dhax qarxay Hindiya iyo Bakistaan Kadib markii ay Burday Xabad Joojintii lagu Hishiiyey,

HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA

{DAAWO MUQAALKA} Beel Galmudug ku Nool oo Hubkii iska dhigtay Nabadne ku baaqday.

0

Axad 11, May 2025 {HMC}Beel Galmudug ku Nool oo Hubkii iska dhigtay Nabadne ku baaqday.

HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA

{DAAWO MUQAALKA} Mareeykanka oo Shaaciyey inuusan $96 Milyan u haaynin Howlgalka Cusub ee Soomaaliya.

0

Aad 11, May 2025 {HMC} Mareeykanka oo Shaaciyey inuusan $96 Milyan u haaynin Howlgalka Cusub ee Soomaaliya.

HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA

Puntland oo ka hadashay xiriirka wadashaqaynta ah ee u bilowday iyaga iyo Somaliland.

Axad, May 11, 2025 {HMC} Wasiirka Arrimaha Gudaha Puntland, Cabdi Faarax Saciid Juxa, ayaa difaacay xiriirka wadashaqeyneed ee dhawaan u bilowday Puntland iyo Somaliland.

Wasiir Juxa oo la hadlayay warbaahinta. ayaa sheegay in xiriirkaasi uusan ahayn mid lagu waxyeeleynayo maamulka SSC-Khaatumo, balse uu salka ku hayo iskaashi dhanka amniga ah oo labada dhinac ay ka wadahadleen.

Wasiirku wuxuu caddeeyay in wadashaqeyntaasi ay bilaabatay kadib markii la is dhaafsaday maxaabiis, taasoo noqotay tallaabadii ugu horreysay ee lagu dhisayo kalsooni.

Waxa uu intaas ku daray in labada dhinac ay danaynayaan in ay ku wada noolaadaan derisnimo, is-ixtiraam iyo nabad.

Dhinaca kale, wasiirka arrimaha gudaha Puntland ayaa sheegay, Puntland in aysan marnaba kasoo horjeedin in dadka reer SSC ay yeeshaan maamul ay u madax bannaan yihiin, isagoo sheegay in loo baahan yahay in la isugu yimaado madal lagu kala baxo, si loo noqdo labo maamul.

Juxa ayaa duray tallaabooyinka ugu dambeeyay ee uu qaaday hoggaamiye Firdhiye, isagoo sheegay in aanu in tallaabooyinkaas ay ka turjumayn waxa ka dhaxeeya labada maamul, balse wuxuu sheegay in Puntland mar walba ixtiraamayso rabitaanka SSC Khaatumo, sidoo kalena ay weli sii wadayan taageerada ay u fidiyaan maamulka SSC.

Madaxweynaha Somaliland oo Kulan muhiim ah la qaatay shirkadda ๐€๐Ÿ๐ซ๐ข๐œ๐š๐ง ๐…๐จ๐จ๐ ๐’๐ž๐œ๐ฎ๐ซ๐ข๐ญ๐ฒ.

Axad, May 11, 2025 {HMC} Madaxweynaha Somaliland Mudane Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi (Cirro) oo ay weheliyaan Wasiirrada Madaxtooyada, Beeraha, Afhayeenka iyo Xoghayaha Madaxweynaha ayaa Qasriga Madaxtooyada kulan muhiim ah kula yeeshay Shirkad Caalami ah oo la yidhaa โ€œ๐€๐Ÿ๐ซ๐ข๐œ๐š๐ง ๐…๐จ๐จ๐ ๐’๐ž๐œ๐ฎ๐ซ๐ข๐ญ๐ฒโ€ oo laga leeyahay dalka Maraykanka, kana hawl-gasha Waddammo dhawr ah oo ku yaalla Afrika.

Weftigan waxa hoggaaminayey Maamulaha guud (CEO) ee Shirkadda Mr. Allan Kessler oo ay wehelinayeen Edward Meijering, Rage Adan, iyo Mohamed Diriye oo dhammaantood ah hawl-wadeenno ka tirsan Shirkadda African Food Security.

Ugu horrayn Madaxweynaha Somaliland waxa uu masuuliyiinta African Food Security uga mahad naqay booqashadooda,waxana uu u sheegay in Xukuumadiisu ay mudnaan gaar ah siinayso kobcinta wax-soo-saarka beeraha, kor-u-qaadista dalagga u adkaysta abaaraha iyo isbeddelka cimilada, casriyeynta farsamada wax beerista, tababarka beeralayda iyo kor qaadista xirfadahooda.

Sidoo kale, Madaxweynuhu waxa masuuliyiinta African Food Security u sheegay in Somaliland ay soo dhawaynayso cid kasta oo ula timaada maal-gelin faaโ€™iido u leh dadka iyo dalka, gaar ahaan xagga saraca iyo wax-soo-saarka beeraha.

Iyaguna dhinacooda, Maamulaha guud Mr. Allan Kessler iyo masaxda kale ee Shirkadda African Food Security waxa ay Madaxweynaha uga mahad naqeen qaabilaada iyo soo dhawaynta. Waxa ay sheegeen in ay Shirkad ahaan aad ugu faraxsan yihiin in ay maal-gashadaan dal sida Somaliland oo kale ah. Waxa ay sheegeen in ay awood dhaqaale iyo mid aqooneedba u leeyihiin in ay Somaliland ka hirgeliyaan isbeddel la taaban karo oo ah xagga casriyeynta qaabka wax beerista, wax-soo-saarka Beeraha iyo calafkka Xoolaha, taasina ay Somaliland ka saacidi doonto in dalku uu iskii u soo saaro cunto ku filan.

African Food Security waxa ay sheegeen in marka la eego buqcadda istiraatijiyadeed ee ay Somaliland ku taallo in ay mustaqbalka awood u yeelan doonto in ay Sucuudi Caraabiya iyo Waddammada Gacanka Carabta (GCC) u dhoofiso wax-soo-saarka dalagyada beeraha

Ugu dambayntii, Madaxweynaha Somaliland waxa uu weftiga ka socday Shirkadda African Food Security u sheegay in wixii heshiis ah ee ay labada dhinac wada galayaan, uu u xilsaaran yahay Wasiirka Wasaaradda Horumarinta Beeraha.

{DHAGEYSO} Warka Subaxnimo ee Warbaahinta Hiiraanweyn {11.05.2025}

Axad, May 11, 2025 {HMC} Dhageystayaal halkan waxa aan idiin kugu soo gudbi neynaa Warka Subaxnimo ee Warbaahinta Hiiraanweyn

Warka waxaa soo jeedinayo ::Yaasiin Ali Ahmed

Farsamadii ::Mohamed Baryare Haamud

HOOS KA DHAGEYSO WARKA SUBAXNIMO