Home Blog Page 917

{DAAWO MUQAALKA} “Anigaa ayaa iska soo tuuray dabaqa kadib caburiska ninkeyga igu sameeyay”.

0

Axad 11, May 2025 {HMC} “Anigaa ayaa iska soo tuuray dabaqa kadib caburiska ninkeyga igu sameeyay”.

HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA

{DAAWO MUQAALKA} Ciidamada Jubaland oo howlgalo culus ku qaaday AS

0

Axad 11, May 2025 {HMC} Ciidamada Jubaland oo howlgalo culus ku qaaday AS

HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA

{DAAWO MUQAALKA} Puntland maxay ka tiri xiriirka wadashaqaynta ah ee la bilowday Somaliland?

Axad 11, May 2025 {HMC} Puntland maxay ka tiri xiriirka wadashaqaynta ah ee la bilowday Somaliland?

HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA

{DAAWO MUQAALKA} Wararka ugu waa weyn Soomaaliya iyo Caalamka 11/05/2025

0

Axad  11, May  2025 {HMC}   Waxaa halkan idin kugu soo gudbineynaa Wararka ugu waa weyn Soomaaliya iyo Caalamka ee Warbaahinta Hiiraanweyn

Hoos ka daawo Wararka ugu waa weyn

{DHAGEYSO} Warka Duhurnimo ee Radio Hiiraanweyn {11-05-2025}

Sabti 10-May-2025 {HMC} – Dhageystayaal halkan waxa aan idiin kugu soo gudbi neynaa Warka Duhurnimo ee Warbaahinta Hiiraanweyn
Warka waxaa soo jeedinayo ::Sahro Gabre iyo Shugri Bayare

Farsamadii ::Abdiqani Osoble

Maxay Yihiin Diyaaradaha Turkigu Farsameeyay ee Hindiya ay ku eedeysay Pakistan inay adeegsatay?

Axad, May 11, 2025 {HMC} Hindiya ayaa ku eedeeysay Pakistan in ay diyaradaah aan duuliyah lahayn ku bartilmaameedsatay qeybo kal duwan oo dalkeeda ah kadib weerar ballaaran oo habeenimadii khamiista ay ku qaadday.

War-saxaafadda ay jeedisay Korneyl Sophia Qureshi oo ah taliye ka titrsan ciidamada Hindiya ayaa tir ” Ciidaamada Pakistan waxa ay ku bartimaameedsadeen kaabayaal milateri habeenimadii khamiista 300 ilaa 400 diyaardaha aan duuliyaha lahayn ee ay Pakistan soo dirtay.

Si kastaba ha ahaatee, Wasiirka Difaaca Pakistan ayaa beeniyay weerarka.

Kornayl Sophia ayaa tiri, “isku dayga lagusoo galay gudaha waxaa loo adeegsaday 300-400 oo diyaaradaha aan duuliyaha lahayn ee Drones-ka taas oo lagu weeraray 36 goobood lagasoo bilaabo Leh ilaa Sir Creekoo. Ciidamada ammaanka Hindiya ayaa soo riday qaar badan oo ka mid ah diyaaradahaas.”

Wax ay sheegtay, “Ujeeddada suurtagalka ah ee gelitaanka hawadan baaxadda leh in ay ahayd in la tijaabiyo nidaamka difaaca hawada iyo ururinta xogta sirta ah. Baaritaanno lagu samaynayo burburka diyaaradda Drones-ka ayaa la wadaa. Baarista hore waxay tilmaantay in kuwani ay yihiin diyaaradaha aan duuliyaha lahayn ee Assigard Songar ee Turkiga.”

Diyaaradaha Sonagar waxay xabmaaraan hubka UAV- ama kuwa aan duuliyaha lahay ee ay naqshadeysay oo ay samaysay shirkadda difaaca Turkiga ee Asisguard.

Sida laga soo xigtay mareegta warshadda soo saarta qalabka milatariga ee Turkiga Asisguard, Songar waxa ay leedahay awoodo gaar ah oo ay ku ogaan karto kuna burburin karto bartilmaameedkeeda, waana nidaamkii drone ugu horreeyay ee o hubaysan ee Turkiga soo saro.

Waxa markii ugu horeysay la siiyay ciidamada qalabka sida ee Turkiga sanadkii 2020-kii.

Websaydka ayaa sheegaya in Songarh loo isticmaali karo xudduudaha iyo hawlgallada milatari ee ka baxsan xuduudda si loogu weeraro meelo badan oo ka dhan ah hanjabaadaha qarsoon ama cad ee ka imaan karo gawaariida dhulka.

Waxa lagu rakibay kamarado si loogu isticmaalo ilaalinta iyo sawirrada waqtiga dhabta ah. Marka laga reebo tan, sidoo kale si wax ku ool ah ayaa loo isticmaali karaa weerarka haddii loo baahdo.

Marka loo eego sida ay sheegeyso shirkaddu, sifada gaarka ah ee Songarh waa in ay ku qalabaysan tahay qoriga sida darandooriga u dhaca .

Waxa si wax ku ool ah loogu isticmaali karaa howlgallada ciidamada iyo kuwa amni habeen iyo maalinba.

Diyaaradaha aan duuliyaha lahayn ee Songarh oo ku qalabaysan qoryaha darandooriga u dhaca ayaa awood u leh inay ridaan 200 oo xabbo oo rasaas ah.

Soo gudbinta muuqaallada waqtiga dhabta ah waxa laga xakameyn karaa dhulka waxaana si toos ah loogu jihayn karaa bartilmaameedka ama waxa lagu xakameyn karaa iyada oo loo marayo nidaamka GPS.

Tan iyo markii loo sameeyay si ay militarigu u isticmaalaan , shirkaddu waxay sidoo kale sheeganeysaa saxnimadeeda.

Arrin kale oo ayaa ah, haddii ay dhacdo carqlad dhanka isgaarsiinta ama baterigu uu shaqeyn waayo, diyaaraddan aan duuliyaha lahayn waxay awood u leedahay inay si toos ah u soo noqoto.

Website ay shirkaddu leedahay ayaa lagu sheegay in diyaaradda aan duuliyaha lahayn ee Songarh lagu rakibi karo baabuurta dhulka ama lagu duulin karo hawlgallada UAV ee keligood ah.

Sanadkii 2020, waxa lagu rakibay 4×4 gawaarida gaashaaman si uu gacan uga geysto dagaalka dhow iyo macluumaadka la xiriira dhanka ilaalada.

Sannadkii 2024, Shirkadda Nidaamka Difaaca ee Repcon, iyadoo la kaashanaysa Asisguard, waxay ku qalabaysay diyaaradda aan duuliyaha lahayn ee Songar 40 mm oo bam-gacmeedyo badan ah, taas oo kordhinaysa awooddeeda weerar

Turkiga ayaa si cad u garab istaagay Pakistan tan iyo markii ay cirka isku sii shareertay xiisadda u dhaxeysa labada dal ee deriska ah ee ku hubeysan nukliyeerka ee Koonfurta Aasiya ka dib weerarkii ay maleeshiyaadku ku qaadeen Pahalgam.

Madaxweynaha Turkiga, Recep Tayyip Erdogan, ayaa taleefoonka kula hadlay Ra’iisal Wasaaraha Pakistan Shahbaz Sharif, ka dib duqeyntii ay Hindiya ka geysatay Pakistan 7-dii bishan May.

Sida laga soo xigtay xafiiska madaxtooyada Turkiga, “Erdogan ayaa sheegay in Turkigu uu sameyn doono wax kasta oo suurtagal ah si looga hortago xiisadda sii xumaanaysa iyo in ay si wadayaan xiriirkooda diblomaasiyadeed.”

Madaxweynaha Turkiga ayaa sidoo kale taageeray go’aanka Pakistan ee ah in baaritaan caalami ah oo madax banaan lagu sameeyo weerarkii Pahalgam.

Erdogan ayaa walaac ka muujiyay dhimashada sii kordheysa ee dadka rayidka ah waxa uu sheegay, “Waxa aan ka walaacsannahay in xiisadda u dhexeysa Pakistan iyo India ay sare u kacdo oo ay keento dagaal furan iyo weerarro gantaallo ah oo sababi kara dhimashada dad badan oo rayid ah.”

Waxa uu yiri “Waxa aan Allaah uga baryayaa inuu naxariistii janno ka waraabiyo walaalaheenna ku dhintay weerarradaas, waxa aan mar kale tacsi u dirayaa shacabka iyo dowladda Pakistan ee aan walaalaha nahay”.

Ka dib weerarkii argagixisanimo ee ka dhacay Pahalgam ee Jammu iyo Kashmiir 22-kii bishii hore ee ay ku dhinteen 26 qof, Hindiya waxay duqaymo cirka ah ka fulisay 9 goobood oo Pakistan ah saacadihii hore ee 7 May, waxayna sheegtay in weeraradan lala beegsaday goobo ay ku dhuuntaan argagixisadu oo aan lala beegsan goob ciidan ama dad rayid ah.

Jimcihii, Hindiya waxay sheegatay in fiidnimadii 8-dii May, maalintii khamiista, Pakistan ay weerar loo adeegsaday diyaaradaha aan duuliyaha lahayn iyo gantaalaha ku qaadday aagga xadka galbeed oo ay ku jirto Jammu. Pakistan ayaa beenisay sheegashada Hindiya.

Dhanka kale, Maraykanka iyo Qaramada Midoobay ayaa ka codsaday labada waddan inay yareeyaan xiisadda.

Faahfaahino laga Helayo Maliishiyaad Shacab ku Dilay Degmada Cadale

Axad, May 11, 2025 {HMC} Wararka ka imaanaya deegaanka Koogaar ama Burdheere oo ka mid ah deegaanada hoostaga degmada Cadale ee gobolka Shabeellaha Dhexe ayaa sheegaya in aroornimadii hore ee saakay maleeshiyaad hubeysnaa ku dileen laba ruux oo shacab ah.

Labada qof ayaa la tilmaamay in mid ka mid ah uu shaqeynayay shirkad isgaarsiineed oo ku taala deegaanka, halka midka kalana uu ka shaqeynayay Ceel biyood ku yaala deegaanka.

Marxuumiinta waabarigii hore ee saakay la dilay ayaa lagu kala magacaabi jiray Fanax Macalin Xabeeb iyo Muxudiin Caraale, waxaana dadka deegaanku Warbaahinta u xaqiijiyeen in ragga dilka geystay ay kasoo jeedaan degmada Cadalle, islamarkaana ay goobta ka baxsadeen.

Lama oga ilaa iyo hada sababta rasmiga ah ee ka dambeysay weerarkaan lagu dilay labada riix, hayeeshee waxaa lala xariirinaya arrimo salka ku haayo aanooyin qabiil waxaana dadka deegaanka ayaa sheegeen in falkaani uu sababi karo hurinta xiisad colaadeed.

Dilkaan ayaa kusoo beegmaya, iyadoo dhowr maalmood ka hor duleedka degmada Cadalle lagu dilay Darawal waday gaari Noha ah, kaasoo la sheegay iney toogteen maleeshiyaad hubeysan oo iyaguna kasoo jeeday Cadalle.

Ugu dambeyntii ma jirto wax war ah oo kasoo baxay dhanka maamulka degmada Cadalle iyo hay’adaha amaanka ee heer gobol iyo heer fedaraal oo ku aadan dilalkaan kusoo badanaya deegaanada hoostaga degmada Caddale ee gobolka Shabeellaha Dhexe.

Doowladaha Hindiya iyo Pakistan oo isku eedeeyay jebinta xabbad-joojinta

Axad, May 11, 2025 {HMC}  Hindiya iyo Pakistan ayaa midba midka kale ku eedeeyay “xadgudub” saacado ka dib markii labada waddan ay sheegeen inay ku heshiiyeen xabbad-joojin ka dib maalmo ay socdeen weerarro millatari oo xudduudaha ka gudbaya.

Kadib dhawaaqyo qaraxyo ah oo laga maqlay gobolka Kashmiir ee ay Hindiya maamusho, wasiirka arrimaha dibadda ee Hindiya Vikram Misri ayaa sheegay inay jireen “xadgudubyo soo noqnoqday oo ku saabsan fahamkii aan gaarnay”.

Wax yar ka dib, wasaaradda arrimaha dibadda Pakistan ayaa sheegtay in ay “ay ka go’an tahay dhaqangelinta daacadda ah ee xabbad-joojinta…inkastoo ay jiraan xad-gudubyada ay Hindiya ka geysanayso meelaha qaarkood”.

Dagaalka u dhaxeeyay Hindiya iyo Pakistan afartii maalmood ee la soo dhaafay ayaa ahaa iska horimaadkii ugu xumaa ee militari oo dhexmara labada dhinac ee iska soo horjeeda muddo tobanaan sano ah.

Madaxweeynaha Mareekanka oo Codsaday Kumannaan Booliis Dheeraad ah Si ay u Tarxiilaan Soo-Salootiga

Axad, May 11, 2025 {HMC}  Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump ayaa ku amray Waaxda Amniga Gudaha inay tiradii hore ku biiriyaan ugu yaraan 20,000 oo saraakiil booliis ah si ay gacan uga geystaan tarxiilka muhaajiriinta aan diwaan-gashaneyn.

Tallaabadan oo lagu dhawaaqay Jimcihii ayaa qeyb ka ah qorshaha maamulka ee lagu dhiirrigelinayo dadka inay iskood uu laabtaan dalkooda.

Farriin muuqaal ah, ayuu Trump ku sheegay inuu ka shaqeynayo in ka tegitaanka Mareykanka uu ka dhigo mid fudud.

Dowladda federaalka Mareykanka ayaa bixineysa kharashka muhaajiriinta aan diwaan-gashaneyn ee doonaya inay si iskood ah uga baxaan Mareykanka iyo waliba kharash dheeraad ah.

{DAAWO MUQAALKA} Muxuu kala hadlay Madaxweynaha SCC KHAATUMO madaxadii kula kulmay Muqdisho.?

0

Axad 11, May 2025 {HMC} Muxuu kala hadlay Madaxweynaha SCC KHAATUMO madaxadii kula kulmay Muqdisho.?

HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA