Home Blog Page 926

Qoys Soomaali ah oo ka kooban lix qof oo aano qabiil loo dilay

Jimco 09, May 2025 {HMC} Lix qof oo ah hal qoys ayaa lagu dilay weerar lagu qaaday hoygooda oo ku yaal magaalada Mandheera.

Weerarka oo lagu sheegay in uu yahay mid aano-qabiil salka ku haya ayaa dabo socday colaado dhulka miyiga ah ku dhexmaray labo reer oo wada degan magaalada Mandheera ee gobolka Waqooyi Barri Kenya.

Cabdulaahi Macalin Xasan oo la walaal ah ninka qoyskiisa la dilay ayaa faahfaahiyay sida ay wax u dhaceen.

Wiil Soomaali ah oo lagu eedeeyay in uu dhacay Bitcon qiimihiisu gaarayo $330 Milyan

Jimco 09, May 2025 {HMC} Sida lagu baahiyay barta X ee ZachXBT oo ah bar falanqaysa sidoo kalana baarta khiyaanooyinka ku saabsan lacagaha dijitaalka ah, Bitcoin qiimihiisu gaarayo $330 milyan oo dollar ayaa la xaday iyada oo la adeegsanayo farsamo loo yaqaano “social engineering” taasoo ah khiyaano dadka lagu marin habaabiyo si looga helo xog sir ah ama loo xado hantidooda.

Warbixinnada lagu daabacay barta X ee ZachXBT ayaa muujinaya in qofka dhibbanaha ah uu yahay qof waayeel ah oo ku nool dalka Mareykanka.

Kadib dadaalo badan oo ay sameeyeen ZachXBT iyo shirkadda is-weydaarsiga lacagaha crypto ee Binance ayaa suurtagelisay in la xayiro qiyaastii 7 milyan oo dollar taas oo lala xiriirinayo lacagta la xaday.

Baarayaasha dhacdadaan ayaa waxay aaminsan yihiin in weerarku uu ka yimid khiyaano taleefan, taas oo ay dambiilayaashu ku qanciyeen dhibbanaha inuu siiyo gelitaanka akoonkiisa lacagaha crypto-ga.

Noocan khiyaanada ah, oo inta badan loo yaqaan “social engineering”, ayaa ku tiirsan xeelado maskaxeed oo lagu marin habaabiyo dadka halkii laga isticmaali lahaa weerarro farsamo, si loo dhaafo ama loo jebiyo nidaamyada amniga.

Xogaha la helay ayaa tilmaamaya in shaqsiyaadka lagu tuhunsanyahay in ay xiriir la leeyihiin wicitaanka oo khiyaanada ah, uu ka mid yahay eedeysane isticmaala magaca been abuurka ah “X,” kaasoo la rumeysan yahay inuu ku sugan yahay Boqortooyada Ingriiska isla markaana asal ahaan uu Soomaali yahay.

Qof kale oo lagu magacaabo ‘Work’ ayaa isna la aaminsan yahay inuu ka qayb qaatay qorshahaan. Labadan eedeysane ayaa la sheegay inay masaxeen raadkoodii internet-ka kadib marka ay dhacdadu dhacday.

Madaxweyne Xasan Shiikh oo sheegay in ay ka go’antahay qabashada Doorasho qof iyo cod ah

Jimco 09, May 2025 {HMC} Madaxweynaha Dowladda Federaalka Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa magaalada Muqdisho ku qaabilay wafdi sare oo ka socda Dowladda UK.

Wafdigaan oo ay hoggaamineyso Harriet Mathews, Agaasimaha Guud ee UK u qaabilsan Afrika iyo Ameerikada ee Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee Boqortooyada Midowday (FCDO) ayaa Soomaaliya u yimid sidii loo xoojin lahaa Wadashaqeynta labada dal.

Kulanka Madaxweynaha iyo Wafdiga ayaa diiradda lagu saaray xoojinta iskaashiga Soomaaliya iyo Boqortooyada UK, iyadoo si gaar ah looga hadlay amniga, howlgalka AUSSOM, horumarka siyaasadeed iyo sida loo sii adkayn karo guulaha laga gaaray nabadgelyada iyadoo la adeegsanayo wada shaqayn iyo taageero iskaashi oo joogto ah.

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa adkeeyay sida ay uga go’an tahay dowladda Soomaaliya in ay sii xoojiso iskaashiga istiraatiijiga ah ee kala dhaxeeya UK, si loo xaqiijiyo xasillooni waarta, doorashooyin qof iyo cod ah ku saleysan, iyo nabad muddo dheer lagu naaloon karo guud ahaan gobolka.

{DHAGEYSO} Warka Subaxnimo ee Warbaahinta Hiiraanweyn {09.05.2025}

Jimco 09, May 2025 {HMC} Dhageystayaal halkan waxa aan idiin kugu soo gudbi neynaa Warka Subaxnimo ee Warbaahinta Hiiraanweyn

 

Warka waxaa soo jeedinayo ::Abdirahman Macalin Muse

Farsamadii ::Mohamed Baryare Haamud

HOOS KA DHAGEYSO WARKA SUBAXNIMO

{DAAWO MUQAALKA} Culumadda Ahlusuna Waxay diyaar u yihiin Dagaalka AS”’Shekh Soomoow”

Khamiis  08, May  2025 {HMC} Culumadda Ahlusuna Waxay diyaar u yihiin Dagaalka AS”’Shekh Soomoow”

HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA

{DAAWO MUQAALKA} Wararkii ugu Dambeeyay 08-5-2025.

khamiis 08, May  2025 {HMC} Waxaa halkan idin kugu soo gudbineyna Wararkii ugu Dambeeyay Soomaaliya iyo Caalamka ee Warbaahinta Hiiraanweyn.

HOOS KA DAAWO WARARKII UGU DAMBEEYAY.

{DAAWO MUQAALKA} Madaxweynaha Koonfur Galbeed Oo dib ugu laabtay Baydhabo

Khamiis  08, May  2025 {HMC} Madaxweynaha Koonfur Galbeed Oo dib ugu laabtay Baydhabo

HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA

{DAAWO MUQAALKA} “Waxaan ka Digayaa in Soomalida aay ku kala Tagto siyaasad”Nabadoon Ahmed janaale

Khamiis  08, May  2025 {HMC} “Waxaan ka Digayaa in Soomalida aay ku kala Tagto siyaasad”Nabadoon Ahmed janaale

HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA

{DAAWO MUQAALKA} Garsoore kubadda cagta ah oo lagu gubay Waddan ka Congo

Khamiis  08, May  2025 {HMC} Garsoore kubadda cagta ah oo lagu gubay Waddan ka Congo

HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA 

{DHAGEYSO} Warka Habeenimo ee Warbaahinta Hiiraanweyn {08-05-2025}

 

Khamiis 08, May 2025 {HMC} Dhageystayaal halkan waxa aan idiin kugu soo gudbi neynaa Warka Habeenimo ee Warbaahinta Hiiraanweyn

 

Warka waxaa soo jeedinayo ::Abdiraxman Macalin Muse

Farsamadii ::Mohamed Baryare Haamud

HOOS KA DHAGEYSO WARKA HABEENIMO