Home Blog Page 925

Hay’adaha UN-ka oo xafiisyadooda Magaalada Garowe ka eryay shaqaale badan.

Jimco 9, may 2025 {HMC} Hay’adaha Qaramada Midoobay ee xafiisyada ku leh magaalada Garowe ee Caasimada Maamulka Puntland ayaa shaqadii ka eryay qaar kamid ah shaqaalahooda, iyadoo ay saameyn ku yeelatay shaqaalaha ilaalada ka ah xarumaha UNka iyo kuwa nadaafadda ka shaqeeya.

Hay’adda UNICEF ayaa ah tan ugu badan ee fasaxday tiro badan oo shaqaalaheeda ka tirsan, sida uu xaqiijiyay ilo-wareed ka tirsan hay’adda oo la hadlay HOL, balse codsaday in aan magaciisa la shaacin.

Shaqaalahan la fasaxay ayaa waxaa lagu wargeliyay in heshiisyadoodii shaqo laga kansalay, waxaana loo sheegay in fasaxooda uu dhaqan galay bishan May. Dadka la fasaxay waxay u badan yihiin ilaalada xarunta weyn ee UNICEF ee Garowe iyo shaqaalaha hoose sida kuwa nadaafadda.

Go’aankan ayaa yimid kaddib markii hoos u dhac weyn ku yimid taageeradii dhaqaale ee hay’addu ka heli jirtay Dowladda Mareykanka. UNICEF ayaa sheegtay in miisaaniyaddeeda sanadka 2026 ay hoos u dhici doonto ugu yaraan 20% marka loo eego tan sanadka 2024, sababo la xiriira hoos u dhaca deeqaha caalamiga ah – gaar ahaan kuwa ka yimaada Mareykanka.

Sanadkii aan soo dhaafnay ee 2024, Dowladda Mareykanka waxay ahayd deeq-bixiyaha ugu weyn ee UNICEF, iyadoo siisay in ka badan $800 milyan. Laakiin isbeddelladii uu sameeyay Madaxweyne Donald Trump ayaa horseeday in malaayiin doollar laga dhimo gargaarka bani’aadantinimo, taas oo si toos ah u saameysay howlihii UNICEF ee gudaha Soomaaliya.

Waxaa la saadaalinayaa in shaqaale kale oo dheeraad ah la fasaxo inta sanadka ka dhiman, haddii aan xal loo helin hoos u dhaca dhaqaale ee hay’addu wajahdo.

Ganacsigii magaalada Beled Xaawo oo u xiran Xiisad ka dhalatay Dil wiil yar loogu geeystay Gudaha Magaalada.

Jimco 09 ,May 2025 {HMC} Wararka ka imaanaya magaalada Beled Xaawo ee Gobolka Gedo ayaa kusoo waramaya in Maanta ay xiran yihiin dhammaan Ganacsiyada ku yaalla Beledxaawo kaddib bannaan bax xooggan ay halkaas ka dhigeen Dad caraysan.

Wararka waxa ay intaasi ku darayaan in Dadkaan ay ka gadoodeen dil Wiil yar oo lagu magacaabo Cabdiraxmaan Cali loogu geystay gudaha Magaaladaas kaasi oo la sheegay in uu ka dambeeyay Askari ka tirsan Dowlad Goboleedka Jubbaland.

Dadka degaanka oo warbaahinta la hadalay ayaa u sheegay in ay yihiin kuwa dalbanaya Caddaaladda Wiilka yar ee la dilay Islamarkaana doonaya in la soo qabto gacan ku dhiiglaha falkaasi sameeyay.

Goob joogayaal ayaa sheegay in Askariga dilkaan geystay uu u baxsaday dhinaca Ciidamada Jubbaland oo bannaanka magaalas Beledxaawo Xero ku leh.

Maamulka Degmda iyo laamaaha amaanka ayaan wali wax war ah kasoo saarin dhacdadii dilka ahayd iyo waxa maanta ka socda Beledxaawo ee ay shacabka la xireen ganacsigooda si ay wiilka yar cadaalad ugu helaan.

Madaxweyne Xasan Sheekh oo ka qayb galay janaasada AUN Ugaas Cabdullaahi Ugaaas Faarax.

Jimco 09 ,May 2025 {HMC} Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa salaadda Janaazadda ku tukaday AUN Marxuum Ugaas Cabdullaahi Ugaas Faarax.

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa salaadda janaasada kaddib tacsi gaar ah la wadaagay qoyska iyo qaraabada iyo umadda Soomaaliyeed oo uu ka baxay Ugaasku. “Alle ha u naxariistee, Ugaas Cabdullaaho Ugaas Faarax, waxaan Alle uga baryaa in uu hoygiisa ka yeelo jannatul Fardowsa, samir iyo iimaanna uu ka siiyo dhammaan qoyska iyo ehelka uu ka baxay marxuumku”

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud waxaa kala qeybgalay tukashada Salaadda Janaasada Madaxwaynaha Dowlad Goboleeeka Galmudug, Mudane Axmed Cabdi Kaariye iyo Madaxwaynaha Dowlad Goboleedka Hirshabeelle, Mudane Cali Cabdullaahi Xuseen iyo mas’uuliyiin kale oo ka tirsan labada gole ee Dowladda ee Xukuumadda iyo Baarlamaanka.

 

Qadar iyo Soomaaliya oo ku heshiiyay in shaqo abuur loo sameeyo dhallinyarada Soomaaliyeed.

Jimco 09 ,May 2025 {HMC} Wafdi uu hogaaminayo wasiirka Wasaaradda shaqada iyo arrimaha bulshada Soomaaliya yuusuf Maxamed Aadan oo ku sugan magaalada Doha ee ayaa kullumo miro dhal ah waxay la qaateen madaxda dawladda Qadar gaar ahaan madaxda Wasaaradda shaqada ee Xukuumadda dalkaasi.

Guddi laba dhinac ah oo ka socda Soomaaliya iyo Qadar ayaasi gaar ah uga hadlay nidaamka shaqaalaysiinta iyo hirgelinta heshiiska shaqada oo ay labada dal saxiixeen.

Hishiiska shaqaaleysiinta dhallinyarada Soomaaliyeed ee dalka Qatar waa mashruuc lagu shaqaaleysiinayo in ka badan 10 kun oo dhallinyaro ah kuwaasi oo iskugu jira dhallinyarada xirfadaha leh iyo kuwa aan xirfadaha lahayn.

Wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha Bulshada Soomaaliya waxaa ka go’an raadinta fursadaha shaqo abuurka ee dalka dibaddiisa,si ay dhalinyarada Soomaaliyeed u helaan nolol iyo mustaqbal waara.

Somalia Joins African Data Protection Association (NAPDA)

Friday 09, May 2025 {HMC} The Federal Government of Somalia has officially become a member of the Network of African Data Protection Authorities (NAPDA). The formalization of Somalia’s membership took place following the 8th meeting of the Association, held recently in Abuja, Nigeria.

Mr. Mohamed Nur Olow, the Director General of Somalia’s National Data Protection Authority, represented the country at the meeting. He conveyed Somalia’s firm commitment to safeguarding personal data, protecting digital privacy, and actively participating in regional forums dedicated to addressing data protection issues.

The NAPDA meeting brought together heads of data protection authorities from across the African continent. Discussions focused in depth on strengthening cooperation among member countries, facilitating the exchange of valuable experiences, and working towards the development of unified laws and mechanisms essential for navigating contemporary digital challenges.

On the sidelines of the conference, Director General Olow held separate bilateral meetings with the heads of other participating organizations. In these discussions, he emphasized the critical importance of close cooperation between Somalia and other African nations in effectively addressing common challenges in the field of data protection.

Soomaaliya oo si rasmi ah ugu biirtay Ururka Dhowrista Xogta ee Afrika (NAPDA)

Jimco 09, May 2025 {HMC}Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta si rasmi ah ugu biirtay Ururka Afrika ee Dhowrista Xogta (Network of African Data Protection Authorities – NAPDA), ka dib kulankii 8-aad ee Ururka oo lagu qabtay magaalada Abuja ee dalka Nigeria.

Mareeyaha Guud ee Hay’adda Dhowrista Xogta Dadweynaha, Mudane Maxamed Nuur Colow oo ka qaybgalay shirka ayaa muujiyay sida ay Soomaaliya uga go’an tahay ilaalinta xogta shakhsiyeed, asturnaanta dijitaalka ah iyo ka qaybgalka madasha heer goboleed ee arrimaha dhowrista xogta.

Kulanka NAPDA oo ay isugu yimaadeen madaxda hay’adaha dhowrista xogta ee dalal Afrika ayaa si qoto dheer uga dooday xoojinta iskaashiga dalalka xubnaha ah, is-dhaafsiga waayo-aragnimada iyo sidii loo horumarin lahaa sharciyo iyo hannaan mideysan oo lagu wajahayo caqabadaha dijitaalka ah.

Maareeyaha ayaa kulamo gaar gaar ah la yeeshay madaxda hay’adaha kale ee ka qeybgalayay shirweynaha, isagoo adkeeyay muhiimada iskaashi dhow oo dhex mara Soomaaliya iyo dalalka Afrika si loogu wajahdo caqabadaha wadajirka ah ee xagga xog-ilaalinta.

Mareykanka oo shaaciyay dhaqaalaha kaga baxay Dhismaha Ciidanka Xoogga

Jimco 09, May 2025 {HMC} Safaaradda Mareykanka ee Soomaaliya ayaa shaaca ka qaaday in dowladda Mareykanka ay tan iyo sanadkii 2007 si toos ah ugu taageertay Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed lacago gaaraya $782 milyan, taas oo qeyb ka ah dadaallada Mareykanka ee lagu dhisayo hay’adaha amniga Soomaaliya.

Bayaan kasoo baxay Safaaradda Mareykanka ee Muqdisho ayaa lagu sheegay in taageeradaasi ay qeyb ka tahay xoojinta awoodda CXDS si ay ula dagaallamaan AS, u sugaan amniga dalka, ugana shaqeeyaan nabadda iyo xasilloonida guud ee Soomaaliya.

“Waxaan si toos ah u maalgelinay tababarka, qalabaynta, iyo taageerada howlgal ee ciidanka Soomaaliyeed tan iyo 2007, si loo xaqiijiyo in Soomaaliya yeelato ciidan qaran oo awood u leh difaaca shacabka iyo qaranka,” ayaa lagu yiri warbixinta.

Dowladda Mareykanka ayaa sidoo kale xustay in ay sii wadi doonto iskaashiga dhow ee ay la leedahay dowladda Federaalka Soomaaliya, si loo dhiso hay’adaha amni ee dalka.

Warbixinta ayaa imaaneysa xilli Soomaaliya ay ku jirto marxalad kala guur ah oo dhanka amniga ah, iyadoo ciidamada ATMIS ee hadda loo beddelay AUSSOM wajahayaan dhaqaale la’aan.

{DHAGEYSO} Warka Duhurnimo ee Radio Hiiraanweyn {04-05-2025}

Warka waxaa soo jeedinayo ::Abdirahman Macalin Muse

Farsamadii ::Mohamed Hassan Owsei

Halka Iiraan ay ka taagantahay dagaalka Pakistan iyo Hindiya

Jimco 09, May 2025 {HMC} Iyadoo ay weli taagan tahay xiisadda u dhaxeysa Hindiya iyo Pakistan, ayaa wasiirka arrimaha dibadda ee Iran Abbas Araghchi, waxa uu booqday labada dal ee Pakistan iyo Hindiya toddobaadkan.

Iran ayaa cambaareysay weerarkii Pahalgam waxayna sidoo kale soo bandhigtay inay dhexdhexaadin doonto labada dhinac, si loo dejiyo xiisadda labada dal .

Madaxweynaha Iran, Masoud Pezeshkian, ayaa khadka taleefanka kula xiriiray raysal wasaaraha Hindiya, Narendra Modi, si uu u cambaareeyo weerarkii Pahalgam ka dhacay laba todobaad ka hor, wuxuuna sidoo raysal wasaaraha Pakistan Shahbaz Sharif kala hadlay xiisadda.

Iiran iyo Pakistan waa wadamo jaar ah, waxaana jira xuduud dheer oo u dhaxaysa labadaas dal. “Iran waxay jeclaan lahayd in sida ugu dhaqsiyaha badan loo soo afjaro dagaalka Hindiya iyo Pakistan, sababtoo ah haddii colaada gobolka ay ka sii darto, waxaa laga yaabaa in Iran ay saameyso maadaama ay xadka ay la wadaagto Pakistan.” Ayuu yiri khabiir.

Ilaa hadda ma jiro wadan ay Iiraan la safatay ka dib weerarkii ay Hindiya dhawaan ku qaaday Pakistan.

Dhanka kale, xiriirka ganacsi ee Hindiya iyo Iran ayaa ahaa mid xooggan sababtoo ah sababo la xirriira arrimo taarikheed, mid istiraatijiyadeed iyo dhaqaale. Sannadkii 2022 ilaa 2023-kii, ganacsiga u dhexeeya Hindiya iyo Iran wuxuu ahaa ku dhawaad $2.5 bilyan.

Hindiya waxa ay Iran u dhoofisay badeecooyin qiimahoodu dhan yahay $1.9 bilyan halka Iran ay Hindiya u dhoofisay alaabo qiimaheedu dhan yahay $600 milyan.

Sidee xalay wax uga dhaceen Hindiya?

Jimco 09, May 2025 {HMC} Xalay, Hindiya waxay Pakistan ku eedaysay inay saddex ka mid ah saldhigyadeeda millatari ku weerartay diyaaradaha aan duuliyaha lahayn iyo gantaallo, eedeyntaas oo Islamabad ay beenisay.

Ciidamada Hindiya ayaa Khamiistii sheegay inay fashiliyeen isku daygii Pakistan ay ku doonaysay inay ku weerarto saldhigyadooda ku kala yaala Jammu iyo Udhampur, oo ka tirsan Kashmirta ay Hindiya maamusho iyo Pathankot oo ka tirsan gobolka Punjab ee Hindiya.

Qaraxyo ayaa fiidnimadii Khamiista laga soo sheegay magaalada Jammu ee ka tirsan Kashmir qeybta ay Hindiya maamusho.

Wasiirka difaaca Pakistan ayaa BBC-da u sheegay in aysan ka dambeyn weerarka. “Waan beeninaynaa, waxba ma aannu sameyn ilaa hadda,” ayuu yiri Khawaja Asif oo la hadlay BBC-da, isaga oo intaas ku daray: “inta aan weerar qaadno hadane ma dafiri doono”.

Weerarada iyo duqeymaha ka dhacay xuduuda labada dal, ayaa sii kordhisay cabsida laga qabo in uu qarxo iska horimaad balaaran oo dhex mara wadamadan leh hubka Nukliyeerka.