Home Blog Page 934

{DAAWO MUQAALKA} Natiijada DV Lottery-ga Mareykanka oo La Filayo in Caawa La Shaaciyo.

0

Sabti 03, May  2025 {HMC} Natiijada DV Lottery-ga Mareykanka oo La Filayo in Caawa La Shaaciyo.

HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA 

{DAAWO MUQAALKA} Toorey Ayaan Qorigaan kaga furtay AS”Gabar Macawisley ah oo Joogta Hiiraan”

0

Sabti 03, May  2025 {HMC} Toorey Ayaan Qorigaan kaga furtay AS”Gabar Macawisley ah oo Joogta Hiiraan”

HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA 

{DAAWO MUQAALKA} Imaamka Mudulood “Gobolka Banaadir Matalaad malahan wey dhamneysaa Hadii…..

0

Sabti 03, May  2025 {HMC} Imaamka Mudulood “Gobolka Banaadir Matalaad malahan wey dhamneysaa Hadii…..

HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA 

{DAAWO MUQAALKA} Muxuu yahay Mashruuca halista ah ee ay ka shaqeyneysay Dowladda Taiwan”W-Fiqi”

0

Sabti 03, May  2025 {HMC} Muxuu yahay Mashruuca halista ah ee ay ka shaqeyneysay Dowladda Taiwan”W-Fiqi”

HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA 

{DAAWO MUQAALKA} Muxuu yahay Qorshaha cusub uu la yimid Wasiirka Arimaha JFS.

0

Sabti 03, May  2025 {HMC} Muxuu yahay Qorshaha cusub uu la yimid Wasiirka Arimaha JFS.

HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA 

{DAAWO MUQAALKA} Wararka ugu waa weyn Soomaaliya iyo Caalamka 03/05/2025

0

Sabti 03, May  2025 {HMC} Waxaa halkan idin kugu soo gudbineynaa Wararka ugu waa weyn Soomaaliya iyo Caalamka ee Warbaahinta Hiiraanweyn

Hoos ka daawo Wararka ugu waa weyn

{DHAGEYSO} Warka Duhurnimo ee Radio Hiiraanweyn {03-05-2025}

Sabti 03-May-2025 {HMC} – Dhageystayaal halkan waxa aan idiin kugu soo gudbi neynaa Warka Duhurnimo ee Warbaahinta Hiiraanweyn
Warka waxaa soo jeedinayo ::Sahro Gabr iyo Shugri Bayare

Farsamadii ::Mohamed Hassan Owsei

 

Puntland oo sheegtay inaysan dib ugu laaban doonin shirka golaha wadatashiga qaran

Sabti 03, May 2025 {HMC} Wasiir u dowlaaha Madaxtooyada Puntland, Cabdifitaax Cabdinuur, ayaa sheegay in Puntland aysan dib ugu laaban doonin shirka Wadatashiga, isagoo sheegay in loo baahan yahay wadatashi ballaaran oo aan ku ekeyn Dowladda Federaalka iyo dowlad-goboleedyada oo kaliya.

Wasiir Cabdifitaax Cabdi Nuur oo la hadlay BBC Soomaali ayaa sheegay in loo baahan yahay in si siyaasadeed looga heshiiyo khilaafaadka jira, isagoo dhaliilay gogosha shirarka Wadatashiga.

“Madasha waxay Puntland ka dhaqaaqday bishii December 2022. Waxay uga dhaqaaqday waxay ahaayeen isfaham-waa ka dhashay qaabka madaxda Soomaaliya u wajahayaan hannaanka dowlad dhiska. Haddii aan Isfaham laga yeelan wax macno oo ay yeelanayso ma jirto inaan kusoo laabano madashii aanu ka dhaqaaqnay,” ayuu yiri wasiirku

Cabdi Fitaax waxa uu tilmaamay in madashaasi aysan xal u keeni karin arrimaha siyaasadeed ee la isku hayo, islamarkaana loo baahan yahay gogol ballaaran oo ay ka qaybgalayaan dhammaan qaybaha kala duwan ee bulshada Soomaaliyeed.

Wuxuu sheegay in ay ku baaqayaan in shirka Wadatashiga ee Muqdisho ka dhacaya looga doodo ajandayaasha ay soo jeediyeen Puntland iyo Beesha Caalamka, kuwaas oo taabanaya amniga iyo siyaasad loo dhan yahay in laga gaaro doorashada.

Si kasta ha ahaatee, Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa shanta bisha Muqdisho ku qabanaysa shirka Wadatashiga oo la filayo inay ka maqnaandoonaan Puntland iyo Jubbaland.

Puntland oo ka hortagtay weerar kooxda D~C kusoo qaadday ciidamadeeda

Sabti 03, May 2025 {HMC} Ciidamada difaaca Puntland ayaa la sheegay inay iska caabiyeen weerar habeenkii xalay ay kooxda Daacish ku qaadday fariisin ciidan oo ku yaalla deegaanka Dasaan, oo kamid ah meelihii dhowaan laga xoreeyay kooxdaasi.

Saraakiil ka tirsan ciidanka amniga Puntland ayaa warbaahinta u xaqiijiyay in laamaha amnigu ay hayeen xog ku saabsan weerarka Daacish, taas oo suuragelisay ciidamada in ay iska difaacaan kooxda weerarka soo qaadday.

Saraakiishu waxay sheegeen in dagaalamayaashii weerarka fuliyey lagu jebiyay dagaalka, islamarkaana ay ka carareen goobta iyagoo uga tegay maydadkooda.

Sida laga soo xigtay guutada labaad ee ciidanka difaaca Puntland, tiro kamid ah Daacish ayaa is qarxiyay kahor inta aysan gaarin difaacyada hore ee ciidamada, halka inta kale lagu dilay iska caabinta ay ciidamadu sameeyeen.

Ilaa hadda lama shaacin tirada rasmiga ah ee dagaalamayaasha Daacish ee weerarka kusoo qaaday deegaanka Dasaan. Waxaa la ogaaday in qaar kamida ah ay baxsadeen.

Weerarkan ayaa kusoo beegmaya iyadoo maamulka Puntland uu sheegay inuu marayo gabagabo wajiga saddexaad ee howlgalka Hillaac ee ka dhanka ah Daacish.

Dhinaca kale, khubaro dhanka ammaanka ah ayaa sheegaya in weerarkan uu muujinayo in awoodda ay weli leedahay kooxda Daacish ah, maaddaama ay dib usoo weerarayaan deegaannadii laga saaray bilo kahor.

Dowladda soomaaliya oo sheegtay in Soomaaliya dhowaan ay soo saaran doonto Shidaalkeeda

Sabti 03, May 2025 {HMC} Wasiirka Batroolka iyo Macdanta Soomaaliya Daahir Shire Maxamed oo ka qeyb galayay Shirka Kheyraadka Dabiiciga ah ee Istanbul ka socda, ayaa shaaca ka qaaday in dhowaan ay Soomaaliya ay soo saaran doonto Shidaalka ku jira dhulkeedi.

Wasiirka ayaa madasha uga faa’iideystay fursad uu si qoto dheer ugala hadlo mas’uuliyiinta caalamiga ah sidii loo xoojin lahaa iskaashiga ku aaddan horumarinta kheyraadka dabiiciga ah ee Soomaaliya.

“Soomaaliya waa goob istaraatiiji ah waxaana ku duugan Kheyraad farabadan oo dabiici ah, goobtaas muhiimka ah ee ay Africa kaga taalo waxay fursad weyn u tahay maalgashadayaasha caalamiga ah inay Soomaaliya maalgashi xoogan ku sameeyaan” ayuu yiri Wasiir Daahir Shire oo madasha Khudbad kooban kajeediyay.

Waxa uu xusay in dadaallada sahaminta Shidaalka ay sii dardargelinayaan, wuxuuna carrabka ku dhuftay in Soomaaliya ay iskaashi la leedahay Dowlada Turkiga iyo saaxiibbada kale Caalamka si loo xoojiyo wax soo saarka dalka iyo Kobaca Dhaqaalaha Soomaaliya.

Wasiir Daahir Shire ayaa carabka ku dhuftay sidoo kale inay jiraan mashaariic kale oo ay iska kaashanayaan Maraykanka iyo wadamo kale oo dhanka tamarta ah oo laga fulinayo Soomaaliya.

Shirkaan arrimaha Kheyraadka dabiiciga looga hadlaayay ee ka dhacay Istanbul ayaa sanadkaan halkudhig waxaa uu ahaa Doorka Isbeddelka Tamarta Macdanta iyo xoojinta iskaashiga caalamiga ah ee ku aaddan Macdanta iyada oo lagu saleynayo baahida dunida ee tamarta nadiif ka ah iyo macdanta waarta.

Waxaa jiray Shirkaan intuu socday Doodo oo ay ka qayb qaadanayeen Wasiirada Macdanta Niger, Libya, Hungry, Azerbaijan iyo Saudi Arabia ayadoo uu dooda qaybinayay Wasiirka Tamarta ee dalka Turkiga Alparslan Bayraktar.

Wasiirka Tamarta ee dalka Turkiga Alparslan Bayraktar ayaa sheegay in ay Wasiir Daahir Shire u muujiyeen in Turkiga uu marwaliba Soomaaliya garab taagan yahay ayna dardargelinayaan in hormar laga sameeyo soo saarista shidaalka.