Home Blog Page 935

Dowladda soomaaliya oo sheegtay in Soomaaliya dhowaan ay soo saaran doonto Shidaalkeeda

Sabti 03, May 2025 {HMC} Wasiirka Batroolka iyo Macdanta Soomaaliya Daahir Shire Maxamed oo ka qeyb galayay Shirka Kheyraadka Dabiiciga ah ee Istanbul ka socda, ayaa shaaca ka qaaday in dhowaan ay Soomaaliya ay soo saaran doonto Shidaalka ku jira dhulkeedi.

Wasiirka ayaa madasha uga faa’iideystay fursad uu si qoto dheer ugala hadlo mas’uuliyiinta caalamiga ah sidii loo xoojin lahaa iskaashiga ku aaddan horumarinta kheyraadka dabiiciga ah ee Soomaaliya.

“Soomaaliya waa goob istaraatiiji ah waxaana ku duugan Kheyraad farabadan oo dabiici ah, goobtaas muhiimka ah ee ay Africa kaga taalo waxay fursad weyn u tahay maalgashadayaasha caalamiga ah inay Soomaaliya maalgashi xoogan ku sameeyaan” ayuu yiri Wasiir Daahir Shire oo madasha Khudbad kooban kajeediyay.

Waxa uu xusay in dadaallada sahaminta Shidaalka ay sii dardargelinayaan, wuxuuna carrabka ku dhuftay in Soomaaliya ay iskaashi la leedahay Dowlada Turkiga iyo saaxiibbada kale Caalamka si loo xoojiyo wax soo saarka dalka iyo Kobaca Dhaqaalaha Soomaaliya.

Wasiir Daahir Shire ayaa carabka ku dhuftay sidoo kale inay jiraan mashaariic kale oo ay iska kaashanayaan Maraykanka iyo wadamo kale oo dhanka tamarta ah oo laga fulinayo Soomaaliya.

Shirkaan arrimaha Kheyraadka dabiiciga looga hadlaayay ee ka dhacay Istanbul ayaa sanadkaan halkudhig waxaa uu ahaa Doorka Isbeddelka Tamarta Macdanta iyo xoojinta iskaashiga caalamiga ah ee ku aaddan Macdanta iyada oo lagu saleynayo baahida dunida ee tamarta nadiif ka ah iyo macdanta waarta.

Waxaa jiray Shirkaan intuu socday Doodo oo ay ka qayb qaadanayeen Wasiirada Macdanta Niger, Libya, Hungry, Azerbaijan iyo Saudi Arabia ayadoo uu dooda qaybinayay Wasiirka Tamarta ee dalka Turkiga Alparslan Bayraktar.

Wasiirka Tamarta ee dalka Turkiga Alparslan Bayraktar ayaa sheegay in ay Wasiir Daahir Shire u muujiyeen in Turkiga uu marwaliba Soomaaliya garab taagan yahay ayna dardargelinayaan in hormar laga sameeyo soo saarista shidaalka.

Xisbiga Himilo Qaran oo soo dhoweeyay Xildhibaano garab istaag u muujiyey Xildhibaan Caana Nuug

Sabti 03, May 2025 {HMC} Qaar kamid ah mudanayaasha Golaha Shacabka ayaa bilaabay olale ay ku muujinayaan inay ku garab taaganyihiin Xildhibaan Maxamed Cali Cumar Caana Nuug oo dhowaan hadal ceebeyn naafanimadiisa uu Golaha Shacabka ka sheegay Guddoomiye Sheekh Aadan Madoobe.

Xildhibaanadaan oo watay Bakoorado si ay u muujiyaan in naafanimadu wax xun ahayn ayaa gurigiisa ugu tagay Xildhibaan Caana Nuug si ay garab istaag ugu muujiyaan Xildhibaanka, kana raaligeliyay gafkii uu kala kulmay Guddoomiyaha Golaha Shacabka Sheekh Aadan Maxamed Nuur Madoobe.

Dhinaca kale Xisbiga Himilo Qaran ayaa bogaadiyay xubnaha golaha shacabka Baarlamaanka Soomaaliyeed ee muujiyay garab-istaaga Xildhibaan Maxamed Cali, waxaana xisbiga uu tilmaamay in Farriinta iyo dareen wadaaga xubnaha Golaha Shacabka ay dhiirra-gelineyso karaamada iyo sida ay lama taabtaan u tahay illaalinta xuquuqda dadka baahiyaha gaarka qaba.

“Xibsiga Himilo Qaran wuxuu sidoo kale cambaaraynayaa gefkii shaqsiga ahaa ee uu guddoomiyaha Golaha Shacabka Baarlamaanka Soomaaliya Aadan Maxamed Nuur Madoobe kula kacay Xildhibaan Maxamed Cali Cumar iyo mudaneyaal kale oo tirsan golaha.” ayaa lagu yiri qoraalka kasoo baxay Himilo Qaran.

Ugu dambayn, Xisbiga Himilo Qaran ayaa ugu baaqay madaxda sarre ee dowladda Federaalka ah in la joogo waqtigii si dhab loogu wajahi lahaa ka jawaabista xasaradaha siyaasadeed ee ka taaggan dalka si loo helo Midnimo Qaran dalkana loogu jiheeyo heshiis siyaasadeed oo loo dhanyahay.

{DAAWO MUQAALKA} Maxaa u qabsoomay Wasiir fiqi mudadii uu Joogay Wasaarada Arimaha Dibadda?

0

Sabti 03, May  2025 {HMC} Maxaa u qabsoomay Wasiir fiqi mudadii uu Joogay Wasaarada Arimaha Dibadda?

HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA 

{DAAWO MUQAALKA} Hogaamiyaha SSC-khaatumo Muxuu ka yiri maxaabiistii ay sii deysay Soomaaliland?

0

Sabti 03, May  2025 {HMC} Hogaamiyaha SSC-khaatumo Muxuu ka yiri maxaabiistii ay sii deysay Soomaaliland?

HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA 

{DAAWO MUQAALKA} Guddoomiyaha degmada Wadajir Cabdiraxmaan Maxamed “Farxad ayay noo tahay in go’aankii uu qaatay Mada

0

Sabti 03, May  2025 {HMC} Guddoomiyaha degmada Wadajir Cabdiraxmaan Maxamed “Farxad ayay noo tahay in go’aankii uu qaatay Mada

HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA 

{DAAWO MUQAALKA} Maxaa Kasoo kordhay Dagaaladii Shalay ka dhacay Moqokori Deegaano hoostaga.

0

Sabti 03, May  2025 {HMC} Maxaa Kasoo kordhay Dagaaladii Shalay ka dhacay Moqokori Deegaano hoostaga.

HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA 

{DHAGEYSO} Warka Subaxnimo ee Warbaahinta Hiiraanweyn {03.05.2025}

Sabti 03, May 2025 {HMC} Dhageystayaal halkan waxa aan idiin kugu soo gudbi neynaa Warka Subaxnimo ee Warbaahinta Hiiraanweyn

Warka waxaa soo jeedinayo ::Yaasiin Ali Ahmed

Farsamadii ::Mohamed Baryare Haamud

HOOS KA DHAGEYSO WARKA SUBAXNIMO

{DAAWO MUQAALKA} Khasaaro xoogan oo Saakay Daacish lagu gaarsiiyay Dagaal ka socda Buuraha Dhasaan ee PL.

0

Sabti 03, May  2025 {HMC} Khasaaro xoogan oo Saakay Daacish lagu gaarsiiyay Dagaal ka socda Buuraha Dhasaan ee PL.

HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA 

Hoggaamiyaha Maamulka KMG ah ee SSC-Khaatumo oo ku wajahan magaalada Muqdisho.

Sabti 03, May 2025 {HMC} – Hoggaamiyaha Maamulka KMG ah ee SSC-Khaatumo
Mudane Cabdulqaadir Axmed Aw-Cali (Firdhiye) iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa maanta oo Sabti ah kusoo wajahan magaalada Muqdisho ee caasimada Soomaaliya, waxaana haatan soconayo qaban qaabo wayn loogu jiro soo dhaweyntiisa.

Firdhiye ayaa magaalada Muqdisho u imaanayo ka qayb-galka Shirka Golaha Wadatashiga
Qaranka oo uu ka casuumay Madaxweyne Xasan Sheekh, kaas oo Villa Soomaaliya ka dhacayo shanta bishaan May ee sanadkan 2025.

SSC-Khaatumo oo xaqiijisay safarka madaxweyne Firdhiye ayaa dalbatay in laga qayb-qaato soo dhaweyntiisa, iyada oo sheegtay inuu u taagan yahay wadajirka iyo midnimada Ummadda Soomaaliyeed.

Soo dhaweynta madaxweynaha cid kasta oo ummadda Soomaaliyeed oo jecel wadajirka iyo
midnimada dalka ee fursad noo heli karto way nagala qayb qaadan kartaa soo dhaweynta
madaxweynaha. Waxaan u cadeyneynaa in maanta oo Sabti ah uu Firdhire ka dagayo magaalada Muqdisho” ayay tiri Fahiimo Yuusuf Qooje oo ah gabar si weyn ugu dhaq-dhaqaaqda horumarka maamulka SSC-Khaatumo.

Sidoo kale, Hoggaamiyaha SSC ayaa sidoo kale kulamo la qaadan doono madaxda sare ee dalka, kuwaas oo looga hadlayo dhabaha cusub ee u furmay labada dhinac, gaar ahaan wadashaqeynta SSC iyo dowladda dhexe.

Shirka loo ballansan yahay oo ay ka qayb-geli doonaan madaxda Maamul-goboleedyada, marka laga reebo Jubbaland iyo Puntland ayaa waxaa diiradda lagu saarayaa xaaladda guud ee dalka, gaar ahaan dagaalka Al-Shabaab iyo arrimaha doorashooyinka ee 2026

Kulankii maanta ee Golaha Shacabka oo baaqday iyo xiisadda oo kasii dareysa.

Sabti 03, May 2025 {HMC} – Kulankii maanta ee Golaha Shacabka Soomaaliya ayaa baaqday, sababo la xiriira xiisadda kasii dareysa ee ka taagan baarlamaanka dalka.

Farriin oo diray xildhibaannada ayaa waxaa loogu sheegay in maanta aanu jirin kulan, isla
markaana ay isku imaan doonaan maalinta Isniinta ah ee soo socota.

Xildhibaannada Baarlamaanka Federaalka ayaa fadhiyadooda yeesha maalmaha Sabti, Isniin, iyo Arbaco, waxaana maanta la layay in xildhibaannadu isugu yimaadaan kulankoodii caadiga ahaa, balse waa uu baaqday, sida ku cad farriinta loo diray.

Sababta ugu wayn ayaa lala xiririinayaa xiisadda ka dhex taagan baarlamaanka, taas oo saameyn ku yeelatay shaqadii socotay ee xildhibaannada, kadib markii uu iyaga iyo guddoomiyaha uu soo kala dhex-galay khilaaf xooggan.

Kulankii u dambeeyay oo dhacay Arbacadii lasoo dhaafay ayaa buuq iyo fowdo kusoo
dhammaaday, waxaana kadib xigtay in qaar kamid ah xildhibaannada laga joojiyay fadhiyada baarlamaanka, kadib go’aan uu soo saaray guddoomiye Aadan Madoobe.

Xaaladda ayaa u muuqata inay weli kasii dareyso, waxaana xildhibaannada mucaaradka ay
wadaan mooshin ay rabaan inay xilka uga tuuraan guddoomiyaha, isaguna wuu ka horyimid, wuxuuna ka laabtay maamuus ka xayuubintii xildhibaan Cabdullahi Xaashi Abiib oo iyadu sababtay buuqa haatan ka taagan baarlamaanka Soomaaliya.

Baaqashada kulanka maanta ee Golaha Shacabka ayaa sidoo kale kusoo aadeyso, iyada oo
haatan dalka uu ka maqan yahay Sheekh Aadan Madoobe oo Khamiistii u baxay dalka Aljeeriya, halkaas oo uu maanta uga qayb-galayo shirka guddoomiyeyaasha baarlamaannada Carabta oo ka furmayo magaalada caasimada Algiers.

Shirka oo socon doono illa berri ayaa waxaa kadib qorshuhu yahay inuu Aadan Madoobe soo laabto, kadibna uu guddoomiyo kulanka baarlamaanka ee loo ballansan yahay Isniinta.

Marka laga soo tego xiisaddan, waxaa baarlamaanka Soomaaliya horyaalla shaqooyin adag oo ay ugu horreyso arrinta doorashada, maadaama laga sugayo shuruucdii lagu hagi lahaa.

Kaldhigii ugu dambeeyay ayay xildhibaannadu ku gaareen go’aanno culus oo la xiriira doorashada iyo wax ka beddelka dastuurka, xilli ay weli diidan yihiin mucaaradka.