Home Blog Page 936

Hoggaamiyaha Maamulka KMG ah ee SSC-Khaatumo oo ku wajahan magaalada Muqdisho.

Sabti 03, May 2025 {HMC} – Hoggaamiyaha Maamulka KMG ah ee SSC-Khaatumo
Mudane Cabdulqaadir Axmed Aw-Cali (Firdhiye) iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa maanta oo Sabti ah kusoo wajahan magaalada Muqdisho ee caasimada Soomaaliya, waxaana haatan soconayo qaban qaabo wayn loogu jiro soo dhaweyntiisa.

Firdhiye ayaa magaalada Muqdisho u imaanayo ka qayb-galka Shirka Golaha Wadatashiga
Qaranka oo uu ka casuumay Madaxweyne Xasan Sheekh, kaas oo Villa Soomaaliya ka dhacayo shanta bishaan May ee sanadkan 2025.

SSC-Khaatumo oo xaqiijisay safarka madaxweyne Firdhiye ayaa dalbatay in laga qayb-qaato soo dhaweyntiisa, iyada oo sheegtay inuu u taagan yahay wadajirka iyo midnimada Ummadda Soomaaliyeed.

Soo dhaweynta madaxweynaha cid kasta oo ummadda Soomaaliyeed oo jecel wadajirka iyo
midnimada dalka ee fursad noo heli karto way nagala qayb qaadan kartaa soo dhaweynta
madaxweynaha. Waxaan u cadeyneynaa in maanta oo Sabti ah uu Firdhire ka dagayo magaalada Muqdisho” ayay tiri Fahiimo Yuusuf Qooje oo ah gabar si weyn ugu dhaq-dhaqaaqda horumarka maamulka SSC-Khaatumo.

Sidoo kale, Hoggaamiyaha SSC ayaa sidoo kale kulamo la qaadan doono madaxda sare ee dalka, kuwaas oo looga hadlayo dhabaha cusub ee u furmay labada dhinac, gaar ahaan wadashaqeynta SSC iyo dowladda dhexe.

Shirka loo ballansan yahay oo ay ka qayb-geli doonaan madaxda Maamul-goboleedyada, marka laga reebo Jubbaland iyo Puntland ayaa waxaa diiradda lagu saarayaa xaaladda guud ee dalka, gaar ahaan dagaalka Al-Shabaab iyo arrimaha doorashooyinka ee 2026

Kulankii maanta ee Golaha Shacabka oo baaqday iyo xiisadda oo kasii dareysa.

Sabti 03, May 2025 {HMC} – Kulankii maanta ee Golaha Shacabka Soomaaliya ayaa baaqday, sababo la xiriira xiisadda kasii dareysa ee ka taagan baarlamaanka dalka.

Farriin oo diray xildhibaannada ayaa waxaa loogu sheegay in maanta aanu jirin kulan, isla
markaana ay isku imaan doonaan maalinta Isniinta ah ee soo socota.

Xildhibaannada Baarlamaanka Federaalka ayaa fadhiyadooda yeesha maalmaha Sabti, Isniin, iyo Arbaco, waxaana maanta la layay in xildhibaannadu isugu yimaadaan kulankoodii caadiga ahaa, balse waa uu baaqday, sida ku cad farriinta loo diray.

Sababta ugu wayn ayaa lala xiririinayaa xiisadda ka dhex taagan baarlamaanka, taas oo saameyn ku yeelatay shaqadii socotay ee xildhibaannada, kadib markii uu iyaga iyo guddoomiyaha uu soo kala dhex-galay khilaaf xooggan.

Kulankii u dambeeyay oo dhacay Arbacadii lasoo dhaafay ayaa buuq iyo fowdo kusoo
dhammaaday, waxaana kadib xigtay in qaar kamid ah xildhibaannada laga joojiyay fadhiyada baarlamaanka, kadib go’aan uu soo saaray guddoomiye Aadan Madoobe.

Xaaladda ayaa u muuqata inay weli kasii dareyso, waxaana xildhibaannada mucaaradka ay
wadaan mooshin ay rabaan inay xilka uga tuuraan guddoomiyaha, isaguna wuu ka horyimid, wuxuuna ka laabtay maamuus ka xayuubintii xildhibaan Cabdullahi Xaashi Abiib oo iyadu sababtay buuqa haatan ka taagan baarlamaanka Soomaaliya.

Baaqashada kulanka maanta ee Golaha Shacabka ayaa sidoo kale kusoo aadeyso, iyada oo
haatan dalka uu ka maqan yahay Sheekh Aadan Madoobe oo Khamiistii u baxay dalka Aljeeriya, halkaas oo uu maanta uga qayb-galayo shirka guddoomiyeyaasha baarlamaannada Carabta oo ka furmayo magaalada caasimada Algiers.

Shirka oo socon doono illa berri ayaa waxaa kadib qorshuhu yahay inuu Aadan Madoobe soo laabto, kadibna uu guddoomiyo kulanka baarlamaanka ee loo ballansan yahay Isniinta.

Marka laga soo tego xiisaddan, waxaa baarlamaanka Soomaaliya horyaalla shaqooyin adag oo ay ugu horreyso arrinta doorashada, maadaama laga sugayo shuruucdii lagu hagi lahaa.

Kaldhigii ugu dambeeyay ayay xildhibaannadu ku gaareen go’aanno culus oo la xiriira doorashada iyo wax ka beddelka dastuurka, xilli ay weli diidan yihiin mucaaradka.

Taliyaha ciidamada Uganda oo xabsiga dhigay mid kamid ah Mucaaradka dalka Uganda .

Sabti 03, May 2025 {HMC} – Taliyaha guud ee ciidamada Uganda, Muhoozi Kainerugaba, oo ah wiilka madaxweyne Yoweri Museveni, ayaa sheegay in uu qeybta hoose ee gurigiisa ku hayo Eddie Mutwe, oo ah nin mucaarad ah, isla markaana uu u hanjabayo rabshado, kaddib markii xisbiga ninkaasi uu sheegay in si xoog ah loo afduubtay toddobaadkii hore.

Eddie Mutwe, oo ah ilaaliyaha gaarka ah ee hoggaamiyaha mucaaradka Bobi Wine, ayaa la
waayay dhammaadkii toddobaadka kadib markii rag hubeysan ay ku qabteen meel u dhow
caasimadda Kampala, sida uu sheegay xisbiga mucaaradka ee National Unity Platform (NUP).

Booliiska ayaa sheegay in aysan haynin Mutwe, oo magaciisa dhabta ah yahay Edward Ssebuufu, mana jirin illaa iyo hadda wax war ah oo rasmi ah oo laga helay halka uu ku sugan yahay.

Fiidnimadii Khamiista, Kainerugaba ayaa bartiisa X kusoo qoray fariimo taxane ah, isagoo soo dhigay sawir la sheegay inuu yahay Mutwe oo aan gashanayn shaati, kuna andacooday in uu “u qabtay sida ayax.”

Reuters ma aysan si madax-bannaan u xaqiijin sawirkaasi, hase yeeshee xisbiga NUP ayaa mar kale u isticmaalay sawirkaasi bartiisa X si uu taageero ugu raadiyo Mutwe.

“Wuxuu ku jiraa qolka hoose ee gurigeyga… adigana waad ku xigtaa!” ayuu Kainerugaba ku qoray fariin uu kaga jawaabayay qoraal uu Bobi Wine ku baanayay maqnaanshaha Mutwe.

“Wali kamaan jarin…,” ayuu sii raaciyay dhowr saacadood kadib, isagoo intaas ku daray inuusan sii deyn doonin Mutwe ilaa uu amar ka helo madaxweyne Museveni.

Guddiga Xuquuqda Aadanaha ee Uganda, oo ah hay’ad dowladeed, ayaa Khamiistii ku amray Kainerugaba in uu sii daayo Mutwe oo ay sheegeen in si sharci-darro ah loo hayay tan iyo 26-kii April, haddii kale uu wajihi doono dacwad ku saleysan baalmaridda dastuurka.

Afhayeenno u hadlay dowladda, ciidamada iyo booliiska Uganda ayaan si degdeg ah uga jawaabin codsiyo warcelin ah oo laga dalbaday.

Mucaaradka Uganda ayaa ku eedeeyay Madaxweyne Museveni in uu si degdeg ah u kororsaday darajada milatari ee wiilkiisa Muhoozi si uu ugu diyaariyo xil-wareejin siyaasadeed, inkastoo Muhoozi uu si joogto ah u dhigo hadallo kacsan oo uu ku baahiyo baraha bulshada — kuwaas oo ay ka mid ahaayeen hanjabaad 2022 uu ku sheegay inuu weerari doono Kenya iyo mid kale oo Janaayo uu ku hanjabay in uu “madaxa ka jari doono” Bobi Wine.

Bobi Wine, oo horey u ahaan jiray fannaan caan ah, ayaa galay siyaasadda wuxuuna galay kaalinta labaad ee doorashadii madaxtinimo ee 2021.

{DAAWO MUQAALKA} Balanqaadyo iyo Garab istaag loo muujiyay Macawisleydda Hiiraan ee shalay dagaalamay.

0

Sabti 03, May  2025 {HMC} Balanqaadyo iyo Garab istaag loo muujiyay Macawisleydda Hiiraan ee shalay dagaalamay.

HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA 

{DAAWO MUQAALKA} Maxaa saakay ka socda Xadka Hiiraan iyo SH-Dhaxe.

0

Sabti 03, May  2025 {HMC} Maxaa saakay ka socda Xadka Hiiraan iyo SH-Dhaxe.

HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA 

Dowladda Soomaaliya Waxay Bogaadineysa Guusha Geesiyaasha Deegaanka.

Muqdisho, 02 May 2025 {HMC}  Dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya waxay si weyn u bogaadineysaa geesiyaasha dadka deegaanka ee gobolka Hiiraan, kuwaas oo gacan ka helaya Ciidamada Qalabka Sida oo si geesinimo leh ugu jabiyay Khawaarijta weerarro ay galinkii dambe ee maanta kusoo qaadeen deegaannada Muqliga Cali, Ceelhareeri, Hareeri Madoobe, iyo Garas-Magan oo dhammaantood ka tirsan gobolka Hiiraan.

Geesiyaasha degaanka iyo Ciidanka Qalabka Sida oo la socday isku dayga nafla-caari ah ee Khawaarijta ayaa si weyn uga hortagay duullaanka cadowga, waxaana Alle mahaddiis ah in ay si buuxda u jabiyeen maleeshiyaadkii soo duulay.

Geesiyaasha halkaas ka dagaalamay waxay soo ururiyeen maydadka 25 xubnood oo ka tirsanaa Khawaarijta, sidoo kale waxay nolosha ku qabteen afar maleeshiyaad ah, iyadoo saddex ka mid ah ay qabaan dhaawacyo culus. Waxaa sidoo kale la rumeysan yahay in tiro kale oo maydad iyo dhaawac ah ay horay usii qaateen Khawaarijtu.

Guushan weyn waa tii labaad oo muddo kooban gudahood lagu jabiyo Khawaarijta, iyadoo la xusuusto jabkii xoogganaa ee Khawaarijta lagula beegsaday deegaanka Wargaadhi ee gobolka Shabeellaha Dhexe, halkaas oo ay guulo la taaban karo ka gaareen Ciidanka Qalabka Sida iyo dadka deegaanka.

Intii uu socday howlgalka baacsiga ah, geesiyaasha degaanka iyo Ciidanka Qalabka Sida waxay ka furteen Khawaarijta hub aad u badan.

Geesiyaasha reer Hiiraan waxay tusaale u yihiin halganka iyo geesinimada shacabka Soomaaliyeed ee ka dhiidhinaya Khawaarijta duulaanka ku ah qaranimadeena iyo diinteenna.

Dowladda Federaalka Soomaaliya, iyadoo kaashanaysa shacabka Soomaaliyeed iyo saaxiibada caalamka, waxaa ka go’an in dalka laga ciribtiro Khawaarijta meel kasta oo ay kaga sugan yihiin dhulka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya.

 

{DHAGEYSO} Warka Habeenimo ee Warbaahinta Hiiraanweyn {02-05-2025}

Jimco 02, May 2025 {HMC} Dhageystayaal halkan waxa aan idiin kugu soo gudbi neynaa Warka Habeenimo ee Warbaahinta Hiiraanweyn

Warka waxaa soo jeedinayo ::Abdiraxman macalin muse

Farsamadii ::Yasiin Daacad

                      HOOS KA DHAGEYSO WARKA HABEENIMO

{DAAWO MUQAALKA} “AS Jab Xoogan ayaa Gaarsiinay Ayagaa Nasoo Weeraray”Ciidamada Deegaanka.

Jimco 02, May  2025 {HMC} “AS Jab Xoogan ayaa Gaarsiinay Ayagaa Nasoo Weeraray”Ciidamada Deegaanka.

HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA 

{DAAWO MUQAALKA} AS oo Khasaare Kala Kulmay Maanta Dagaallo Ay La Galeen Macawiisleeyda Hiiraan.

Jimco 02, May  2025 {HMC} AS oo Khasaare Kala Kulmay Maanta Dagaallo Ay La Galeen Macawiisleeyda Hiiraan.

HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA 

{DAAWO MUQAALKA} Meedadka Kooxda AS oo lagu Soo Bandhigay Degmada Moqokori

Jimco 02, May  2025 {HMC} Meedadka Kooxda AS oo lagu Soo Bandhigay Degmada Moqokori

HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA