Home Blog Page 940

Taiwan oo si kulul uga jawaabtay talaabo ay qaaday soomaaliya

khamiis 01, May 2025 {HMC} War ka soo baxay Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee Taiwan ayaa lagu xaqiijiyey in Dowladda Federaalka Soomaaliya ay dalkeeda ka mamnuucday iney booqdaan muwaadiniinta Taiwan.

Qoraalka ayaa tilmaamay in go’aankan uu ka dambeeyo cadaadis uga yimid Shiinaha, oo si adag uga soo horjeeda xiriir kasta oo lala yeesho Taiwan.

Tani waxay imaneysa xilli Taiwan ay xiriir sii xoogeysanaya la yeelatay Somaliland — oo ay ka siman yihiin in aan si rasmi ah loo aqoonsan.

Soomaaliya ayaa tallaabadan ku muujisay taageerada ay u hayso midnimada dhuleed ee Shiinaha, taasoo qeyb ka ah siyaasadda “Hal Shine” oo ay dowladu horay u sheegtay in ay aaminsan tahay.

Inta badan majiraan muwaadiniin Reer Taiwan ah oo Muqdisho imaan jiray balse talaabadaan ayay u badantahay in ay saamayso saraakiisha Taiwan ee sida joogta ah Hargaysa u tagi jiray. Dhawaan wasiirka arrimaha dibada Taiwan ayaa sheegay in uu booqan doono Somaliland gaar ahaan maalmaha 18 may.

Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee Taiwan ayaa si adag u cambaareysay go’aankaas iyadoo ku baaqday in dowladda Soomaaliya ay dib uga noqoto go’aankeeda.

Taiwan iyo Somaliland ayaa si wadajir ah ugu baaqay dalalka iyo hay’adaha caalamiga ah ee la aragtida ah, in ay cadaadis ku saaraan Soomaaliya si loo laalo xayiraadda.

Xildhibaan ka tirsan dalka Kenya oo lagu dilay Nairobi

khamiis 01, May 2025 {HMC} Xildhibaan Charles Ong’ondo oo ka tirsanaa Baarlamaana Kenya ayaa xalay lagu dilay magaalada Nairobi sida ay Warbaahinta dalkaasi xaqiijisay.

Xildhibaanka ayaa waxaa toogtay labo nin oo ku hubaysan Bastoolad xilli uu gaarigiisa saarnaa. Ragga dilay Xildhibaan ayaa la soo warinayaa in ay saarnaayeen Moota Fekon, kuwaasi oo sida la sheegay iskaga cararay goobta uu falka ka dhacay.

Booliska ayaa bilaabay baaritaan, iyadoo cabsi laga qabo in dilkan uu horseedo qalalaaso siyaasadeed iyo amni darro oo ka dhacda qeybo kamid ah magaalada Nairobi.

Madaxweynaha Dalka kenya William Ruto ayaa sheegay in uu ka tacsiyadeynaayo dilka Masuulkan loogu geystay gudaha Nairobi.

“Waxaan ka tacsiyadeynayaa geerida Xildhibaan Charles, Samir ilahey haka siiyo isaga iyo qoyskiisa, waxaan farayaa Laamaha amaanka in ay baaritaan dhab ah ku sameeyaan dhacdadan, si dambiilayaasha loola xisaabtamo,” ayuu yiri Madxweynaha Kenya Ruto.

Xildhibaan Charles waxaa laga soo doortaa deegaanka Kasipul-Homabay, isaga oo ka tirsan xisbiga hoggaamiyaha mucaaradka ee dalkaas Raila Odinga. Xildhibaanka ayaa xilliga toogashada waxa uu marayay wadada Ngong, isaga oo markaas ka soo baxay xarunta Baarlamaanka ee dalka Kenya.

MW xasan sheekh “Shaqaalaha Soomaaliyeed waxa ay ku suntanyihiin hawl-karnimo, hufnaan iyo dhabar adayg.”

khamiis 01, May 2025 {HMC} Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa hambalyo u diray dhammaan shaqaalaha Soomaaliyeed iyo qoysaskooda, munaasabadda Maalinta Shaqaalaha awgeed.

Madaxweynaha ayaa ku amaanay shaqaalaha Soomaaliyeed dadaalkooda, kartidooda iyo doorkooda muuqda ee ay ka qaadanayaan horumarinta dalka, dowlad-dhisidda, iyo difaaca Qaranka.

Madaxweynaha ayaa tilmaamay in shaqaalaha Soomaaliyeed ay mudan yihiin ammaan gaar ah maadaama ay yihiin laf-dhabarta horumarka bulshadeenna, isaga oo xusay in ansixinta Xeerka Shaqaalaha ee la cusbooneysiiyay sanadkan ay tahay tallaabo muhiim ah oo lagu xoojinayo ilaallinta xuquuqda shaqaalaha.

“Waxaan Shaqaale weynaha Soomaaliyeed ugu hambalyeynayaa, Munaasabadda Maalinta Shaqaalaha Adduunka ee 1-da May. Shaqaalaha Soomaaliyeed waxa ay ku suntanyihiin hawl-karnimo, hufnaan iyo dhabar adayg, waxaana ku amaanayaa kaalintooda muhiimka ah ee ay xilligaan ka qaadanayaan halganka dib u dhiska dowladnimada iyo horumarinta dalka,” sida uu yiri Madaxweynaha

Ugu dambeyn, Madaxweynaha ayaa ku booriyay dhammaan hay’adaha dowladda iyo kuwa gaarka loo leeyahay in ay ilaaliyaan xuquuqda shaqaalaha, korna loo qaado xushmadda iyo xaq-dhowrka shaqo. Wuxuu Alle uga baryay naxariis waalidinta iyo dhallinyarada Soomaaliyeed ee naftooda u huray adeegga dalkooda.

Shirka Wadatashiga Qaran oo lagu waday in uu maanta furmo oo dib u dhacay

khamiis 01, May 2025 {HMC} Shirka Golaha Wadatashiga Qaranka (NCC) oo la qorsheeyay inuu si rasmi ah uga furmo maanta magaalada Muqdisho, ayaa dib loo dhigay kaddib wadatashi ay yeesheen Madaxda Qaranka.

War qoraal oo kasoo baxay xafiiska raysal wasaaraha ayaa lagu sheegay in hoggaamiyeyaasha ay si wadajir ah u go’aamiyeen in shirka la qabto maalinta Isniinta ah oo ku beegan 5ta bisha Maajo 2025.

Lama bixin faahfaahin intaas ka badan, hase ahaatee warar la helayo ayaa sheegaya in dowladda Federaalka ay isku dayayso in shirkan ay kaasoo qeyb galaan madaxweynayaasha dowlad goboleedyada ka aragtida duwan dowladda , kuwaas oo ka maqnaa shirarkii ugu dambeeyay ee Golaha.

Dhawaan, maamulka Puntland ayaa sheegay inuu ku taagan yahay mowqifka ay kaga baxeen shirka wadatashiga, iyagoo sheegay in dowladda Federaalka ay kusoo laabaato xayndaabka sharciga.

Beesha Caalamka oo dabada ka riixaysa qabsomidda shirkan, ayaa dhawaan ugu baaqday Dowladda Federaalka, Dowlad-goboleedyada, iyo dhammaan saamileyda kale inay si degdeg ah u kulmaan si loo gaaro mowqif midaysan oo wax ku ool ah.

Saaxiibada caalamiga ah waxay si gaar ah ugu dhiirrigeliyeen hoggaamiyeyaasha Soomaaliyeed in ay qaataan go’aanno cad-cad oo ku saabsan arrimaha siyaasadda, dastuurka, iyo doorashooyinka si loo abuuro jawi lagu kasban karo taageero dheeraad ah oo caalami ah.

Shiinaha oo soo dhoweeyay go’aanka soomaaliya ku joojisey baasaboorka Taiwan

khamiis 01, May 2025 {HMC} Shiinaha ayaa Soomaaliya ku ammaantay mamnuucidda ay ku soo rogtay dadka wata baasaboorka Taiwan oo laga joojiyay Soomaaliya, iyadoo Soomaaliya ay u aqoonsan tahay Taiwan inay tahay gobol kamid ah dalweynaha Shiinaha.

Go’aanka Muqdisho “wuxuu ka tarjumayaa sida adag ee ay Soomaaliya ugu dheggan tahay mabda’a midnimada Shiinaha ah, kaasoo Shiinuhu aad u bogaadinayo,” afhayeenka wasaaradda arrimaha dibadda Guo Jiakun ayaa sidaas ku yiri shir jaraa’id.

“Adduunka waxaa ka jira hal Shiine oo keliya, Taiwan waa qayb aan laga maarmi karin oo ka mid ah dhulka Shiinaha,” ayuu yiri Guo oo hoosta ka xariiqay in Qaraarka Golaha Guud ee Qaramada Midoobay ee 2758 uu xaqiijinayo mabda’a Shiinaha.

Shiinaha ayaa sidoo kale Somaliland u aqoonsan qayb ka mid ah dhulka Soomaaliya, wuxuuna si adag u taageersan yahay dadaalka dawladda federaalka Soomaaliya ee lagu ilaalinayo midnimada qaranka, madaxbannaanida iyo wadajirka dhuleed.

Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee Taiwan ayaa Talaadadii ka hortimid go’aanka Soomaaliya ay ku joojisay qaabilaadda dadka sita baasaboorka Taiwan.

Taiwan ayaa sheegtay in Dowladda Shiinaha ay tahay cidda Dowladda Soomaaliya ku cadaadisay in Basaaboorka Taiwan aan looga safri karin Soomaaliya.

Dhinaca kale safaaradda Shiinaha ee Soomaaliya ayaa sidoo kale si adag u taageertay tallaabada Soomaaliya ee u hoggaansanaanta mabda’a midnimada Shiinaha.

Siyaasiyiinta mucaaradka oo cambaareeyay hadalo kasoo yeeray aadan madoobe

khamiis 01, May 2025 {HMC} Siyaasiyiinta Mucaaradka ee xilalka kala duwan kasoo qabtay Soomaalida sida Madaxweynihii hore Sheekh Sharif, Ra’iisul wasaarihii hore Xasan Cali Kheyre iyo Xildhibaan Cabdiraxmaan Cabdi Shakuur ayaa si kulul u cambaareeyay hadalo gaf ah uu Golaha Shacabka ka sheegay Guddomiye Aadan Madoobe.

War saxaafadeed ay si wadajir ah usoo saareen madaxdaan ayaa waxa ay si adag u cambaareyeen falka gacan-ka-hadalka ah ee ay geysteen qaar ka mid ah Wasiirrada Xukuumadda iyo ciidamada Booliiska ee ilaalada Baarlamaanka, kuwaas oo si cad u weeraray Xildhibaanno ka tirsan Golaha Shacabka iyo saxafiyiin ka tirsan warbaahinta madaxa-bannaan.

“Ficilladan cabsi-gelinta iyo tacaddiga ah waxay si toos ah ugu xadgudbayaan xasaanadda Xildhibaannada, xorriyadda saxaafadda, sumcadda iyo haybadda dowladnimada” ayaa lagu yiri warka Siyaasiyiintaan ay soo saareen.

Waxa ay shaaca ka qaadeen in ay marar badan ka digeen hab-dhaqanka Guddoomiyaha, oo ay sheegen inuu ka mid yahay afduub siyaasadeed, hagardaamo joogto ah, iyo hoosaasin sharci-darro ah oo uu ku hayo Golaha, haddana waxaa muuqataa inuusan weli diyaar u ahayn inuu ka waantoobo ficilladaas wax u dhimaya sharafka iyo haykalka Golaha.

“Hadallada aflagaadada ah ee uu jeediyay Guddoomiyaha Golaha Shacabka ayaa iftiimiyay kala-duwanaanshaha weyn ee u dhexeeya xilka uu hayo iyo masuuliyadda laga filayo in xilkaas lagu fuliyo. Waxaa xusid mudan in Sheekh Aadan Madoobe horey xilka Guddoomiyaha looga qaaday sanadkii 2011, iyada oo ay sabab u ahaayeen falal la mid ah kuwa hadda lagu eedeeyay.” Ayaa lagu yiri war saxaafadeedkan.

Dhinaca kale, Ra’iisul wasaarihii hore ee Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble ayaa sheegay in wax aad looga xumaado ay ahayd fawdada ka dhacday Golaha Shacabka oo ah hay’adda ugu sarraysa Dalka, Hab-dhaqankaasna uu noqonayo mid niyad jabinaya Shacabka sawir xunna ka bixinaya Dawladnimadeenna.

“Waxaan cambaaraynayaa gacan qaadka loo gaystay Xildhibaano ka tirsan Baarlamaanka taas oo xadgudub ku ah xasaanadda Xildhibaannada, sidoo kale waa arrin argagax leh in Gudoonka Baarlamaanku ay isticmaalaan erayo takoor ah, kuwaas oo ka baxsan diinteenna iyo dhaqanka suubban.” Ayuu ku yiri Rooble war qoraal ah uu soo saaray.

{DAAWO MUQAALKA} Wasiiradii waxaa la dhahay soo feertama oo feerka xukuumadda ku difaaca’CCW”

khamiis 01, May  2025 {HMC} Wasiiradii waxaa la dhahay soo feertama oo feerka xukuumadda ku difaaca’CCW”

HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA 

wasiirka cusub ee wasaaradda difaaca oo maanta xilka la wareegay

khamiis 01, May 2025 {HMC} Wasiirka cusub ee Wasaaradda Gaashaandhiga ee Xukuumadda Soomaaliya Axmed Macalim Fiqi ayaa sheegay in Dowladdu ay dib u eegis ku sameyn doonto dalacsiinta saraakiisha ciidamada iyo askarta kuwaasi oo qaab qabiil ku helay.

Wasiir Fiqi ayaa xaqiijiyay in dhammaan dalacsiinta mustaqbalka loo sameyn doono Ciidamada Qaranka ay noqon doonaan kuwa ay Wasaaraddu u sameeyso si cadaalad ah oo ku saleysan mudnaan.

“Waxaan ka hortagi doonaa in tiro Xildhibaano ama Wasiiro ay u tagaan Madaxweynaha Jamhuuriyadda ayna dalacsiin hab qabiil ay ugu soo qaadaan askari ka tirsan Ciidamada, waxaan sameeyn doonaa isbadal cid walba oo shaqada wasaaradda caqabad ku ah waan iska hor wareejin doonnaa” ayuu yiri Wasiir Fiqi.

Wasiirka cusub ee Gaashaandhiga horeyna usoo noqday Wasiirka arrimaha gudaha iyo midka arrimaha dibadda Axmed Macalim Fiqi ayaa balan qaaday inuu sixi doono helida waqti fiican cunto tayo leh, Shidaal iyo loojistikada oo si wanaagsan ay meel waliba ku heli doonaan ciidanka.

Hadalkaan ayuu wasiir Fiqi ka sheegay maanta kadib xil wareejin uu wasiirkii hore Gaashaandhiga kala wareegayay xilka waxaana goob joog ahaa Ra’iisul waaaare kuxigeenka dalka Saalax Jaamac.

{DHAGEYSO} Warka Duhurnimo ee Radio Hiiraanweyn {01-05-2025}

Khamiis 01-May-2025 {HMC} – Dhageystayaal halkan waxa aan idiin kugu soo gudbi neynaa Warka Duhurnimo ee Warbaahinta Hiiraanweyn
Warka waxaa soo jeedinayo ::Shukri Baryare & Cabdiqani Cosoble

Farsamadii ::Mohamed Hassan Owsei

 

{DAAWO MUQAALKA} Dagaalkii waxuu noqday ganacsi,Madaxweynihiina furinta ayuu soo baneeyey”C/Cabdishakuur

khamiis 01, May  2025 {HMC} Dagaalkii waxuu noqday ganacsi,Madaxweynihiina furinta ayuu soo baneeyey”C/Cabdishakuur

HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA