Home Blog Page 943

Dowladda soomaalya oo mamnuucday in dalka lagu soo galo Baasaboorka Taiwan

Arbaco 30, April 2025 {HMC} Dowladda Soomaaliya ayaa si rasmi ah u mamnuucday gelitaanka Soomaaliya dadka wata baasaboorka Taiwan, sida ay sheegtay wasaaradda arrimaha dibadda ee Taiwan.

Go’aankan ayaa lagu sababeeyay in uu la jaanqaadayo qaraar ay horey u ansixisay Qaramada Midoobay, inkastoo Taiwan ay ku eedeysay in Soomaaliya uu cadaadis uga yimid dowladda Shiinaha.

Go’aankan ayaa yimid xilli Taiwan ay xoojineyso xiriirka ay la leedahay Somaliland oo sheegata madax-bannaani tan iyo 1991-kii balse aan helin aqoonsi caalami ah.

Wasaaradda arrimaha dibadda ee Taiwan ayaa sheegtay in Maamulka Duulista Rayidka ee Soomaaliya uu 29-kii April soo saaray ogaysiis tilmaamaya in laga bilaabo 30-ka April aan la aqbali doonin in baasaboorka Taiwan lagu soo galo Soomaaliya.

“Wasaaraddu waxay si rasmi ah uga cabatay tallaabadan ay Soomaaliya qaadday oo ay ku dhalisay dowladda Shiinaha, taasoo halis ku ah xorriyadda iyo amniga muwaadiniinteena. Waxaan dalbanaynaa in si degdeg ah loo laalo go’aankan,” ayaa lagu yiri bayaan kasoo baxay Taiwan.

Dowladda Soomaaliya kama aysan jawaabin codsi loo diray oo ku saabsan go’aanka lagu mamnuucay baasaboorka Taiwan.

Taiwan waxay sheegtay in ogaysiiska loo diray shirkadaha diyaaradaha ee Soomaaliya si ay ugu hogaansanaadaan Qaraarka Qaramada Midoobay ee lambarkiisu yahay 2758, kaasoo sannadkii 1971-ka Beijing u oggolaaday in Taiwan laga saaro xubinnimada Qaramada Midoobay, iyadoo la raacayo mabda’a dal weynaha Shiinaha.

Taiwan iyo Maraykanka waxay ku doodaan in qaraarkaas aanu waxba ka sheegin mustaqbalka Taiwan, halka Shiinuhu uu ku andacoodo in uu si buuxda u taageerayo sheegashadiisa xukunka jasiiradda Taiwan oo si dimuqraadi ah loo maamulo.

Buuq iyo gacan ka hadal hareeyay fadhigii maanta goalaha shacabka

Arbaco 30, April 2025 {HMC} Fadhigii maanta ee Golaha Shacabka ayaa kusoo dhammaaday buuq, fowdo iyo gacan ka hadal, kadib markii ay xildhibaanada mucaaradka ay si adag uga horyimaadeen guddoonka Golaha, gaar ahaan Guddoomiye Aadan Maxamed Nuur (Aadan Madoobe).

Kulanka ayaa markii horeba ku furmay xaalad muran iyo buuq wata, iyadoo ay gudaha hoolka laga maqlay firimbi iyo heeso wadani ah oo ay xildhibaanada mucaaradka si ula kac ah ugu dhawaaqayeen.

Mucaaradka ayaa la wareegay mikrofoonada Baarlamaanka, iyagoo ku yeerayay firimbi si loo carqaladeeyo fadhiga.

Guddoomiyaha Golaha Shacabka, Aadan Madoobe, ayaa markii uu gudaha usoo galay hoolka, waxaa la kulmay diidmo cad iyo canaan xanaf leh. Waxa uu si kulul ugu jawaabay mid kamid ah xildhibaanada mucaaradka isagoo yiri: “Xildhibaan Caana-nuug Jiisna waa tahaye naga farriiso.”, isagoona mid mid u weeraray xildhibaanada ka soo horjeeda guddoomiye Aadan Madoobe.

Xiisadda ayaa cirka isku shareertay kadib markii xildhibaanada qaar ay diideen in uu Aadan Madoobe shir guddoon ka noqdo fadhiga, taasoo ka dhalatay khilaaf xooggan oo ka taagan mooshin laga wado Guddoomiyaha iyo arrin la xiriirta Xildhibaan Abiib oo muran badan dhaliyay.

Ugu dambeyn, kulanka ayaa kusoo dhammaaday jawi fowdo ah, iyadoo xildhibaanada qaarkood ay si toos ah isugu dhaceen, islamarkaana ay ku dhex dagaalameen gudaha xarunta Golaha.

Xildhibaanada Mucaaradka ayaa shir deg deg ah ku yeelanayaa magaalada Muqdisho, iyagoona soo saari doono go’aano culus oo ka dhan ah Aadan Madoobe iyo wixii maanta ka dhacay Kulanka.

{DAAWO MUQAALKA} Maxaa Saameeyn ah oo ka dhashay Roob ka da’ay Baladweyne?

0

Arbaco 30, April  2025 {HMC} Maxaa Saameeyn ah oo ka dhashay Roob ka da’ay Baladweyne?

HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA 

SODMA oo shir muhiim ah kaga qeyb gashay dalka Rwanda

Arbaco 30, April 2025  Waxaa magaalada Kigali ee xarunta dalka Rwanda ka furmay kal-fadhigii 15aad ee shir-weynaha sanadlaha ah oo ay isugu yimaaddaan wadamada xubnaha ka ah hay’adda African Risk Capacity (ARC) oo qaaradda Afrika u qaabilsan arimaha Maareeynta Khataraha Musiibooyinka.

Kal-fadhiga shirka qeeybtiisa farsamada ayaa waxaa lugu falanqeeyay arrimaha ay ka midka yihiin:

(1)- Doorashada gudoonka kalfadhiga 15aad ee sanadkan 2025
(2)- Doorashadda madaxtinnimadda Hay’adda ARC ee afarta sano ee soo socota
Waxaana sidoo kale isla shirka qeeybtiisa farsamo lugu go’aamiyay go’aammo farsamo oo la hordhigayay madaxda hay’addaha wadamadda xubnaha ka ah oo uu qeeyb ka ahaa Gudoomiyaha hay’adda SoDMA mudane Maxammud Macallim Cabdulle.

Dhinaca kale waxay hay’adda SoDMA qeeb ka ahayd dooda shir-madexeedka lugu ayidayay ajandayaasha iyo warbixinta muhiimka ah ee shirarkii heer farsamo ee ka horeeyay lugu falanqeeynayay, waxaana agendayaashaas ugu muhiimsanaa soo jeedinta ah in la iska kaashado arrimaha la tacaalidda abaaraha qaarada Afrika ku soo laalaabtay.

Dhinaca kale gaba-gabadii shirka waxaa khudbado kala duwan halkaas ka soo jeediyay madaxdii shirka ka soo qeeybgashay, waxaana halkaas khudbad dhinacya badan taabaneeysa ka soo jeediyay Gudoomiyaha hay’adda SoDMA mudane Maxamuud Macalin Abdulle.

{DAAWO MUQAALKA} Maxay tahay Hadal Haaynta ka dhalatay Maaabiista Puntland iyo Somaliland manta kala Warejisteen.?

0

Arbaco 30, April  2025 {HMC} Maxay tahay Hadal Haaynta ka dhalatay Maaabiista Puntland iyo Somaliland manta kala Warejisteen.?

HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA 

DFS oo sheegtay in maalinta berri ah ay tahay maalin fasax qaran

Arbaco 30, April 2025 {HMC}Wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha Bulshada Soomaaliya, ayaa warsaxaafadeed ay soo saartay ugu hambalyeysay dhammaan shaqaalaha Soomaaliyeed munaasabadda Maanlinta Shaqaalaha Adduunka oo ku beegan maalinta Khamiista, 1-da Maajo 2025.

Sidoo kale, warsaxaafadeedka ayaa lagu sheegay in ay maalinta berri tahay maalin fasax qaran oo loo asteeyey shaqaalaha, iyada oo lagu maamuusayo dadaalkooda iyo doorkooda muhiimka ah ee horumarinta dalka.

“Haddaba Wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha Bulshada waxay idin ku wargelineysaa dhammaan Shaqaalaha Dowladda & Shaqaalaha Gaarka ah in maalinta khamiista oo ay taariikhdu tahay 01-05-2025 ay tahay maalin Fasax ah”. ayaa lagu yiri, qoraalka ka soo baxay Wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha Bulshada.

Sannad xilligaan oo kale, bisha May 1-deeda ayaa la xusaa Maalinta Shaqaalaha Adduunka, iyada la sheegay in maalintaan lagu maamuusayo dadaalkooda shaqo.

 

{DAAWO MUQAALKA} Mid kamid ah Maxabiistii Garoowe laga dajiyay oo ilmada Cishan waayay kadib marki…..

0

Arbaco 30, April  2025 {HMC} Mid kamid ah Maxabiistii Garoowe laga dajiyay oo ilmada Cishan waayay kadib marki…..

HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA 

MW Laftagareen oo kulan la qaatay James Swan

Arbaco 30, April 2025 {HMC} Madaxweynaha Dowlad goboleedka Koonfur Galbeed Cabdicasiis Xasan Maxamed Laftagareen ayaa qasriga madaxtootayada ku qaabilay Wakiilka Qarammada Midoobay ee u qaabilsan Soomaaliya James Swan iyo wafdi uu hoggaaminayo oo gaaray Magaalada Baydhabo.

Madaxweyne Laftagareen iyo James Swan ayaa Kulankooda kaga wada hadlay xaalada Guud ee Dalka, Dhinacyada Amniga, Siyaasada iyo Mashaariicda kala duwan ee Qaramada Midoobay kala Shaqayso Dowladda Koonfur Galbeed iyo Arimaha Bini’addanimada

Sidoo kale, James Swan ayaa Bogaadiyey Ciidamada Qalabka sida Dagaallada iyo hawlgallada ka dhan ka ah Al-shabaab; isaga oo tilmaamay in Xafiiska Qaramada Midoobay ee Soomaaliya Dowladda Koonfur Galbeed Garab ku siinayo Howlgalada AS.

Kulankaan James Swan iyo Madaxweynaha Koonfur Galbeed ayaa imaanay xilli uu madaxa xafiiska Qarammada Midoobay ee Soomaaliya James Swan iyo wafdigiisa ay wadaan kulamda ay la yeelanaayaan maamul goboleedyada, isaga oo shalay kulan la yeeshay Madaxweynaha Galmudug.

{DAAWO MUQAALKA} Boqor Buurmadow: “ Puntland Soomaaliya Masiirkeeda waa Lagu Aamine Karaa.?

0

Arbaco 30, April  2025 {HMC} Boqor Buurmadow: “ Puntland Soomaaliya Masiirkeeda waa Lagu Aamine Karaa.?

HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA 

{DAAWO MUQAALKA} Maxaa Sababay Buuqa ka dhacay Xarunta Golaha shacabka.?

0

Arbaco 30, April  2025 {HMC} Maxaa Sababay Buuqa ka dhacay Xarunta Golaha shacabka.?

HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA