Home Blog Page 948

{DAAWO MUQAALKA} 56 sano kadib doorasho dadweyne in ay Soomaaliya ka dhacdo waa Guul aan la weyn. Wasiir daa’uud.”

0

Talaado 29, April  2025 {HMC} 56 sano kadib doorasho dadweyne in ay Soomaaliya ka dhacdo waa Guul aan la weyn. Wasiir daa’uud.”

HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA 

{DHAGEYSO} Warka Duhurnimo ee Radio Hiiraanweyn {29-04-2025}

Talaado 29, April-2025 {HMC} – Dhageystayaal halkan waxa aan idiin kugu soo gudbi neynaa Warka Duhurnimo ee Warbaahinta Hiiraanweyn
Warka waxaa soo jeedinayo ::Mustaf Cali Cad & Shukri Baryare

Farsamadii ::Mohamed Hassan Owsei

{DAAWO MUQAALKA} Wararka ugu waa weyn Soomaaliya iyo Caalamka 29/04/2025

Talaado 29, April  2025 {HMC}  Waxaa halkan idin kugu soo gudbineynaa Wararka ugu waa weyn Soomaaliya iyo Caalamka ee Warbaahinta Hiiraanweyn

Hoos ka daawo Wararka ugu waa weyn

{DAAWO MUQAALKA} Maxkamada G.Banaadir Xukuno ku riday Kooxo dadka ka tahriibin jiray Dalka.

Talaado 29, April  2025 {HMC}  Maxkamada G.Banaadir Xukuno ku riday Kooxo dadka ka tahriibin jiray Dalka.

HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA 

James Swan oo MW Galmudug kala hadlay Shirka Golaha Wadatashiga Qaran

Talaado 29, April 2025 {HMC} Madaxweynaha Dowladda Goboleedka Galmudug Axmed Cabdi Kaariye ayaa qasriga madaxtootayada ku qaabilay madaxa xafiiska Qarammada Midoobay ee Soomaaliya James Swan iyo wafdi uu hoggaaminayo.

Kulanka ayaa waxaa looga hadlay xaaladda guud ee dalka uu marayo, shirarka la filayo iney dhacaan ee arrimaha dalka looga arrinsanyo, amniga iyo la dagaalanka Al-shabaab iyo howlaha ay hay’adaha qarramada Midoobay ka wadaan deegaannada Galmudug.

Sidoo kale, Kulanka ayaa waxaa diiradda lagu saaray arrimaha la xiriira bini’aaddnimada iyo mashaariicda horumarineed ee kaabayasha dhaqaale sida waddooyinka & Airport ka caasimadda.

Kulankaan James Swan iyo Madaxeynaha Galmudug ayaa imaanay xilli uu madaxa xafiiska Qarammada Midoobay ee Soomaaliya iyo wafdi uu hoggaaminayo ay hawlo shaqo ku joogaan maamulkaas.

Pakistan oo sheegtay inay diyaar u tahay ka jawaabida weerar kasta oo kaga yimaada Hindiya

Talaado 29, April 2025 {HMC} Wasiirka Gaashaandhigga Pakistan, Khawaja Muhammad Asif, ayaa sheegay in weerar militari oo ka yimaada dalka dariska la ah ee India ay ka jawaabi doonaan.

Xiisadda labada dal ayaa sare u kacday kadib weerarkii dhimashada badan sababay ee lagu qaaday dalxiisayaal ku sugnaa Kashmir toddobaadkii hore.

Weerarka, oo sababay geerida 26 qof, ayaa horseeday in xiisadda labada dal ay sare u kacdo.

India ayaa si joogto ah ugu eedeysa Pakistan inay taageerto kooxaha hubeysan ee ka dagaallama gobolka Kashmir oo labada dal ay isku hayaan, isla markaana horey laba jeer dagaal ugu dhexmaray.

Wasiirka Arrimaha dibadda Pakistan wuxuu intaas ku daray in hadallada hanjabaadda ah ee ka imanaya India ay sababi karaan dagaal ay la galaan dalkaasi.

Wasaaradaha Arrimaha Dibadda iyo Difaaca India ayaan weli ka jawaabin eedeynta Pakistan.

Kadib weerarkii ka dhacay Kashmir, India ayaa sheegtay in labada qof ee weerarka geystay ay ahaayeen Pakistaniyiin. Pakistan ayaa si cad u beenisay eedeymahaas, waxayna dalbatay in baaritaan madax-bannaan lagu sameeyo dhacdada.

 

 

MW xasan sheekh oo sheegay in xiriir toos ah uu ka dhaxeeyo Xuutiyiinta Yemen iyo AS

Talaado 29, April 2025 {HMC} Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa shaaciyay xog muhiim ah oo la xiriirta amniga qaranka, isaga oo wargeyska Asharq Al-Awsat ee kasoo baxa dalka Sacuudi Carabiya uga warramay xiriir khatar ah oo ay sirdoonka Soomaaliya ogaadeen inuu ka dhexeeyo kooxaha argagixisada ee gobolka.

Madaxweynaha ayaa caddeeyay in hay’adaha sirdoonka Soomaaliya ay dhawaan xaqiijiyeen xiriir toos ah oo u dhaxeeya kooxda Xuutiyiinta Yemen, Al-Shabaab iyo Daacish — kooxahan oo si wadajir ah isugu xiran hub, sirdoon iyo khibrado ciidan.

“Waan ogaanay in kooxda Xuutiyiinta ay si toos ah u taageeraan kooxaha argagixisada ee ka dagaalama gudaha Soomaaliya. Waxaa jiray is dhaafsi hub, tababaro iyo diyaarado drone ah oo laga soo diray Yemen, loona waday Soomaaliya si loogu adeegsado falal lagu dhibaateeyo shacabka iyo dowladnimada,” ayuu yiri Madaxweyne Xasan Sheekh.

Wuxuu sidoo kale sheegay in ay gacanta ku dhigeen shixnado qaraxyo ah iyo diyaarado aan duuliye lahayn (drone), kuwaas oo si qarsoodi ah looga soo raray Yemen. Intaas waxaa dheer in la burburiyay shabakad tahriibin ah oo ka shaqeynaysay kala gudbinta hub iyo xubno xiriir la leh kooxahaasi.

Madaxweynaha ayaa carabka ku adkeeyay in xiriirka u dhexeeya kooxahan uu yahay mid khatar ku ah amniga gobolka, gaar ahaan Badda Cas iyo marin biyoodka muhiimka ah ee Khaliijka Cadan. Wuxuu ugu baaqay dalalka gobolka iyo kuwa caalamiga ah in ay si dhab ah ula shaqeeyaan Soomaaliya si loo cirib tiro khatarahan wadajirka ah.

Xogtan cusub ayaa imaneysa xilli Soomaaliya ay wajahayo dagaallo culus oo ka dhan ah argagixisada, iyadoo Dowladda Federaalka ay xoojineyso dadaallada lagu sugayo amniga dalka iyo guud ahaan gobolka.

Masar oo sheegtay in ay ka go’an tahay taageerada Soomaaliya

Talaado 29, April 2025 {HMC} Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Socdaalka ee Masar, Dr. Badr Al-Atty, ayaa khadka taleefoonka ugu soo hambalyeeyey Wasiirka cusub ee arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Cabdisalaam Cabdi Cali, Abdisalam Ali

Wasiir Al-Atty ayaa ugu hambalyeeyay dhiggiisa Soomaaliyeed xilka cusub ee loo magacaabay, isaga oo u rajeeyay guul iyo horumar. Wuxuu xusay xiriirka taariikhiga ah ee walaaltinimo ee ka dhexeeya Masar iyo Soomaaliya, kaas oo la xoojiyay bishii Janaayo 2025 kadib booqashadii Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud, uu ku tagay Masar, laguna gaarey heer iskaashi istaraatiji ah.

Wasiirku wuxuu caddeeyay in Masar ay si buuxda uga go’an tahay taageeridda Soomaaliya, gaar ahaan dhinacyada amniga iyo hay’adaha qaran, si kor loogu qaado xasilloonida dalka. Waxa uu carabka ku adkeeyay in Masar ay garab taagan tahay Soomaaliya xilligan adag ee la dagaallanka AS.

Labada wasiir waxay sidoo kale is dhaafsadeen aragtiyo ku saabsan sidii loo xoojin lahaa iskaashiga labada dal ee ku aaddan horumarinta gobolka Geeska Afrika. Waxa ay adkeeyeen muhiimadda ay leedahay in labada dal ay sii wadaan la-tashiga dhow ee ku saabsan shirarka heer gobol iyo heer caalami si ay uga wada shaqeeyaan caqabadaha ay wadaagaan.

Wasiir Cabdisalaam ayaa dhankiisa uga mahadceliyay Masar taageerada joogtada ah ee ay siiso Soomaaliya, gaar ahaan kaalinteeda ay ka qaadato hawlgalka Midowga Afrika ee taageerada iyo xasilinta Soomaaliya.

 

Hogaamiyaha Shaqaalaha Kenya oo sheegay in soomaalida ay u qalmaan Madaxweynaha kenya

Talaado 29, April 2025 {HMC} Madaxa ururka shaqaalaha Kenya ee loo yaqaan COTU, Francis Atwoli, oo in kabadan 20sano ku jira Siyaasadda dalka Kenya ayaa sheegay in la joogo xiligii ay Soomaalida dalka madaxweyne ka noqon lahaayeen.

Siyaasigaan Atwoli ayaa u muuqday mid uu ku muujinayay in isbeddel loo baahan yahay si looga tago halka la joogo, wuxuuna tusaale u soo qaatay booqasho uu ku tagay Suuqa Islii ee magaalada Nairobi iyo wixii uu ku soo arkay.

“Waxa aan rabaa in aan u mahadceliyo bulshada Soomaalida ee xaafadda Islii, markii iigu horreysay shalay ayaan booqday Islii. Marka aad joogto Islii, gaar ahaan suuqa laga adeegto ilaa markaad horay u yara socoto, waxaad mooddaa in aad joogto magaalada Qaahira ee dalka Masar,” ayuu yiri Atwoli oo intaas ku daray in loo baahan yahay Isbeddel.

“Somaalida isbaddel haku sameeyaan magaalada Nairobi haddii aadan adinka awoodin, hana ooyina sababtoo ah waxaad rabtaan in xafiiska lacag la idinkugu keeno oo lacag la idinku soo tuuro” ayuu yiri Siyaasi Atwoli.

Waxa uu ugu baaqay Soomaalida inay hormariyaan magaalada Caasimadda ah ee Nairobi, mustaqbalkana madaxweyne ay yeelan doonaan.

{DAAWO MUQAALKA} Dowladda oo War Kasoo Saartay Dagaalka AS ku Dhaxmaray Shabeelaha Dhaxe

Talaado 29, April  2025 {HMC} Dowladda oo War Kasoo Saartay Dagaalka AS ku Dhaxmaray Shabeelaha Dhaxe

HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA