Home Blog Page 956

Faahfaahino kasoo baxaya hoobiyaal ah oo lagu garaacay Xerada Xalane ee magaalada Muqdisho

Isniin 28, April 2025 {HMC} Tiro hoobiyeyaal ah ayaa Aroortii salaada subax kadib lagu weeraray xerada Xalane iyo xaafadaha ku dhow, ee magaalada Muqdisho, halkaas oo ah goob ay ku sugan yihiin hay’ado caalami ah iyo safaarado dhowr ah.

Weerarkan ayaa sidoo kale saameyn ku yeeshay xaafadaha ku dhow, iyadoo mid ka mid ah hoobiyaasha uu ku dhacay xaafadda Korontada ee degmada Wadajir.

Goobjoogayaal ayaa sheegay in dadka degan xaafadda Korontada ay ku tooseen dhawaaqa culus ee hoobiyaasha.

Ilaa seddex madfac oo hoobiye ah ayaa si toos ah ugu dhacay gudaha xerada Xalane, halka mid ka mid ah hoobiyeyaashaasi uu ku dhacay gudaha xaafadda Korontada.

Ilaa hadda lama oga khasaaraha ka dhashay weerarka, inkastoo warar hordhac ah ay sheegayaan in ay jiraan dhaawacyo fudud oo soo gaaray qaar ka mid ah shacabka.

Saraakiisha amniga ee dowladda Soomaaliya iyo kuwa AUSSOM ayaan weli ka hadlin weerarkan, mana jiro wax war rasmi ah oo kasoo baxay oo ku saabsan khasaaraha rasmiga ah ama cidda ka dambeysa weerarka.

Xalane oo ah xarunta ugu weyn ee laga maamulo howlaha diblomaasiyadda iyo nabad ilaalinta ee Muqdisho ayaa dhowr jeer sidan oo kale lagu weeraray tiro hoobiyeyaal ah.

{DAAWO MUQAALKA} Maxay ka wada hadleen Soomaliland iyo Taiwan.?

0

Isniin  28, April  2025 {HMC} Maxay ka wada hadleen Soomaliland iyo Taiwan.?

HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA 

{DHAGEYSO} Warka Subaxnimo ee Warbaahinta Hiiraanweyn {28.04.2025}

Isniin 28, April 2025 {HMC} Dhageystayaal halkan waxa aan idiin kugu soo gudbi neynaa Warka Subaxnimo ee Warbaahinta Hiiraanweyn

Warka waxaa soo jeedinayo ::Yaasiin Ali Ahmed

Farsamadii ::Mohamed Baryare Haamud

HOOS KA DHAGEYSO WARKA SUBAXNIMO

34 sanno kaddib oo dib loo howlgeliyey qayb Muhiim u ah ciidanka Booliska Soomaliyed.

Isniin 28, April 2025 {HMC} Taliyaha ciidanka booliiska Soomaaliyeed Sarreeye Guuto Asad Cismaan Cabdullaahi, 34 sanno kaddib dib u howlgeliyey hoggaankii dhismaha ciidanka booliiska oo qaabilsanaa hirgelinta dhismayaasha dowladda iyo horumarinta adeegyada kaabayaasha dhaqaale ee guud ahaan Dalka.

G/le Sare Axmed Xusseen Maxamed ayuu taliyuhu u magacaabay dhawaan hoggaanka shismaha, waxaana markiiba uu ka howlgalay diyaarinta qorshaha uu hogaankan ku howlgalayo, isagoo kaashanaya khubaro uu taliyuhu u xushay dib u howlgelinta shaqadii uu dowladda u hayey Hogaankaa, si markale dib loogu howlgeliyo awoodii uu u lahaa hirgelinta dhismahayaasha dowladda .

Gudoomiyaha gobalka Banaadir Maxamed Axmed Amiir, ayaa taliyaha guddoonsiiyey ruqsadda uu gobalka Banaadir uu hoggaanka dhismaha uga howlgeli karo si uu doorkiisa uga qaato hirgelinta dhismayaasha iyo dib u habeynta xarumaha loogu adeego bulshada ee gobalka Banaadir ku yaala.

Dib u howlgelinta hoggaanka dhismaha, ayaa soo celinaya nidaamka dowladmimo ee dhinaca dhismayaasha dowliga iyo awoodii uu hogaankaasi ulahaa fulinta adeegyadaasi, waxa uuna sanadihii lasoo dhaafay hoggaankan ahaa mid magac ahaan kaliya u jiray.

Puntland oo go’aanno adag ka soo saartay tahriibta dhallinyarada Deegaanadeda.

Isniin 28, April 2025 {HMC} Mas’uuliyiin ka tirsan maamul goboleedka Puntland oo shir ku yeeshay magaalada Garoowe, ayaa soo saaray go’aanno adag oo ku saabsan xakamaynta tahriibta dhallinyarada oo dhawaanahan xargaga goosatay si weyna u kordhay.

Shirkan waxaa ka qayb-galay mas’uuliyiinta labada wasaaradood ee Amniga iyo duulista Hawada Puntland oo ay weheliyaan saraakiisha Booliska, Laanta Socdaalka (Immigration) iyo mas’uuliyiinta garoonka diyaaradaha Garoowe, waxaana ka soo baxay go’aanno ku saabsan xakamaynta Tahriibta.

Shirka ayaa lagu go’aamiyay in si buuxda looga hortago dhammaan falalka tahriibinta iyo socdaalka sharci-darrada ah ee sii kordhaya, gaar ahaanna dhalinyarada sida sharci-darrada ah looga dhoofiyo garoomada Puntland, kuwaasi oo adeegsada dukumentiyo been abuur ah oo suuqa laga sameeyay.

“Qof kasta oo lagu qabto garoomada Puntland isagoo ku lug leh tahriib ama adeegsanaya dukumentiyo been abuur ah, waaa in ay si wadajir ah tallaabo adag uga qaadaan Laanta Socdaalka (Immigration) iyo Booliska, si sharciga la marsiiyo” ayaa lagu yiri Qoraal ka soo baxay Shirkaasi.

“In si adag oo dhakhso leh sharciga loo mariyo tahriibayaasha iyo shabakadaha tahriibta shaqeeya, islamarkaana shirkadaha diyaaradaha iyo kuwa tigidhada ay ka wda wada shaqeeyan hubinta saxda ah ee dokumentiyada rakaabka u safraya dibadda, si aysan ugu dhuuman Tahriibayaasha” ayuu sii raaciyay go’aanka dowladda.

Dhallinyaro badan oo Soomaaliyeed oo tahriib ahaa , ayaa ka dhoofay garoomo diyaaradeed oo kuyaalla deegaannada Puntland, waxa ayna inta badan dhallinyaradan loo qaadayay dalka Algeria, halkaas oo hadda ka furmay marin cusub ay usii maraan Yurub dhallinyarada tahriib doonta ah.

{DAAWO MUQAALKA} Khasaaro kala Duwan oo ka dhashay Dagaalo ka dhacay shabeelada dhexe.

0

Isniin  28, April  2025 {HMC} Khasaaro kala Duwan oo ka dhashay Dagaalo ka dhacay shabeelada dhexe.

HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA 

{DAAWO MUQAALKA} Maxaa kasoo kordhay weerarki lagu qaaday Deeganka tawakal ee Sh/Dhexe.?

0

Isniin  28, April  2025 {HMC} Maxaa kasoo kordhay weerarki lagu qaaday Deeganka tawakal ee Sh/Dhexe.?

HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA 

Kuuriyada Waqooyi oo xaqiijisay in ay ciidamo uga taageereen Ruushka dagaalka Ukraine.

Isniin 28, April 2025 {HMC} Kuuriyada Waqooyi ayaa markii ugu horreysay si rasmi ah u xaqiijisay in ay ciidamo u dirtay Ruushka si ay uga taageeraan dagaalka ka dhanka ah Ukraine.

Warbixin ay baahisay wakaaladda wararka ee dawladda Kuuriyada Waqooyi, ayaa lagu sheegay in hoggaamiyaha dalkaas, Kim Jong Un, uu go’aansaday in ciidamo dagaal loo diro Ruushka, iyadoo la raacayo heshiiska difaaca wadajirka ah ee labada dal.

Sida ay sheegtay Wakaaladda, Kim Jong Un ayaa amray in ciidankaasi la diro si ay “u baabi’iyaan una tirtiraan kooxaha neo-Nazi ee Ukraine” isla markaana ay gacan ka geystaan xoreynta gobolka Kursk, iyaga oo taageeraya ciidamada Ruushka.

Mas’uuliyiin ka tirsan sirdoonka Mareykanka, Kuuriyada Koonfureed, iyo Ukraine ayaa horay u sheegay in Kuuriyada Waqooyi ay dhamaadkii sanadkii hore u dirtay Ruushka ilaa 10,000 ilaa 12,000 oo askari.

{DAAWO MUQAALKA} Madaxweyne Xasan Shiikh Ma ka qeyb galidoonaan Tartanka doorashada 2026.?

0

Axad  27, April  2025 {HMC} Madaxweyne Xasan Shiikh Ma ka qeyb galidoonaan Tartanka doorashada 2026.?

HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA 

{DAAWO MUQAALKA} Dhacdooyinkii ugu Dambeeyay ee Caalamka 27-04 2025.

0

Axad  27, April  2025 {HMC} Waxaa halkan idin kugu soo gudbineyna Dhacdooyinkii Ugu Dambeeyay Caalamka ee Warbaahinta Hiiraanweyn.

HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA