Axad 27, April 2025 {HMC} Dhageystayaal halkan waxa aan idiin kugu soo gudbi neynaa Warka Habeenimo ee Warbaahinta Hiiraanweyn
Warka waxaa soo jeedinayo ::Abdiqani Osoble
Farsamadii ::Mohamed Baryare Haamud
Axad 27, April 2025 {HMC} Dhageystayaal halkan waxa aan idiin kugu soo gudbi neynaa Warka Habeenimo ee Warbaahinta Hiiraanweyn
Warka waxaa soo jeedinayo ::Abdiqani Osoble
Farsamadii ::Mohamed Baryare Haamud
Axad 27, April 2025 {HMC} Maxaa ka jira in AS loo waday Geela ay qabteen Macawisleydda Hiiraan.
Axad 27, April 2025 {HMC} Madaxweyne Deni,oo booqday Ciidankii kusoo dhaawacmay hawlgalka Kooxda Daacish
Axad 27, April 2025 {HMC} Maamulka Somaliland oo ka digay calamo aan ahayn ka Somaliland oo lagu arkay baraha bulshada
Axad 27, April 2025 {HMC} Garab istaag Loo Muujiyay Ciidamada ku Sugan Furumaha Dagaal..
Axad 27, April 2025 {HMC} Xasan Sheekh Maxamuud Madaxweynaha Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa sheegay inuusan weli go’aan ka gaarin inuu isku sharaxi doono mar kale doorashada madaxweynaha ee 2026.
Madaxweyne Xasan Sheikh ayaa ku celiyey in go’aan kasta oo ku saabsan suurtagalnimada inuu u tartamo mar saddexaad sanadka 2026 uu ku xirnaan doono xaaladda siyaasadeed marka wareegga doorashada uu soo dhowaado.
Wuxuu xusay in waxa uu diiradda hadda saarayo ay tahay xoojinta amniga dalka, kobcinta dhaqaalaha, iyo hirgelinta codbixinta tooska ah ee muddo dheer la sugayay.
Wareysi uu siiyay Nation Media oo ah warbaahin laga leeyahay Kenya, ayuu Madaxweyne Maxamuud ku sheegay in xaaladda amniga ee caasimadda Muqdisho ay si weyn u hagaagtay tan iyo markii uu xilka qabtay bishii May 2022. Muddadaas wuxuu sheegya in lagu xasuusto dagaallo xooggan oo dowladdiisay ku qaadday kooxda Al-Shabaab.
“Amniga Muqdisho aad ayuu u soo hagaagay tan iyo 2022 markii aan xafiiska la wareegay,” ayuu yiri Madaxweyne Maxamuud. “Bilo walba qaraxyo ayaanu la kulmi jirnay, laakiin hadda aad bay u yar yihiin.”
Wuxuu sheegay in kororka amniga uu si toos ah u horseeday koboc dhaqaale iyo dhismooyin ka socda caasimadda, isagoo tusaale u soo qaatay ballaarinta goobaha ganacsiga.
“Waxaa la iigu doortay barnaamij ah la dagaalanka argagixisada iyo soo celinta dimuqraadiyadda Soomaaliya. Taasi waxay ahayd ajandahaygii doorashada,” ayuu yiri. “Haddii aad dib u fiiriso barnaamijkaygii siyaasadeed ee doorashadii hore, waxaan si weyn ugu guuleystay daciifinta awoodda Al-Shabaab.”
Madaxweyne Xasan Sheikh waxa uu sheegay hadafkiisa ugu weyn inuu yahay, in Soomaaliya u soo celiyo dimuqraadiyad dhab ah. Wuxuu si gaar ah u adkeeyey muhiimadda uu shaqsiyan siiyo hirgelinta nidaamka codbixinta tooska ah.
Axad 27, April 2025 {HMC} Waxaa halkan idin kugu soo gudbineyna Wararkii ugu Dambeeyay Soomaaliya iyo Caalamka ee Warbaahinta Hiiraanweyn.
Axad 27, April 2025 {HMC} DEG DEG Ciidamada Macawisleeyda oo la wareegay Deegaanka Yasooman.
Axad 27, April 2025 {HMC} Wasiirka Wasaaradda Cadaalada oo kormeer ku tagay goobaha isdiiwaan galinta doorashada
Axad, 27 Abriil, 2025 {HMC} 200 oo dhallinyaro ah oo doonayay in la qoro ciidanka millateriga Somaliland ayaa mudaharaad rabshado wata ka dhigay magaalada Caynaba, kadib dib u dhac ku yimid qaramayntooda.
Taliyaha Booliiska Qaybta Gobolka Saraar, Jaamac Ibraahin Aadan, ayaa sheegay in dhallinyaradu sameeyeen kacdoon rabshado wata, kadib markii uu dib u dhac ku yimid qoristooda ciidanka.
“Waa kacdoon ay samaynayaan dad shacab ah oo ka mid ah dadkii soo doontay qaramaynta, oo aan wax hub ah sidan, kuwaas oo muddo halkan joogay. Wax huba la’aantaasi ayey sababtay dib u dhaca qoristooda. Dadkaasi waxay ku kaceen fal aad u foolxun iyaga oo gubay laamiga,” ayuu yidhi taliyuhu.
Waxa uu sheegay in mudaharaadku uu saameeyay ganacsiyo, isla markaana ay dhallinyaradan gadoodsani weerar ku qaadeen saldhigga booliiska magaalada Caynaba, bangiga gobolka, iyo xarumo kale oo xukuumadeed.
Waxa uu sidoo kale sheegay in askar badan oo booliis ah ay dhaawacyo kasoo gaadheen mudaharaadka, isaga oo falkan ku tilmaamay xadgudub sharci, kana codsaday dhallinyarada inay si asluub leh codsigooda u gudbiyaan oo aysan qas samaynin.
Xukuumadda Somaliland ayaa muddo laba bilood ah si isdaba joog ah u qaramaynaysay ciidamo beeleedyo iyo dad kale oo doonaya inay ku biiraan ciidamada, iyadoo ilaa hadda la qarameeyay boqollaal baabuur tigniko ah iyo kumanaan dhallinyaro ah oo loo diray tababar.
Xukuumadda Somaliland ayaa talaabadan qaramaynta ku tilmaantay mid lagu doonayo in kor loogu qaado nabadda isla markaana lagu dhiso ciidan millateri oo tayo iyo tiro leh, iyadoo dhinaca kale qaadashada hubka laga mamnuucay shacabka deegannada qaramaynta laga sameeyay.