Home Blog Page 958

MW xasan sheekh oo sheegay in xiriir toos ah uu ka dhaxeeyo Xuutiyiinta Yemen iyo AS

Talaado 29, April 2025 {HMC} Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa shaaciyay xog muhiim ah oo la xiriirta amniga qaranka, isaga oo wargeyska Asharq Al-Awsat ee kasoo baxa dalka Sacuudi Carabiya uga warramay xiriir khatar ah oo ay sirdoonka Soomaaliya ogaadeen inuu ka dhexeeyo kooxaha argagixisada ee gobolka.

Madaxweynaha ayaa caddeeyay in hay’adaha sirdoonka Soomaaliya ay dhawaan xaqiijiyeen xiriir toos ah oo u dhaxeeya kooxda Xuutiyiinta Yemen, Al-Shabaab iyo Daacish — kooxahan oo si wadajir ah isugu xiran hub, sirdoon iyo khibrado ciidan.

“Waan ogaanay in kooxda Xuutiyiinta ay si toos ah u taageeraan kooxaha argagixisada ee ka dagaalama gudaha Soomaaliya. Waxaa jiray is dhaafsi hub, tababaro iyo diyaarado drone ah oo laga soo diray Yemen, loona waday Soomaaliya si loogu adeegsado falal lagu dhibaateeyo shacabka iyo dowladnimada,” ayuu yiri Madaxweyne Xasan Sheekh.

Wuxuu sidoo kale sheegay in ay gacanta ku dhigeen shixnado qaraxyo ah iyo diyaarado aan duuliye lahayn (drone), kuwaas oo si qarsoodi ah looga soo raray Yemen. Intaas waxaa dheer in la burburiyay shabakad tahriibin ah oo ka shaqeynaysay kala gudbinta hub iyo xubno xiriir la leh kooxahaasi.

Madaxweynaha ayaa carabka ku adkeeyay in xiriirka u dhexeeya kooxahan uu yahay mid khatar ku ah amniga gobolka, gaar ahaan Badda Cas iyo marin biyoodka muhiimka ah ee Khaliijka Cadan. Wuxuu ugu baaqay dalalka gobolka iyo kuwa caalamiga ah in ay si dhab ah ula shaqeeyaan Soomaaliya si loo cirib tiro khatarahan wadajirka ah.

Xogtan cusub ayaa imaneysa xilli Soomaaliya ay wajahayo dagaallo culus oo ka dhan ah argagixisada, iyadoo Dowladda Federaalka ay xoojineyso dadaallada lagu sugayo amniga dalka iyo guud ahaan gobolka.

Masar oo sheegtay in ay ka go’an tahay taageerada Soomaaliya

Talaado 29, April 2025 {HMC} Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Socdaalka ee Masar, Dr. Badr Al-Atty, ayaa khadka taleefoonka ugu soo hambalyeeyey Wasiirka cusub ee arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Cabdisalaam Cabdi Cali, Abdisalam Ali

Wasiir Al-Atty ayaa ugu hambalyeeyay dhiggiisa Soomaaliyeed xilka cusub ee loo magacaabay, isaga oo u rajeeyay guul iyo horumar. Wuxuu xusay xiriirka taariikhiga ah ee walaaltinimo ee ka dhexeeya Masar iyo Soomaaliya, kaas oo la xoojiyay bishii Janaayo 2025 kadib booqashadii Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud, uu ku tagay Masar, laguna gaarey heer iskaashi istaraatiji ah.

Wasiirku wuxuu caddeeyay in Masar ay si buuxda uga go’an tahay taageeridda Soomaaliya, gaar ahaan dhinacyada amniga iyo hay’adaha qaran, si kor loogu qaado xasilloonida dalka. Waxa uu carabka ku adkeeyay in Masar ay garab taagan tahay Soomaaliya xilligan adag ee la dagaallanka AS.

Labada wasiir waxay sidoo kale is dhaafsadeen aragtiyo ku saabsan sidii loo xoojin lahaa iskaashiga labada dal ee ku aaddan horumarinta gobolka Geeska Afrika. Waxa ay adkeeyeen muhiimadda ay leedahay in labada dal ay sii wadaan la-tashiga dhow ee ku saabsan shirarka heer gobol iyo heer caalami si ay uga wada shaqeeyaan caqabadaha ay wadaagaan.

Wasiir Cabdisalaam ayaa dhankiisa uga mahadceliyay Masar taageerada joogtada ah ee ay siiso Soomaaliya, gaar ahaan kaalinteeda ay ka qaadato hawlgalka Midowga Afrika ee taageerada iyo xasilinta Soomaaliya.

 

Hogaamiyaha Shaqaalaha Kenya oo sheegay in soomaalida ay u qalmaan Madaxweynaha kenya

Talaado 29, April 2025 {HMC} Madaxa ururka shaqaalaha Kenya ee loo yaqaan COTU, Francis Atwoli, oo in kabadan 20sano ku jira Siyaasadda dalka Kenya ayaa sheegay in la joogo xiligii ay Soomaalida dalka madaxweyne ka noqon lahaayeen.

Siyaasigaan Atwoli ayaa u muuqday mid uu ku muujinayay in isbeddel loo baahan yahay si looga tago halka la joogo, wuxuuna tusaale u soo qaatay booqasho uu ku tagay Suuqa Islii ee magaalada Nairobi iyo wixii uu ku soo arkay.

“Waxa aan rabaa in aan u mahadceliyo bulshada Soomaalida ee xaafadda Islii, markii iigu horreysay shalay ayaan booqday Islii. Marka aad joogto Islii, gaar ahaan suuqa laga adeegto ilaa markaad horay u yara socoto, waxaad mooddaa in aad joogto magaalada Qaahira ee dalka Masar,” ayuu yiri Atwoli oo intaas ku daray in loo baahan yahay Isbeddel.

“Somaalida isbaddel haku sameeyaan magaalada Nairobi haddii aadan adinka awoodin, hana ooyina sababtoo ah waxaad rabtaan in xafiiska lacag la idinkugu keeno oo lacag la idinku soo tuuro” ayuu yiri Siyaasi Atwoli.

Waxa uu ugu baaqay Soomaalida inay hormariyaan magaalada Caasimadda ah ee Nairobi, mustaqbalkana madaxweyne ay yeelan doonaan.

{DAAWO MUQAALKA} Dowladda oo War Kasoo Saartay Dagaalka AS ku Dhaxmaray Shabeelaha Dhaxe

Talaado 29, April  2025 {HMC} Dowladda oo War Kasoo Saartay Dagaalka AS ku Dhaxmaray Shabeelaha Dhaxe

HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA 

{DAAWO MUQAALKA} Wasiir Batroolka oo Booqday Dhaawacyada Macawiisleeyda Xawaadle

Talaado 29, April  2025 {HMC} Wasiir Batroolka oo Booqday Dhaawacyada Macawiisleeyda Xawaadle

HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA 

{DAAWO MUQAALKA} Dad Shacab ah oo lagu laayay Waqooyi Bari Kenya

Talaado 29, April  2025 {HMC} Dad Shacab ah oo lagu laayay Waqooyi Bari Kenya

HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA 

Soomaali ku geeriyootay duqeyn uu Mareykanka ka fuliyey Yemen

Talaado 29, April 2025 {HMC} Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya weerar Duqeyn oo ka dhacay Yemen laguna qaaday Xabsi ay maamulaan Xuutiyiinta Yemen laguna haayay Tahriibayaal Afrikaan ah oo ay ku jireen Soomaali.

Duqeyntaasi markii ay dhacday dadkii goobta tagay waxaa kamid ahaa Ibrahim Cabdulqaadir Macallin oo kamid ah Soomaalida ku nool dalka Yemen waxaana uu sheegay in khasaare xoogan uu kusoo arkay Xabsigii la duqeeyay.

“Soomaalida tiradooda way yarayd, 3 maalin ka hor ayaa Soomaali badan oo meesha ku jirtay laga soo saaray” ayuu yiri Ibraahim oo sidoo kale u sheegay BBC-da waxa uu ka ogyahay tirada dadka wax ku noqoday xeradaas iyo inta ay Soomaali ka tahay.

“Dadka dhintay waa 90, dadka dhaawaca waa 25, Soomaalida waxaa la leeyahay 3 ilaa 4 qof ayaa ku jirtay laakin ilaa hadda xaqiiqdooda ma hayno” ayuu yiri, maruu u waramay BBC-da.

Ibraahim wuxuu uu sheegay in ay la socdaan xaaladda Soomaalida la soo qabto iyagoo u tahriibaya Sacuudiga.

“Muhaajiriinta aad ayaan ula soconaa, dad badan ayaa soo dhawacma oo marka ay galayaan xuduudda Sacuudiga la soo dilaa, jaaliyada way la socotaa dadkaas” ayuu yiri Ibraahim oo intaas ku daray “Qofka Soomaaliga ee la soo qabto waa la soo gudbiyaa si khasaaraha loo yareeyo”.

Somaliland oo Dalka Jabuuti ka Joojisay Ciid Muhiim u Ahayd Dhismayaasha Dalkaas

Talaado 29, April 2025 {HMC} Xukuumadda Somaliland ayaa joojisay ciidda niista ee dhismayaasha loo isticmaalo, oo dalka Jabuuti uu ka raran jiray gobolka Salal ee Somaliland.

Wareegto uu ku saxeexan yahay Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Tamarta iyo Macdanta, Shucayb Cismaan Maxamuud, ayaa gabi ahaanba lagu joojiyay rarista ciiddaas loo adeegsado dhismayaasha laga hirgelinayo gudaha dalka Jabuuti.

“Waxaan go’aamiyay in taariikhda maanta 28, 4, 2025 aan joojiyay ciidda niista ah ee laga raro gobolka Salal. Sidaa darteed, waxaan masuuliyiinta uu qoraalkani khuseeyo farayaa inay hirgeliyaan wareegtadan, ilaa amar dambe kasoo baxayo Wasaaradda Tamarta iyo Macdanta,” ayaa lagu yidhi wareegtada.

Wasaaraddu faahfaahin kama bixin sababta xiligan keentay in la joojiyo ciiddaas muhiimka u ahayd hirgelinta dhismayaasha dalka Jabuuti, iyada oo muddo dheer Jabuuti gobolkan jaarka la ah usoo doonan jirtay ciidda.

Jabuuti ayaa sidoo kale qayb kamid ah biyaha macaan ee dalkaasi laga cabo ka dhaansata ceelasha biyaha ee ku yaalla gobolka Salal ee Somaliland, maadaama dhulka Jabuuti uu yahay mid oomane ah oo biyaha iyo baadkuba ku yaryihiin.

Inkasta oo xukuumadda Madaxweyne Cirro ay sheegtay inay soo celinayso xidhiidhka Jabuuti iyo Somaliland, haddana xidhiidhka labada dhinac ayaa si weyn u xumaaday sannadkii 2024 kadib markii Jabuuti ay ka cadhootay isfahankii badda ee dhex maray Somaliland iyo Itoobiya.

Jabuuti ayaa martigelisay kooxda Dhaqdhaqaaqa Awdal State, taas oo Somaliland aad uga cadhaysiisay, iyadoo ku eedaysay Jabuuti inay ka baxday xeerkii deris wanaagga ee muddada dheer ka dhexeeyay, taas oo Jabuuti beenisay.

DG koonfur galbeed oo walaac ka muujisay xaaladda bani’aadanimo ee Soomaaliya

Talaado 29, April 2025 {HMC} Dowlad-goboleedka Koonfur Galbeed ayaa ka digay in xaaladda bani’aadanimo ee Soomaaliya ay gaari karto heer aad u xun haddii la joojiyo gargaarka degdegga ah ee lagu taageero dadka tabaaleysan.

“Haddii la jaro gargaarka xilligan adag, waxaa dhici karta in dalka uu galo xaalad la mid ah tii 1991,” ayuu yiri Wasiir ku-xigeenka Wasaaradda Maareynta Musiibooyinka iyo Gargaarka Bani’aadamnimada ee Koonfur Galbeed, Cabdullaahi Isaaq Ganey.

Digniintan kasoo baxday maamulka Koonfur Galbeed ayaa imanaysa iyadoo abaaro daba dheeraaday, sicir-barar ba’an, iyo colaado sokeeye ay ku sii fidayaan Koonfur Galbeed iyo guud ahaan dalka.

Horey, Dowladda Mareykanka ayaa u jaratay ku dhowaad $170 milyan oo gargaar ahaa oo loogu talagalay Soomaaliya, sida uu sheegay ururka samafalka ee Stand Up for Aid. Go’aankan ayaa ku soo beegmaya xilli la saadaalinayo in ku dhowaad 4.4 milyan oo qof — oo ah 23% shacabka dalka — ay wajihi karaan xaalad macaluul ah sanadka 2025.

Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Qaramada Midoobay ayaa si isku mid ah uga digay in go’aankan uu sii kordhin doono saameynta abaaraha, colaadaha, iyo sicir-bararka ku haya bulshada nugul.

Hay’adda Cunnada Adduunka (WFP) ayaa sheegtay in carruurta ka yar shan sano ay noqon doonaan kuwa ugu nugul ee la ildaran doona nafaqo-darro, iyadoo la filayo in tiradoodu gaarto ilaa 1.7 milyan dhammaadka sannadkan.

{DAAWO MUQAALKA} Gurmad Lagu Caawinayo Ciidamada Macawisleeyda oo looga dhawaaqay Hiiraan.

Talaado 29, April  2025 {HMC} Gurmad Lagu Caawinayo Ciidamada Macawisleeyda oo looga dhawaaqay Hiiraan.

HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA