Arbaco 30, April 2025 {HMC} Dhageystayaal halkan waxa aan idiin kugu soo gudbi neynaa Warka Subaxnimo ee Warbaahinta Hiiraanweyn
Warka waxaa soo jeedinayo ::Abdirahmaan Ahmed Maaskaro
Farsamadii ::Mohamed Baryare Haamud
Arbaco 30, April 2025 {HMC} Dhageystayaal halkan waxa aan idiin kugu soo gudbi neynaa Warka Subaxnimo ee Warbaahinta Hiiraanweyn
Warka waxaa soo jeedinayo ::Abdirahmaan Ahmed Maaskaro
Farsamadii ::Mohamed Baryare Haamud
Arbaco 30, April 2025 {HMC} Dowladda Soomaaliya oo Joojisay Dalka ineey soo galaan Dadka wata Baasaboorka Teewaan.
Arbaco 30, April 2025 {HMC} Puntland oo sii Deeyneyso maxaabiis ay ku qabatay Dagaalkii Goojacade
Arbaco 30, April 2025 {HMC} Maxaa ka taqanaa ciidamada Macawiisleeyda ee Dagaalka kula Jira AS.?
Arbaco 30, April 2025 {HMC} – Xildhibaan hore Maxamed Cumar Dalxa oo wareysi gaar ah siiyay Teleshinka Universal ayaa si qoto dheer uga hadlay xiisadda siyaasadeed ee ka taagan Golaha Shacabka, taas oo saameysay shaqadii uu hayay Baarlamaanka.
Dalxa ayaa marka hore sharci darro ku tilmaamay tallaabada uu qaaday Sheekh Aadan Madoobeee uu ku xiray fadhiyadii Baarlamaanka, isagoo farriin u diray madaxweynaha.
Xildhibaan hore Maxamed Cumar Dalxa ayaa ugu baaqay madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud inuu soo farogeliyo xiisadda Baarlamaanka, si xal loogu helo muranka taagan
“Waa sharci daro in uu Baarlamaanka uu xirto Sheekh Aadan Madoobe, Madaxweynaha isagaa ah Ilaaliyaha sharciga kama baaqsanayso in uu soo faragaliyo buuqa Baarlamaanka” ayuu yiri Xildhibaan hore Maxamed Cumar Dalxa.
Waxaa kale oo uu yiri “Baarlamaanka wuxuu ku furmayaa sharci, wuxuuna ku xirmayaa sharci, waxaana furaya madaxweynaha hadane marka la xirayo madaxweynaha ayaa ka khudbeynayo.
Hadalkan ayaa kusoo aadayo, iyada oo haatan ay sii laba kacleyneyso xiisadda ka dhex taagan Baarlamaanka, taas oo ka dhalatay mooshin xilka qaadis ah oo ay qaar kamid ah Xildhibaannadu ka keeneen guddoomiyaha Golaha Shacabka, Sheekh Aadan Madoobe.
Waxaa guud ahaan hakad-galay shaqadii Baarlamaanka oo xiran muddo ku dhow laba isbuuc, sababo la xiriira khilaafka soo cusboonaaday ee ka taagan golaha dhexdiisa.
Xildhibaannada iyo guddoonka ayaa isku qabtay arrinta Xildhibaan Cabdullaahi Xaashi Abiib oo horay looga saaray Baarlamaanka, kadib tallaabo uu qaaday guddoonka.
Marka laga soo tego xiisaddan, waxaa Baarlamaanka Soomaaliya horyaalla shaqooyin adag oo ay ugu horreyso arrinta doorashada, maadaama laga sugayo shuruucdii lagu hagi lahaa.
Kaldhigii ugu dambeeyay ayay xildhibaannadu ku gaareen go’aanno culus oo la xiriira doorashada iyo wax ka beddelka dastuurka, xilli ay weli diidan yihiin mucaaradka.
Arbaco 30, April 2025 {HMC} Warar soo baxaya ayaa sheegaya in maanta Somaliland xabsiga ka sii deyn doonto 11 maxbuus oo ka tirsan kuwa lagu qabtay dagaalkii Goojacadde ee u dhexeeyay ciidamada Somaliland iyo kuwa SSC Khaatumo.
Sii deynta maxaabiistan ayaa lagu sheegay in ay qayb ka tahay dadaallo lagu raadinayo nabada deegaannada labada sano ka hor lagu dagaamay.
Qaar kamid ah Maxaabiista ayaa la sheegay in ay ku jiraan askar ka tirsana Maamulka Puntland, waxaana la filayaa in laga dajiyo magaalada Garoowe.
Hore waxaa u socday dadaalo maxaabiis is dhaafsi ah, iyada oo maamulka SSC Khaatumo dhawaan sii daayay 25 Maxaabiis oo lagu qabtay dagaalkii Laascaanood.
Arbaco 30, April 2025 {HMC} Ra’iisul Wasaaraha Hindiya ayaa sheegay in ciidamada milatariga Hindiya uu fasax buuxa u siiyay iney ka jawaabaan weerarkii Bahalgam oo uu ku eedeeyey iney ka dambeyso Pakistan.
Hadalkan ayaa yimid dib markii uu kulan saacado qaatey la yeeshay Saraakiishiisa difaaca, tani ayaa ka dhigan in saacad kasta uu dagaal ka dhex bilaaban karo labada dal.
Weerarkii Bahalgam horaantii todobaadkan ka dhacay ayaa lagu sheegay kii ugu dhimashada badnaa mudo tobanaan sano ah, Hindiya waxay ku eedeysay weerarkaasi kooxaha ay taageerto Pakistan.
Dhanka kale dowlada Pakistan ayaa beenisay in ay lug ku leedahay weerarka, iyadoo weerarkaasi ku tilmaamtey “hawlgal been abuura” oo Hindiya ay ka dambeyso si ay xiisad u kiciso.
Wasiirka Difaaca Pakistan ayaa sheegay in Hindiya ay qorsheynayso iney weerar milatari kusoo qaado Pakistan, waxaana heegan buuxa la galiyay Ciidamada milatariga Pakistan.
Xiisadda u dhaxeysa labada Wadan ee ku gaashaman hubka nukliyeerka ayaa cirka isku shareertay iyadoo ay socdaan israsaaseyn joogto ah oo ka dhacaysa xadka, diblomaasiyiin caalami ah ayaa ka digaya in xiisadu ay horseedi karto dagaal buuxa oo ka dhexqarxa Pakistan iyo Hindiya.
Talaado 29, April 2025 {HMC} Gudoomiye Aadan Madoobe markale maku bixi karaa Mooshinkii uu ku waayey hoggaaminta Baarlamaankii
Talaado 29, April 2025 {HMC} Maxay ka dhigan tahay in labo Wasiiir bil gudaheedo loo magacaabo Wasaarada Difaaca?
Talaado 29, April 2025 {HMC} Banaanbax ka dban AS oo Caawa ka Socda Muqdisho.