Home Blog Page 984

Maxeey ka wada Hadleen RW Xamse iyo Wasiirka Arimaha Gudaha Dalka Ciraaq.?

0

Khamiis, 24 Abriil, 2025 {HMC}— Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa kulan soo dhaweyn ah la qaatay Wasiirka Arrimaha Gudaha ee Jamhuuriyadda Ciraaq Mudane Cabdul Amiir Al-Shammari, oo maanta booqasho rasmi ah ku yimid dalka.

Kulanka ayaa diiradda lagu saaray xoojinta xiriirka walaaltinimo ee Soomaaliya iyo Ciraaq, iyadoo si gaar ah looga hadlay iskaashiga dhinacyada amniga, la-dagaallanka argagixisada, tababarrada ciidamada iyo isdhaafsiga khibradaha.

Ra’iisul Wasaaraha, ayaa si diirran u soo dhaweeyay Wasiirka iyo wafdigiisa, isagoo ku bogaadiyey booqashada uu ku yimid dalka, waxa uuna xusay in booqashadani ay tahay tallaabo lagu xoojinayo wada-shaqeynta iyo iskaashiga labada dal.

Dhankiisa, Wasiirka Arrimaha Gudaha ee Ciraaq Mudane Cabdul Amiir Al-Shammari, ayaa muujiyay sida ay dowladdiisa uga go’an tahay garab istaagga Soomaaliya, waxa uuna ballan qaaday in la dar-dar gelinayo iskaashiga labada dal, si gaar ah dhinacyada amniga, socdaalka, waxbarashada iyo tababarrada laamaha ammaanka.

— Dhammaad —

{DHAGEYSO} Warka Habeenimo ee Warbaahinta Hiiraanweyn {24.04.2025}

Khamiis 24, April 2025 {HMC} Dhageystayaal halkan waxa aan idiin kugu soo gudbi neynaa Warka Habeenimo ee Warbaahinta Hiiraanweyn

Warka waxaa soo jeedinayo ::Abdirahman Macalin Muse

Farsamadii ::Mohamed Baryare Haamud

HOOS KA DHAGEYSO WARKA SUBAXNIMO

{DAAWO SAWIRADA} Ciidamo Jabuuti ah oo dhameeystay Waqtigii Howlgalka oo Dib loogu celiyay Dalkooda.

0

Khamiis 24 April 2025 {HMC} Qoraal iyo sawiro lagu baahiyay Barta bulshada ee howlgalka cusub ee soomaaliya ee Lagu magacaabo AUSSOM ayaa lagu sheegay in dib loogu celiyay dalka jabuuti Ciidamo u dhamaaday waqtigii howlgalka.

Taliyaha Qeybta 4-aad ee AUSSOM, G/Sare Said Waaberi, iyo saraakiil sare ayaa Talaadadii sagootiyay ciidanka Jabuuti ee mudo howleedkooda dhameystay, xafladda aya ka dhacday daroonka diyaaradaha Ugaas Khaliif ee Beledweyne, Dowlad Goboleedka Hirshabeelle.

Ciidanka Jabuuti ee ka howlgalayay magaalooyinka istaraatiijiga ah ee Jalalaqsi iyo Buuloburde ee gobolka Hiiraan ayaa xoojiyay amniga, maamulka deegaanka, kana qayb qaatay hawlgallada ka dhanka ah argagixisada ee lagula dagaallamayo Al-Shabaab.

{DAAWO SAWIRADA} SOMA oo 30 Saxafi Tababar ugu Soo gabagabeysay Muqdisho.

0

Khamiis 24 April 2025 {HMC} Tababarkan oo lagu baranayay badqabka saxafiyiyiinta ayaa waxaa uu socday mudo sadax cisho ah 22-24 bishan April ayaa waxaa loo qabtay 30 wariye ka kala yimid goballada dalka iyo magaalada Muqdisho.

Madaxa tababarada dalladda Warbaahinta Soomaaliyeed ee SOMA Maxamed Muuse Qanciye oo soo xiray tababarkan ayaa saxafiyiinta ka faa,ideysatay tababarkan kula dardaarmay inay fuliyaan casharadii ay ka barteen tababarkan una sii gudbiyaan saaxiibadooda ay shaqa wadaagga yihiin ee aan helin fursadaan oo kale.

Gabagabada tababarka waxaa shahaado lagu gudoonsiiyey waraiyaasha ka faaideystay tababarka.

Dalladda warbaahinta Soomaaliyeed ee SOMA oo ah dallad ay ku mideysanyihiin xarumaha warbaahinta Soomaaliyeed ayaa marwalba waxay samaysaa tababaro lagu kordhinayo xirfadda wariyaasha Soomaaliyeed si ay bulshada ugu adeegaan si xirfadnimo leh iyo siday isaga ilaalin lahaayeen khataraha uga imaan kara goobaha ay shaqada u aadaan ee halista ah.

{DAAWO MUQAALKA} Macawisleyda Hiiraan oo soo bandhigay Xubno ay AS ka dileen.

0

khamiis 24, April  2025 {HMC} Macawisleyda Hiiraan oo soo bandhigay Xubno ay AS ka dileen.

HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA 

{DAAWO MUQAALKA} 400 oo Arday oo jalin jibisay iyo Shiikh Xuseen Cali Jabuuti oo ka qeyb galay.

0

khamiis 24, April  2025 {HMC} 400 oo Arday oo jalin jibisay iyo Shiikh Xuseen Cali Jabuuti oo ka qeyb galay.

HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA 

{DAAWO MUQAALKA} Soo Afjarintaan Kooxda daacish oo laga yeeshay shir Muhiim ah, iyo Amaro cusub oo lasoo saaray.

0

khamiis 24, April  2025 {HMC} Soo Afjarintaan Kooxda daacish oo laga yeeshay shir Muhiim ah, iyo Amaro cusub oo lasoo saaray.

HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA 

{DAAWO MUQAALKA} Nabadoona ka hadlay xil ka qaadista Taliye Sanbaloolshe iyo dagaalka AS

0

khamiis 24, April  2025 {HMC} Nabadoona ka hadlay xil ka qaadista Taliye Sanbaloolshe iyo dagaalka AS

HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA 

{DAAWO MUQAALKA} Sanbaloolshe xilka waa laga qaadi karaa qabiilne laguma difaaci karo

0

khamiis 24, April  2025 {HMC} Sanbaloolshe xilka waa laga qaadi karaa qabiilne laguma difaaci karo

HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA 

{DAAWO MUQAALKA} Golaha wasiirada maxay ka yiraahden dagaalka AS?

0

khamiis 24, April  2025 {HMC} Golaha wasiirada maxay ka yiraahden dagaalka AS?

HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA