Home Blog Page 983

War ka soo kordhay wadahadalka Iran iyo Mareykanka ee Nukliyeerka iyo Trump oo ka hadlay

Jimco , 25 Abriil, 2025 {HMC} — Mareykanka ayaa sheegay in wadahadallada ay Iran kula jiraan ee Nukliyeerka ay meel wanaagsan marayaan. Isagoo ka hadlayay wadahadalka la filayo inuu sabtida ka dhaco dalka Cumaan, ayuu madaxweyne Trump sheegay in go’aan la gaari karo dhowrka maalmood ee soo socda.

Madaxweynaha Mareykanka oo ka baxay heshiiskii 25-ka dal ayaa ku hanjabay inuu weerari doono Iran haddii aan heshiis cusub la gaarin. Madaxweyne Trump oo wariyaasha kula hadlay xafiiskiisa ayaa sheegay in uu rajo weyn ka qabo wadahadalka lala yeelanayo Iran.

Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump ayaa Mareykanka ka saaray heshiiskii asalka ahaa ee Nukliyeerka ee u dhaxeeyay Iran iyo quwadaha adduunka sanadkii 2018, wuxuuna muddo dheer sheegayay inuu sameyn doono heshiis “wax ku ool ah”.

Iran ayaa diiday inay dib uga wadahadlaan heshiiska. Wada-hadallada cusub ayaa loo arkaa tallaabo muhim ah oo lagu go’aaminayo in heshiis la gaari karo iyo in kale, iyadoo kulammada Sabtida la filayo in diiradda lagu saaro gogosha wada-xaajoodka.

Waa heerkii ugu sarreeyay ee wada-hadallada tan iyo markii uu Trump xilka ku soo laabtay, balse ma cadda in labada dhinac ay hal qol wada fariisan doonaan. Madaxweyne Trump ayaa kaliya sheegay in Iran aysan yeelan karin hubka Nukliyeerka.

Iran ayaa rajaynaysa in heshiis lagu xadido barnaamijkeeda, balse aan la burburin barnaamijkeeda Nukliyeerka si looga qaado cunaqabataynta.

Milatariga Israa’iil oo qirtay in ay Dileen shaqaale ka Tirsanaa Qaramada Midoobey

Jimco , 25 Abriil, 2025 {HMC} — Milateriga Israa’iil ayaa qirtay mas’uuliyadda dilka shaqaale ka tirsanaa Qaramada Midoobay oo loo adeegsaday madaafiic, ka dib markii ay hore u beeniyeen inay ku lug lahaayeen, dhacdo bishii hore ka dhacday Marinka Qasa.

19-kii Maarso, shaqaale ka tirsanaa Qaramada Midoobay ayaa la dilay ka dib markii la burburiyay xarun ay Qaramada Midoobay ku lahayd Deir al-Balah. Xilligaas, ciidamada difaaca Israa’iil (IDF) waxay ku andacoodeen inaysan weerarin xarunta.

Si kastaba ha ahaatee, maalintii Khamiista, IDF ayaa sheegtay in natiijooyinka ugu horreeya ee baaritaankooda ay muujinayaan in askartooda ay dileen shaqaalaha Qaramada Midoobay iyagoo si qaldan u beegsaday, ka dib markii ay ka shakiyeen in dhismaha oo ay u maleeyeen in ay ku sugnaayen wax ay ku tilmaameen cadowgooda”.

Bayaankooda waxay ku yiraahdeen: “Dhismaha waxaa la weeraray iyadoo la eegayo xog muujineysa in ay ku jireen dad mucaarad ah,”.

IDF ayaa intaa ku dartay in natiijadan baaritaanka ay u gudbiyeen Qaramada Midoobay, sidoo kalena baaritaan buuxa loo gudbin doono.

Waxay intaa ku dareen: “IDF waxay aad uga xun tahay dhacdadan halista ah waxayna sii wadaysaa inay samayso baaritaan dhab ah si ay u barato oo ay u qiimeyso tallaabooyin dheeri ah oo looga hortagayo dhacdooyinkan oo kale mustaqbalka.

“Waan ka tacsiyeyneynaa dhibaatada dhacday, waxaana uga tacsiyeyneynaa qoyska ay ka baxday”.

Dhacdadan oo sababtay dhimashada Marin Valev Marinov oo u dhalatay dalka Bulgaria oo u shaqaynaysay Qaramada Midoobay, isla markaana ay si xun ugu dhaawacmeen shan kale oo ka tirsan shaqaalaha Qaramada Midoobay, ayaa dhacday maalin uun ka dib markii Israa’iil ay dib u bilowday weerarrada ay ku hayso Xamaas ka dib markii ay burburtay xabbad joojin labada bilood ah.

{DHAGEYSO} Warka Subaxnimo ee Warbaahinta Hiiraanweyn {25.04.2025}

Jimco 25, April 2025 {HMC} Dhageystayaal halkan waxa aan idiin kugu soo gudbi neynaa Warka subaxnimo ee Warbaahinta Hiiraanweyn

Warka waxaa soo jeedinayo ::Abdirahmaan Macalin Muse

Farsamadii ::Mohamed Baryare Haamud

HOOS KA DHAGEYSO WARKA SUBAXNIMO

Faahfaahin dheeraad ah oo ka so baxaysa duqeymo khasaare badan gaystay oo Qasa ka dhacay

Jimco , 25 Abriil, 2025 {HMC}— Tirada dhimashada duqeymaha ay Israa’iil ka geysatay marinka Qasa, ayaa gaartay 56, oo ay ku jiraan 39 qof oo ku dhintay Qasa, iyo waqooyiga Marinka Gaza, sida ay sheegtay wakaaladda wararka Falastiin ee WAFA.

Wakaaladda ayaa intaa ku dartay in ciidamada Israa’iil ay duqaymo xagga cirka ah ku qaadeen guri ay degganaayeen dad barakacayaal ah oo ku yaalla agagaarka Isgoyska Xalaawa ee Jabalia Al-Balad ee waqooyiga Qasa, halkaas oo ay ku dileen 18 falastiiniyiin ah, qaar kalena ay ku dhaawacmeen, kuwaas oo intooda badan xaaladoodu liidato.

Weerar kale oo dhanka cirka ah, sagaal qof ayaa ku dhintay, kuwa kalena waa ay ku dhaawacmeen, kaddib markii lala beegsaday xarun hore oo boolis oo ku taalla deegaanka Jabalia, sida lagu sheegay war ka soo baxay isbitaalka Indonesia oo la dhigay dhaawacyada.

Dhankooda, ciidamada Israa‘iil ayaa sheegay in ay beegsadeen xarun ay Xamaas leeyihiin “xarunta taliska iyo kantaroolka” ee Jabalia, iyadoo aan la cayimin halka bartilmaameedku ahaa.

Waxey intaas ku dareen in xaruntan loo isticmaalayay “qorsheynta iyo fulinta weerarrada ka dhanka ah rayidka iyo ciidamada Israa’iil.”

Hindiya iyo Pakistan oo Qarka u saaran Dagaal Nukliyeer

Jimco , 25 Abriil, 2025 {HMC}—  Xiriirka mudada dheer cakirnaa ee labada dal ee nukliyeerka haysta ee Hindiya iyo Pakistan ayaa si degdeg ah u sii xumaaday ka dib markii rag hubeysan ay dileen 26 nin oo dalxiisayaal ahaa oo ku sugnaa qaybta Hindiya ay maamusho ee Kashmir.

Waxay ahayd weerarkii ugu dhimashada badnaa ee lagu qaado dad rayid ah dhulka muranka ka taagan yahay ee buuralayda ah muddo rubuc qarni ah.

Hindiya waxay ku eedeysay Pakistan inay ka dambeysay weerarkii dhacay Talaadadii, laakiin dowladda Islamabad ayaa ku gacan sayrtay eedeymahaas iyadoo ku tilmaamtay “kuwo aan sal iyo raad lahayn”.

Labada waddan ee deriska ah ee Koonfurta Aasiya ayaa is dhaafsaday tallaabooyin diblomaasiyadeed oo aargoosi ah, laakiin falanqeeyayaasha ayaa ka cabsi qaba in xiisadda sii kordhaysa ay horseedi karto tallaabo militari.

– Maxaa dhacay? –
Dalxiisayaal ka baxsanayay kulaylka daran ee dhulalka hoose ee Hindiya ayaa Talaadadii ku raaxaysanayay dooxooyinka deggen ee Baisaran. Goobtan caanka ah waxay ka hoosaysaa buuraha barafku qariyay, kuna dhowdahay magaalada Pahalgam.

Rag hubeysan ayaa si kedis ah uga soo muuqday kaymaha geedaha ku hareeraysan, iyagoo rasaas culus ku furay dadkii goobta ku sugnaa iyagoo isticmaalaya hubka fudud.

Dadkii ka badbaaday ayaa u sheegay weriyeyaasha in ragga hubeysan ay kala saareen ragga iyo haweenka iyo carruurta ka dibna ay toogteen dhowr ka mid ah ragga iyagoo u dhow.

Waxay sidoo kale sheegeen in ragga hubeysan ay amreen qaar ka mid ah ragga inay akhriyaan shahaadada Islaamka.

Kuwa aan aqoon u lahayn ama akhrin waayay ayaa la toogtay.

Dhammaan 26-ka qof ee la dilay waxay ahaayeen dad u dhashay dalka Hindiya, marka laga reebo hal qof oo u dhashay Nepal.

Intooda badan waxay ahaayeen Hindu. Mid ka mid ah wuxuu ahaa nin Kashmiri Muslim ah oo fardaha u kaxayn jiray dalxiisayaasha si uu ugu shaqaysto.

– Waa maxay dhibaatada Kashmir? –
Kashmir, oo ay u badan yihiin Muslimiintu, waxaa loo qaybiyay Hindiya iyo Pakistan tan iyo markii ay xornimada ka qaateen gumeystihii Ingiriiska sanadkii 1947. Labada dhinacba waxay sheeganayaan lahaanshaha dhulka oo dhan.

Maleeshiyada ka dagaallama qaybta ay Hindiya maamusho waxay wadaan kacdoon tan iyo 1989, iyagoo doonaya inay xornimo buuxda helaan ama ay ku biiraan dalka Pakistan.

Kumanaan qof ayaa ku dhintay colaadda.

Dowladda dhexe ee New Delhi waxay meesha ka saartay maamulka xaddidan ee gobolka uu lahaa sanadkii 2019, waxaana la qiyaasaa in Hindiya ay si joogto ah u dhigtay dhulkaas illaa 500,000 oo askari.

– Waa ayo kooxdii weerarka geysatay? –
Booliska Hindiya waxay aqoonsadeen laba muwaadin oo Pakistani ah oo ka mid ah saddexda nin ee la tuhunsan yahay inay geysteen weerarka, kuwaasoo weli baxsad ah. Ninka saddexaad ayaa ah Hindi.

Booliska waxay sheegeen in raggii weerarka geystay ay ka tirsan yihiin ururka Lashkar-e-Taiba (LeT) oo fadhigiisu yahay Pakistan, kaasoo Qaramada Midoobay u aqoonsatay inuu yahay urur argagixiso.

Koox la magac baxday The Resistance Front (TRF) ayaa la sheegay inay sheegatay mas’uuliyadda weerarka, sida ku cad sheegasho aan la xaqiijin oo ay soo xigteen qaar ka mid ah warbaahinta Hindiya.

Hindiya waxay TRF u aqoonsatay urur argagixiso, halka Hay’adda Cilmi-baarista ee Observer Research Foundation oo fadhigeedu yahay Hindiya ay ku tilmaantay “asturaad iyo laan ka soo farcantay LeT”.

– Yaa ka mas’uul ah? –
Dowladda New Delhi ayaa si joogto ah ugu eedeysa Islamabad inay taageerto kooxaha hubeysan ee ka hawlgala Kashmir.

Dowladda Pakistan ee Islamabad ayaa beenisa eedeymahaas, iyadoo sheegtay inay kaliya taageerto halganka shacabka Kashmir ee ku aaddan go’aan-ka-gaaridda mustaqbalkooda.

New Delhi waxay soo saartay eedeymo cusub ka dib weerarkan, iyadoo sheegtay in Islamabad ay taageerto “argagixisada xuduudaha ka gudubta”.

Pakistan waxay si adag u beenisay inay wax door ah ku lahayd weerarka.

– Sidee ayay Hindiya uga jawaabtay? –
Ra’iisul Wasaaraha Hindiya, Narendra Modi, ayaa ballan-qaaday inuu “ciqaabi doono argagixiso kasta iyo cid kasta oo taageerta”.

Dowladda New Delhi ayaa sidoo kale qaadday tiro tallaabooyin diblomaasiyadeed oo ciqaab ah.

Tallaabooyinkaas waxaa ka mid ah joojinta heshiis wadaagga biyaha ah, xiritaanka isgoyska ugu weyn ee xuduudda dhulka ee Pakistan iyo hoos u dhigidda heerka xiriirka diblomaasiyadeed.

Hindiya waxay sidoo kale amartay dhammaan muwaadiniinta Pakistan inay dalka ka baxaan ka hor April 29, marka laga reebo shaqaalaha safaaradda ee haray.

– Sidee ayay Pakistan uga jawaabtay? –
Pakistan ayaa si degdeg ah uga jawaabtay iyadoo qaaday tallaabooyin aargoosi ah, oo ay ka mid yihiin cayrinta diblomaasiyiin u dhashay Hindiya oo ka hawlgalayay Islamabad, iyo joojinta fiisooyinka muwaadiniinta Hindiya marka laga reebo kuwa Sikkh-ka ah ee xajka u socda.

Waxay sidoo kale ka xirtay hawadeeda dhammaan diyaaradaha rakaabka ee Hindiya.

Dowladda Islamabad ayaa sidoo kale ka digtay inay u arki doonto isku day kasta oo Hindiya ku doonayso inay ku joojiso qulqulka biyaha ka yimaada meelaha sare ee webiga Indus inay tahay “ficil dagaal”.

– Sidee ayuu Kashmir u saameeyay? –
Weerarkii lagu beegsaday dalxiisayaasha wuxuu ahaa isbeddel weyn oo ka duwan weeraradii yaryaraa ee hore ee inta badan lagu qaadi jiray ciidamada ammaanka Hindiya.

Dalxiisku wuxuu muhiimad gaar ah u leeyahay dhaqaalaha gobolka, falanqeeyayaasha ayaa sheegay in beegsiga dalxiisayaasha, oo aan hore u dhicin, uu dhaawac weyn gaarsiin doono dhinacaas.

Milkiilayaasha hoteellada ayaa soo sheegay in si ballaaran loo baajiyay boosaskii la qabsaday bilowga xilliga xagaaga oo inta badan ah xilli mashquul badan.

Ciidamada ammaanka Hindiya ayaa sidoo kale bilaabay hawlgal baaritaan oo ballaaran si ay u soo qabtaan dadkii ka dambeeyay weerarka, waxaana la soo xiray tiro badan oo dad ah.

Kooxaha u dooda xuquuqda aadanaha waxay sheegeen in hawlgaladii hore ee baacsiga ahaa ay horseedeen xarig baahsan iyo caburinta xorriyaadka rayidka.

– Maxaa dhici doona oo xiga? –
Qaar ka mid ah dadka ayaa ka cabsi qaba in tallaabooyinka diblomaasiyadeed ee ay qaadday New Delhi ay noqon karaan uun tallaabadii ugu horreysay – iyadoo ay jirto khatar suurtagal ah oo ah in xaaladdu isu beddesho ficil militari.

Weerarkii ugu xumaa ee ka dhacay qaybta Hindiya maamusho ee Kashmir sanadihii u dambeeyay wuxuu ahaa kii Pulwama ee sanadkii 2019, kaasoo ay maleeshiyada ku qabsadeen baabuur ay ka buuxaan walxaha qarxa, kuna dhufteen kolonyo boolis ah, taasoo sababtay dhimashada 40 qof iyo dhaawaca 35 kale.

Diyaaradaha dagaalka ee Hindiya ayaa duqeymo dhanka cirka ah ka geystay gudaha dhulka Pakistan 12 maalmood ka dib weerarkaas.

{DAAWO MUQAALKA} Markab Shidaal oo ku gubanaya Xeebaha Soomaaliya

khamiis 24, April  2025 {HMC} Markab Shidaal oo ku gubanaya Xeebaha Soomaaliya

HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA 

{DAAWO MUQAALKA} Wararkii ugu Dambeeyay 24-4-2025.

khamiis 24, April  2025 {HMC} Waxaa halkan idin kugu soo gudbineyna Wararkii ugu Dambeeyay Soomaaliya iyo Caalamka ee Warbaahinta Hiiraanweyn.

HOOS KA DAAWO WARARKII UGU DAMBEEYAY.

{DAAWO MUQAALKA} Wafdi ka socda Dowladda Ciraaq oo Soo gaaray Muqdisho.

khamiis 24, April  2025 {HMC} Wafdi ka socda Dowladda Ciraaq oo Soo gaaray Muqdisho.

HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA 

Revealed: UAE deploys Israeli radar in Somalia under secret deal.

0

Thursday 24 April 2025 {HMC}  Puntland’s President Said Abdullahi Deni turns Bosaso airport over to the United Arab Emirates without parliamentary approval.

The United Arab Emirates deployed a military radar in Somalia’s Puntland earlier this year to defend Bosaso airport against potential Houthi attacks from Yemen, sources familiar with the matter told Middle East Eye.

Satellite imagery from early March reveals that the Israeli-made ELM-2084 3D Active Electronically Scanned Array Multi-Mission Radar was installed near the airport.

Publicly available air traffic data indicates that the UAE is increasingly using Bosaso airport to supply the paramilitary Rapid Support Forces (RSF) in Sudan.

The RSF has been engaged in a war with the Sudanese military for two years.

Earlier this year, the Sudanese government filed a lawsuit against the UAE at the International Court of Justice, accusing it of genocide due to its links with the RSF. The UAE denies it backs the RSF militarily.

“The UAE installed the radar shortly after the RSF lost control of most of Khartoum in early March,” a regional source told MEE.

“The radar’s purpose is to detect and provide early warning against drone or missile threats, particularly those potentially launched by the Houthis, targeting Bosaso from outside.”

‘This is a secret deal, and even the highest levels of Puntland’s government, including the cabinet, are unaware of it’

– Somali source

Another regional source said the radar was deployed at the airport late last year. MEE was unable to independently verify this claim.

The second source said that the UAE has been using Bosaso airport daily to support the RSF, with large cargo planes regularly arriving to load weapons and ammunition – sometimes up to five major shipments at a time.

MEE has asked the UAE’s foreign ministry for comment.

When contacted about the allegations, Abdifatah Abdinur, state minister of the presidency for Puntland, declined to comment on the issue and instead sent memes mocking Somali President Hassan Sheikh Mohamud and Turkish President Recep Tayyip Erdogan.

Longstanding relations

Two separate Somali sources claimed that Puntland’s President Said Abdullahi Deni did not seek approval from Somalia’s federal government or the Puntland parliament for this arrangement. Puntland is a de facto independent state widely considered an autonomous territory of Somalia.

“This is a secret deal, and even the highest levels of Puntland’s government, including the cabinet, are unaware of it,” said one Somali source with direct knowledge of the matter.

“The silence of the Somali national government on this issue is incomprehensible.”

The source also highlighted reports that Colombian soldiers had been brought to Bosaso airport to be redeployed to Sudan, though it was unclear who issued their visas, as Mogadishu was not involved in the arrangement.

 

A satellite image from 5 March shows a military cargo plane at Puntland’s Bosaso airport (Google Earth)

The UAE has longstanding ties with Somalia’s government, having provided financial aid and trained Somali soldiers to combat armed groups such as al-Shabab for years.

Since 2009, the UAE has also been particularly active in Puntland, which is geographically close to the Emirates and Yemen. The UAE has trained forces in Puntland to combat piracy.

How Abu Dhabi built an axis of secessionists across the region

Deni is widely seen as being closely aligned with the UAE, largely due to financial assistance that could bolster his political ambitions.

One Somali source suggested Deni’s alignment with the UAE is partly motivated by his desire to secure support for Somalia’s presidential elections.

“There are presidential elections in 2026, and he will need every bit of support to win the national vote,” the source said, speaking anonymously to avoid repercussions in the region.

Salim Said Salim, a regional expert and executive director at Sidra Institute based in Puntland, noted that despite reports on social media and satellite images, neither Deni nor his administration has commented on the radar’s presence.

“This silence suggests the claims are true,” Salim said, adding that he was not surprised by the development given Deni’s longstanding ties to the UAE.

Sidra said Mogadishu is likely to have chosen not to antagonise the UAE, opting instead for silence regarding the Emirates’ military activities in Puntland.

“Somali President Hassan Sheikh Mohamud relies on the UAE support to combat al-Shabab and pursue peace in the country,” Sidra said. “It makes sense for these issues to be handled behind closed doors.”

‘This silence suggests the claims are true’

– Salim Said Salim, Sidra Institute

Mohamud’s government has been under significant pressure recently, as al-Shabab has made substantial gains near Mogadishu. Additionally, opposition to his leadership has been growing due to the tribal nature of Somalia’s governance system.

Mohamud has proposed transitioning from a clan-based electoral system to universal suffrage. However, this proposal has faced resistance from some leading politicians, making it a contentious issue.

The UAE is also active in the breakaway state of Somaliland, making significant investments there as well, irritating Mogadishu.

Somali Foreign Minister Ahmed Mo Fiqi said over the weekend that his government had submitted a letter to the UAE, urging it to stop giving Somaliland’s President Abdirahman Cirro presidential protocols as if he is head of state.

source
By Ragip Soylu in Ankara

AS Attacks Key Army Base in Somalia, Multiple Casualties Reported.

0

Thursday 24 April 2025 {HMC} Al-Qaeda-affiliated group claims to have overrun army base in Wargaadhi, but Somali Defense Ministry denies and says it remains under military control

The al-Shabaab terrorist group on Thursday launched a pre-dawn attack on a strategic Somali army base in Wargaadhi village in the Middle Shabelle region of south-central Hirshabele state, triggering a heavy firefight.

According to a security official who spoke to Anadolu over the phone on condition of anonymity, the Somali National Army, supported by local militias, engaged in fierce combat with the al-Qaeda-affiliated group, resulting in multiple casualties on both sides.

Despite al-Shabaab’s claim that it had captured the village and overrun the army base, the Somali Defense Ministry said Wargaadhi remains under military control.

“Wargaadhi remains fully under the control of the Somali National Army and local forces,” the ministry said in a statement.

Wargaadhi is the second-largest military base for the Somali National Army in the Middle Shabelle region, following the strategic town of Adan Yabaal, which was previously seized by al-Shabaab.

The village is of key geographical importance as it connects army bases in Eel-Dheer and Masagaway in the central state of Galmudug.

Al-Shabaab has intensified its attacks on Somali government forces and strategic military positions in Middle Shabelle since the start of Ramadan last month.

SOURCE