khamiis 24, April 2025 {HMC} Yaa Gacanta ku haayo Deegaanka wargaadhi.?
{DAAWO MUQAALKA} AS Wargaadhi waan ka saarnay Meydadkooda Ayaana daadsan.
khamiis 24, April 2025 {HMC} AS Wargaadhi waan ka saarnay Meydadkooda Ayaana daadsan.
HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA
Ruushka oo weerarro loo adeegsaday gantaallo ku qaaday Ukraine
Khamiis 24, April 2025 {HMC} – Ruuashka ayaa weerarro loo adeegsaday gantaallada iyo diyaaradaha aan duuliyaha lahayn ku qaaday caasimadda Ukraine ee Kyiv, waxaana ku dhintay ugu yaraan sagaal qof in ka badan 60 qof-na way ku dhaawacmeen, sida ay sheegeen saraakiisha maxalliga ah.
Duqa magaalada, Vitali Klitschko, ayaa sheegay in dab ka dhashay duqeymaha uu keenay burbur iyo gubasho soo gaaray xaruumo iyo guryo.
Ruushka ayaa sidoo kale weerar ku qaaday waqooyiga bari ee magaalada Kharkiv iyadoo ay ku dhaawacmeen laba qof, sida uu sheegay duqa deegaanka.
Khasaaraha ka dhashay weerarada Ruushku uu ku qaaday magaalooyinka ka tirsan dalka Ukraine, ayaa laga cabsi qabaa in ay kordhaan maadama weli loo malaynayo in burburka guryaha ay dad ku hoos jiraan.
Weeraradan ayaa imaanaya xilli madaxweynaha Mareykanka Donald Trump oo ku eedeeyay madaxweynaha Ukraine inuu dhaawacayo wada xaajoodyada nabadeed.
Maxay tahay sababtaTrump uu eedeynta kulul ugu jeediyay madaxweynaha Ukraine Zelensky
Khamiis 24, April 2025 {HMC} – Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump ayaa ku eedeeyay madaxweynaha Ukraine Volodymyr Zelensky inuu burburinayo wadahadallada nabadda, kaddib markii madaxweynaha Ukraine uu sheegay in Kyiv aysan aqoonsan doonin maamulka Ruushka ee gobolka Crimea.
Isaga oo adeegsanaya barihiisa bulshada ayaaTrump waxa uu ku andacoodey in heshiiska lagu soo afjarayo dagaalka uu ahaa “mid aad u dhow”, laakiin diidmada Zelensky ee ah in uu aqbalo shuruudaha Maraykanka ay”sii dheerayn doonto” khilaafka.
Ukraine ayaa muddo dheer ku celcelinaysay in aysan ku wareejin doonin Crimea oo ah jasiirad ku taalla koonfurta dalkaas Ruushka, taasoo si sharci darro ah maamulka Putin uu kula wareegay sanadkii 2014-kii.
Mar sii horeysay, madaxweyne ku xigeenka Mareykanka JD Vance ayaa sheegay in heshiis nabadeed uu la macno yahay in Ukraine iyo Ruushkuba “ay labaduba ka tanaasulaan qayb ka mid ah dhulka ay hadda haystaan.”
Maraykanku weli si cad uma shaacin heshiisyada juqraafiga ah ee la samayn doono.Mar ay saxafiyiinta Aqalka Cad weydiiyeen in maamulku uu doonayo in uu aqoonsado madax-banaanida Ruushka ee Crimea, Trump waxa uu sheegay in uu kaliya doonayo in uu arko dagaalka oo la joojiyo.
Dowladda Congo iyo fallaagada M23 oo isku raacay in ay nabad ka shaqeeyaan kadib markii Qadar ay kala dhex gashay
Khamiis 24, April 2025 {HMC} – Jamhuuriyadda Dimuqraadiga ah ee Congo iyo fallaagada M23 ee ay Rwanda taageerto ayaa Arbacadii bayaan ay soo saareen ku ballanqaaday wadahadallo ay Qatar ku doonayeen inay nabada ku raadiyaan ka dib rabshado ka qarxay bariga Congo bishii Janaayo, taasoo sare u qaadday cabsida laga qabo dagaal gobolka ka dhaca.
Heshiisku waxa uu kor u qaaday rajada laga qabo in xaaladdu xasisho.Dhinac walba wuxuu soo saaray bayaan gaar ah kadib markii ay wafdiyadoodu ka ambabaxeen dalka Qatar horaantii todobaadkan, kadib wadahadalo qaatay in ka badan todobaad.
“Labada dhinacba waxay xaqiijinayaan sida ay uga go’an tahay in si deg deg ah loo joojiyo dagaalka, diidaana hadal kasta oo naceyb ah, hanjabaad ah, waxayna ugu baaqayaan bulshada inay fuliyaan ballanqaadyadan,” ayaa lagu yiri bayaanka.
War-saxaafadeedka ayaa lagu sheegay in wada-hadalkooda uu ahaa mid hufan oo wax ku ool ah, balse ma cadda goorta wareeg kale oo wadahadal ah uu dhici doono.
Kooxda M23 ayaa qabsatay laba magaalo oo waaweyn oo ku yaal bariga Congo, iyadoo rabshadaha halkaa ka dhacay ay ku dhinteen kumannaan qof.
Wadahadallada nabadeed ee Qatar ay dhexdhexaadinayso ayaa imaanaya kadib markii dowladda Khaliijka ay fududeysay kulankii bishii hore dhex maray madaxweynaha Congo Felix Tshisekedi iyo madaxweynaha Rwanda Paul Kagame. Labada hoggaamiye ayaa ku baaqay xabad joojin kulanka ka dib.
Kulankan ayaa u muuqda mid loogu gogol xaarayey wada hadal toos ah oo dhex mara Kongo iyo M23. Kongo ayaa muddo dheer diidaneed fikradda ah in ay la xaajooto M23, iyada oo kooxda ku tilmaantay koox argagixiso.
Rwanda ayaa dhankeeda in muddo ahba beeninaysay inay taageerto jabhadda M23.
Maxamuud Cabbaas madaxweynaha Falastiin oo Xamaas u diray farriin uu kaga dalbanayo dhowr arrimood
Khamiis 24, April 2025 {HMC} – Madaxweynaha maamulka Falastiin Maxamuud Cabaas ayaa ugu baaqay Xamaas in ay sii daayaan la haystayaasha, kana tanaasulaan mas’uuliyadda marinka Qasa, hubkoodana u dhiibaan maamulka Falastiin, iskuna beddelaan xisbi siyaasadeed.
Khudbad uu ka jeediyay furitaanka kalfadhiga 32-aad ee golaha dhexe ee Falastiiniyiinta oo Arbacadii shalay ka furmay magaalada Ramallah, ayuu Cabbaas ku yiri, “Xamaas waxay siisay ciidamada gumeysiga fursad ay ku fuliyaan xadgudubyadooda ka dhacaya Marinka Qasa, gaar ahaan afduubka dadka,”.
Cabbaas waxa uu xusay in hoggaanka Falastiin uu soo jeedinayo afar arrimood oo kala ah: “In la joojiyo dagaalka Qasa, ka bixitaanka ciidamada Israa’iil, in la qaado go’doominta marinka, hubinta gargaarka bini’aadantinimo oo dadka la gaarsiiyo, ka hortagga barakicinta shacabka iyo hubinta inay sii joogaan dhulkooda, ilaalinta qadiyadda Falastiin heer caalami ah, iyo inay u dhaqmaan si waafaqsan sharciga caalamiga ah”.
Waxa uu fariin adag u diray Xamaas, isagoo ka dalbanaya inay sii daayaan la haystayaasha Israa’iil ee ay gacanta ku hayaan.
Abbaas wuxuu adkeeyey baahida ah in Xamaas ay wadahadal la gasho Maamulka Falastiin halkii ay kala hadli lahaayeen Maraykanka, isagoo yiri, “Adduunku waa mid aan caddaalad ahayn, Maraykankuna waa mid aan caddaalad ahayn.”
Faahfaahino AS oo Weerar ku Bilowday qaraxyo ku qaaday Deegaanka Wargaadhi ee Gobolka Sh/Dhexe
Khamiis 24, April 2025 {HMC} – Faah-faahinno duwan ayaa kasoo baxaya khasaaraha ka dhashay weerar qaraxyo ku billowday oo ay saaka AS ku qaadeen saldhigyo ciidamada dowladda iyo kuwa Macawiisleyda ay ku leeyihiin deegaanka Wargaadhi ee gobolka Shabeellaha Dhexe, waxaana xigay dagaal culus oo toos ah.
Maleeshiyaadka AS ayaa lasoo warinayaa in weerar culus ay ku qaadeen deegaankaasi oo maalmihii lasoo dhaafay ay ku sugnaayeen ciidamada dowladda iyo Macawiisleyda, waxaana kadib sidaas ku qarxay dagaal foolka fool ah oo u dhexeeyay labada dhinac.
Ilo dadka deegaanka ah ayaa Caasimada Online u sheegay in weerarka qaraxyada ah iyo dagaalka ay ka dhasheen khasaare isugu jiro dhimasho iyo dhaawac, balse aan weli la caddeyn karin inta uu gaarsiisan yahay.
Dagaal u dhexeeya ragga weerarka qaaday iyo ciidamada dowladda ayaa weli ka socda halkaasi, wuxuuna kusii fiday qaybo horleh oo kamid ah ggobolka Shabeelaha Dhexe.
Wararka ayaa sheegaya in xubnaha AS weerarkooda uu xoogan yahay, ayaga oo si kasta iskuugu dayayo inay cagta mariyaan saldhigyada ciidamada ee ku yaalla halkaasi, si ay kadib ula wareegaan, waxaase soconyo iska caabin ay wadaan ciidamada huwanta.
Labada dhinaca ayaa guullo ka kala sheegtay dagaalkan, waxaana Al-Shabaab ay baahisay in dagaalyahannadeeda ay gudaha u galeen deegaanka lagula dagaalamay, isla markaana ay halkaasi ka wadaan howlgallo culus.
Dowladda Soomaaliya ayaa dhankeeda sheegtay in ciidamadu ay iska caabiyeen weerarka lagu qaaday, isla markaana maydad badan ay daadsan yihiin Wargaadhi, sida uu shaaciyay wasiir ku xigeenka wasaaradda warfaafinta xukuumadda Soomaaliya.
“Khawaarijta Maydkooda ayaa daadsan Wargaadhi, insha allaah Dalkaan Khawaarij kuma lahan Mustaqbal, ismaqiiqoodu waa xunbo idamka alle” ayuu yiri Cabdiraxmaan Al-Cadaala
Xaaladda ayaa haatan ah mid aad u kacsan, waxaana weli dhaq-dhaqaaqyo laga dareemayaa gobolka Shabeellaha Dhexe, waxaana labada dhinac ay helayaan gurmadyo, taas oo uga sii dareyso dagaalka ka socda halkaasi.
Al-Shabaab ayaa horay degmada Aadayaan Yabaal, waxayna weli isku sii fidineysaa qaybo badan oo kaid ah gobolka Shabeelaha Dhexe ee maamulka HirShabelle.
Al-Shabaab ayaa inta badan weerar gaadmo ah oo xilli hore oo subaxnimada ku qaada saldhigyada ciidamada dowladda, illaa haddana waxaa muuqata in aan wax laga baran weerarada isku xilliga dhaca ee kooxda ku bartilmaameedsato ciidanka dowladda.
Si kastaba, Labada Shabeelle ayaa waxaa haatan ka socda howlgallo culus oo ka dhan ah maleeshiyaadka Al-Shabaab, kadib markii ay culeys soo saareen deegaannadii horay looga qabsaday ee gobolladaasi oo daris la ah magaalada Muqdisho ee caasimadda dalka.
{DAAWO MUQAALKA} Ciidamada dowlada oo guul ka gaaray dagaalkii Wargaadhi
khamiis 24, April 2025 {HMC} Ciidamada dowlada oo guul ka gaaray dagaalkii Wargaadhi
HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA
{DAAWO MUQAALKA} Wararkii ugu Dambeeyay Dagaalka Wargaadhi.
khamiis 24, April 2025 {HMC} Wararkii ugu Dambeeyay Dagaalka Wargaadhi.
HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA
{DAAWO MUQAALKA} FAAH-FAAHIN: Dagaal culus oo ka socda Wargaadhi.
khamiis 24, April 2025 {HMC} FAAH-FAAHIN: Dagaal culus oo ka socda Wargaadhi.



