Arbaco 23, April 2025 {HMC} Dhageystayaal halkan waxa aan idiin kugu soo gudbi neynaa Warka subaxnimo ee Warbaahinta Hiiraanweyn
Warka waxaa soo jeedinayo ::Abdirahmaan Ahmed Maaskaro
Farsamadii ::Mohamed Baryare Haamud
Arbaco 23, April 2025 {HMC} Dhageystayaal halkan waxa aan idiin kugu soo gudbi neynaa Warka subaxnimo ee Warbaahinta Hiiraanweyn
Warka waxaa soo jeedinayo ::Abdirahmaan Ahmed Maaskaro
Farsamadii ::Mohamed Baryare Haamud
Arbaco 23, April 2025 {HMC} Warar dheeraad ah ayaa ka soo baxaya dagaal ciidamo deegaanka ah iyo AS ku dhexmaray deegaanka Aboorey ee ka tirsan gobolka Hiiraan.
Dagaalka ayaa yimid, ka dib markii Ciidamo deegaanka ay weerar ku qaadeen xubno ka tirsana AS oo ku sugnaa gudaha deegaanka Aboorey.
Khasaare isugu jira dhimasho iyo dhaawac ayaa ka dhashay dagaalka, inkasta oo aan la xaqiijin karin tirada rasmiga ah.
Saraakiisha Ciidanka oo la hadlay warbaahinta Hiiraanweyn ayaa sheegay in sii wadi doonaan howlgalka ka dhanka ah AS ee ay ka wadaan aaga deegaanka Aboorey ee gobolka Hiiraan.
Deegaanka ayaa dagaal ka socdaa maalmo badan, waxaana la wareegay AS, inkasta oo ciidanka Dowladda iyo dadka deegaanka ku dadaalayaan la wareegidiisa.
tan iyo markii kooxda AS la wareegtay Degmada Aadan yabaal ee gobolka Shabelada dhaxe ciidamada deegaanka Gobolka Hiiraan ayaa kooxda ku qaadayay weerar isdaba joog ah iyagoo gaarsiiyay qasaaro fara badan.
Ciidamada Dowladda iyo dadka deegaanka ayaa howlgallo iyo dhaqdhaaqyo ka wada deegaannada ay ku sugan yihiin AS ee ku yaalla gobollada Hiiraan iyo Shabeellada Dhexe.
Arbaco 23, April 2025 {HMC} Ciidamada Degaanka Gobolka Hiiraan oo weerar ku qaaday Goob ay ku sugnaayeen AS
Arbaco 23, April 2025 {HMC} Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Maxamed Cabdullahi Farmaajo ayaa soo saaray war-saxaafadeed uu ku dhiirigeliyey ciidamada qaranka, isagoo dalbaday in la joojiyo wararka been abuurka ah ee lagu niyad jebinayo ama lagu bahdilayo ciidanka.
Farmaajo ayaa sheegay in Marka, Jannaalle, Aw-Dheegle, Bariirre, Sabiid iyo Caanoole ay Shabaab ka xoreysay dowladdii uu hoggaaminayey, iyadoo uu socdo dhismaha ciidamada qaranka, Madaxweynihii hore ayaa hoosta ka xariiqay in dowladda uu ku garab taagan yahay dagaalka Khawaarijta.
Shacabka Soomaaliyeed waxaan la wadaagayaa inay ka feejignaadaan dacaayadaha raqiiska ah ee argagixisadu ay ku doonayaan in ay ku sumcad dilaan ciidamadeenna geesiyaasha ah, kagana been sheegayaan waaqaca dhabta ah ee ka jira Soomaaliya.
In ciidanka qaranku ay magaalooyin tab iyo xeel dagaal uga soo baxaan macneheedu maaha in laga adkaaday, sidaas darteed waxaan shacabka Soomaaliyeed ugu baaqayaa in ay ciidanka qaranka la garab istaagaan hiil iyo hoo intaba, taas oo keeni karta in ciidanku ka guulaystaan cadowga.
Waxaa hubaal ah in ayada oo ciidanka la dhisayo haddana laga guulaysan karo kooxaha nabad-diidka ah, sidii hore u dhacday sannadihii 2018 ilaa 2020-kii oo ayada oo ciidanka dhismihiisa lagu dhex jiro, haddana ay noo suurta gashay inaan argagixisada ka xorayno magaalooyin badan oo ay ka mid yihiin Marka, Jannaalle, Aw-Dheegle, Bariirre, Sabiid iyo Caanoole.
Hoggaanka dalka, heer Federaal iyo heer Dowlad Goboleed, waxaan ugu baaqayaa in ay mudnaanta koowaad siiyaan danta guud, xaqiijinta xasillooni siyaasadeed, adkaynta midnimada, wadajirka iyo madallaynta dastuur iyo doorasho wada-oggol ah, taas oo lagu gaari karo dhammaystirka dowlad-dhiska dalka.
Saaxiibbada caalamka ee sida hagar la’aanta ah uga qayb qaadanaya soo kabashada dalka, dhismaha Ciidamada Qaranka iyo dagaalka ka dhanka ah argagixisada waxaan ku dhiirri-gelinayaa in ay xoojiyaan taageeradooda iyo garab-istaagga shacabka iyo dowladda Soomaaliyeed.
Arbaco 23, April 2025 {HMC} Ugu yaraan 26 qof ayaa la xaqiijiyay inay ku dhinteen weerar lagu bartilmaameedsaday dad rayid ah, kuwaasoo ay ku jireen dalxiisayaal, meel u dhow deegaanka Baisaran ee gobolka lagu muransan yahay ee Kashmir.
Sida ay sheegeen booliska Hindiya, weerarkan ayaa ka dhacay goob 5km u jirta magaalada dalxiiska caanka ah ee Pahalgam.
Booliska ayaa weerarka ku tilmaamay “mid argagixiso,” wuxuuna ahaa mid ka mid ah kuwii ugu khasaaraha badnaa ee lagu beegsado dad shacab ah sannadihii u dambeeyay.
Dad badan oo dalxiisayaal ah ayaa la sheegay inay ku dhaawacmeen rasaasta, waxaana si degdeg ah loogu qaaday xarumo caafimaad.
Taliyeyaasha amniga ayaa sheegay in aan weli la aqoonsan kooxdii ka dambeysay weerarka, hase yeeshee ay tuhmayaan kooxo hubeysan oo kasoo horjeeda maamulkii Hindiya ee Kashmir.
Ciidamada ammaanka ayaa bilaabay howlgallo baadi-goob ah si loo helo kuwii falkan geystay.
Kashmir ayaa muddo dheer ahayd goob ay ka dhacaan dagaallo, qalalaase siyaasadeed, iyo weerarro hubeysan, iyadoo marar badan dadka rayidka ah ay noqdaan kuwa ugu badan ee waxyeelladu soo gaarto.
Talaado 22, April 2025 {HMC} Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta wafdi culus u dirtay dalka Mareykanka, waxaana hoggaaminayo wasiirka maaliyadda, Mudane Biixi Imaan Cige, kaas oo gaaray magaalada Washington DC ee dalkaasi.
Ujeedka wafdiga Soomaaliya u tageen Mareykanka ayaa ah ka qayb-galka shirka xilliga gu’ga SpringMeetings2025 oo ay soo qaban qaabiyeen Hay’adda IMF iyo Bangiga Adduunka.
Wasiir Biixi waxaa safarkan ku wehlinayo xubno metalaya xafiisyada Madaxweynaha iyo Ra’isul Wasaaraha, wasaaradda qorsheynta qaranka, bangiga dhexe iyo hey’adda warbixinnada maaliyadda, kuwaas oo inta au joogaan Mareykanka sameyn doono dadaallo dheeraad ah.
Sidoo kale waxa ay kulamo hordhaca ah la qaateen madax sare oo ka tirsan labada hay’adood ee shirka qabanaya ka hor inta aysan dhicin kulamada guud ee loo dhan yahay.
Kulamada gaar gaarka ah ee dhacay ayaa ujeedkeedu ahaa sidii dowladda Soomaaliya ay miiska wada-hadalada ula tagi laheyd qorsheyaal cad-cad oo ku saleysan hannaanka dib-u-habeynta dhaqaalaha dalka iyo helidda fursada maalgalineed ee ay hey’adaha caalamku bixiyaan si loo maalgaliyo ilaha dhaqaalaha dalka si loo kobciyo wax soo saarka gudaha.
Wasiir Biixi oo hadal kooban siiyay warbaahinta ayaa dhankiisa sheegay in kulamada hordhaca ah ee uu la qaatay wakiilada IMF iyo Bangiga Adduunka ay si guul ah ku soo dhamaadeen, haatanna ay isku diyaarinayaan ka qeyb galka fadhiyada guud oo lagu filayo in uu khudbado ka jeediyo Wasiirka.
Soomaaliya ayaa fursad muhiim ay u tahay ka qayb-galka shirka xilliga gu’ga SpringMeetings2025 ee ka dhacaya Mareykanka, maadaama ay kasoo qayb-galayaan madax kala duwan iyo hay’ado waa wayn oo ay bandhigeyso qorshayaasheeda muhiimka ah.
Dowladda Federaalka oo muddooyinkan horumar wayn ka sameyneysay la macaamilka saaxibada caalamka ayaa haatan dooneyso inay dhaqaalaha iyo maalgasha ay sii hormariso, si loo helo kobac dhaqaale oo wayn iyo fursado kale oo muhiim ah.
Marar badan ayay Soomaaliya xaadirtay shirar noocaa oo kale oo isla qabteen Hay’adda IMF iyo Bangiga Adduunka oo si weyn taageero u siiyo dowladda federaalka Soomaaliya.
Talado 22, April 2025 {HMC} Dhacdooyinkii ugu Dambeeyay ee Caalamka iyo Xiisada Bariga dhaxe.
Talaado 22, April 2025 {HMC} Dhageystayaal halkan waxa aan idiin kugu soo gudbi neynaa Warka Habeenimo ee Warbaahinta Hiiraanweyn
Warka waxaa soo jeedinayo ::Abdiqani Osoble
Farsamadii ::Mohamed Baryare Haamud
Talado 22, April 2025 {HMC} DFS oo xaqiijisay in madaxweyne Deni uu ka qeyb galayo shirka Wadatashiga.
Talaado 22, April 2025 {HMC} Booliska Australia ayaa sheegay in ay toogasho ku dileen nin ka mid ah Soomaalida ku nool magaalda Melbourne oo ay sheegeen in uu middi ku hubaysnaa. Arrintaan waxaa aad uga carooday Soomaali iyo Afrikaan kale oo ka banaanbaxay dilkaas.
Ninka Soomaaliga ah ee ay booliska toogteen ayaa waxaa la yiraahdaa Cabdifataax Axmed, waxaana la sheegay inuu la tacaalayay xanuunka dhanka maskasxda ah.
Dadka bannaanbaxa dhigayay waxaa ka mid ah Fartuun Axmed oo ku sugan magaalada Melbourne ka tirsan ururrada Jaaliyadda ee ka dhisan dalkaas. Waxay BBC-da u sheegtay in sababta ay u bannaanbaxeen ay tahay inay ka dhiidhiyaan dhibaatadii iyo dilkii loo geystay Cabdifataax.
“Waxaan halkaan isugu soo baxnay anagoo ah Jaaliyadaha Soomaalida ee Victoria iyo kuwa Afrikaanka ahba inaan inaan ka hadalno oo aan ka mudaaharaadno dhibaatadii iyo dilkii foosha xumaa ee loo geystay walaalkeen Cabdifataax Axmed taas oo dhammaanteen argagax iyo shoog nagu riday” ayay tiri Fartuun Axmed.
Waxay intaas ku dartay in falkaasi aysan marnaba ka filayn booliiskii ay doonayeen inay nabad-gelyadooda ilaaliyaan.
Waxaan farriin dheer u direynaa dowladda Australia iyo gaar ahaan dowladda Victoria inay arrintaas tallaabo ka qaadaan oo ay arrintaas sida ay ku dhacday oo cadeynteeda leh nala wadaagaan haddii aanu nahay jaaliyadaha ka dhisan Victoria.

Dhanka kale waxaa BBC-da la hadashay Ubax Xaanshi oo dukaan ku leh meel aan ka fogeyn goobta lagu toogtay Cabdifataax, kana mid ahayd dadkii soo qaban-qaabiyay mudaahaaradka.
“Waxaan degganahay meesha lagu dilay agteeda oo aan dukaan ku haystaa, marka arrinta aniga aad bay ii taabatay sabtaas ayaana igu kalliftay inaan kaco oo aan Soomaalida abaabulo oo aan muddaaharaadno, oo aan xaqa wiilkaan walaalkeen ah iyo xaqeenaba ka soo dhacsano, marka umadda Soomaaliyeed waxaan kula talinayaa inay midoobaan oo dad inay yihiin la arko iyo inaan dhisano jaaliyad adag oo keliya shaqeysa daneheena xitaa haddii aysan dowladda dhaqaale siinin anaga aan iska aruurino dhaqaale la siiyo si carruurteena iyo nafsadeenuba u badbaaddo”, ayay tiri Ubax.
Booliska Victoria ayaa weli wada baaritaanno la xiriira dilka toogashada ay u geysteen ninkan Soomaaliga ah ee 35 jirka ah oo ay sheegeen inuu ku hubeysnaa torreey. Cabdifataax ayaa waxaa la dilay habeenimadii Khamiistii la soo dhaafay.
Sarkaal u hadlay booliska ayaa sheegay in la soo wacay oo markii ay goobta soo gaareenna ay arkeen ninkan oo toorrey ku hubeysan kuna amreen inuu dhigo toorreyda.
Sarkaalka booliska ayaa sheegay in labada askari ay rasaasta wada fureen maadaama sida ay la sheegay aysan wadan aaladaha kale sida sunta ka ilmeysiisa iyo korontada qofka gariirisa, waana sababta Soomaalida iyo Afrikaanka kaleba ka careeysiisay oo dibadbaxaan boqollaalka qof ka soo qeyb-gashay loogu qabtay halka lagu dilay Cabdifataax Axmed.

Meydka Cabdifataax weli lama aasin, waxaana haya booliska, baaritaano ayayna wadaan iyadoona la filayo in toddobaadkaan dhexdiisa ay war ka soo saaraan dilkiisa isla markaana ay fasaxaan si loo aaso.
Dhanka kale BBC-da ayaa la hadashay Dr Aweys Cumar oo ka hawlgala mid ka mid ah xarumaha caafimaadka ee magaalada uu ka soo guuray wiilka la dilay ee galbeedka Australia, waxaana la weydiiyay waxa ka suuroobi kara dadka qaba xanuunada dhimirka ee maskada.
“Jawaabta waxay tahay wax-walba ayaa ka suurtoobi-kara, caruurta iyo dhallinyarada Soomaaliyeed ee aan aniga gacanta ku hayo ama aan daweeyo waxay qabaan xanuuno dhanka dhimirka ah, qaarkood waxay isticmaalaan daroogo. Waa ay ahayd in booliska aysan dilin oo ay ku furaan sida waxyaabaha korontada oo kale ah”.
Waxa uu Dr Aweys sheegay in Soomaali badan ay qabaan xanuunnada dhanka dhimirka ah loona baahan yahay in isha lagu hayo.
Xigasho BBC