Home Blog Page 999

RW xamse oo daah furay Hirgelinta Siyaasadda Qaran ee Darajooyinka iyo Mushaaraadka Shaqaalaha Rayidka

Isniin, 21 April , 2025 {HMC} Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Soomaaliya, Xamse Cabdi Barre, ayaa maanta magaalada Muqdisho ka daahfuray Hirgelinta Siyaasadda Qaran ee Darajooyinka iyo Mushaaraadka Shaqaalaha Rayidka ah, waxaana uu sheegay in siyaasaddani tahay mid xoojinaysa cududdada shaqaalaha Soomaaliyeed.

Ra’iisul wasaare Xamse ayaa xusay in siyaasaddani ay beddeli doonto nidaamkii hore ee muddo dheer lagu maamulayey shaqaalaha dowladda, isla markaana ay horumarin doonto shaqo-gudashada, caddaaladda iyo kor-u-qaadista kartida Shaqaalaha Rayidka ah.

“Maanta waa maalin muhiim u ah Qaranka iyo Shaqaalaha Dowladda, daahfurka siyaasaddan Qaran waa mid kamid ah qorsheyaashii ugu muhiimsanaa ee la ansixiyay, taas oo ah guul, waxa aan rabnaa in golaha wasiirrada iyo shaqaalaha dowladda dhammaantood si isku mid ah loo dhaariyo, si ay daacad ugu addeeggaan dalkooda”. Ayuu yiri Ra’iisul Wasaare Xamse Cabdi Barre.

Waxa uu ku ammaanay Xukuumadiisa inay xoogga saartay ilaalinta xuquuqda shaqaalaha, siyaasaddanina ay ahmiyad weyn u leedahay dhanka maamul-wanaagga iyo caddaaladda shaqo ee dalkeenna, taas oo qeyb ka ah Qorshaha Isbeddelka Qaranka, oo dib loogu casriyeynayo hey’adaha dalka, laguna tayeynayo dowladnimada.

Siyaasadan cusub waxay ku saleysan tahay qiimayn buundo-tirsi oo gaaraysa 1,000 dhibcood, iyadoo lagu eegayo afarta tiir ee kala ah: aqoon iyo khibrad, masuuliyad, dadaal (maskax iyo jir), iyo duruufaha shaqada. Waxay dajinaysaa 8 heer darajo ah (A ilaa G), Nidaamkan wuxuu meesha ka saarayaa eexda, wuxuuna xaqiijinayaa mushaar la jaanqaadaya waxtarka qofka shaqaalaha ah.

Ciidamo turki ah oo maanta gaaray magaalada muqdisho

Isniin, 21 April , 2025 {HMC} Labo diyaarad ciidan oo kasoo duulay dalka Turkiga ayaa ka degtay garoonka diyaaradaha Aadan Cadde ee magaalada Muqdisho, sida ay sheegeen ilo warbaahineed oo Turkiga ah.

Diyaaradahan ayaa sida la xaqiijiyay siday ilaa 500 oo askari oo Turkish ah.

Wararka ayaa intaas ku daraya in tirada guud ee ciidamada Turkiga ee la filayo in la geeyo Soomaaliya ay kor u dhaafi karto 2,500 askari, inkasta oo aan si rasmi ah loo shaacin tirada saxda ah.

Imaanshaha ciidamadan ayaa kusoo beegmaya iyadoo dowladda Soomaaliya ay dagaal culus kula jirto kooxda Al-Shabaab. Sidoo kale, diyaaradaha dagaalka ee Turkigu leeyahay ayaa qeyb ka noqonaya duqeymaha cirka ah ee ka dhanka ah Al-Shabaab.

Bishii July ee sannadkii hore, Baarlamaanka Turkiga ayaa ansixiyay mooshin uu saxiixay Madaxweynaha dalkaasi, Recep Tayyip Erdoğan, kaas oo ogolaanaya in ciidamo militari loo diro Soomaaliya muddo laba sano ah.

Tallaabadan ayaa qeyb ka ah dadaallada lagu taageerayo amniga Soomaaliya iyo la dagaalanka argagixisada, iyadoo loo marayo heshiiska iskaashi ee dhinaca difaaca ee u dhexeeya labada dal.

Mooshinka lagu meel mariyay baarlamaanka Turkiga ayaa sidoo kale xusay in Turkigu uu in ka badan toban sano si joogto ah uga taageerayay Soomaaliya dhinacyada tababarka, gargaarka iyo la-talinta amniga, si loo sugo xasilloonida looguna dhiso hay’adaha difaaca iyo ammaanka ee dalka, kuwaas oo awood u yeesha inay si madax-bannaan ula tacaalaan khataraha argagixisada.

{DAAWO MUQAALKA} Ciidamada oo laga mamnuucay Muuqaalada ay iska Duubayaan.

0

Isniin 21, April  2025 {HMC} Ciidamada oo laga mamnuucay Muuqaalada ay iska Duubayaan.

HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA 

{DAAWO MUQAALKA} Wararka ugu waa weyn Soomaaliya iyo Caalamka 21/04/2025

0

Isniin 21, April  2025 {HMC} Waxaa halkan idin kugu soo gudbineynaa Wararka ugu waa weyn Soomaaliya iyo Caalamka ee Warbaahinta Hiiraanweyn

Hoos ka daawo Wararka ugu waa weyn

{DAAWO MUQAALKA} AS oo Sargaal ku Dilay Magaalada Laascanood.

0

Isniin 21, April  2025 {HMC} AS oo Sargaal ku Dilay Magaalada Laascanood.

HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA 

{DAAWO MUQAALKA} Ciidamo farabaan oo malleeshiyaad ah oo lagu wareejiyey Somaliland.

0

Isniin 21, April  2025 {HMC} Ciidamo farabaan oo malleeshiyaad ah oo lagu wareejiyey Somaliland.

HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA 

{DAAWO MUQAALKA} Dadka fashilinayo Dagaalka Gobolka Hiiraan oo la shaaciyey.

0

Isniin 21, April  2025 {HMC} Dadka fashilinayo Dagaalka Gobolka Hiiraan oo la shaaciyey.

HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA 

{DHAGEYSO} Warka Duhurnimo ee Radio Hiiraanweyn {21-04-2025}

Isniin 21, April-2025 {HMC} – Dhageystayaal halkan waxa aan idiin kugu soo gudbi neynaa Warka Duhurnimo ee Warbaahinta Hiiraanweyn
Warka waxaa soo jeedinayo ::Yaasiin Daacad & Shukri Baryare

Farsamadii ::Mohamed Hassan Owsei

Dowladda Soomaliya oo Si Adag Uga Hortimid Talaabo aay Qaaday Puntland

Isniin, 21 April , 2025 {HMC} Wasaaradda Arrimaha gudaha iyo dib u heshiisiinta xukuumadda Soomaaloiya ayaa sharci darro iyo khalad mas’uuliyadeed ku tilmaantay tallaabadii uu Madaxweynaha Puntland qaaday ee ah inuu maamulkiisa sameysanayo Aqoonsi gaar ah.

War-saxaafadeed kasoo baxay Wasaaradda ayaa waxaa ka mid ahaa: “Tallaabada uu qaadey Madaxweynaha Puntland ee ah sameynta Aqoonsi kale oo lagu carqaladeynayo Aqoonsiga Qaranka (Lr. 04, 09/04/2025), waa khalad masuuliyadeed iyo sharciyadeed, waana mid si toos ah ugu xadgudbeya hannaanka dowladnimadda dalka. Waana jahwareer iyo nidaam daro dowladeed. Ficiladda noocan ahi wax sal iyo raad ah kuma lahan aragtiyadda dowladnimo iyo masuuliyad Qaran. Kamana muugato lixjeclo iyo dan-qasho ummadeed”ayaa lagu yiri qoraalka.

AS oo Xubin Ka Tirsan Sirdoonka itoobiya Ku Dilay laascaano

Isniin, 21 April , 2025 {HMC}  Xeer Ilaaliyaha guud ee SSC-Khaatumo, Cabdullaahi Xirsi Dheere, ayaa ku eedeeyay kooxda Al-Shabaab inay ka dambeyso dilka Faarax Caydiid Jaamac, oo ahaa sarkaal sare oo ka tirsanaa xafiiska qunsuliyadda Itoobiya ee magaalada Garowe.

Maydka sarkaalkan ayaa laga helay duleedka Laascaanood, halkaas oo uu ku sugnaa maalmihii u dambeeyay, isagoo mar la kulmay Taliyaha Ciidanka Booliiska Soomaaliya, Gen. Asad Diyaano.

Xeer ilaaliye Cabdullaahi Xirsi Dheere ayaa sheegay in Al-Shabaab ay muddo daba socotay Faarax Caydiid, maaddaama uu ahaa xubin ka tirsan sirdoonka Itoobiya. Wuxuu intaa ku daray in sarkaalku uu horey uga badbaaday weerar ay Al-Shabaab ku qaadday, oo uu dhaawac kasoo gaaray.

Sidoo kale, xeer ilaaliyuhu wuxuu sheegay in Faarax Caydiid Jaamac uu horey uga tirsanaa kooxda Al-Shabaab, balse uu kasoo goostay, taasina ay sababtay in si gaar ah loo bartilmaameedsado. Wuxuu sidoo kale beeniyay warar lagu baahiyay baraha bulshada oo sheegayay in Garowe lagu dilay maydkiisana loo qaaday Laascaanood.

“Xogta aan hayno waxay muujinaysaa in sarkaalkan lagu dilay gudaha magaalada Laascaanood, kadibna maydkiisa loo qaaday duleedka magaalada, waxaana laga qaatay 2 Mobile ”ayuu yiri Cabdullaahi Dheere.

Wuxuu intaa ku daray: “Anigu waxaan aaminsanahay in ninkan si dhow loola socday. Markii uu halkan yimid, aad buu isu dhigtay, ma ahayn qof aad u feejigan. Wuxuu ahaa bartilmaameed, qof kastana wuxuu ogyahay in SSC Khaatumo lagu dhex jiro.

Dilka Faarax Caydiid ayaa noqonaya dilkii ugu horreeyay ee lagu eedeeyo kooxda Al-Shabaab oo ka dhaca gudaha Laascaanood, tan iyo markii laga saaray Somaliland magaaladaas. Intii ay Somaliland maamuleysay Laascaanood, waxaa ka dhici jiray dilal qorsheysan oo noocan oo kale ah, kuwaas oo ugu dambayn horseeday kacdoonkii hubeysnaa ee Somaliland looga saaray Laascaanood.