Isniin 21, April 2025 {HMC} Libaax gabar 14 jir ah ku dilay magaalada Nairobi.
RW hore shirdoon oo shaaciyey arimo muhiim ah oo uu kala hadlay MW xasan iyo RW xamse
Isniin, 21 April , 2025 {HMC} Ra’iisul wasaarihii hore ee Soomaaliya Cabdi Faarax Shirdoon Saacid ayaa sheegay inuu Madaxda dalka ugu sareeysa uu kala hadlay arrimo ay ugu muhiim san yihiin doorashooyinka iyo ammaanka guud ee dalka.
Shirdoon ayaa shaaca ka qaaday inuu Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud iyo Ra’iisul wasaare Xamsa Cabdi Barre ay isla meel dhigeen sidii xilligaan adag Soomaaliya uga gudbi lahayd ayna ku imaan karto kaliya midnimo iyo wadatashi in lagu hago Siyaasadda guud ee dalka.
Ra’iisul wasaarihii hore ee Soomaaliya Cabdi Faarax Shirdoon oo sidoo kale ah Guddoomiyaha Xisbiga Nagaad ahna Musharrax Madaxweyne, ayaa qoraal kooban uu soo dhigay bartiisa Facebook waxa uu uga mahadceliyay casuumaaddii ay u fidiyeen Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud iyo Ra’iisul Wasaare Xamsa Cabdi Barre uu kula kulmay aqalka Madaxtooyadda.
“Waxaan kala hadlay Madaxda dalka, In arrimaha cakiran ee amniga iyo siyaasadda loo furdaamiyo si wadatashi ku dhisan, In si gaar ah arrimaha doorashooyinka iyo wax ka beddelka dastuurka lagu saleeyo wadar ogol iyo sidoo kale In ummadda Soomaaliyeed ay u midoobaan ciribtirka argagixisada dalka aafeysay, loona sameeyo dib-u-habeyn iyo dhiirrigelin ciidamada Qaranka” ayuu qoraalkiisa ku yiri Cabdi Faarax Shirdoon.
Hadal uu jeediyay Todobaadkii hore ayaa waxa uu Ra’iisul wasaarihii hore ee Soomaaliya Shirdoon uu ka digay inay Al shabaab ay kusoo dhowadaan magaalada Muqdisho waxaana uu xusay in Dowladda ay la timaado siyaasad amni oo kooxdaasi looga hortagayo.


MW xasan sheekh oo yugaandha kaga qeyb galayo shir muhiim ah
Isniin, 21 April , 2025 {HMC} Magaalada Kampala ayaa 23-ka Abriil martigelin doonta shir-madaxeed oo ay isugu imaanayaan dalalka ciidanka ay ka joogaan Soomaaliya ee qeybta ka ah howlgalka taageerada iyo xasilinta ee Midowga Afrika (AUSSOM).
Shirkan ayaa la filayaa in uu xal u raadiyo hoos u dhaca dhaqaale ee saameeyay howlgalka AUSSOM, oo ah mid laf-dhabar u ah nabadgelyada Soomaaliya.
Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud, iyo madaxda dalalka gobolka ayaa ka qayb geli doona shirkan, iyadoo la filayo in lagu xoojiyo taageerada dhaqaale iyo midda siyaasadeed ee howlgalka, si loo sii wado dagaalka lagula jiro kooxda Al-Shabaab.
Uganda, oo ka mid ah dalal ugu badan ee ciidanka ku taageera Howlgalka AUSSOM, ayaa ku baaqday in beesha caalamku ay ka shaqeyso sii wadista taageerada si looga hortago dib u dhac amni oo ka dhaca gobolka.
Shirka Kampala ayaa ah fursad muhiim ah oo lagu mideynayo dadaallada caalamiga ah si loo helo maalgelin joogto ah oo lagu sii wadi karo howlgalka AUSSOM qeybna ka ah howlgalka AUSSOM.
Gudoomiyeyaasha labada aqal oo kulan gaar ah yeeshay
Isniin, 21 April , 2025 {HMC} Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) ayaa kulan la qaatay guddoomiyaha Golaha Aqalka Sare Mudane Cabdi Xaashi Cabdullaahi.
Kulanka labada guddoomiye ayaa looga hadlay xoojinta wada shaqeynta labada aqal ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya gaar ahaan howlaha ay wadajirka u leeyihiin ka shaqeyntooda, waxaana si guud kulanka diiradda loogu saaray dardargelinta howlaha baaxadda leh ee horyaala Baarlamaanka 11-aad iyo sidii looga howlgeli lahaa shuruucda hortebinta u leh horumarka dowladnimadeenna.
{DAAWO MUQAALKA} FAAH FAAHIN Dagaal Culus oo ka socda Gobolka Baay.
Isniin 21, April 2025 {HMC} FAAH FAAHIN Dagaal Culus oo ka socda Gobolka Baay.
HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA
RW xamse oo daah furay Hirgelinta Siyaasadda Qaran ee Darajooyinka iyo Mushaaraadka Shaqaalaha Rayidka
Isniin, 21 April , 2025 {HMC} Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Soomaaliya, Xamse Cabdi Barre, ayaa maanta magaalada Muqdisho ka daahfuray Hirgelinta Siyaasadda Qaran ee Darajooyinka iyo Mushaaraadka Shaqaalaha Rayidka ah, waxaana uu sheegay in siyaasaddani tahay mid xoojinaysa cududdada shaqaalaha Soomaaliyeed.
Ra’iisul wasaare Xamse ayaa xusay in siyaasaddani ay beddeli doonto nidaamkii hore ee muddo dheer lagu maamulayey shaqaalaha dowladda, isla markaana ay horumarin doonto shaqo-gudashada, caddaaladda iyo kor-u-qaadista kartida Shaqaalaha Rayidka ah.
“Maanta waa maalin muhiim u ah Qaranka iyo Shaqaalaha Dowladda, daahfurka siyaasaddan Qaran waa mid kamid ah qorsheyaashii ugu muhiimsanaa ee la ansixiyay, taas oo ah guul, waxa aan rabnaa in golaha wasiirrada iyo shaqaalaha dowladda dhammaantood si isku mid ah loo dhaariyo, si ay daacad ugu addeeggaan dalkooda”. Ayuu yiri Ra’iisul Wasaare Xamse Cabdi Barre.
Waxa uu ku ammaanay Xukuumadiisa inay xoogga saartay ilaalinta xuquuqda shaqaalaha, siyaasaddanina ay ahmiyad weyn u leedahay dhanka maamul-wanaagga iyo caddaaladda shaqo ee dalkeenna, taas oo qeyb ka ah Qorshaha Isbeddelka Qaranka, oo dib loogu casriyeynayo hey’adaha dalka, laguna tayeynayo dowladnimada.
Siyaasadan cusub waxay ku saleysan tahay qiimayn buundo-tirsi oo gaaraysa 1,000 dhibcood, iyadoo lagu eegayo afarta tiir ee kala ah: aqoon iyo khibrad, masuuliyad, dadaal (maskax iyo jir), iyo duruufaha shaqada. Waxay dajinaysaa 8 heer darajo ah (A ilaa G), Nidaamkan wuxuu meesha ka saarayaa eexda, wuxuuna xaqiijinayaa mushaar la jaanqaadaya waxtarka qofka shaqaalaha ah.
Ciidamo turki ah oo maanta gaaray magaalada muqdisho
Isniin, 21 April , 2025 {HMC} Labo diyaarad ciidan oo kasoo duulay dalka Turkiga ayaa ka degtay garoonka diyaaradaha Aadan Cadde ee magaalada Muqdisho, sida ay sheegeen ilo warbaahineed oo Turkiga ah.
Diyaaradahan ayaa sida la xaqiijiyay siday ilaa 500 oo askari oo Turkish ah.
Wararka ayaa intaas ku daraya in tirada guud ee ciidamada Turkiga ee la filayo in la geeyo Soomaaliya ay kor u dhaafi karto 2,500 askari, inkasta oo aan si rasmi ah loo shaacin tirada saxda ah.
Imaanshaha ciidamadan ayaa kusoo beegmaya iyadoo dowladda Soomaaliya ay dagaal culus kula jirto kooxda Al-Shabaab. Sidoo kale, diyaaradaha dagaalka ee Turkigu leeyahay ayaa qeyb ka noqonaya duqeymaha cirka ah ee ka dhanka ah Al-Shabaab.
Bishii July ee sannadkii hore, Baarlamaanka Turkiga ayaa ansixiyay mooshin uu saxiixay Madaxweynaha dalkaasi, Recep Tayyip Erdoğan, kaas oo ogolaanaya in ciidamo militari loo diro Soomaaliya muddo laba sano ah.
Tallaabadan ayaa qeyb ka ah dadaallada lagu taageerayo amniga Soomaaliya iyo la dagaalanka argagixisada, iyadoo loo marayo heshiiska iskaashi ee dhinaca difaaca ee u dhexeeya labada dal.
Mooshinka lagu meel mariyay baarlamaanka Turkiga ayaa sidoo kale xusay in Turkigu uu in ka badan toban sano si joogto ah uga taageerayay Soomaaliya dhinacyada tababarka, gargaarka iyo la-talinta amniga, si loo sugo xasilloonida looguna dhiso hay’adaha difaaca iyo ammaanka ee dalka, kuwaas oo awood u yeesha inay si madax-bannaan ula tacaalaan khataraha argagixisada.
{DAAWO MUQAALKA} Ciidamada oo laga mamnuucay Muuqaalada ay iska Duubayaan.
Isniin 21, April 2025 {HMC} Ciidamada oo laga mamnuucay Muuqaalada ay iska Duubayaan.
HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA
{DAAWO MUQAALKA} Wararka ugu waa weyn Soomaaliya iyo Caalamka 21/04/2025
Isniin 21, April 2025 {HMC} Waxaa halkan idin kugu soo gudbineynaa Wararka ugu waa weyn Soomaaliya iyo Caalamka ee Warbaahinta Hiiraanweyn
Hoos ka daawo Wararka ugu waa weyn
{DAAWO MUQAALKA} AS oo Sargaal ku Dilay Magaalada Laascanood.
Isniin 21, April 2025 {HMC} AS oo Sargaal ku Dilay Magaalada Laascanood.



