Home Blog Page 997

{DAAWO MUQAALKA} DF oo Markii ugu horeysay Cadeysay sababahii looga baxay degmadda Aadan Yabaal.

0

Axad 22, April  2025 {HMC} DF oo Markii ugu horeysay Cadeysay sababahii looga baxay degmadda Aadan Yabaal.

HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA 

{DAAWO MUQAALKA} “Dagaal naf huris ah ayaa ku qaadeynaa AS” Wasiir Daahir Shire

0

Isniin 21, April  2025 {HMC} “Dagaal naf huris ah ayaa ku qaadeynaa AS” Wasiir Daahir Shire

HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA 

{DAAWO MUQAALKA} Dhacdooyinkii ugu Dambeeyay ee Caalamka iyo Xiisada Bariga dhaxe.

0

Isniin 21, April  2025 {HMC} Waxaa halkan idin kugu soo gudbineyna Dhacdooyinkii Ugu Dambeeyay Caalamka ee Warbaahinta Hiiraanweyn.

HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA

{DAAWO MUQAALKA} “Xawaadle intii uu ka barakici lahaa AS waa inaan god-galnaa” Xildhibaan Maxamed C/qaadir

0

Isniin 21, April  2025 {HMC} “Xawaadle intii uu ka barakici lahaa AS waa inaan god-galnaa” Xildhibaan Maxamed C/qaadir

HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA 

{DAAWO MUQAALKA} “Dagaal Xawaadle mid ku yahay oo hal hogaan leh ayaa ku qaadeynaa AS” Xildhibaan Maxamed Buraale

0

Isniin 21, April  2025 {HMC} “Dagaal Xawaadle mid ku yahay oo hal hogaan leh ayaa ku qaadeynaa AS” Xildhibaan Maxamed Buraale

HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA 

{DAAWO MUQAALKA} Maxkamada Gobolka Nugaal oo xukun dil ah ku riday Nin dilay Wiil yar

0

Isniin 21, April  2025 {HMC} Maxkamada Gobolka Nugaal oo xukun dil ah ku riday Nin dilay Wiil yar

HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA 

Ciidamada Macawisleyda oo weerar ku qaaday deegaano hoostago degmada Aadan-yabaal oo ay ku sugnaayeen AS.

Isniin, 21 April , 2025 {HMC} Ciidamada Deegaanka Mabaax oo hoos taga degmada Moqokori ee gobolka Hiiraan ayaa weerar qorsheysan galabta Maqribkii ku qaaday koox Khawaarij ah oo isku uruursatay aagga degmada Aadan-yabaal ee gobolka Shabeellaha Dhexe, waxaana halkaas ka dhacay dagaal culus oo khasaare badan lagu gaarsiiyey Khawaarijta.

Saraakiisha hoggaamineysa howlgalka ayaa Warbaahinta u sheegay in Khawaarij badan ay ku dileen howlgalka oo sidii loo qorsheeyey u dhacay, isla markaana ay ku guuleysteen inay ka hortagaan dhagartii cadowgu ay halkaas kasoo maleegayeen.

Waxaa socota qiimeynta khasaaraha Khawaarijta lagu gaarsiiyey howlgalkaan caawa ka dhacay inta u dhaxeysa Mabaax iyo Aadan-yabaal, waxayna saraakiishu noo sheegeen in meydad badan ay yaallaan goobta.

Deegaanka ay duulaanka ka soo qaadeen difaacana uga jiraan geesiyaasha macawiisleyda reer Hiiraan ayaa 6 ilaa 10 KM u jira degmada Aadan-yabaal oo Arbacadii lasoo dhaafay ay dagaal qaraar kula wareegtay kooxda Al-Shabaab.

Ciidamada Xoogga Dalka ee ku jabay dagaalkii Aadan-yabaal ayaa ku baxay wadada aadda degmada Guriceel, iyagoo ka wareegay Mudug si ay u soo maraan xeebta ee waqooyi uga soo galaan caasimadda Muqdisho.

Ciidamadii deegaanka ee reer Hiiraan ayaa weli difaac uga jira aaggii ay labo sano ka hor ka xoreysteen kooxda Al-Shabaab, waxayna caawa fuliyeen weerar ka hor tag ah oo khasaare badan ay ku gaarsiiyeen kooxda Al-Shabaab.

Waqtiga uu howlgalkaan dhacay oo habeen ah iyo isgaarsiinta oo adag ayaa saamixi waayey in xog rasmi ah laga helo khasaaraha caawa la gaarsiiyey Al-Shabaab, balse saraakiisha iyo ciidamada deegaanka ayaa sheegay inay indhahooda ku soo arkeen meydad tiro beel ah oo hubkoodii ay kasoo durteen.

{DHAGEYSO} Warka Habeenimo ee Warbaahinta Hiiraanweyn {21.04.2025}

Isniin, 21 April , 2025 {HMC} Dhageystayaal halkan waxa aan idiin kugu soo gudbi neynaa Warka Habeenimo ee Warbaahinta Hiiraanweyn

Warka waxaa soo jeedinayo ::Dhaqane Qaliif Abdi

Farsamadii ::Mohamed Baryare Haamud

HOOS KA DHAGEYSO WARKA SUBAXNIMO

Guddiga Dowllada Soomaaliya ee dagaalka oo kulan deg deg ah yeeshay– Qorshaha Kulanka.

Isniin, 21 April , 2025 {HMC} Ra’iisul Wasaare ku xigeenka labaad ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Cabdisalaan Cabdi Cali, ahna Guddoomiyaha Guddiga Qaran ee taageerada Dagaalka Khawaariijta, ayaa maanta shir guddoomiyey kulan muhiim ah oo ay isugu yimaadeen Guddi Hoosaadka abaabulka dagaalka lagu ciribtirayo kooxaha Khawaarijta ah ee Shabaab iyo Daacish.

Kulanka ayaa diiradda lagu saaray dardargelinta howlaha taakuleynta ciidamada geesiyaasha ah ee ku sugan jiidaha hore ee dagaalka.

Sidoo kale, waxaa laga tashaday sidii la isugu garab wedi lahaa xoojinta dagaalka lagula jiro Khawaarijta iyo garab istaagga joogtada ah ee la siinayo ciidamada qalabka sida ee Soomaaliyeed.

Shirka ayaa sidoo kale lagu falanqeeyey qorsheyaasha lagu xoojinayo wada-shaqeynta hey’adaha amniga iyo maamulka heerarka kala duwan ee dowladda.

Dowladda Soomaaliya ayaa u soo jeesatay xaqiijinta guulo cusub oo laga gaaro dagaalka lagu ciribtirayo argagixisada, kadib guul darrooyin is xigxigay oo soo gaaray ciidamada dhowrkii toddobaad ee lasoo dhaafay.

Guddigaan Wasiirrada ah ayaa la magacaabay markii uu soo kululaaday dagaalka Al-Shabaab, kulankaan ka hor waxay yeesheen kulamo kale, doorkooduna waa taakuleynta ciidamada ku jira dagaalka Al-Shabaab.

Kooxda Al-Shabaab oo dalka ka wada weerarro rogaal celis ah ayaa cadaadis badan ku heysa dowladda, taasi oo khasab ka dhigeysa in la qaado talaabooyin wax ku ool ah ee deg deg ah, si wax looga bedelo qaladaadka sababay in kooxdu guuleysato.

{DAAWO MUQAALKA} Wararkii ugu Dambeeyay 21-4-2025.

0

Isniin 21, April  2025 {HMC} Waxaa halkan idin kugu soo gudbineyna Wararkii ugu Dambeeyay Soomaaliya iyo Caalamka ee Warbaahinta Hiiraanweyn.

HOOS KA DAAWO WARARKII UGU DAMBEEYAY.