Soomaaliya iyo Turkiga oo galay hishiis cusub.

0
18

Jimco 17 april 2026 {HMC}  Madaxweynaha Soomaaliya Hassan Sheikh Mohamud iyo madaxweynaha Turkiga Recep Tayyip Erdoğan ayaa kulan ku yeeshay magaalada Istanbul, iyagoo diiradda saaray xoojinta xiriirka istiraatiijiga ah ee u dhexeeya labada dal.

Kulanka, oo ka dhacay Dolmabahçe Palace, ayaa lagu falanqeeyay iskaashiga dhinacyada amniga, dhaqaalaha iyo horumarinta, iyadoo labada hoggaamiye ay hoosta ka xariiqeen horumarka la taaban karo ee laga gaaray maalgashiga Turkiga ee Soomaaliya.

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa uga mahadceliyay dowladda iyo shacabka Turkiga taageerada ay siiyaan Soomaaliya, gaar ahaan dib u dhiska kaabeyaasha dhaqaalaha, adeegyada bulshada iyo amniga.

Dhankooda, labada madaxweyne ayaa ku heshiiyay in la sii xoojiyo wada-shaqeynta istiraatiijiga ah, iyagoo sidoo kale soo dhoweeyay tallaabooyinka cusub ee lagu horumarinayo kheyraadka dabiiciga ah ee Soomaaliya, oo ay ka mid tahay bilaabista howlaha la xiriira soo saarista shidaalka.

Turkiga ayaa noqday dalkii ugu horeeeyay ee Soomaaliya ka bilaaba qodista shidaalka, iyagoo sheegay in ay muddo 9 bilood ah shidaalka uga soo saaridoona  xeebaha Soomaaliya. Dhawaan markabkii shidaalka qodi lahaa ayaa yimid dalka.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here