Axad , 08 Feb 2026 {HMC} Dowlad goboleedka Jubbaland ayaa war-saxaafadeed ay soo saartay si adag uga hortimid tallaabada Dowladda Federaalka ee ku aaddan wax-ka-beddelka Dastuurka KMG ah, iyada oo ku tilmaantay mid mas’uuliyad-darro ah oo khatar ku ah midnimada dalka iyo hanaanka dowladnimada.
Jubaland ayaa sheegtay in Dowladda Federaalka ay baalmarsan tahay habraacyadii sharciga ahaa ee lagu beddeli lahaa dastuurka, taasoo, sida ay tilmaantay, ka dhigan ku tumasho dastuurkii lagu soo doortay hoggaanka hadda jira.
War qoraal ah oo ka soo baxay madaxtooyada Jubaland ayaa lagu yiri:
“Dowladda Federaalka ah waxay si mas’uuliyad darro ah ugu tumanaysaa dastuurkii lagu doortay, iyada oo wax ka baddelkiisa u maraysa hannaan baalmarsan habraacyadii ku qornaa dastuurka.”
Sidoo kale, Jubaland ayaa si weyn u cambaareysay dhacdooyinkii ugu dambeeyay ee ka dhacay xarunta Baarlamaanka Federaalka, iyada oo sheegtay in xildhibaano ka soo horjeeday go’aamada uu dabada ka riixayo Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ay la kulmeen jirdil iyo handadaad halis geliyay naftooda.
“Ficilladii u dambeeyay ee ka dhacay goleyaasha baarlamaanka waxay muujinayaan xilkasnimo-darro weyn, waxaana la handaday laguna jirdilay xildhibaano ka hor yimid go’aamada madaxweynaha,” ayaa lagu yiri warsaxaafadeedka.
Ugu dambeyn, Jubaland ayaa caddeysay in deegaannadeeda iyo shacabkeeda aan lagu dhaqi doonin dastuur aan dhammaystirneyn, kana maqan tahay kalsoonida labada gole ee baarlamaanka iyo guud ahaan shacabka Soomaaliyeed.






