Madaxweyne Trump oo ku dhawaaqay war cusub oo ku saabsan wadahadalladii Iiraan kala dhaxeyay

0
14

Arbaco 15 April 2026 {HMC} Madaxweyne Trump ayaa muujiyay in wadahadallada lagu soo afjarayo dagaalka Iiraan ay dib u bilaaban karaan laba maalmood gudahood.

Wadahadalladii ka dhacay Islamabad ee u dhexeeyay masuuliyiinta Mareykanka iyo Iiraan ayaa burburay dhammaadkii toddobaadkii la soo dhaafay, taasoo keentay in Washington ay kusoo rogto go’doomin badeed dekedaha Iiraan.

Mareykanku wuxuu sheegay in lix markab oo ganacsi ay u hoggaansameen amarka ah in dekedaha ku yaalla Iiraan oo ku dhow Gacanka Cumaan aaney tagin maraakiibta caalamiga ah. Si kastaba ha ahaatee, xogta maraakiibta ee ay falanqeysay BBC-da ayaa muujisay in ugu yaraan afar markab oo xiriir la leh Iiraan ay Talaadadii ka gudbeen marin-biyoodka Hormuz.

Masuuliyiin ka kala socday dalalka Gacanka, Pakistan iyo Iiraan ayaa sidoo kale sheegay in kooxaha wadaxaajoodku ay dib ugu laaban karaan Islamabad dabayaaqada toddobaadkan.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here