Maxkamadda ICC oo laga dalbaday in ay tallaabo ka qaado Ra’iisul Wasaaraha Spain.

0
8

Arbaco 15 April 2026 {HMC} Hay’ad ah kuwa xuquuqda aadanaha oo Israa’iil laga leeyahay ayaa Talaadadii sheegtay inay ka codsatay Maxkamadda Dambiyada Caalamiga ah ee ICC inay tixgeliso qaadista tallaabo sharci ah oo ka dhan ah Ra’iisul Wasaaraha Spain Pedro Sánchez, iyada oo ku eedeysay “ka qeyb qaadasho iyo taageerid dambiyo dagaal” iyada oo loo marayo qalab la sheegay in ay ku caawisay Iran.

Dacwaddan waxaa gudbisay hay’adda Shurat HaDin, oo caalamka ka fulisa tallaabooyin sharci ah oo ka dhan ah kuwa ay ugu yeerto “cadowga Israa’iil.”Dacwadda ayaa Spain ku eedeyneysa in ay Tehran iyo kooxaha la shaqeeya kala shaqeysay arrimo ku saabsan agab militari.”

Qalabka ayaa la sheegay in loo adeegsan karo qaraxyo iyo walxo kale oo la xiriira walxaha qarxa, kuwaas oo qiimahoodu gaarayo qiyaastii 1.3 milyan oo Yuuro.

Hay’addu waxay bayaan ku sheegtay: “Qalabkani ma aha badeecooyin warshadeed oo caadi ah, balse waa qaybo muhiim ah oo suurtageliya in qalabka qarxa uu shaqeeyo, waxaana la qaaday iyada oo la ogaa ama ay macquul ahayd in loo adeegsado weerarro lagu qaado rayidka.”

Cabashadan ayaa timid xilli ay sii kordhayaan xiisadaha diblomaasiyadeed ee u dhexeeya labada dal, kuwaas oo bilowday markii uu qarxay dagaalka Qasa bishii Oktoobar 2023, isla markaana sii xumaaday kadib markii Madrid ay aqoonsatay dowlad Falastiiniyiintu leeyihiin sanad ka dib.

Hoggaamiyaha xisbiga hantiwadaagga Spain ayaa sidoo kale ka soo horjeestay dagaalka Maraykanka iyo Israa’iil ee Iran oo billowday 28-ka Febraayo, arrintaas oo ka careysiisay Israa’iil.

Toddobaadkii hore, Ra’iisul Wasaaraha Israa’iil Benjamin Netanyahu ayaa ka mamnuucay Madrid inay ku biirto xarun uu Maraykanku hoggaaminayo oo loogu talagalay xasillinta Qasa dagaalka kadib, isaga oo Spain ku eedeeyay inay wado olole diblomaasiyadeed oo ka dhan ah Israa’iil.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here