spot_imgspot_imgspot_img
Home SOMALIA NEWS Talyaaniga ayaa sheegtay in ay dejisay qorshe cusub oo lagu xakamaynayo...

Talyaaniga ayaa sheegtay in ay dejisay qorshe cusub oo lagu xakamaynayo Tahriibayaasha.

0
14

Jimco 27 Feb 2026 {HMC} Dowladda Talyaaniga ayaa sheegtay in ay dejisay qorshe cusub oo xal u noqon kara xakamaynta tahriibayaasha Afrika ka taga ee sanadihii u dambeeyay usii qulqulayay Dalkaas, waxaana ku bixi doonna dhaqaale xooggan oo ay kala kaashanayso dalal dhaca Qaaraddaan.

Xukuumadda Roma ayaa sheegtay in halista dhimashada Badda Mediterranean ay korortay sidaas awgeed loo baahan yahay xal waara oo lagu xakamaynayo isu socodka dadkaas oo fadhi u ah tahriibkooda dalal dhaca Waqooyiga Qaaradda Afrika.

Liibiya, Masar, Tuniisiya, Morooko & Aljazeera ayay si wadajir ah ula kaashan doontaa sidii wax looga qaban lahaa tahriibayaasha iyada oo la qaadayo tallaabooyin lagu kordhinayo feejignaanta dhaqdhaaqa Dadkaas sida hadalka loo dhigay.

Roma ayaa xustay in ay ka go’an tahay qaadista tallaabadaan, marar badan ayay tilmaamtay in ay isku dayday sidii ay u fulin lahayd arrintaan maadaama madaxda sare ee dalkaas ay safarro kala duwan ku tageen dalalkaas ay kasoo baxaan Tahriibayaasha.

Qaramada Midoobay ayaa sheegtay in laga soo billaabo Oktoobar 2025 wixii ka dambeeyay ay kordheen tahriibayaasha halista nafeed kala kulmaya Badda Mediterranean, qaarkood waala badbaadiyay halka kuwo kale la waayay halka ay ku dambeeyeen.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here