DFS oo war kasoo saartay Safiirka ay Israa’iil magacawday Somaliland.

0
2

Khamiis 16 april 2026 {HMC}Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa sheegtay in ay qaadeyso tillaabo kasta oo ay ku difaaceyso midnimada iyo madaxbannaanida dalka, iyadoo cambaareysay tillaabada ay Israa’iil safiir cusub ugu soo magacowday deegaannada Maamulka Waqooyi Galbeed.

War-saxaafadeed ka soo baxay Wasaaradda Arrimaha Dibadda Soomaaliya ayaa lagu sheegay in go’aanka Israa’iil uu ka hor imaanayo madax-bannaanida, midnimada, iyo wadajirka dhuleed ee dalka.

“Waa go’aan gardaro ah, Israa’iil waxaa ay jabisay Axdiga Qaramada Midoobay iyo mabaadi’da aasaasiga ah ee Midowga Afrika, kuwaas oo labaduba caddeynaya in ay Soomaaliya tahay dowlad madaxbannaan” ayaa lagu yiri Bayaanka Wasaaradda Arrimaha Dibadda Soomaaliya.

Sidoo kale, Soomaaliya ayaa sheegtay in ay difaaceyso midnimad dalka, iyadoo kaashaneysa saaxiibada caalamiga ah sida Midowga Afrika, Qaramada Midoobay, Jaamacadda Carabta, Ururka Iskaashiga Islaamka, Midowga Yurub, iyo beesha caalamka.

“Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya waxaa ka go’an ilaalinta midnimadeeda qaran, iyadoo adeegsanaysa dhammaan dariiqyada diblomaasiyadeed, siyaasadeed, iyo kuwa sharci ee bannaan” ayaa lagu yiri qoraalka Wasaaradda Arrimaha Dibadda Soomaaliya.

Hadalka Dowladda ayaa ku soo aadaya xilli Israa’iil ay Michael Lotem u soo magacawday Safiirkeeda cusub ee Maamulka Waqooyi Galbeed oo ay afar bilood ka hor siisay aqoonsi muran badan ka dhashay.

Ninkaan ay Israa’iil soo magacowday ayaa ka soo shaqeeyay dalal ay ka mid yihiin Kenya, Azerbaijan iyo Kazakhstan.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here