Khamiis 16 april 2026 {HMC} Mucaaradka Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa qirtay in ay ku qaldamaayeen taageerista doorashadii uu isku caano shubay Cabdicasiis Xasan Maxamed Laftagareen oo kolkii dambe isaga baxay Magaalada Baydhabo ee xarunta Kumeel-gaarka ah ee Koofur Galbeed.
Qaar kamid ah xubnaha Mucaaradka ayaa isugu cudur daaray Khaladkaa ka dhacay maadaama ay tilmaameen in ay ku fududaadeen go’aankii ay ku taageereen Laftagareen kana saxnayd Dowladda Dhexe ee Federaalka sida ay hadalka u dhigeen.
Waxa ay dood ka dhigteen in dhinac kale ay ka fiiriyeen balse hadda ay kasoo laabteen khaladka ka dhacay, iyaga oo ku sifeeyay in arrintaas ay leedahay siyaasadda oo mararka qaar dhalisa in uu qofka taraarax siyaasadeed uu ku dhaco.
Xubnaha Mucaaradka ah ee Laftagareen ku taageeray doorashadii saacadaha kooban uu ku qabsaday Magaalada Baydhabo kahor inta uusan isaga bixin Magaaladaas, waxaa ka mid ah madaxweynayaashii hore ee Soomaaliya; Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, Shariif Sheekh Axmed, Ra’iisul Wasaarayaashii hore ee dalka; Xasan Cali Kheyre, Cabdifaarax Shirdoon Saacid, iyo madaxweynaha Jubbaland Axmed Madoobe.
Taageerada ay muujiyeen madaxdaan marka laga soot ago waxaa ka aamusay Madaxweynaha Puntland Saciid Cabdullaahi Deni, Ra’iisul Wasaarihii hore ee dalka Maxamed Xuseen Rooble, iyo madaxweynayaasha maamullada Hirshabeelle iyo Galmudug, kuwaas oo ka gaabsaday in ay ka hadlaan.



