Dhul-gariir xoogan ku dhuftay Masar.

0
4

Jimco 24 april 2026 {HMC}  Jamhuuriyadda Carbeed ee Masar waxaa maanta ku dhuftay dhul-gariir xooggiisu gaarayo 5.77 magnitude, waxaana uu si gaar ah ugu dhuftay Magaalo xeebeedka loo dalxiis tago ee lagu magacaabo Marsa Matruux ee kulaasha Badda Mediterranean-ka.

Lama soo sheegin khasaaraha ka dhashay dhul-gariirkaan balse cabsi xooggan ayaa soo wajahday Dadka ku sugan Magaaladaan oo intooda badan ah Dalxiisayaal waqti ku qaadanaya Magaaladaas sida ay xaqiijiyeen ilo kala duwan.

Machadka Qaranka ee Cilmi-baarista ee Masar ayaa maanta sheegay in ay dadka ku wargeliyeen dhul-gariirkaan, waxa uu intaas ku daray in uu ka dhacay dhul gaaraya cabirkiisu 412 Kiilo-mitir inkasta oo uusan xusin khasaaraha ka dhashay.

Saacado kahor waxaa xarunta Cilmi-baarista Jarmalka war ku saabsan dhul-gariir ku dhuftay dhinaca Dalka Jasiiradda ah ee Giriigga oo lagu qiyaasay cabirkiisu 5.95 lamana sheegin khasaaraha ka dhashay iyo saamaynta uu reebay.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here