Jimco 24 april 2026 {HMC} – Taliyihii hore ee hay’adda nabad sugidda iyo sirdoonka Soomaaliya (NISA), Cabdullaahi Maxamed Cali Sanbalooshe, ayaa sheegay in Soomaaliya ay weli wajahayso caqabado ka hor istaagaya inay si madax-bannaan ula dagaallanto Al-Shabaab.
Wareysi uu bixiyay ayuu Sanbalooshe ku sheegay in is-dhaafsiga xogta sirdoonka uu yahay mid cayiman inkastoo ay jirto taageero caalami ah oo ay Soomaaliya ka hesho Dowladda Mareykanka.
“Macluumaad waa la wadaagaa ilaa xad, laakiin boqolkiiba boqol wada-shaqeyn ma jirto,” ayuu yiri, isagoo xusay in xiriirkaasi uu yahay mid xasaasi ah oo si taxaddar leh loo maareeyo.
Wuxuu tilmaamay in kalsooni la’aanta iyo cabsi laga qabo dhexgal ay ka mid yihiin sababaha ugu waaweyn ee xaddidaya wada-shaqeynta. Sida uu sheegay, hay’adaha caalamiga ahi si buuxda uma furaan xogtooda, halka Soomaaliya ay wali ku jirto dhismaha awoodaha sirdoon ee gudaha.
Sanbalooshe ayaa hoosta ka xarriiqay in dalka u baahan yahay maalgelin iyo dhismo hay’adeed oo xooggan, gaar ahaan dhinacyada sirdoonka tijnoolljiyadda iyo midda dadka, si loo gaaro heer uu si madax-bannaan ula tacaali karo khataraha amni.
Wuxuu intaas ku daray in inkastoo ay jiraan meelo wada-shaqeyn ka jirto sida digniinaha amni iyo hawlgallada militari, haddana inta badan ay ku kooban yihiin meelo kooban.
Sanbaloolshe ayaa labo jeer Soomaaliya kasoo noqday taliyaha hay’adda nabad sugidda iyo sirdoonka Soomaaliya.



