War qoraal ah oo ka baxay Golaha Mustaqbalka Soomaaliyeed ayaa walaac xooggan looga muujiyay dib u dhaca ku yimid doorashooyinka dalka, iyadoo lagu eedeeyay madaxda sare ee dowladda inay ka gaabiyeen fulinta waajibaadkooda dastuuriga ah
Golaha Mustaqbalka ayaa sheegay in sida ku cad dastuurka ku-meelgaarka ah ee Soomaaliya, ay ahayd in muddo xileedka hay’adaha federaalka uu si rasmi ah u dhammaado 14-ka Abriil 2026, balse ay muuqato in aan la diyaarin hannaan doorasho oo waafaqsan dastuurka, taas oo keeni karta qalalaase siyaasadeed.
War-saxaafadeedka ayaa si gaar ah farta ugu fiiqay Madaxweynaha Xasan Sheekh Maxamuud, iyagoo ku eedeeyay inuu ku fashilmay qabashada doorashooyin waqtigooda ku dhacaya, isla markaana uu doonayo inuu dib u dhigo, isagoo aan jirin heshiis siyaasadeed oo arrintaas saldhig u ah.
Golaha Mustaqbalka ayaa sidoo kale sheegay in muddo xileedka madaxweynaha uu ku egyahay 15-ka May 2026, isla markaana wixii ka dambeeya waqtigaas aysan jiri doonin sharciyad uu ku sii joogo xafiiska haddii aan la qaban doorasho heshiis lagu yahay.




