Home Blog Page 1002

Kulankii Golaha Shacabka oo Baaqday iyo Mooshinka Guddoomiye Aadan Madoobe.

Isniin, 21 April , 2025 {HMC} Kulankii caadiga ahaa ee maanta oo Isniin ah ay lahaayeen Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa si lama filaan ah u baaqday, iyadoo aan illaa iyo haatan la shaacin sabab rasmi ah oo loo joojiyay fadhiga.

Xildhibaannada golaha ayaan helin wax fariin rasmi ah oo ka timid xafiiska guddoonka, taasoo abuurtay hadal hayn ballaaran iyo tuhuno siyaasadeed.

Fadhiyada Golaha Shacabka ayaa sida caadiga ah loo qabtaa saddex maalmood usbuucii (Sabti, Isniin, iyo Arbaco), iyadoo maanta laga filayay in xildhibaanadu ay isugu yimaadaan kulankoodii todobaadlaha ahaa. Balse fadhigaasi wuu baaqday, mana jirto wax ajende ama fariin rasmi ah oo loo diray xildhibaannada.

Wararka ayaa sheegaya in baaqashada fadhiga ay la xiriirto cabsi laga qabo mooshin ay diyaariyeen qaar ka mid ah xildhibaanada Golaha Shacabka, kaasoo la sheegay in uu ka dhan yahay Guddoomiyaha Golaha Shacabka, Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Aadan Madoobe).

Mooshinkan ayaa la sheegay in uu salka ku hayo:

Eedeymo la xiriira hab-dhaqan siyaasadeed iyo maamul oo ay xildhibaanno qaar ka tabanayaan.

Sida uu u maamulayo ajendayaasha fadhiyada golaha.

Ku xadgudubka habraaca iyo nidaamka baarlamaanka, sida ay sheegayaan xildhibaanada mooshinka wada.

Xaaladda Gudaha Golaha:

Wararka qaar ayaa intaas ku daraya in xafiiska guddoomiyaha uu ogyahay mooshinka, isla markaana uu ka cabsi qabo in haddii fadhiga la qabto ay suuragal tahay in mooshinka si toos ah loo horgeeyo, taasoo keeni karta xiisad siyaasadeed oo ka dhex qaraxda xubnaha Golaha Shacabka.

Sidoo kale, waxaa jira warar sheegaya in dhinacyo kala duwan ay hadda wadaan kulamo gaar ah iyo olole taageero raadis ah, si loo xoojiyo mowqifyada labada dhinac ee kala ah kuwa mooshinka wado iyo kuwa difaacaya guddoomiyaha.

Ilaa iyo hadda, xafiiska Guddoonka Baarlamaanka ama Xoghaynta Golaha Shacabka kama aysan hadlin sababta rasmiga ah ee keentay baaqashada kulanka. Tani waxay sii kordhisay tuhunka ay xildhibaanadu ka qabaan xaaladda gudaha ee Golaha.

Baaqashada fadhiga maanta ee Golaha Shacabka waxay muujinaysaa kororka xiisadda siyaasadeed ee ka dhex taagan baarlamaanka Soomaaliya, iyadoo laga cabsi qabo in mooshin dhab ah oo saameyn leh la hor keeno Guddoomiyaha.

Waxaa la filayaa in toddobaadkan uu noqdo mid siyaasaddiisa aad loo dhugto, iyadoo la eegayo sida ay arrintu u socoto iyo in mooshinka si rasmi ah loo shaaciyo.

Madaxwayne Xasan Sheikh oo ka qayb galay shir xasaasi ah oo ka dhacaya Uganda.

Isniin, 21 April , 2025 {HMC} Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa lagu wadaa inuu safar rasmi ah ku tago Kampala, Uganda, halkaas oo uu kaga qeyb geli doono shir muhiim ah oo ay isugu imaanayaan dalalka ciidamada ka jooga gudaha Soomaaliya iyo dowladaha taageera howlgalka nabad ilaalinta.

Shirkan oo loo yaqaan TCC Summit (Troop Contributing Countries) ayaa la qorsheeyay in uu ka dhaco 23-ka April 2025, waxaana lagu qabanayaa magaalada Kampala. Waxaa shirkan si gaar ah diiradda loogu saarayaa xaaladda amniga ee Soomaaliya iyo mustaqbalka howlgalka nabad ilaalinta ee hadda loo bedelay magaca AUSSOM (African Union Support Mission in Somalia), kaas oo bedelay hawlgalka hore ee ATMIS.

Qodobbada Looga Hadlayo (Ajendaha Shirka):

Shirka TCC ee Kampala ayaa leh ajendooyin muhiim ah, kuwaas oo go’aamo muhiim ah laga filayo, waxaana ka mid ah:

1. Xaaladda amniga ee Soomaaliya:
Waxaa si qoto dheer loo falanqeyn doonaa xaaladda amniga ee dalka Soomaaliya, gaar ahaan caqabadaha sii kordhaya ee la xiriira dagaalka Al-Shabaab, iyo doorka ay ciidamada AMISOM (hadda AUSSOM) ka qaadanayaan sugidda amniga.

2. Dhaqaale u raadinta ciidamada:
Dowladaha ciidamada ku leh Soomaaliya ayaa ka wada hadli doona sidii loo xoojin lahaa taageerada dhaqaale ee ciidamadooda, maadaama taageeradii hore ay hoos u dhacday, halka qaar ka mid ah dalalkuna ay ku hanjabeen in ay dhimi doonaan tirada ciidamadooda haddii aan la helin maalgelin joogto ah.

3. Dib u habeynta howlgalka AUSSOM:
Waxaa sidoo kale la filayaa in la sameeyo dib u eegis iyo dib-u-habeyn ballaaran oo lagu sameeyo amarka iyo qaab-dhismeedka AUSSOM, si loo waafajiyo duruufaha cusub ee amni iyo siyaasadeed ee Soomaaliya.

Ka qeyb-galayaasha Shirka:

Marka laga reebo Madaxweynaha Soomaaliya, waxaa shirka ka qeyb galaya:

Madaxda dalalka ciidamada ka jooga Soomaaliya: Uganda, Burundi, Kenya, Itoobiya, iyo Djibouti.

Wakiilo ka socda Midowga Afrika iyo Qaramada Midoobay.

Wakiilo ka socda dalalka dhaqaalaha ku bixiya howlgalka AUSSOM, kuwaas oo ay ka mid yihiin Midowga Yurub, Mareykanka, UK, iyo dalal kale oo daneeya arrimaha geeska Afrika.

Ujeedka Madaxweynaha:

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa shirka uga faa’iideysan doona inuu:

Dhiirrigeliyo taageerada caalamiga ah ee la siiyo ciidamada Soomaaliya.

Ka dhaadhiciyo beesha caalamka in la kordhiyo maalgelinta, qalabaynta, iyo tababarka ciidamada Soomaaliyeed si ay u qaataan mas’uuliyadda amniga guud ee dalka.

Shirka TCC ee Kampala ayaa la filayaa inuu noqdo mid go’aamo waaweyn laga gaaro mustaqbalka ciidamada shisheeye ee ku sugan Soomaaliya iyo sida loo dardargelin karo dadaallada nabadeynta iyo xasillinta dalka. Waxaa sidoo kale lagu wadaa in Madaxweynaha Soomaaliya uu kulammo gaar gaar ah la yeesho qaar ka mid ah hoggaamiyeyaasha dalalka ka qeyb galaya shirka.

Mareykanka oo Duqeyn culus ka fuliyay caasimadda dalka Yemen.

Isniin, 21 April , 2025 {HMC} Ugu yaraan 12 qof ayaa ku dhintay, halka 30 kalena ay ku dhaawacmeen, kadib duqeyn ciidamada Mareykanka ay ka fuliyeen caasimadda Yemen, sida ay sheegteen fallaagada Xuutiyiinta ee dalkaas ka dagaallama.

Xuutiyiinta ayaa sheegay in duqeyntu ay si gaar ah u bartilmaameedsatay suuq ku yaalla xaafadda Farwa ee degmada Shuub, taasoo horey ugu jirtay meelaha si gaar ah loogu duqeeyay.

Taliska dhexe ee ciidamada Mareykanka (CENTCOM) ayaa ka gaabsaday inuu faahfaahin ka bixiyo weerarka, sidoo kalena ma uu caddeyn khasaaraha rayidka ka dhashay duqeynta.

Weerarkan ayaa kusoo beegmaya iyadoo Mareykanku uu kordhiyay duqeymaha uu ka wado gudaha Yemen, si uu u cadaadiyo kooxda Xuutiyiinta oo weerarro la beegsata maraakiibta maraysa badda Cas iyo Gacanka Cadmeed.

Xaaladda magaalada Sana’a ayaa weli kacsan, iyadoo shacabka Yemen ay cabsi ka muujinayaan duqeymaha sii kordhaayaa ee Mareykanka fuliyo.

Ciidan ka tirsan milateriga Turkiga oo Soo gaaray Magaalada Muqdisho + ujeedka laga leyahay.

Axad, 20 April , 2025 {HMC} Magaalada Muqdisho ayaa waxaa maanta soo gaaray labo duulimaad oo ay la socdeen ciidan ka tirsan ciidanka milateriga Turkiga oo tiradoodu gaareysay illaa 500 oo askari

Ciidankan ayaa qeyb ka ah askar gaareysa kumanaan oo dowlada Turkigu u soo direyso Somalia kuwaasoo qeybaha ka haray la filayo iney soo gaaraan dalka maalmaha soo socda.

Sida ay xaqiijiyeen ilo xog ogaal ah. Ciidamadan ayaa la qorsheynayaa in loo daabulo gobolka Shabeellaha Dhexe iyo Galgaduud, halkaasoo ay saldhigyo ka samaysan doonaan si ay kaalin muuqata uga qaataan sugidda amniga iyo hogaaminta dagaalka Al shabaab.

Wararka la helayo ayaa sheegaya in ciidamada la dejin doono deegaanada Aadan Yabaal oo ay maalmo ka hor dib u qabsadeen al shabaab iyo Wabxo, kuwaasoo muhiim u ah xasiloonida gobolka.

Dowladda Turkiga ayaa bilihii lasoo dhaafay waday hawlgallo sahmin shidaal ah oo ka socda xeebaha Galmudug iyo Hirshabeelle. Waqtigan la joogo, waxaa la galay wejigii labaad ee qodista, taasoo keentay in dowladda Turkiga ay dardar galiso dadaallada ay DFS isaga kaashanayaan ciribtirka kooxaha argagixisada ah ee ku sugan aaggaas.

Sarkaal ka tirsan qunsuliyadda Itoobiya ee Garoowe oo lagu dilay magaalada Laascaanood.

Axad, 20 April , 2025 {HMC} Faarax Caydiid Jaamac (Bariis), oo ka mid ahaa saraakiisha ka tirsan qunsuliyadda Itoobiya ee Garoowe, isla markaana ahaa khabiir dhanka amniga ah, ayaa habeenimadii xalay lagu dilay magaalada Laascaanood oo ah xarunta maamulka SSC-Khaatumo.

Faarax ayaa la sheegay in lagala baxay guri uu ka deganaa magaalada Laascaanood, waxaana meydkiisa laga helay dooxada Ceelka Goojacade, oo lagu tuuray kadib markii la dilay.

Meydka Faarax ayaa waxaa ka muuqda calaamado jirdil iyo rasaas. Inta aan la dilin ka hor, waxaa laga qaatay telefoonkiisii gacanta.

Sarkaalkan ayaa qunsuliyadda Itoobiya ee Garoowe ugu magacownaa la socodka iyo taageeridda muwaadiniinta Itoobiya ee socdaalka ah. Faarax ayaa xilkaan loo magacaabay sanadkan 2025, sida ku xusan warqadda magacaabista oo ay aragtay Warbaahinta.

Ilaa hadda maamulka SSC-Khaatumo kama aysan hadlin falka dilka ah ee loo geystay sarkaalkan ka tirsanaa qunsuliyadda Itoobiya.

Dilkan oo aad looga argagaxay, ayaa waxaa laamaha amniga looga fadhiya inay baaris dhab ah ku sameeyaan kiiskan xasaasiga ah, maadaama sarkaalkan la dilay uu ka hawl-galayay qunsuliyadda Itoobiya ee Garoowe.

{DHAGEYSO} Warka Habeenimo ee Warbaahinta Hiiraanweyn {20.04.2025}

Axad, 20 April , 2025 {HMC} Dhageystayaal halkan waxa aan idiin kugu soo gudbi neynaa Warka Habeenimo ee Warbaahinta Hiiraanweyn

Warka waxaa soo jeedinayo ::Abdiqani Osoble

Farsamadii ::Mohamed Baryare Haamud

HOOS KA DHAGEYSO WARKA SUBAXNIMO

FAAH FAAHIN Labo qof oo Caawo lagu dilay Gobalka Mudug.

0
Axad 20 April 2025 {HMC}  Warar kala duwan ayaa ka soo baxaayo Labo qof oo caawa lagu dilay Dagmada Bursaalax gobalka Mudug ee Maamulka Puntland.
Labada qof ee Caawa la dilay mid kamid ah waxa uu ahaa maamulaha shirkadda Golis waxaana lagu magacaabi jiray Burhaan xaashi, halka ninka kalane uu ahaa ganacsade laga yaqiinay deegaanka sida ay dadka bursaalax u shegeen Warbaahinta.
Si dhab ah looma oga sababta keentay dilka labadan qof ee Caawa lagu dilay Bursaalax balse wararka hordhaca ah ee ka soo baxaayo falka dilka ayaa lala xiriirinayaa Aano Qabiil.
Dhinaca kale ma jirto wax war ah oo ka soo baxay dhinaca maamulka Bursaalax iyo kan gobolka Mudug oo la xiriiro dilka loo geystay labada qof.

{DAAWO MUQAALKA} Dhacdooyinkii ugu Dambeeyay ee Caalamka 20-04 2025.

0

Axad 20, April  2025 {HMC} Waxaa halkan idin kugu soo gudbineyna Dhacdooyinkii Ugu Dambeeyay Caalamka ee Warbaahinta Hiiraanweyn.

HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA 

{DAAWO MUQAALKA} Siyaasiyiinta Puntland oo soo dhoweeyay Talaabo uu qaaday RW Xamse.

0

Axad 20, April  2025 {HMC} Siyaasiyiinta Puntland oo soo dhoweeyay Talaabo uu qaaday RW Xamse.

HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA 

Hoggaamiye Cali Jeyte oo Soo jeediyay Arin looga Adkaan karo AS.

Axad, 20 April , 2025 {HMC}  Hoggaamiyaha ciidanka difaaca deegaanka ee Macawiisleeyda Soomaaliya Cali Jeyte Cismaan ayaa soo jeediyay in caruurta ay dhaleen maleeshiyaadka Al-shabaab iyo haweenkooda loo masaafuriyo deegaanada kooxdu joogaan.

Cali jeyte ayaa tilmaamay ineysan suurtagal aheyn in Al-shabaab xaasaskooda iyo caruurtooda si nabad galyo ah ku dhex joogaan magaalooyinka dowladda ka taliso.

“Anigu waxaan soo jeedin lahaa in Al-shabaab laga daba raro caruurtooda naagahooda oo la geeyo meelaha ay joogaan, iskuulo ayay dhigtaan caruurtooda magaalooyinka jooga, malihi hala dilo caruurta laakiin waxaan leeyahay haloo geeyo meelaha ay joogaan si ag culeyska u dareemeen” ayuu yiri hoggaamiye Cali Jeyte.

Wuxuu sidoo kale sheegay hoggaamiyaha ciidanka Macawiisleeyda Soomaaliya in kooxda Al-shabaab ay ka daran yihiin gumeystahii dalka soo maray, marka loo eego sida ay ula dhaqmayaan dadka Soomaaliyeed.

“Khawarijta waa kuwa aan laheyn wax mab da ah oo way kasii xun yihiin gumeysigii dalkaan soo maray oo kuwaas ayaaba dhaamay oo laha qawanin dalka iyo dadka ku maamulaan, kuwan waa kuwa baneystay xata dhiiga bani’aadamka oo ilaahey raali ka aheyn 500 oo qof intey dilaan ayay leeyihiin Alle ayaan ugu dhawaneynay oo Allahii abuuray ayay ka been sheegayaan” ayuu yiri Cali Jeyte Cismaan.

Ugu dambeyntii Cali Jeyte Cismaan ayaa ugu baaqay shacabka Soomaaliyeed iney u midoodaan dagaalka ka dhan ah Al-shabaab ee la doonayo in dalka looga xureeyo.