Home Blog Page 1004

gudoomiye amiir oo booqday dhaawacyada ciidamada furimaha kusoo dhaawacmay

Axad 20, April-2025 {HMC} Guddoomiyaha gobolka Banaadir ahna Duqa magaalada Muqdisho Mudane Maxamed Axmed Amiir ,ayaa deeq daawooyin ah ku wareejiyay maamulka Isbitaalka ciidanka Xoogga, asigoona booqday dhaawacyada qaar ka mid ah ciidamada Qaranka iyo kuwa difaaca deegaanada ee lagu daweynayo Isbitaalka Xoogga.

Duqa Muqdisho ayaa warbixin ka dhageystay Maamulka Isbitaalka, waxa uuna sheegay in maamulka gobolka Banaadir ay ka go’an tahay taageerida iyo garab istaaga ciidanka Qaranka Soomaaliyeed, waxa uuna xusay in uu gacan ka geysan doonno wax ka qabashada baahiyaha ka jira Isbitaalka, si ay adeeg hufan u helaan ciidamada waxyeelada kasoo gaara dagaalka lagula jiro cadowga.

Maamulka gobolka Banaadir ayaa Isbitaalka xoogga dalka ka fulinaaya nalalka ku shaqeeya cad-ceeda, taasi oo qeyb ka ah qorshaha garab istaaga iyo taageerida ciidamada iyo Isbitaalka, waxaana ka mahadceliyay maamulka Isbitaalka xoogga dalka Soomaaliya.

Ciidamadii dhawaan kusoo dhaawacmay weerarkii degmada Aadan Yabaal iyo deegaanno kale oo dagaalo ka dhaceen , ayaa yaalla isbitaalka xoogga , halkaas oo ciidamada si gaar ah loogu daaweeyo lagulana socdo xaaladooda caafimaad.

Wasiirka Caafimaadka oo dhagax dhigay Isbitaalka Lansaleti qeybtiisa gurmadka deg dega ah

Axad 20, April-2025 {HMC} Magaalada Muqdisho ayaa waxaa lagu qabtay munaasabad lagu dhagax dhigayo isbitaalka dadweynaha ee Forlanini/Lansaleti, qeybtiisa gurmadka deg-deg ah kaas oo lafilaayo in loo dhiso hab casri ah.

Munaasabadda dhagax dhigga ayaa waxaa ka soo qeyb galay qaar kamid ah masuuliyiin ka tirsan Dowladda Federaalka Soomaaliya uu ugu horreeyo Wasiirka Wasaaradda Caafimaadka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Dr. Cali Xaaji Aadan.

Wasiirka ayaa tilmaamay in aad loogu baahnaa isbitaalkaan dhagax dhiggiisa, isaga oo tilmaamay in uu qeyb weyn ka qaadan doono xaaladaha deg-deg ah, iyada oo tibaaxay in uu isbitaalka yeelan doona qeybaha kala duwan ee adeegyada guud.

“Baahida ugu badan ee maanta dalka iyo dadka qabaan waxa waaye in la helo Isbiltaallo (Emergency)- deg-deg ah, sidaas ay tahay na isbitaalka waxa uu u shaqeyn doonaa Isbitaal guud, waxa uu ywwlan doonaa qeybha kala duwan”, ayuu yiri, Wasiirka Wasaaradda Caafimaadka XFS Dr. Cali Xaaji.

Isbitaalkaan ayaa horay u haan jiray isitaalka daaweynta dhanka cudurrada dhimirka, iyada oo dib u dhis lagu sameynayaa kaddib burburkii gaaray.

Yemen oo beenisay inay beecineyso safaaradeeda soomaaliya

Axad 20, April-2025 {HMC} Wasiirka arrimaha Dibadda dalka Yemen Shaaic Muxsin Al Zendani ayaa sheegay in been abuur ay tahay wararka la isla dhex maraayo ee ku saabsan in la iibinaayo dhismaha Safaarada Yemen ay ku leedahay Soomaaliya.

Wasiir Al Zendani ayaa shaaca ka qaaday inay jiraan fariimo kala duwan oo kasoo gaaray qaar kamid ah warbaahinta si uu u cadeeyo arinta laga soo sheegayo safaarada Yemen ay ku leedahay Soomaaliya waxaana uu xusay in waxa socda uu yahay kuwa dacaayad ah oo aan sal iyo baarba toona lahayn.

“Waxa ay doonayaan inay ku sumcad xumeeyaan shaqada Wasaaraddu ay ka hayso Caalamka si lamid ah xiriirada Diplomaasiyadeed ay la leedahay wadamada kale, waxaan ogsoonahay in arintaan ay tahay eedeymo been abuur ah oo abaabulan” ayuu kuyiri war kooban uu siiyay mid kamid ah warbaahinta Yemen uu wareysi siinayay.

Warbaahinta ayuu ugu baaqay inay qaataan Mas’uuliyadda waxyaabaha ay tabinayaan waxaana uu ka digay si wadista wararka been abuurka ah ee la xiriira in safaarada Yemen ee ay Soomaaliya ku leedahay la beecinayo.

Qaar kamid ah wariyeyaal kasoo jeeda Dalka Yemen ayaa dhowaan baraha Bulshada ku daabacay in Yemen ay Soomaaliya ku leedahay laba dhismo mid hore oo Qadiim ah iyo mid dhowaan la dhisay sidaas darteen la qorsheeyay in dhismihii hore la kireeyo ama la gado lacagta laga helana lagu shubo Bankiga dhexe Yemen iyadoo loo marayo Wasaaradda Arrimaha Dibadda.

Puntland oo sheegtay inay go’doomisay dagaalamayaal ka tirsan D~C

Axad 20, April-2025 {HMC} Puntland ayaa sheegtay in ciidamadeedu ay si buuxda u go’doomiyeen dagaalamayaasha kooxda Daacish ee laga saaray Togga Miiraale, halkaas oo uu dagaal culus ka socday muddo laba maalmood ah.

War kooban oo kasoo baxay howlgalka “Hillaac” ayaa lagu sheegay in saakay ciidamada la-dagaalanka argagixisada Puntland ay hawlgallo ka wadaan inta u dhaxaysa Miiraale iyo Moqor. Sida lagu sheegay warka, haraadiga dagaalamayaasha Daacish ayaa u baxsaday dhanka togga Moqor.

Afhayeenka howlgalka Hillaac, General Maxamuud Axmed Faadhigo, ayaa sheegay in ciidamada amniga ay la wareegeen ceelashii iyo ilihii saadka iyo cuntada ee kooxda Daacish ay ka heli jireen Togga Miiraale. Waxa uu intaa ku daray in howlgalka socda lagu dilay xubno ka tirsan kooxda, islamarkaana ay ka go’an tahay indagaalamayaasha iyo horjoogayaasha Daacish loogu gali doono meel kasta oo ay isku dayaan inay ku dhuuntaan.

Shalay ayay ahayd markii ciidamada amniga Puntland ay fashiliyeen weerarro ismiidaamin ah oo ay kooxda Daacish kusoo qaadday fariisimo ay ku sugnaayeen ciidamada gudaha u galay Togga Miiraale.

Sida uu sheegay Afhayeenku, toban ismiidaamiye ayaa isku dayay inay weeraraan mid kamid ah furimaha hore ee ciidamada, balse siddeed kamid ah waxaa toogtay ciidamada, halka labada kalena ay isku qarxiyeen ka hor inta aysan gaarin bartilmaameedkooda.

MW cirro oo sheegay in DFS ay dagaal kusoo qaaday somaliland

Axad 20, April-2025 {HMC} Madaxweynaha Somaliland, Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi Cirro, oo khudbad sannadeedkii dastuuriga ahayd u jeediyay Golaha Baarlamaanka, ayaa sheegay in ay xoojinayaan cududda ciidan, dhaqaalaha, iyo saameynta diblomaasiyadeed ee Somaliland.

Madaxweyne Cirro oo ka hadlay aqoonsiga ay dhawaan Dowladda Soomaaliya siisay maamulka SSC-Khaatumo, ayaa sheegay in Somaliland aysan gorgortan ka geli doonin midnimadeeda dhuleed, maadaama gobolka Sool ay u aragto inuu ka mid yahay dhulkeeda.

“Waxaan xaqiijinayaa waajibnimada ilaalinta qaranimada Jamhuuriyadda Somaliland, iyo in aan gorgortan laga geli karin midnimada iyo israacsanaanta dhuleed ee Jamhuuriyadda Somaliland, hidaha iyo dhaqankeeda ummadeed,” ayuu yidhi Madaxweyne Cirro.

Madaxweynaha ayaa sidoo kale cambaareeyay socdaalkii Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya, Xamse Cabdi Barre, uu ku tagay magaalada Laascaanood, isaga oo ku tilmaamay xadgudub cad, isla markaana sheegay in taas ay kaga jawaabeen joojinta wadahadalladii u dhexeeyay Somaliland iyo Soomaaliya.

“Xukuumaddaydu waxay beesha caalamka u caddaysay in socdaalka Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya uu yahay dagaal cad oo Soomaaliya ku soo qaaday Jamhuuriyadda Somaliland,” ayuu yidhi Madaxweyne Cirro.

Waxa uu sheegay in Somaliland ay horumarinayso awoodeeda difaaca iyo nabadgalyada gudaha, iyadoo la tirakoobay ciidamada kala duwan, lana qarameeyay ciidamadii madaniga ahaa iyo hubkoodii, kuwaas oo marka ay tababarkooda dhamaystaan noqon doona cudud ciidan oo soo korodhay. Waxa kale oo uu sheegay in la dhisayo ciidan kayd ah waxa kale oo uu xusay in ciidamada lagu soo kordhiyay qalab iyo aqoon casri ah.

Waxa kale oo uu sheegay in isbeddel lagu sameeyay waaxda caddaaladda si bulshadu u hesho sinnaan iyo caddaalad, dhanka kale waxa uu sheegay in dhaqaaluhu 19% kor u kacay intii uu xilka hayay. Waxa uu inta ku daray in ay maalgalin caalami ah u raadinayaan raadinayaan khayraadka Somaliland, si loo helo koboc dhaqaale oo dhameystiran.

Madaxweynaha ayaa sheegay in Somaliland ay diiradda saartay xoojinta xidhiidhada saaxiibtinimo ee kala dhexeeya beesha caalamka, taasoo uu ku tilmaamay mid horseedi karta aqoonsi caalami ah iyo maalgashi shisheeye. Waxa uu sheegay in Imaaraadka Carabtu oggolaaday in uu maalgashado waxsoosaarka beeraha, kalluumeysiga, xoolaha, iyo in uu horumariyo wadooyinka iyo waxbarashada.

“Waxaan la yeelannay galaangal diblomaasiyadeed waddamo naga caawin kara qadiyaddeena, waxa ka mid ah Mareykanka, oo aan la leenahay xidhiidho aan ku xoojinayno danihiisa Somaliland, iyo Ingiriiska oo aan ka helnay kaalmo dhinaca amniga ah iyo iskaashi dhinacyo badan leh,” ayuu yidhi Cirro.

Madaxweyne Cirro waxa uu inta ku daray in ay xoogga saareen sidii loo heli lahaa Somaliland la wada leeyahay, taas oo bulshada lagu wada dareensiinayo hoggaanka oo ay ka wada qaybgalaan. Waxa uu xusay in ay kulamo la yeesheen qaybaha kala duwan ee bulshada si talo midaysan loo helo, islamarkaana ay ka go’an tahay horumarinta geeddi-socodka dimuqraadiyadda.

Ugu dambeyn, Madaxweynaha ayaa sheegay in uu dhawaan safarro ku tegi doono dalalka Jabuuti iyo Itoobiya, oo uu ku tilmaamay saaxiibo iyo jaar soo jireen ah oo Somaliland leedahay.

{DAAWO MUQAALKA} Maxay ka wada hadleeyn Madaxweyne Xasan iyo Ra’isul Wasaarahii hore ee dalka?

0

Axad 20, April  2025 {HMC}   Maxay ka wada hadleeyn Madaxweyne Xasan iyo Ra’isul Wasaarahii hore ee dalka?

HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA 

Go back

Your message has been sent

Warning
Warning
Warning
Warning

Warning.

 

MW xasan sheekh oo kulan la qaatay ra”iisul wasaarihii hore ee dalka shirdoon

Axad 20, April-2025 {HMC} Madaxweynaha Dowladda Federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud Aqalka Madaxtooyada kulan kula qaatay Cabdi Faarax Shirdoon oo haray usoo noqday Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya muddadii u dhaxeysay 2012 ilaa 2013.

Madaxweynaha iyo Ra’iisul Wasaaraha ayaa ka wada hadlay xaaladda dalka iyo xoojinta dowlad-dhiska Soomaaliya, iyaga oo isla qaatay muhiimadda dagaalka ka dhanka ah Al-shabaab iyo garab istaagga Ciidamada Qalabka Sida.

Sidoo kale, Cabdi Faarax Shirdoon ayaa Talaadadii lasoo dhaafay gaaray magaalada Muqdisho, iyada oo safarkiisa ay ku weheliyeen siyaasiyiin dalka xilal kala duwan hore uga soo qabtay.

Maalinimadii Khamiista ayuu si rasmi ah ugu dhawaaqay in uu yahay musharax u taagan xilka Madaxweynaha dalka ee May 2026, isaga oo sidoo kale shaaciyay Xisbi siyaasadeed oo uu hoggaamiye iyo musharax u yahay.

{DAAWO MUQAALKA} Wararka ugu waa weyn Soomaaliya iyo Caalamka 20/04/2025

0

Axad 20, April  2025 {HMC} Waxaa halkan idin kugu soo gudbineynaa Wararka ugu waa weyn Soomaaliya iyo Caalamka ee Warbaahinta Hiiraanweyn

Hoos ka daawo Wararka ugu waa weyn

{DHAGEYSO} Warka Duhurnimo ee Radio Hiiraanweyn {20-04-2025}

Axad 20, April-2025 {HMC} – Dhageystayaal halkan waxa aan idiin kugu soo gudbi neynaa Warka Duhurnimo ee Warbaahinta Hiiraanweyn
Warka waxaa soo jeedinayo ::Cabdiqani Cosoble & Cabdi Yare

Farsamadii ::Mohamed Hassan Owsei

Mucaaradka puntland oo soo dhaweeyay aqoonsiga maamulka SSC-khaatumo

Axad 20, April-2025 {HMC} Madasha Siyaasadda Puntland (PPF), oo ah urur mideeya siyaasiyiinta mucaaradka ah ee Puntland, ayaa ku baaqay in la qabto shirweyne siyaasadeed oo ballaaran, si loogu gorfeeyo wejiga labaad ee dhismaha Puntland.

Madashu waxay sidoo kale hambalyo u dirtay Maamulka SSC-Khaatumo maqaamka cusub ee uu ka helay Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, iyadoo tallaabadaas ku tilmaantay mid siyaasadeed oo muhiim ah.

“Madasha Siyaasadda Puntland waxay saadaalisay in aqoonsiga SSC-Khaatumo uu dib u qaabeyn ku keeni doono Puntland,” ayaa lagu yiri war-saxaafadeed ay soo saareen.

Madasha Siyaasiyiinta Puntland ayaa bogaadisay booqashadii uu Ra’iisul Wsaaraha Soomaaliya, Xamza Cabdi Barre, ku tagay magaalada Laascaanood, taasoo ay ku tilmaameen mid muujisay isbeddel cusub oo siyaasadeed.

Sidoo kale, Madashu waxay ugu baaqday shacabka ku dhaqan deegaannada SSC-Khaatumo iyo Puntland inay xoojiyaan wada shaqeyntooda, iyadoo shacabka Puntland si gaar ah ugu dhiirrigelisay inay sii labanlaabaan taageerada ay u hayaan maamulka cusub ee SSC-Khaatumo.

Siyaasiyiinta ku midaysan madashan ayaa ugu dambayn sheegay in la joogo waqtigii dib looga tashan lahaa mustaqbalka siyaasadeed ee gobollada Puntland.