Home Blog Page 1008

Somaliland “Dhulka Somaliland ee boqol sano jirka ah booqasho laba maalmood ah laguma beddeli karo”

Sabti 19, April-2025 {HMC} – Wakiilka Somaliland ee Kenya, Maxamed Axmed Hurre (Barwaani), ayaa sheegay in xuduudaha Somaliland aan la beddeli karin, isla markaana anay suurtagal noqonayn in Somaliland ay aqbasho maamulka SSC Khaatumo.

Danjire Barwaani oo waraysi siiyay BBC Somali ayaa ku dooday in dadka degaannada SSC ku nool ay wax taban karaan, balse xuduudaha Somaliland oo uu sheegay in ay 140 sano jireen aan laga boodi karin, isla markaana cunfiga caalamiga ah aan waxba laga beddeli karin. Waxa uu dowladda Federaalka Soomaaliya ku eedeeyay in ay colaado ka hurinayso gobollada Sool iyo Sanaag.

“Dhulka Somaliland ee boqol sano jirka ah booqasho laba maalmood ah laguma beddeli karo. Dadka deegaanka tabashadooda waa kii Madaxweynaha Somaliland ka hadlay. Waa dad walaalaheen ah, dhibtooda lama jeclin, balse dadaalkii ay wadday dowladda Somaliland waxaa burburinaya Xamse iyo Xasan Sheekh,” ayuu yidhii Danjire Barwaani.

Wuxuu intaas ku daray in Somaliland aanay waligeed aqbali doonin maamulka SSC Khaatumo, isla markaana aysan arrintaasi waafaqsanayn xeerarka caalamiga ah. Wuxuu sidoo kale sheegay in dowladihii hore ee Soomaaliya ay ka xishoon jireen inay tagaan Sool, halka dowladda Xasan Sheekh ay go’aansatay in si toos ah Somaliland loo weeraro.

“Dadku way isku dhici karaan, wax bay taban karaan, laakiin taasi macnaheedu maaha in qof meel jooga uu yidhaahdo waan idin aqoonsaday, xuduudo boqollaal sano jirayna waan baabi’inayaa — taasina wax dhici kara maaha,” ayuu hadalkiisa ku sii daray Danjire Barwaani.

Xukuumadda Somaliland ayaa si adag uga hor timid aqoonsiga dowladda Federaalka Soomaaliya siisay maamulka SSC Khaatumo, iyada oo ku tilmaantay xadgudub ka dhan ah madaxbannaanideeda, isla markaana gabi ahaanba joojisay wadahadalladii u socday Soomaaliya.

Dhinaca kale, dadka deegaanka Laascaanood oo uu booqday Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya, Xamse Cabdi Barre, ayaa soo dhaweeyay aqoonsiga, iyadoo Ra’iisul Wasaaruhu dhagax-dhigay mashaariic horumarineed oo deegaanka laga hirgelinayo.

Somaliland waxay lumisay gacan ku haynta Laascaanood horaantii sannadkii 2023, hase yeeshee wali waxay u aragtaa qayb ka mid ah dhulkeeda, maadaama oo ay ku dhisantahay aragtida xuduudaha Somaliland-tii Ingiriisku maamuli jiray.

Caruur soomaaliyeed oo kadib markii loo sameeyay qaliin helay maqalkoodii

Sabti 19, April-2025 {HMC} – Waxa Magaalada Nairobi lagu soo gabagabeeyay qaliin kooban oo loo sameeysay caruur Soomaaliyeed kuwaas oo dhagaha loogu xiray qalab awood u siiyay inay markii ugu horeeysay noloshooda yeeshaan ama helaan dareen maqal ah.

Safiirka Soomaaliya ee dalka Kenya Danjire Jabriil Ibraahim Cabdulle oo ka hadlay kulankii lagu daahfuray daaweynta caruurta ayaa uga mahadceliyay Boqortooyadda Sacuudi Carabiya iyo madaxdeeda kaalmada ay u fidiyeen caruurta Soomaaliyeed.

“Anigoo oo ku hadlaya magaca shacabka iyo kan dowladda Soomaaliyeed, waxaan si weyn ugu mahadcelinayaa Boqortooyada Sacuudiga, gaar ahaan Xarunta Gargaarka Boqor Salmaan oo 15 carruur Soomaaliyeed ah u xirtay qalab elektaroonik ah oo u sahlaya caruurtaas inay markii u horeeysay yeeshaan dareen maqal. Qaliinkaan ayaa wax ka badali doonaa noloshooda.” Ayuu yiri Danjire Jabriil.

“In la siiyo hibada maqalka caruurtaan, waa iyada oo la beddelay habka ay u nool yihiin. Waxa u furmaya albaabo horay uga xirnaa. Qalabkaan ma siinayo caruurtaan maqal kaliya, laakiin waxa uu siinayaa aqoonsiga, fursado cusub, iyo hami cusub oo ku dheehan Sharaf” ayuu hadalkiisa raaciyay Danjire Jabriil.

Qoysaska Soomaaliyeed ee dhalay caruurta ayaan barnaamijkan la’aanteed, aan rajo ka qabin in carruurtoodu helaan dareen maqal. Qalabka caruurta lagu xiray jirkooda ayaa ah mid casri ah noocii ugu danbeeyay kuna fadhiya qiimo aad qaali u ah, sida ay sheegtay Safaarada Soomaaliya ee dalka Kenya.

“Waxa aan si gaara ugu mahadcelineynaa Dr. Aqueel bin Jam’aab Al-Ghamdi, Kaaliyaha Kormeeraha Guud ee Qorsheynta iyo Horumarinta iyo H.E. Mudane Khalid A. AlSalman, Safiirka Boqortooyada Sacuudi Carabiya ee Kenya kuwaas oo fududeeyay taageeradan waqtigeeda ku habboonayd” Ayuu hadalkiisa kusoo gabagabeeyay Danjire Jabriil.

{DAAWO MUQAALKA} Abdi Xaashi “Sanatarkii Soo Xaadari waayo Golaha Warbaahinta ka Baafinayaa”

0

Sabti 19, April  2025 {HMC}  Abdi Xaashi “Sanatarkii Soo Xaadari waayo Golaha Warbaahinta ka Baafinayaa”

HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA 

Seddax degmo oo hor leh oo laga bilaabay diwaan gelinta dadweynaha

Sabti 19, April-2025 {HMC} –Dadweynaha caasimadda ee qaar ka mid ah degmooyinka gobolka Banaadir ayaa saaka u dareeray goobaha ay ka socoto diiwaangelinta codbixiyeyaasha si ay uga qeyb qaataan doorashada dhowaan dalka ka dhaceysa.

Degmooyinka Xamarweyne ,Shibis iyo Boondheere ayay si rasmi ah saaka uga bilaabatay diiwaangelinta halka ay kasii horeysay degmada Shangaani oo aheyd degmadii koowaad ee gobolka Banaadir laga bilaabo diiwaangelinta.

Dadweynaha degmooyinka aan soo sheegnay ayaa si ballaaran isugu soo baxay goobaha isdiiwaangelinta iyagoo ku faraxsan in ay doorasho aadayaan wax ka badan 50 sano kadib.

{DHAGEYSO} Warka Duhurnimo ee Radio Hiiraanweyn {19-04-2025}

Sabti 19, April-2025 {HMC} – Dhageystayaal halkan waxa aan idiin kugu soo gudbi neynaa Warka Duhurnimo ee Warbaahinta Hiiraanweyn
Warka waxaa soo jeedinayo ::Shukri Baryare & Mustaf Cali Cadow

Farsamadii ::Mohamed Hassan Owsei

 

{DAAWO MUQAALKA} Wararka ugu waa weyn Soomaaliya iyo Caalamka 19/04/2025

0

Sabti 19, April  2025 {HMC} Waxaa halkan idin kugu soo gudbineynaa Wararka ugu waa weyn Soomaaliya iyo Caalamka ee Warbaahinta Hiiraanweyn

Hoos ka daawo Wararka ugu waa weyn

{DAAWO MUQAALKA} Xildhibaan Jeesoow “maanta laga bilaabo Aadan Madoobe Xilka ayaan ka qaadeynaa”

0

Sabti 19, April  2025 {HMC} Xildhibaan Jeesoow “maanta laga bilaabo Aadan Madoobe Xilka ayaan ka qaadeynaa”

HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA 

{DAAWO MUQAALKA} “Waxaan Mooshin ka gudbinay Guddoomiye Aadan Madoobe, shaqada masii wadi karo” Xildhibaan Saadaam

0

Sabti 19, April  2025 {HMC} “Waxaan Mooshin ka gudbinay Guddoomiye Aadan Madoobe, shaqada masii wadi karo” Xildhibaan Saadaam

HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA 

{DAAWO MUQAALKA} Burburka gantaal hawada sare oo laga baqayo inuu Kenya kusoo dhaco:

0

Sabti 19, April  2025 {HMC} Burburka gantaal hawada sare oo laga baqayo inuu Kenya kusoo dhaco:

HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA 

{DAAWO MUQAALKA} Gudoomiyaha Shangaani “Waxaan noqon Doonaa gudoomiyihii ugu Dambeyay oo Magacaabis ku yimaado”

0

Sabti 19, April  2025 {HMC} Gudoomiyaha Shangaani “Waxaan noqon Doonaa gudoomiyihii ugu Dambeyay oo Magacaabis ku yimaado”

HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA