Sabti 19, April 2025 {HMC} sideey usocotaa Diiwaangalinta Dadweyna ee ka Socoto muqdisho?
{DAAWO MUQAALKA} Xildhibaan Caasho Koos “Aaden Madoobe waxa uu jabiyey wixii sharci baarlamaanka u yiilay”.
Sabti 19, April 2025 {HMC} Xildhibaan Caasho Koos “Aaden Madoobe waxa uu jabiyey wixii sharci baarlamaanka u yiilay”.
HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA
{DAAWO MUQAALKA} Daawo Kulanka Maanta ee Baarlamaanka Soomaliya oo Buuq Hareereeyay
Sabti 19, April 2025 {HMC} Daawo Kulanka Maanta ee Baarlamaanka Soomaliya oo Buuq Hareereeyay
HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA
{DAAWO MUQAALKA} Shil geystay Khasaaro leh Dhimasho iyo Dhaawac.
Sabti 19, April 2025 {HMC} Shil geystay Khasaaro leh Dhimasho iyo Dhaawac.
HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA
{DAAWO MUQAALKA} Howlgal ay qaadeen Ciidanka Dowladda oo geystay Khasaaro xoogan oo dhimasho u badan.
Sabti 19, April 2025 {HMC} Howlgal ay qaadeen Ciidanka Dowladda oo geystay Khasaaro xoogan oo dhimasho u badan.
HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA
{DAAWO MUQAALKA} Muqdisho Waxaa qabsanaya AS, Taliye Odawaa wuu qaatay Lacag”’Feysal Cali Waraabe”
Sabti 19, April 2025 {HMC} Muqdisho Waxaa qabsanaya AS, Taliye Odawaa wuu qaatay Lacag”’Feysal Cali Waraabe”
HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA
{DAAWO MUQAALKA} Haweenka KGS Ayaa ku filan AS, Haka soo baxaan godadka ha yimaadan Furinta.
Sabti 19, April 2025 {HMC} Haweenka KGS Ayaa ku filan AS, Haka soo baxaan godadka ha yimaadan Furinta.
HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA
{DAAWO MUQAALKA} Maxaa looga hadlayaa kulanka maanta ee Golaha Shacabka?
Sabti 19, April 2025 {HMC} Maxaa looga hadlayaa kulanka maanta ee Golaha Shacabka?
HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA
{DAAWO MUQAALKA} Maxaa iska badalay Hormarka Beer-gadiid Labadii Sano ee lasoo dhaafay.
Sabti 19, April 2025 {HMC} Maxaa iska badalay Hormarka Beer-gadiid Labadii Sano ee lasoo dhaafay.
HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA
Tiro hoobiyeyaal ah oo kusoo dhacay degmooyin ka tirsan Muqdisho + Khasaaraha.
Sabti 19, April-2025 {HMC} – Faah-faahinno kala duwan ayaa kasoo baxaya tiro hoobiyeyaal ah oo saaka kusoo dhacay xaafado ka tirsan gudaha magaalada Muqdisho ee caasimada dalka, kuwaas oo gaystay khasaarooyin isugu jiro dhimasho iyo dhaawac.
Hoobiyeyaasha oo lasoo tuuray aroortii hore ee saaka ayaa ku kala dhacay xaafado kamid ah degmooyinka Xamarweyne, Xamarjajab iyo Waabari ee gobolka Banaadir.
Wararka ayaa sheegaya in hoobiyeyaasha qaarkood ay ku dhaceen guryo ay dagan yihiin dad shacab ah, kuwa kale ay ku hoobteen goobo banaan ah.
Ilo wareedyo xilkas ah ayaa innoo sheegay inuu jiro khasaare dhimasho iyo dhaawacba leh oo soo gaaray dad shacab ah kadib markii ay madaafiicda ugu tageen xaafadahooda, dhimashada ayaa lagu sheegay hal qof, dhaawacana mid kale, oo dad shacab ah.
Xaaladda ayaa haatan ah mid deggan, mana jiro wax hadal ah oo kasoo baxay saraakiisha laamaha ammaanka dowladda federaalka oo ku aadan weerarka hoobiyeyaasha ah ee saaka ka dhacay magaalada Muqdisho ee caasimada Soomaaliya.
Dhowaan ayay ahayd markii sidaan oo kale tiro hoobiyeyaal ah loogu garaacay nawaaxiga Madaxtooyada, iyada oo mid kamid a uu ku dhacay xarunta Tiyaatarka Qaranka, waxaana ku dhaawacmay qof kamid ah howldeennada Tiyaatarka.
Marar badan kooxda Al-Shabaab ayaa sidaan oo kale hoobiyeyaal ugu garaacday caasimada, waxaana lagu bartilmaameedsaday madaxtooyada iyo xerada Xalane.
Weerarkaasi waxaa kasii horreeyay mid kale oo isna lagu qaaday garoonka Aadan Cadde oo madaafiic lagu garaacay, xilli uu kasoo degagay ra’iisul wasaaraha Itoobiya oo booqasho hal maalin ah ku yimid magaalada Muqdisho, kadibna dib uga laabtay.
Waxaa kale oo xigay weerar kale oo hoobiyeyaal ah oo Al-Shabaab ay ku garaaceen xaafado ka tirsan degmada Afgooye ee gobolka Shabeelaha Hoose, kaas oo isna gaystay khasaare kala duwan.
Dhammaan weeraradan ayaa kusoo aadayo xilli haatan dowladda Soomaaliya ay dagaal adag kula jirto Khawaarijta, isla markaana la’isku hayo furimaha hore ee dagaalka.
Kooxda ayaa muddooyinkii u dambeeyay xoogga soo saartay Shabeelooyinka oo haatan ay ka socdaan dagaallada, waxaana sidoo kale lagu arkay deegaanno u dhow Muqdisho, sida Ceelasha Biyaha, Lafoole, Xaawo Cabdi iyo dhinaca waddada aada degmada Balcad.



