Home Blog Page 1010

Kooxda Daacish oo weerar culus ku qaaday ciidamada Puntland +qasaaraha ka dhashay.

Sabti 19, April-2025 {HMC} – Xubno katirsanaa kooxda gabalkooda sii dhacayo ee Daacish, ayaa saakay aroortii weerar culus oo ku bilowday qaraxyo ismiidaamin ah, waxa ay ku qaadeen ciidamo katirsanaa kuwa difaaca Puntland, oo ku sugnaa saldhig ay ciidamada difaaca Puntland ku leeyihiin togga Afka Curaar.

Ciidamada Puntland, ayaana wararku sheegayaan in ay fashiliyeen weerarka qaraxyada ku bilowday ee lagu soo qaaday, waxa ayna ciidamada dileen xubno badan oo katirsanaa dableyda kooxda Daacish ee saakay weerarka kusoo qaaday.

Saraakiisha ciidanka hoggaamineysa ayaa sheegay in kooxda markii hore ciidamada kusoo weerareen qarax ismiidaamin ah, waxaana qaraxa kaddib weerar toos ah saldhigga ciidamada joogen kusoo qaaday dabley katirsanaa kooxda Daacish.

Ciidamada Puntland, ayaana la sheegay in xubnaha weerarka kusoo qaaday ay dileen u badnaayeen ajaaniib katirsan kooxda Daacish, kuwaa oo ciidamada durba meydadkooda ku baahiyeen baro ay ku leeyihiin intetnetka , gaar ahaan Telgaram.

Kooxda Daacish , ayaa shalay si weyn loogu jebiyay dagaalkii ka dhacay Ceelka Miraale, islamarkaana laga qabsaday taliskii weynaa ee Ceelka Miraale ayaa isku dayay in ay ciidamada u daba-marto saldhiga Afka Curaar, taasi oo ay fashiliyeen ciidamadu.

{DHAGEYSO} Warka Subaxnimo ee Warbaahinta Hiiraanweyn {19.04.2025}

Sabti 19, April-2025 {HMC} – Dhageystayaal halkan waxa aan idiin kugu soo gudbi neynaa Warka subaxnimo ee Warbaahinta Hiiraanweyn

Warka waxaa soo jeedinayo ::Mustaf Ali Addow

Farsamadii ::Mohamed Baryare Haamud

HOOS KA DHAGEYSO WARKA SUBAXNIMO

Somaliland oo Dowladda Soomaaliya ku eedaysay dagaalkii Khamiistii ka dhacay gobolka Sanaag.

Sabti 19, April-2025 {HMC} – Somaliland ayaa ku eedeysay Dowladda Federaalka Soomaaliya inay ku lug lahayd dagaalkii Khamiistii dhex maray ciidamadeeda iyo maamulka SSC-Khaatumo ee ka dhacay deegaanka Dhuumadare ee gobolka Sanaag.

Bayaan ay Jimcihii soo saartay Wasaaradda Gaashaandhigga Somaliland ayay ku sheegtay in Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Xamza Cabdi Barre, oo dhawaan booqday magaalada Laascaanood, uu door ku lahaa abaabulka rabshadaha, iyadoo lagu eedeeyay inuu doonayay inuu xasilooni darro ka abuuro Somaliland.

“Ficilladan waxay halis weyn ku yihiin xasilloonida gobolka, waxayna baal marsan yihiin mabaa’diida madax-bannaanida iyo wada noolaanshaha nabadeed,” ayaa lagu yiri bayaanka. “Inkasta oo Somaliland ay weligeed ahayd tiir nabadeed iyo iskaashi ku dhisan Geeska Afrika, hurinta colaadda waxay carqaladeynaysaa dadaallada socda ee xasilloonida gobolka lagu sugayo.”

Wasaaraddu waxay mar kale xaqiijisay in Somaliland ay ka go’an tahay difaaca waxa ay ugu yeerto midnimada dhulkeeda, iyadoo ugu baaqday beesha caalamka inay si degdeg ah uga hortagto xasaradaha sii kordhaya.

Dhankiisa, maamulka SSC-Khaatumo ayaa Khamiistii fiidkii soo saaray bayaan uu ku eedeeyay ciidanka Somaliland inay weerar ku qaadeen dad reer guuraa ah oo ku sugan gobolka. Maamulka ayaa mar kale ku celiyay in uu ka go’an yahay difaaca dadkiisa iyo dhulkiisa.

Dagaalka ayaa imaanaya iyadoo ay sare u kacday xiisadda la xiriirta gacan ku haynta gobollada Sool, Sanaag iyo Cayn (SSC) – kuwaas oo ay SSC-Khaatumo sheegato inay maamusho, balse ay Somaliland iyo Puntland labaduba sheegtaan.

Colaaddan ayaa dib u qaraxday kaddib booqashadii taariikhiga ahayd ee uu Ra’iisul Wasaare Xamza Cabdi Barre dhawaan ku tegay Laascaanood, caasimadda maamulka ku-meel-gaarka ah ee SSC-Khaatumo, halkaas oo uu ballanqaaday taageero iyo hirgelinta mashaariic horumarineed.

Dagaalka labada dhinac ayaa si xawli ah u kordhay tan iyo horraantii 2023, kaddib kacdoon shacabka ah oo ka dhacay Laascaanood, kaasoo sababay in Somaliland ay ciidamadeeda kala baxdo magaalada.

Maraykanka oo ciidamadiisa kala baxaya dalka Suuriya +qorshaha maraykanka.

Sabti 19, April-2025 {HMC} – Wasaaradda Difaaca ee Maraykanka ayaa Jimcihii sheegtay in Maraykanku uu ku dhowaad kala barayo tirada ciidamada uu ku leeyahay Suuriya, taasoo ka dhigan inay hoos uga dhacayaan 1,000 askari bilooyinka soo socda.

Maraykanka ayaa muddo sanado ah ciidan ku lahaa gudaha Suuriya, isagoo qeyb ka ahaa dadaallada caalamiga ah ee lagula dagaallamayo kooxda Daacish, oo ka dhalatay fowdada dagaalka sokeeye ee dalkaas, kuna fidisay dhul ballaaran oo ku yaalla Suuriya iyo Ciraaq in ka badan toban sano ka hor.

In kasta oo kooxda xagjirka ah ee Daacish ay guul-darrooyin waaweyn kala kulantay labada dal, haddana weli waxay khatar ku yihiin gobolka.

“Maanta, wasiirka difaacu wuxuu faray in la mideeyo ciidamada Maraykanka ee Suuriya… laguna ururiyo meelo gaar ah,” ayuu yiri afhayeenka Pentagon-ka Sean Parnell, isagoo aan sheegin meelaha lagu wareejin doono.

“Tallaabadan si qorsheysan oo xaalad-ku-xiran loo qaaday waxay hoos u dhigi doontaa tirada ciidamada Maraykanka ee Suuriya ilaa ka yar 1,000 askari bilaha soo socda,” ayuu yiri.

“Inta hawshan mideynta ay socoto… Taliska Dhexe ee Maraykanka (CENTCOM) wuxuu sii wadi doonaa duqeymaha lagu bartilmaameedsanayo waxa ka haray kooxda Daacish ee Suuriya,” ayuu Parnell sii raaciyay.

Madaxweynaha Maraykanka Donald Trump ayaa muddo dheer shaki ka muujinayay joogitaanka Maraykanka ee Suuriya, isagoo amar ku bixiyay in ciidamada laga saaro muddadii uu xilka hayay, inkasta oo ugu dambeyn uu ciidamo dalkaas ku reebay.

Markii Islaamiyiinta ah ay weerar degdeg ah kusoo qaadeen bishii December ee sanadkii hore — taasoo keentay in la rido madaxweynihii Suuriya Bashaar al-Asad — Trump wuxuu sheegay in Maraykanku uusan faragelin doonin.

“Suuriya waa qalalaase, mana aha saaxiibkeen, WAA INAAN MARAYKANKU AAN WAX SHAQO AH KU YEELAN. TANI MA AHAN DAGAAALKEENA,” ayuu Trump ku qoray baraha bulshada, isagoo markaas ahaa madaxweyne la doortay.

Sanado dagaal lagula jiray Daacish
Weerarkii ay kooxda Daacish billowday 2014-kii ayaa ku kallifay Maraykanka inuu hoggaamiyo olole cirka ah oo taageero siinaya ciidamada dhulka ee maxalliga ah — gaar ahaan xoogagga SDF ee ay hoggaamiyaan Kurdi-da iyo ciidamada dowladda Ciraaq.

Maraykanku wuxuu sidoo kale diray kumannaan askari oo tababar iyo taageero siiya ciidamada deegaanka, waxaana mararka qaar ciidamadiisu si toos ah ula dagaallameen kooxda.

Sanado dagaal dhiig badan ku daatay kaddib, ra’iisul wasaaraha Ciraaq ayaa ku dhawaaqay guul kama dambeys ah oo ka dhan ah Daacish bishii Diseembar 2017, halka SDF ay ku dhawaaqday burburka “khilaafadii” kooxda bishii Maarso 2019, markaasoo ay la wareegeen saldhiggeedii ugu dambeeyay ee Suuriya.

Hase ahaatee, kooxdu weli waxay dagaalyahanno ku leedahay baadiyaha Suuriya iyo Ciraaq, iyadoo ciidamada Maraykanku ay muddo dheer fulinayeen weerarro iyo howlgallo si looga hortago in kooxda dib usoo xoogeyso.

Maraykanku wuxuu kordhiyay weerarada uu ku qaado Daacish gudaha Suuriya kaddib markii la riday madaxweyne Asad, inkasta oo dhawaan diiradda la saaray weerarro lagu beegsanayo fallaagada Xuutiyiinta ee Yemen, kuwaasoo tan iyo dhammaadkii 2023 weerarayay maraakiibta caalamiga ah.

Ciidamada Maraykanka ee ku sugan Ciraaq iyo Suuriya ayaa si joogto ah loogu bartilmaameedsaday weerarro ay qaadeen kooxo xiriir la leh Iran, kaddib markii uu qarxay dagaalka Gaza bishii Oktoobar 2023, hase yeeshee Maraykanku wuxuu si xooggan ugu jawaabay duqeymo ka dhan ah bartilmaameedyo xiriir la leh Tehran, taasoo keentay in weeraradu yaraadaan.

Sanado badan, Maraykanku wuxuu sheegayay inuu ku leeyahay 900 askari gudaha Suuriya, iyada oo qeyb ka ah la dagaalanka Daacish. Balse Pentagon-ku wuxuu bishii December 2024 shaaciyay in tirada ciidamada Maraykanka ee Suuriya ay labalaabantay horaantii sanadka, una korodhay illaa 2,000 askari.

Inkasta oo Maraykanku hoos u dhigayo tirada ciidamada Suuriya, Ciraaq ayaa Iyana dalbatay in la soo afjaro joogitaanka isbahaysiga Maraykanka ee dalkiisa, halkaasoo Washington ay sheegtay inay ku leedahay 2,500 askari.

Maraykanka iyo Ciraaq waxay shaaciyeen in howlgalkii milatari ee isbahaysiga uu si rasmi ah uga dhammaanayo dhulka dowladda dhexe ee Ciraaq dhammaadka 2025, halka gobolka Kurdistaan ee is-maamulku uu ku egyahay bisha Sebtembar ee 2026.

{DHAGEYSO} Warka Habeenimo ee Warbaahinta Hiiraanweyn {18.04.2025}

Jimco 18, April-2025 {HMC} – Dhageystayaal halkan waxa aan idiin kugu soo gudbi neynaa Warka Habeenimo ee Warbaahinta Hiiraanweyn

Warka waxaa soo jeedinayo ::Abdirahman Muse Osman

Farsamadii ::Mohamed Baryare Haamud

HOOS KA DHAGEYSO WARKA SUBAXNIMO

Sheekh Caan ah oo ku dhawaaqay inuu yahay musharax madaxweyne.

Jimco 18, April-2025 {HMC} – Sheekh Cabdiqani Qorane oo kamid ah culimada Soomaaliyeed ayaa caawa sheegay inuu yahay musharax madaxweyne isagoo ku dhawaaqay urur siyaasadeed cusub, sidoo kale wuxuu duray amniga Muqdisho oo maalmihii lasoo dhaafay hadal-heyn xoog leh abuuray.

Qorane ayaa sheegay in kooxda Al-Shabaab ay khatar badan dalka ku heyso, isagoo farta ku goday amniga Muqdisho, “Xamar amni kama jiro, dhagaxaan ayaa meel kasta ku go’an, cid ka qaadi kartana ma jirto oo Shabaab ayaa qarax soo gelinaya,” ayuu yiri.

Cabdiqani Qorane ayaa si caro leh u yiri “Muqdisho labo dowladood kama wadatali karaan.”

Sidoo kale, Qorane ayaa sheegay in dalkaan ay ka jirto amni darro heerkeedu gaaray in qarax lagu weeraro Madaxweyne Xasan Sheekh oo jidka maraya.

“Gob ma tihid inta madaxda qaranka la beegsanayo, tobanaan sano ayey Muqdisho dhagaxaan ku kala xiran tahay, ma jirto cid u dhaqaaqday, Muqdisho labo dowladood kama tali karaan gobanimana maaha, gobanimadaan u soconaa inaan soo xaqiijino,” ayuu yiri Suldaan Cabdiqani Qorane.

Siyaasiyiin badan ayaa saacadihii lasoo dhaafay lagu weeraray inay wax ka sheegeen amniga Muqdisho iyo dagaalka Al-Shabaab, kuwaas oo lagu eedeeyey inay cadowga la safteen.

Ra’iisul Wasaarihii hore ee Soomaaliya Cabdi Faarax Shirdoon Saacid ayaa kamid ah siyaasiyiinta sheegay in amniga Muqdisho uu khatar ku jiro ee weerarka afka ah kala kulmay qaar kamid ah masuuliyiinta dowladda oo Wasiir Fiqi iyo Guddoomiye Yabooh ay ugu horeeyaan, kuwaas oo difaacay, meeshana ka saaray amni darrada Muqdisho laga muujiyey.

Caawa waxaa isha lagu hayaa jawaabta la siin doono Cabdiqani Qorane oo ka yimid Puntland, kuna soo caan baxay dagaalka Khawaarijta, Qorane ayaa hadda sheegay inuu yahay musharax Madaxweyne sanadka 2026-ka.

{DAAWO MUQAALKA} Faah Faahin Dugsi Quraan Lagu Gubay Baladweyne iyo Culuma-udiin booqatay.

0

jimco 18, April  2025 {HMC} Faah Faahin Dugsi Quraan Lagu Gubay Baladweyne iyo Culuma-udiin booqatay.

HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA 

{DAAWO MUQAALKA} Wararkii ugu Dambeeyay 18-4-2025.

0

Jimco 18, April  2025 {HMC} Waxaa halkan idin kugu soo gudbineyna Wararkii ugu rbacoDambeeyay Soomaaliya iyo Caalamka ee Warbaahinta Hiiraanweyn.

HOOS KA DAAWO WARARKII UGU DAMBEEYAY.

{DAAWO MUQAALKA} Isbaarooyin lasoo dhigay Duleedka Baladweyne oo la qaaday.

0

jimco 18, April  2025 {HMC} Isbaarooyin lasoo dhigay Duleedka Baladweyne oo la qaaday.

HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA 

{DAAWO MUQAALKA} Xamaas oo ku gacan seyrtay xabad-joojin ay Israa’iil soo bandhigtay

0

jimco 18, April  2025 {HMC} Xamaas oo ku gacan seyrtay xabad-joojin ay Israa’iil soo bandhigtay

HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA