Home Blog Page 1011

{DAAWO MUQAALKA} Ciidamada Maamulka oo Maanta Dagaal Culus la galay Daacish.

0

jimco 18, April  2025 {HMC} Ciidamada Maamulka oo Maanta Dagaal Culus la galay Daacish.

HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA 

{DAAWO MUQAALKA} Wararka ugu waa weyn Soomaaliya iyo Caalamka 18/04/2025

0

jimco 18, April  2025 {HMC} Waxaa halkan idin kugu soo gudbineynaa Wararka ugu waa weyn Soomaaliya iyo Caalamka ee Warbaahinta Hiiraanweyn

Hoos ka daawo Wararka ugu waa weyn

Maraykanka oo ay ‘suuragal’ tahay in uu ka baxo dedaalkiisii gaadhidda heshiis nabadeed

Jimco 18, April-2025 {HMC} – Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump ayaa la sheegay inuu ka noqon doono dadaalkiisii uu ku doonayay inuu ku dhexdhexaadiyo isla mar ahaantaana lagu gaadhoheshiis nabadeed oo u dhexeeya Ruushka iyo Ukraine maalmo gudahood, haddii aysan muuqan calaamado cad cad oo muujinaya in heshiis la gaadhi karo, sida uu sheegay Xoghayaha Arrimaha Dibadda ee Mareykanka, Marco Rubio, Jimcihii.

“Ma sii wadi doonno dadaalkan toddobaadyo iyo bilo badan. Sidaa darteed, waa in si degdeg ah — waxaana uga hadlayaa maalmo — aan u go’aansannaa haddii heshiis la gaadhi karo toddobaadyada soo socda iyo in kale” ayuu yidhi Rubio oo ka hadlayay magaalada Paris kaddib kulan uu la yeeshay madaxda Yurub iyo kuwa Ukraine.

Ma jirin wax jawaab ah oo degdeg ah oo ka yimid Paris, London, Berlin ama Kyiv oo la xidhiidha hadalka Rubio. Saddex ilo diblomaasiyadeed oo Yurub ah ayaa u sheegay wakaaladda wararka ee Reuters in hadalka Rubio uu ka tarjumayo niyad-jabka sii kordhaya ee ka jira Aqalka Cad ee la xidhiidha diidmada Ruushka ee ah inuu dagaalka joojiyo.

Afhayeenka Kremlin-ka, Dmitry Peskov, ayaa sheegay in horumar la taaban karo laga gaadhay heshiis nabadeed balse xidhiidhkooda Washington uu yahay mid adag. Wuxuu intaas ku daray in Ruushku uu doonayo in uu xalliyo khilaafka iyadoo la ilaalinayo danahiisa. Wuxuu sidoo kale sheegay in Moscow ay weli u furan tahay wadahadalka ay la leedahay Mareykanka.

{DAAWO MUQAALKA} Maxay Somaliland ka yeeleysa Maxaa Biistii ay ku qabatay Gobolka Sool.?

0

jimco 18, April  2025 {HMC} Maxay Somaliland ka yeeleysa Maxaa Biistii ay ku qabatay Gobolka Sool.?

HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA 

Somaliland oo ka hadashay waxa ay ka yeelayso maxaabiistii ay ku qabatay dagaalkii Laascaanood

Jimco 18, April-2025 {HMC} – Jamhuuriyadda iskeed ugu dhawaaqday madaxbanaanida ee Somaliland ayaa sheegtay in siideynta maxabiista ay ku qabteen dagaalkii Laascaanood ay mar walba raaci doonaan hab-raacyo islamarkana ay horey qaar ka mid ah ay u siidaayeen.

Wasiirka Wasaaradda Caddaaladda Somaliland Yoonis Axmed Yoonis oo BBC-da la hadlay ayaa sheegay in maxaabiista ay dhankooda hayaan ay siideyn doonaan marka ay isku afgartaan dadkii ay tahay inay kala hadlaan.

Dhanka kale Somaliland ayaa sheegtay in ay walaac ka qabto xaaladda Maxaabiis laga sii daayey Magaalada Laascaanood oo lagu hayo Magaalada Muqdisho.

Wasiirka Wasaaradda Caddaaladda Somaliland Yoonis Axmed ayaa ugu baaqay Dawladda Soomaaliya in ay Maxaabiista ay hayso ku wareejiso Hay’addaha ku shaqada leh arrimaha Maxaabiista sida ICRC, iyada oo raacayso shuruucda caalamiga ah.

Mr Yoonis ayaa dhanka kale sheegay in maxaabiistaasi aysan qaar kood ahayn askar balse ay ahaayeen dad shacab ah oo xoolo dhaqato ah oo laga “afduubay” deegaanada bariga Sool.

{DHAGEYSO} Warka Duhurnimo ee Radio Hiiraanweyn {18-04-2025}

Jimco 18, April-2025 {HMC} – Dhageystayaal halkan waxa aan idiin kugu soo gudbi neynaa Warka Duhurnimo ee Warbaahinta Hiiraanweyn

Warka waxaa soo jeedinayo ::C/raxman Macalin Muse

Farsamadii ::Mohamed Hassan Owsei

{DAAWO MUQAALKA} Wararkii Ugu Dambeeyey Howlgalo ka soconaya HIiraan iyo shabeelada Dhexe.

0

jimco 18, April  2025 {HMC} Wararkii Ugu Dambeeyey Howlgalo ka soconaya HIiraan iyo shabeelada Dhexe.

HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA 

{DAAWO MUQAALKA} SCC Khaatumo oo Soomaliland ku eedeysay Weerar Dad lagu Dilay.

0

jimco 18, April  2025 {HMC} SCC Khaatumo oo Soomaliland ku eedeysay Weerar Dad lagu Dilay.

HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA 

{DAAWO MUQAALKA} Garab istaag loo muujiyey Ciidamada Dagaalka kula jira AS

0

jimco 18, April  2025 {HMC} Garab istaag loo muujiyey Ciidamada Dagaalka kula jira AS

HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA 

{DAAWO MUQAALKA} Khasaaro kala Duwan oo ka dhashay weerar lagu qaaday xoolo dhaqato.

0

jimco 18, April  2025 {HMC} Khasaaro kala Duwan oo ka dhashay weerar lagu qaaday xoolo dhaqato.

HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA