Home Blog Page 1012

{DAAWO MUQAALKA} ”furimaha hore ee Dagaalka ayaa tagi Doonaa”

0

jimco 18, April  2025 {HMC} ”furimaha hore ee Dagaalka ayaa tagi Doonaa”

HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA 

{DAAWO MUQAALKA} Wasiir Karoore”Dagaalka lagula jiro As Ganacsato ayaa Fashilinaayo”

0

jimco 18, April  2025 {HMC} Wasiir Karoore”Dagaalka lagula jiro As Ganacsato ayaa Fashilinaayo”

HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA 

{DAAWO MUQAALKA} Mareeykanka oo Duqeeymo Dad ku Geeriyoodeen ka Fuliyey Yaman.

0

jimco 18, April  2025 {HMC} Mareeykanka oo Duqeeymo Dad ku Geeriyoodeen ka Fuliyey Yaman.

HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA 

Mareykanka oo mar kale weerar ku qaaday Xuutiyiinya Yemen

Jimco 18, April, 2025 {HMC} – Milatariga Maraykanka ayaa sheegay in ay burburiyeen xarun shidaal oo ku taalla dalka Yemen intii ay socdeen duqeymihii ugu dambeeyay ee ka dhanka ah fallaagada Xuutiyiinta.

Ujeeddada weerarka lagu qaaday dekedda Ras Isa ee badda cas ayaa la sheegay in looga gol-lahaa goynta saadka iyo dhaqaalaha Xuutiyiinta oo ay Iran taageerto.

Sida ay sheegeen Xuutiyiinta, ugu yaraan 33 qof ayaa lagu dilay weerarka, waxaana dadka la dilay ku jiray shaqaalaha gurmadka.

Weerarkii Khamiista ayaa yimid kadib markii ciidamada Mareykanka ay kordhiyeen weerarada ka dhanka ah Xuutiyiinta bil ka hor.

Fallaagada Xuutiyiinta ee ay Iiraan taageerto ayaa billaabay inay weeraraan maraakiibta ganacsiga ee maraya badda cas iyo gacanka Cadmeed kaddib markii uu billowday dagaalka Israa’iil ee Gaza bishii October 2023-kii.

Fighting Resumes Between Somaliland and SSC-Khaatumo Authorities

Friday, April 18, 2025 (HMC) – Heavy fighting erupted on Thursday in the Daan-weyne area of Sanaag region after renewed tensions between Somaliland forces and those of SSC-Khaatumo over territorial disputes escalated once again.

In a statement released Thursday afternoon, SSC-Khaatumo accused Somaliland of launching what they described as “a brutal attack on nomadic civilians.”

“This cruel and unjustified act has caused numerous civilian casualties and injuries. It has endangered the lives of our people and undermined the peace-building efforts led by the Federal Government of Somalia,” the SSC-Khaatumo statement read.

Although the exact number of casualties remains unclear, SSC-Khaatumo officials stated that the violence was a serious violation of their territorial integrity. They called on the international community to urgently investigate the incident.

Somaliland authorities have yet to officially comment on the fighting. However, images shared on social media appear to show prisoners and military vehicles allegedly captured by Somaliland forces during the clashes.

Tensions have been steadily rising since the historic visit last week by Somali Prime Minister Hamza Abdi Barre to the city of Laascaanood, the interim capital of SSC-Khaatumo.

The visit symbolized the Federal Government’s formal recognition of SSC-Khaatumo as a federal member state—an action strongly opposed by Somaliland, which still claims administrative control over the regions of Sool, Sanaag, and Cayn.

Sporadic clashes between Somaliland forces and SSC-Khaatumo have been ongoing since early 2023, when local residents and traditional elders successfully expelled Somaliland forces from Laascaanood, sparking a widespread uprising.

Xiiasada Washington iyo Beijing oo Cirka Isku Sii Sharereysa.

Jimco 18, April, 2025 {HMC}  Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee Mareykanka ayaa ku eedeysay shirkadda Shiinaha ee Chang Guang Technology oo ku takhasustay tiknolojiyadda dayax-gacmeedyada inay si toos ah gacan u siiso weerarrada Xuutiyiinta ee ay Iiraan taageerto, kuwaasoo lagu beegsado danaha Mareykanka.

Afhayeenka Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee Mareykanka Tammy Bruce ayaa shir jaraa’id ku tiri؛

“Waxaan xaqiijin karnaa warbixinada sheegaya in shirkadda Chang Guang Limited ee tiknoolojiyadda dayax-gacmeedyada ay si toos ah u taageerto weerarada argagixisanimo ee ay Xuutiyiintu ku hayaan danaha Mareykanka, iyagoo taageero ka helaya Iiraan.”

Wargeyska Financial Times ayaa kasoo xigtay mas’uuliyiin Maraykan ah in shirkadda dayax-gacmeedka ee Shiinaha ay siisay kooxda Xuutiyiinta sawirro loogu talagalay beegsashada maraakiibta dagaalka Mareykanka iyo maraakiibta caalamiga ah ee Badda Cas.

Waxay sidoo kale sheegtay in xukuumadda Trump ay si joogto ah uga digtay Beijing kuna wargelisay in shirkadda Chang Guang oo ah shirkad ganacsi balse xiriir la leh Ciidanka Xoreynta Dadka Shiinaha ay u gudbinayso Xuutiyiinta xogaha sirdoonka, sida ay sheegeen saraakiisha Mareykanka.

Dagaal dib uga dhex-qarxay Maamulada Somaliland iyo SSC-Khaatumo

Jimco 18, April, 2025 {HMC}  – Dagaal xooggan ayaa Khamiistii ka qarxay deegaanka Daan-weyne ee gobolka Sanaag, kadib markii ay mar kale cirka isku shareertay xiisadda u dhaxeysa ciidamada Somaliland iyo kuwa SSC-Khaatumo oo isku haya muran dhuleed.

Bayaan ay galinkii dambe ee Khamiista soo saareen maamulka SSC-Khaatumo ayaa lagu eedeeyay Somaliland in ay bilowday, sida ay hadalka u dhigeen, “weerar arxan-darro ah oo lagu qaaday dad reer guuraa ah.”

“Falkan naxariis-darrada iyo gardarrada ah wuxuu sababay dhimashada iyo dhaawaca dad badan oo rayid ah. Wuxuu halis geliyay nolosha dadkeenna, wuxuuna dhaawac u geystay dadaallada nabad-dhisidda ee ay wado dowladda federaalka Soomaaliya,” ayaa lagu yiri bayaanka SSC-Khaatumo.

Inkasta oo tirada saxda ah ee khasaaraha aysan weli caddayn, mas’uuliyiinta SSC-Khaatumo waxay sheegeen in rabshadahan ay si weyn u xadgudbeen madax-bannaanida dhuleed ee deegaankooda. Waxay ugu baaqeen beesha caalamka in ay si degdeg ah u baarto dhacdadan.

Mas’uuliyiinta Somaliland weli si rasmi ah ugama hadlin dagaalka, balse sawirro lagu baahiyay baraha bulshada ayaa muujinaya maxaabiis iyo gaadiid dagaal oo la sheegay in ay ciidamada Somaliland qabteen intii uu dagaalku socday.

Xiisadda ayaa sii kacaysay tan iyo booqashadii taariikhiga ahayd ee Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Xamza Cabdi Barre uu toddobaadkii hore ku tegay magaalada Laascaanood, oo ah xarunta ku-meel-gaarka ah ee maamulka SSC-Khaatumo.

Booqashadaas ayaa astaan u ahayd aqoonsiga rasmiga ah ee dowladda federaalku siisay SSC-Khaatumo inay tahay dowlad-goboleed, arrintaas oo si xooggan uga soo horjeestay Somaliland, oo weli sheegata inay maamusho gobollada Sool, Sanaag iyo Cayn.

Dagaallo u dhaxeeya ciidamada Somaliland iyo kuwa SSC-Khaatumo ayaa si goos-goos ah u socday tan iyo horraantii 2023, markaas oo shacabka deegaanka iyo odayaasha dhaqanka ay si xooggan uga saareen ciidamada Somaliland magaalada Laascaanood, taasoo horseedday kacdoon ballaaran.

 

Wasiirka Difaaca Sucuudiga Oo Farriin uu ka siday Boqorka Sucuudiga U Gudbiyey Khamenei

Jimco 18, April, 2025 {HMC}  Amiir Khalid bin Salman Al Saud, Wasiirka Difaaca Sacuudiga, ayaa fariin uu ka siday Boqorka dalkiisa Boqor Salmaan Bin C/casiis u geeyay Ayatullah Ali Khamenei, Hoggaamiyaha Jamhuuriyadda Islaamiga ah ee Iran.

Wuxuu sidoo kale Tehran, kula kulmay oo uu wada hadal la yeeshay Madaxweynaha Iran Masoud Pezzekian. Ilaa hadda si rasmi ah looma daabicin farriinta uu boqorka Sucuudigu u diray hoggaamiyaha Iran, balse sida ay sheegtay wakaaladda wararka ee IRNA, Cali Khamenei waxa uu kulanka ka sheegay in xiriirka u dhexeeya Jamhuuriyadda Islaamiga ah ee Iran iyo Sucuudiga “uu noqon doono mid faa’iido u leh labada waddan.

Sida laga soo xigtay warbixinta, Mr. Khamenei ayaa sidoo kale yiri: “Balaarinta xiriirka labada dal wuxuu leeyahay cadaw ay tahay in laga gudbo ujeedooyinkaas cadowtinimo, annaguna diyaar ayaan u nahay arrintan.”

Wasiirka Difaaca Sacuudiga ayaa ah mas’uulkii ugu sareeyay ee Sacuudiga ee booqda Iran tan iyo markii ay labada dal dib u soo celiyeen xiriirkooda siyaasadeed.

Booqashada Mr. bin Salmaan ayaa ku soo beegantay ka hor wareegii labaad ee wada hadalada Iran iyo Mareykanka, kaasoo lagu wado inuu qabsoomo Sabtida.

{DHAGEYSO} Warka Subaxnimo ee Warbaahinta Hiiraanweyn {18.04.2025}

Jimco 18, April 2025 {HMC} Dhageystayaal halkan waxa aan idiin kugu soo gudbi neynaa Warka subaxnimo ee Warbaahinta Hiiraanweyn

Warka waxaa soo jeedinayo ::CABDIRAXMAAN MACALIN MUUSE

Farsamadii ::MAXAMED XASAN COWSEY

Xamaas oo ku gacan seyrtay xabad-joojin ay Israa’iil soo bandhigtay

Jimco 18, April, 2025 {HMC} Xamaas ayaa si rasmi ah u diiday xabad joojintii ugu dambeysay ee Israel ay soo bandhigtay, waxayna sheegtay inay diyaar u tahay inay si degdeg ah uga wada xaajoodaan heshiis dhigaya in la sii daayo dhammaan la haystayaasha haray si loo soo afjaro dagaalka iyo sii deynta maxaabiista Falastiiniyiinta.

Madaxa wada xaajoodka Hamas, Khalil al-Hayya, ayaa muuqaal uu baahiyay wuxuu ku sheegay in aysan aqbali doonin “heshiisyo qabyo ah oo u adeegaya Ra’iisul Wasaaraha Israel Benjamin Netanyahu ajandihiisa siyaasadeed.”

59 la haystayaal ayaa weli ku jira gacanta Xamaas, 24 ka mid ah waxaa loo rumeysan yahay inay nool yihiin.

Hindisihii ugu dambeeyay ee Israel ayaa dhigaya 45 maalmood oo xabbad joojin ah si loo sii daayo 10 la haystayaal ah.