Home Blog Page 101

{DAAWO MUUQAALKA} ”Qoray laga soo dhacay garaad Jaamac ayaa ku qabanay Garowe”

0

Sabti 14Feb 2026 {HMC}  ”Qoray laga soo dhacay garaad Jaamac ayaa ku qabanay Garowe”

HOOS KA DAAWO MUUQAALKA

{DAAWO MUUQAALKA} Farmaajo oo kulan deg deg ah la qaadanayo madaxweynayasha jubaland iyo Puntland

0

Sabti 14Feb 2026 {HMC} Farmaajo oo kulan deg deg ah la qaadanayo madaxweynayasha jubaland iyo Puntland

HOOS KA DAAWO MUUQAALKA

{DAAWO MUUQAALKA} Sidee duuliyayaashaan u badbaadiyeen Rakaabka kadib Markii diyaarada Matoorkeeda uu Qarxay.

0

Sabti 14Feb 2026 {HMC}   Sidee duuliyayaashaan u badbaadiyeen Rakaabka kadib Markii diyaarada Matoorkeeda uu Qarxay.

HOOS KA DAAWO MUUQAALKA

Wasiirka Dekedaha Soomaaliya ayaa sheegay in la soo gabagabeeyay daraasadaha Mashruuca Dekedda Cusub ee Muqdisho.

0

Sabti  14 Feb 2026 {HMC} Wasiirka Dekedaha iyo Gaadiidka Badda ee Dowladda Soomaaliya Cabdiqaadir Maxamed Nuur ayaa sheegay in la soo gabagabeeyay daraasadaha Mashruuca Dekedda Cusub ee Muqdisho, isla markaana mashruucu galay marxaladda qandaraas bixinta.

Wasiirka Dekedaha ayaa sheegay in mashruucan la filayo inuu wax ka beddelo awoodda saadka ee gobolka, wuxuuna ugu baaqay maalgashadayaasha iyo wakiillada ganacsiga gaarka loo leeyahay inay ka qeyb qaataan horumarinta dekedaha Soomaaliya.

Hadalkaan ayuu wasiirku ka sheegay shirka 2-aad ee Wasiirrada Gaadiidka ee Ururka Iskaashiga Islaamka (OIC) oo ka dhacay magaalada Istanbul ee dalka Turkiga.

Wasiir Cabdulqaadir Maxamed Nuur, ayaa sheegay in is-weydaarsiga ganacsi ee Soomaaliya iyo Turkiga uu ka gudbay awoodda qaab-dhismeedka saadka ee hadda jira. in samaynta khadad maraakiib oo toos ah oo u dhexeeya Soomaaliya iyo Türkiye ay noqotay baahi istiraatiiji ah, xilli uu sii ballaaranayo ganacsiga iyo xiriirka laba geesoodka ah ee sii xoogeysanaya.

“Ganacsiga hadda u dhexeeya Soomaaliya iyo Türkiye waxa uu dhaafay qaab-dhismeedka saadka ee jira,” ayuu yiri wasiirka, isaga oo intaas ku daray in khadad badeed oo toos ah ay yareyn doonaan kharashaadka, dedejin doonaan gaarsiinta badeecadaha, isla markaana kordhin doonaan guud ahaan mugga ganacsiga.
Shirkan ayaa isugu keenay wasiirrada gaadiidka ee dalalka xubnaha ka ah OIC si ay uga wada hadlaan isku xirka iyo iskaashiga kaabeyaasha dhaqaalaha.

Wasiirka dekedaha ayaa sheegay in ay macno gaar ah leedahay in arrimaha isku xirka gaadiidka looga doodo magaalo taariikh ahaan isku xirtay qaarado, ilbaxnimooyin iyo waddooyin ganacsi

{DAAWO MUUQAALKA} Dagaal Culus oo ka socda Gobolka Awdal.

0

Sabti 14Feb 2026 {HMC}  Dagaal Culus oo ka socda Gobolka Awdal.

HOOS KA DAAWO MUUQAALKA

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud oo ka qayb-gashay Shir-weynaha Labaad ee Talyaaniga iyo Afrika.

0

Sabti  14 Feb 2026 {HMC} Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa ka qayb-galay Shir-madaxeedka Labaad ee Talyaaniga iyo Afrika oo lagu qabtay magaalada Addis Ababa, kaas oo ay martigelisay dowladda Itoobiya.

Shirkan oo ay ka soo qeybgaleen madax iyo wufuud ka kala socotay dalalka Afrika iyo dowladda Talyaaniga, ayaa diiradda lagu saaray xoojinta iskaashiga dhaqaale, maalgashiga iyo horumarinta kaabeyaasha dhaqaalaha.

Madaxweynaha Soomaaliya waxaa ku weheliyay Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga, Cabdisalaam Cali, waxaana wafdiga Soomaaliya ay muujiyeen dadaalka dowladda federaalka ee ku aaddan ballaarinta xiriirka diblomaasiyadeed iyo iskaashiga caalamiga ah.

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa sheegay in iskaashiga Talyaaniga iyo Afrika uu muhiim u yahay koboca dhaqaale iyo xasilloonida gobolka.

Wuxuu carrabka ku adkeeyay in Soomaaliya ay mudnaan gaar ah siinayso, Abuurista fursado shaqo oo dhallinyarada ah, Sugnaanta cuntada, Horumarinta kaabeyaasha dhaqaalaha iyo Isku xirka suuqyada heer gobol iyo heer caalami

Madaxweynaha ayaa sidoo kale tilmaamay in horumarka Afrika uu ku xirnaan doono ilaalinta gobonnimada iyo midnimada dhuleed ee dalalka, si waafaqsan mabaadii’da Qaramada Midoobay iyo Midowga Afrika.

Dhanka amniga, Madaxweynaha ayaa uga mahadceliyay Talyaaniga taageerada uu siiyo Hawlgalka Taageerada iyo Xasillinta Midowga Afrika ee Soomaaliya (AUSSOM), isaga oo xusay in nabadda iyo horumarku ay yihiin laba arrimood oo aan la kala sooci karin.

Ugu dambeyn, Madaxweynaha ayaa sheegay in Soomaaliya ay diyaar u tahay xoojinta iskaashiga ay la leedahay Talyaaniga iyo dalalka kale ee Afrika, si loo gaaro koboc dhaqaale iyo xasillooni waarta.

{DAAWO MUUQAALKA} Mucaaradka iyo madaxda Dowladda oo kulamo gaar gaar ah ka wado Muqdisho.

0

Sabti 14Feb 2026 {HMC}   Mucaaradka iyo madaxda Dowladda oo kulamo gaar gaar ah ka wado Muqdisho.

HOOS KA DAAWO MUUQAALKA

{DAAWO MUUQAALKA} Macalin Xuseen ”Nabadoonada iyo Maamulka haa ukacaan Shacabka Dadkii weey dhamaadeen”

0

Sabti 14Feb 2026 {HMC}  Macalin Xuseen ”Nabadoonada iyo Maamulka haa ukacaan Shacabka Dadkii weey dhamaadeen”

HOOS KA DAAWO MUUQAALKA

Kenya oo saldhigyo milatari ka dhisaysa xuduudka ay la wadaagto Soomaaliya.

0

Sabti  14 Feb 2026 {HMC} Dowladda Kenya ayaa shaacisay qorshe ay in ka badan 12,000 acre oo dhul ah ugu qoondeyneyso Ciidamada Difaaca Kenya si loogu dhiso xerooyin ciidan iyo goobo tababar oo cusub, kuwaas oo laga hirgelin doono is­maamulka Mandera gaar ahaan xuduudka ay la wadaagto Soomaaliya.

Guddiga Qaranka Dhulka ee Kenya (National Land Commission) ayaa ku dhawaaqay, warqad rasmi ah oo lagu daabacay warsidaha dowladda (Gazette), in la soo saaray amar dhul-ilaalin (reservation order) oo dhigaya in 12,072 acre oo dhul ah lagu wareejiyo Wasaaradda Difaaca (Ministry of Defence Kenya).

Amarkan oo lagu soo saaray iyadoo la raacayo Xeerka Dhulka (Land Act) iyo Xeerka Diiwaangelinta Dhulka (Land Registration Act), ayaa Wasaaradda Difaaca siinaya mas’uuliyadda daryeelka, maamulidda iyo ilaalinta dhulka loo yaqaan L.R. No. 33285, xilli ay dowladdu qorsheyneyso dib u furista xadka Kenya iyo Soomaaliya.

Sida ku cad shuruudaha amarka, dhulkaasi waxaa loo adeegsan karaa oo keliya ujeeddooyin ciidan, mana bannaana in wasaaraddu wareejiso ama cid kale u oggolaato isticmaalka qayb ka mid ah dhulkaas, haddii aan oggolaansho qoraal ah laga helin Guddiga Qaranka Dhulka.

Sidoo kale, Ciidamada Difaaca Kenya, iyagoo hoos imanaya Wasaaradda Difaaca, ayaa lagu amray inay diyaariyaan qorshe faahfaahsan oo isticmaalka iyo maareynta dhulka ah muddo 180 maalmood gudahood, kaas oo ay u gudbin doonaan Guddiga Qaranka Dhulka. Qorshahan waa inuu waafaqsanaadaa shuruucda qorsheynta dhulka, qiyamka dastuuriga ah, isla markaana uu tixgelinayo arrimaha deegaanka, hidaha, iyo ilaalinta khayraadka dabiiciga ah.

Si loo ilaaliyo danaha bulshooyinka deegaanka ku nool, qorshuhu waa inuu sidoo kale nidaamiyaa marin u helidda dhul-daaqsimeedka, meelaha cusbada xoolaha, iyo goobaha biyaha xoolaha, isla markaana uu xaqiijiyaa ilaalinta marinnada duur-joogta si loo yareeyo iska hor imaadyada u dhexeeya dadka iyo xayawaanka.

Intaa waxaa dheer, ka hor inta aan la bilaabin mashruucyo waaweyn oo dhisme ah, Wasaaradda Difaaca waxaa laga doonayaa inay sameyso Qiimeynta Saameynta Deegaanka iyo Bulshada (ESIA), iyadoo la raacayo Xeerka Maareynta iyo Isku-duwidda Deegaanka ee 1999.

 

{DAAWO MUUQAALKA} Baarlamaanka Labadiisa aqal oo yeelanaya Kulan aanan Caadi eheyn.

0

Sabti 14Feb 2026 {HMC} Baarlamaanka Labadiisa aqal oo yeelanaya Kulan aanan Caadi eheyn.

HOOS KA DAAWO MUUQAALKA