Home Blog Page 102

Shir madaxeedka Midowga Afrika oo ka furmay Itoobiya.

0

Sabti  14 Feb 2026 {HMC} Magaalada Addis Ababa waxaa ka furmay meertada 39aad ee Shirka Madaxda Midowga Afrika oo sanadkiiba mar qabsooma, waxaa daahfuray Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya, Abiy Ahmed oo si qotodheer uga hadlay ajanaha miiska saaran.

Shirka waxaa sanadkaan diiradda lagu saarayaa Arrimaha Amniga, Dhaqaalaha, Isbaddelka Cimillada, Midnimada & sidii loo sii wadi lahaa wadashaqaynta ka dhex jirta Dalalka xubnaha ka ah Ururkaan ee Addis Ababa intooda badan ku sugan.

Arrimaha Amniga hoos imaanaya waxaa kamid ah Dagaallada iyo Colaadaha ka jira Dalal kala duwan oo Afrika ah, waxaa la iswaydiinayaa sida ay madaxdaan u waji karaan in xal waara loo helo dagaalladaas sokeeye oo qaaraddaan dib u dhigay.

Horumarka dhaqaalaha waa meesha indhaha lagu hayo, Afrika ayaa doonaysa in ay xoogga saarto hirgelinta aagga Ganacsiga ee Xorta ah si Dalal badan ay u helaan fursado maalgashi iyo in ay horumar muuqda samayn karaan.

Isbaddelka Cimillada, tani waxaa caqabadda ugu darran ee sababta Abaaraha, Barakaca iyo caafimad darrada, Madaxda madasha ku sugan oo horay uga qaybgalay shirar meelo kala duwna ka dhacay oo looga hadlay arrintaas ayaa khudbado ka jeedinaya meertada 39aad.

Gunaanadka waxaa lagu wadaa in diiradda la saaro sidii loo midayn lahaa mowqifka Afrika ee Arrimaha Caalamiga ah, ka gudubka dhibaatooyinka taagan, dardargelinta qorshaha horumarineed iyo dhaqangelinta waxyaabaha lagu ballamo.

La soco wixii kasoo kordha Hiiraanweyn

 

{DAAWO MUUQAALKA} Mareeykanka oo Duqeeymo Culus ka Fuliyey Soomaaliya

0

Sabti 14Feb 2026 {HMC} Mareeykanka oo Duqeeymo Culus ka Fuliyey Soomaaliya

HOOS KA DAAWO MUUQAALKA

Wareegga labaad ee wadahadalada Iran iyo Marekanka oo la shaaciyay halka lagu qabanayo.

0

Sabti  14 Feb 2026 {HMC}  Wakaalada wararka ee Reuters ayaa sheegtay in wareegga labaad ee wada-hadallada nukliyeerka ee u dhexeeya Iran iyo Maraykanka lagu qaban doono Geneva, Switzerland, Talaadada.

Warbaahinta ayaa, iyadoo xiganaysa ilo xog-ogaal ah, sheegtay in Steve Whittaker, wakiilka Maraykanka ee Bariga Dhexe ee Donald Trump, iyo Jared Kushner, ay la kulmi doonaan wafdiga Iiraan subaxda Talaadada.

Ilo xog-ogaal ah ayaa u sheegay Reuters in sidoo kale wafdiga Omani uu joogayo Geneva si uu u dhex-dhexaadiyo wada-hadallada, sidii hore.

Wareeggii ugu horreeyay ee wada-hadallada aan tooska ahayn waxaa la qabtay Jimcaha, 6 Febraayo, magaalada Muscat, caasimadda Oman, taasoo labada dhinac ay ku tilmaameen mid faa’iido leh.

Shalay, Mr. Trump ayaa sheegay inuu u maleynayo in mas’uuliyiinta Iiraan ay diyaar u yihiin wada-hadal, isla markaana uu aaminsan yahay in wada-hadalladu la soo gabagabeyn karo wakhti dhow.

Dowladda Federaalka & Mucaaradka oo kulamo gaar gaar ah kawada Muqdisho

0

Sabti  14 Feb 2026 {HMC} Madaxda Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo xubnaha Mucaaradka ah ayaa kulamo gaar gaar ah ka wada Magaalada Muqdisho, waxa ay uga arrinsanayaan fadhiyadaan shirka u dhaxeeya ee lagu wado in uu dhowaan furmo

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Xamsa Cabdi Barre ayaa weli ku guda jira Booqashada Xubnaha Mucaaradka ah ee isugu jira Madaxdii hore iyo Madaxweyneyaasha Dowlad-Goboleedyada Puntland & Jubbaland

Xamsa ayaa mas’uuliyiintaan Mucaaradka si hordhac ah ugala hadlay xaaladda Siyaasadeed ee Dalka, wadahadalka la qorshaynayo iyo waxyaabaha laga filan karo maadaama Dowladda Federaalka ay dhigtay gogosha wadaxaajoodka

Xubnaha Mucaaradka waxa ay dhankooda wadaan kulamo dhexdooda ah oo ay uga arrinsanayaan qodobada ay la shirtagi karaan iyo qaabka ay uga xaltami karaan haddii uu culays siyaasadeed uga yimaado dhinaca wadahadalkaas

 

{DAAWO MUUQAALKA} Maxaa Caawa ka socda Muqdisho, Golaha Mustaqbalka oo muujiyay Walaac.

0

Jimac 13Feb 2026 {HMC} Maxaa Caawa ka socda Muqdisho, Golaha Mustaqbalka oo muujiyay Walaac.

HOOS KA DAAWO MUUQAALKA

{DAAWO MUUQAALKA} Midowga Africa oo qaaday talaabo siweyn uga Farxisay Soomaaliya.

0

Jimac 13Feb 2026 {HMC} Midowga Africa oo qaaday talaabo siweyn uga Farxisay Soomaaliya.

HOOS KA DAAWO MUUQAALKA.

{DAAWO MUUQAALKA} Wararkii ugu Dambeeyay Soomaaliya iyo Caalamka 13-02-2026.

0

Jimac 13Feb 2026 {HMC} Wararkii ugu Dambeeyay Soomaaliya iyo Caalamka 13-02-2026.

HOOS KA DAAWO MUUQAALKA.

Guudmarka Khudbadda Madaxwayne Xasan Sheekh ee Shir Madaxeedka Labaad ee Afrika iyo Talyaaniga.

0

Jimco 13 Feb 2026 {HMC} Laba sano ka hor magaalada Roma, Shir-madaxeedkii ugu horreeyay ee Talyaaniga iyo Afrika waxaa lagu guddoomiyay in laga gudbo hannaanka iskaashiga soojireenka ahaa, lana yagleelo iskaashi ku saleysan arrimaha hortabinta u leh Afrika iyo in Afrika ay iyadu go’aamiso masiirkeeda.

Marka laga ambaqaado aragtideenna, iskaashiga Talyaaniga iyo Afrika waxa uu jidaynayaa ahmiyadda ay leedahay maalgelinta kaabayaasha halbowlaha ah ee horseedaya xasillooni iyo koboc dhaqaale oo waara.

Waxyaabaha hortabinta u leh Soomaaliya waa kuwo cad: xoojinta gegsiga bulshada, inaan dhallinyaradeenna u abuurno fursado shaqo, helitaanka cunto bulshada ku filan, iyo inaan dhaqaalaheenna ku xirno suuqyada heer gobol iyo heer caalami.

Horumarka ay Afrika ku tallaabsanayso waa inay saldhig u tahay ilaalinta gobonnimada, midnimada dhuleed iyo madax-bannaanida siyaasadeed ee dalalka, si waafaqsan mabaadii’da Axdiyada Qaramada Midoobay iyo Midowga Afrika.

Mabaadii’dani ma aha kuwo la tiigsado oo kali ah; waa waajibaad sharci ah oo go’aaminaya badqabkeenna. Tallaabooyinka ay sida goonida ah Israa’iil ugu beegsatay madaxbannaanideenna waxay si toos ah u wiiqayaan nidaamka caalamiga, waana inaan si adag isaga diidnaa.

Waxaan ugu baaqeynaa dhammaan dalalka xubnaha ka ah Midowga Afrika inay iska diidaan nooc kasta oo faragelin dibadeed oo wiiqaysa sharciga caalamiga ah, xasaradna ka abuuraysa gobolka, isla markaana dhaawacaysa kalsoonida u dhaxaysa wadammada.

Maadaama nabadda iyo horumarku aysan kala harin, Soomaaliya waxay ahmiyad gaar ah siinaysaa iskaashiga amniga ee u dhexeeya Talyaaniga iyo Afrika.

Waxaan si gaar ah uga mahadnaqaynaa taageerada Talyaaniga ee Hawlgalka Taageerada iyo Xasillinta Midowga Afrika ee Soomaaliya (AUSSOM).

Soomaaliya waxay diyaar u tahay inay xoojiso iskaashiga kala dhexeeya Talyaaniga iyo dhammaan bahwadaagta qaybta ka ah Qorshaha Mattei, iyadoo qorshahaas lagu hagayo kalsooni, xilkasnimo, dan-wadaag iyo aragti mideysan oo ku wajahan Afrika oo barwaaqo ah.
DHAMMAAD

Mareykanka oo Bartilmaameedsanaayo Sadax goobood oo Muhiim u ah IIraan, si loo wiiqo awoodda Iiraan.

0

Jimco 13 Feb 2026 {HMC} Sida uu goor dhow baahiyay Wargeyska New York Times warbixin la xiriira dhaq-dhaqaaqyada Dowladda Mareykanka ee ku wajahan Dowladda Iiraan.

Warbixintu waxay sheegtay in Wasaaradda Dagaalka Mareykanka (Pentagon) ay hadda kordhinayso ciidankeeda ku sugan gobolka, gaar ahaan maraakiibta dagaalka iyo kuwa xambaara diyaaradaha, si ay u xoojiso joogitaankeeda milatari.

Sidoo kale, Pentagon-ku wuxuu madaxweyne Trump u gudbiyay liis bartilmaameedyo suurtagal ah.

Weerarrada uu Mareykanka ku qaadi karo Iiraan, markan kuma koobnaan doonaan kaliya bartilmaameedyada xarumaha nukliyeerka, balse waxaa qeyb ka noqonaya;

•Kaydka Gantaallada ridada dheer ee Iiraan.

•Goobaha laga rido gantaallada iyo warshadaha sameeya hubkaas.

Ujeeddadu waa in la wiiqo awoodda Iiraan si aysan u helin fursad ay kaga jawaabto haddii la qaado tallaabo milatari.

Warbixintu waxay kaloo sheegtay in mid ka mid ah ikhtiyaarrada la tixgelinayo uu yahay in la diro ciidamo gaar ah oo tababar sare leh, si ay hawlgallo gaar ah uga fuliyaan gudaha Iiraan. Ciidamadan waxaa loo diri karaa inay beegsadaan xarumo si adag loo ilaaliyo oo aan si fudud gantaallo u gaari karin, iyo sidoo kale meelaha laga hago ciidamada Ilaalada Kacaanka Iiraan.

Si kooban, warbixintu waxay muujinaysaa in qorshayaasha Mareykanku aysan ku koobnayn hanjabaad hadal ah oo keliya, balse ay jiraan diyaargarowyo muuqda oo milatari oo la sii wado.

Diyaarad Matoorka ka soo dhacay iyadoo Hawada Ku jirto iyo Hadalhaayn Xoogan oo ka dhalatay.

Jimco 13 Feb 2026 {HMC} 18-kii Janaayo 2026, cilad daran oo ku timid mishiinka diyaaradda JetBlue Flight 1058 ayaa noqotay dhacdo si weyn looga hadlo, kana mid noqotay dhibaatada sii kordheysa ee caalamiga ah ee la xiriirta matoorada diyaaradaha.

Diyaaradda oo ka duushay Aruba kuna sii jeeday New York City ayaa wax yar kadib kacitaanka waxaa laga maqlay jug weyn oo ay weheliyaan gariir xooggan, kadib markii mishiinka bidix uu istaagay.

Arrintan ayaa cabsi gelisay 180-kii rakaab ee saarnaa, waxayna ku qasbtay duuliyeyaasha inay si degdeg ah ugu noqdaan garoonkii ay ka duuleen.

Nasiib wanaag, shaqaalaha duulimaadka ayaa si xirfad leh u maareeyay xaaladda, balse dhacdadani waxay kicisay su’aalo waaweyn oo ku saabsan badbaadada warshadda duulista.

Dhacdadan waxaa hadda loo arkaa calaamad ka tarjumaysa mushkilad qoto dheer oo ka dhalatay matoorada geared turbofan (GTF) ee shirkadda Pratt & Whitney.

Madaxa maaliyadda JetBlue, Ursula Hurley, ayaa uga digtay maalgashadayaasha in “xaaladda dhulka la dhigay diyaaradaha ay weli ka sii dari doonto,” iyadoo sheegtay in diyaarado badan laga saari doono adeegga si baaritaanno dheeraad ah loo sameeyo.

In ka badan 700 diyaaradood oo caalamka ah ayaa horey loo joojiyay, halka falanqeeyayaashu ku qiyaaseen dhibaatadan mid gaartay $11 bilyan.

Shirkadda JetBlue Airways ayaa si gaar ah u saameysay arrintan. Waxay si degdeg ah u joojisay 15 diyaaradood oo nooca Airbus A321neo ah, iyadoo la filayo in tiro kale oo u dhaxeysa bartamaha ilaa tobaneeyo sare lagu daro bilaha soo socda.

Diyaarad kasta oo ay saameyso ciladdan waxay u baahan tahay dayactir qaataya ilaa 360 maalmood, oo ay ku jiraan ka saarista mishiinka, furfuris buuxda, beddelidda qaybo muhiim ah, iyo tijaabooyin adag, kadib markii la helay cilad la xiriirta budo bir ah (powder metal defect) oo ku jirta saxannada turbine-ka cadaadiska sare.

Saameynta ugu daran waxay ka muuqataa duulimaadyada JetBlue ee Caribbean-ka, halkaas oo safarro fasax ah la joojiyay ama la yareeyay, kumannaan rakaabna ay ku adkaatay helitaanka beddel.

Waxa markii hore loo arkayay dhibaato jadwal ayaa hadda loo arkaa arrin khatar badbaado leh, maadaama dhacdadii Aruba ay muujisay in dhibaatadu aysan ku koobnayn diyaarado dhulka la dhigo oo keliya, balse ay khatar dhab ah ka iman karto marka mishiin hawada ku fashilmo.

Iyadoo baaritaanno dheeraad ah iyo kormeerro khasab ah ay soo socdaan, falanqeeyayaasha duulista waxay filayaan in xaaladdu sii xumaan doonto inta lagu jiro 2026 iyo 2027, taasoo saameyn doonta shirkado badan oo caalami ah, oo ay ku jiraan Spirit Airlines iyo Frontier Airlines, iyo sidoo kale shirkado kale oo caalami ah.