khamiis 17, April 2025 {HMC} Ajaaniib Aanan Muslim Aheyn ayaan ku laynay Dagaalkii Saakay”MW Lafta Gareen”
{DAAWO MUQAALKA} Salaaddii Subax markan wacay Ciidanka waxa maqlay Xabad ka bilaabatay Deynuunaay
khamiis 17, April 2025 {HMC} Salaaddii Subax markan wacay Ciidanka waxa maqlay Xabad ka bilaabatay Deynuunaay
HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA
{DAAWO MUQAALKA} Golaha wasiirada oo ka hadlay amaana dalka iyo arinta SSC Khaatumo
khamiis 17, April 2025 {HMC} Golaha wasiirada oo ka hadlay amaana dalka iyo arinta SSC Khaatumo
HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA
{DAAWO MUQAALKA} Xubnii ugu badnaa oo laga dilay AS iyo talihiii ka danbeyay oo ka hadlay
khamiis 17, April 2025 {HMC} Xubnii ugu badnaa oo laga dilay AS iyo talihiii ka danbeyay oo ka hadlay
HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA
Kenya secures $600 million in short-term financing for roads.
Thursday 17, April, 2025 {HMC} Kenya has received $600 million in short-term financing from commercial banks, backed by the country’s fuel levy collections from motorists, the finance minister said on Wednesday, to fund construction of roads in the face of budgetary constraints.
The East African nation has been struggling to fund development projects due to slower growth in revenue from taxes, high debt repayments and an increase in expenditure demands including from its 47 local authorities.
President William Ruto’s government, which took office in September 2022, has been trying to secure funds to finish road construction across the country.
The latest initiative involves the securitisation of the road maintenance levy, which is set at 18.00 shillings ($0.1392) per litre of fuel at the pump, allowing the Kenya Roads Board to access the bank financing at cheaper rates.
“They have received a funding of about $600 million,” Finance Minister John Mbadi told Reuters.
Kenya is still seeking a bigger transaction that could take the form of a privately placed bond or a syndicated loan, for a maximum of $1.5 billion, he said.
The short-term funding, pending the bigger financial deal, will be used to pay off contractors for urgent road works.
The cash goes straight to the roads board, which conducts maintenance of roads on behalf of the government. Ruto’s government has also turned to China to secure more funds for a major highway expansion project.
($1 = 129.3000 Kenyan shillings)
Reporting by Duncan Miriri; editing by Barbara Lewis.

By Duncan Miriri
RW xamse oo dhagax dhigay xarun casri ah oo wasaaradda beeraha leedahay
Dowladda Soomaaliya oo faahfaahin ka bixisay dagaal ka dhacay gobolka Bay
Khamiis 17, April, 2025 {HMC} In ka badan 35 xubnood oo ka tirsan kooxda Al-Shabaab ayaa lagu dilay howlgal culus oo ay si wadajir ah u fuliyeen Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed iyo Daraawiishta Koonfur Galbeed.
Howlgalkan ayaa ka dhacay deegaanka Baay Burjeed oo qiyaastii 15 km u jirta magaalada Baydhabo.
Ciidanka Xoogga Dalka oo helay xog sirdoon ayaa beegsaday koox ka tirsan Al-Shabaab oo la tuhunsan yahay inay qorsheynayeen falal argagixiso.
Sida lagu sheegay war-saxaafadeed kasoo baxay dowladda, ciidamada ayaa si toos ah u weeraray halka ay ku sugnaayeen xubnahaasi, waxaana la dilay horjoogayaal iyo dagaalamayaal, halka in ka badan 60 xubnood oo kale la dhaawacay.
Dowladda Soomaaliya ayaa tilmaamtay in howlgalka lagu burburiyay saldhigyo ay kooxdaasi ku lahayd deegaanka, iyadoo ciidamadu ay gacanta ku dhigeen meydadka ugu yaraan 18 xubnood oo ay ku jiraan horjoogayaal muhiim ah.
Saraakiisha hoggaaminaysay howlgalka ayaa sidoo kale sheegay in ay socdaan howlgallo dheeraad ah oo lagu daba joogo xubno ka baxsaday goobta dagaalka, kuwaas oo la rumeysan yahay inay dhaawacyo culus qabaan.
Ciidanka Xoogga Dalka iyo Daraawiishta Koonfur Galbeed ayaa ammaan u jeediyay shacabka deegaanka taageerada iyo xogta ay la wadaageen, taasoo fududeysay guusha howlgalka. Waxay sidoo kale caddeeyeen inay sii wadi doonaan dagaalka ka dhanka ah kooxda Al-shabaab ilaa laga cirib tiro guud ahaan gobolka.
{DAAWO MUQAALKA} Wararka ugu waa weyn Soomaaliya iyo Caalamka 17/04/2025.
khamiis 17, April 2025 {HMC} Waxaa halkan idin kugu soo gudbineynaa Wararka ugu waa weyn Soomaaliya iyo Caalamka ee Warbaahinta Hiiraanweyn
Hoos ka daawo Wararka ugu waa weyn
{DHAGEYSO} Warka Duhurnimo ee Radio Hiiraanweyn {17-04-2025}
Khamiis 17, April-2025 {HMC} – Dhageystayaal halkan waxa aan idiin kugu soo gudbi neynaa Warka Duhurnimo ee Warbaahinta Hiiraanweyn
Warka waxaa soo jeedinayo ::Shukri Baryare & Sahro Gabre
Farsamadii ::Mohamed Hassan Owsei
Guddiga doorashooyinka puntland oo beeniyey war baraha bulshada lagu faafiyey
Khamiis 17, April, 2025 {HMC} Guddiga doorashooyinka Puntland ee PEC oo warsaxaafadeed soo saaray ayaa beeniyay wararka ku saabsan in xubno ka tirsan PEC ay xogtii doorashada Puntland u gacan-galiyeen guddiga lagu muransan yahay ee doorashooyinka heer Federaal.
Warsaxaafadeedka ka soo baxay Guddiga doorashooyinka Puntland ee PEC ayay ku caddeeyeen in aysan sir ahayn oo horay loo baahiyay lagana heli karo mareegta guddiga doorashada dhammaan xogta la faafiyay in ay u gacan-geliyeen guddiga lagu muransan yahay ee doorashooyinka heer Federaal.
Guddiga PEC waxay sheegeen mareegtooda internet-ka laga heli karo dhammaan xogaha ku saabsan tirada goobaha diiwaangelinta, tirada dadka is diiwaangeliyay, tirada cod-bixiyaasha, magacyada goobaha codbixinta, dhammaan xeerarka iyo habraacada doorashooyinkii qof iyo cod ee ka qabsoomay Puntland, taasina aysan xog sira ahayn.




