Home Blog Page 1015

Guddiga doorashooyinka puntland oo beeniyey war baraha bulshada lagu faafiyey

Khamiis 17, April, 2025 {HMC} Guddiga doorashooyinka Puntland ee PEC oo warsaxaafadeed soo saaray ayaa beeniyay wararka ku saabsan in xubno ka tirsan PEC ay xogtii doorashada Puntland u gacan-galiyeen guddiga lagu muransan yahay ee doorashooyinka heer Federaal.

Warsaxaafadeedka ka soo baxay Guddiga doorashooyinka Puntland ee PEC ayay ku caddeeyeen in aysan sir ahayn oo horay loo baahiyay lagana heli karo mareegta guddiga doorashada dhammaan xogta la faafiyay in ay u gacan-geliyeen guddiga lagu muransan yahay ee doorashooyinka heer Federaal.

Guddiga PEC waxay sheegeen mareegtooda internet-ka laga heli karo dhammaan xogaha ku saabsan tirada goobaha diiwaangelinta, tirada dadka is diiwaangeliyay, tirada cod-bixiyaasha, magacyada goobaha codbixinta, dhammaan xeerarka iyo habraacada doorashooyinkii qof iyo cod ee ka qabsoomay Puntland, taasina aysan xog sira ahayn.

{DAAWO MUQAALKA} WAR DEG DEG AH AS oo laga Gubay Hub Casri ah iyo Doomihii waday

0

khamiis 17, April  2025 {HMC} WAR DEG DEG AH AS oo laga Gubay Hub Casri ah iyo Doomihii waday

HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA 

Dowladd mareykanka oo burburisay doonyo hub u siday kooxda AS

Khamiis 17, April, 2025 {HMC} Taliska Mareykanka ee Afrika (AFRICOM), oo kaashanayay Dowladda Federaalka Soomaaliya, ayaa 15-kii Abriil 2025 duqeyn cirka ah ka fuliyay gudaha Soomaaliya, si loo burburiyo hub casri ah oo saarnaa dooni aan calan wadan iyo dooni kale oo yar oo taageero siinaysay.

War kasoo baxay AFRICOM ayaa xaqiijiyay in hubkaasi loogu talagalay kooxda Al-Shabaab, isagoo la sheegay inuu khatar weyn ku ahaa amniga Soomaaliya iyo xasiloonida guud ee gobolka, gaar ahaan saaxiibada caalamiga ah ee gacan siinaya dadaallada nabad-dhisidda Soomaaliya.

Warbixintan laguma sheegin goobta lagu beegsaday doonyahan hubka u siday kooxda Alshabaab.

Qiimeyn hordhac ah oo la sameeyay ayaa muujisay in dhammaan kooxdii saarnaa labada doonyood lagu dilay duqeyntaas, iyadoo aan wax khasaare ah kasoo gaarin shacabka Soomaaliyeed.

Taliska AFRICOM ayaa hoosta ka xarriiqay in howlgalka lagu beegsaday bartilmaameed sax ah oo muhiim u ahaa horjoogsiga shabakadaha hubka iyo taageerada kooxaha xagjirka ah ee Soomaaliya ka dagaalama.

Dowladda Soomaaliya ayaa bogaadisay howlgalkan, iyadoo sheegtay inuu qeyb ka yahay dadaalada lagula dagaalamayo kooxaha Argigixisada.

DG koofur galbeed oo guulo ka sheegtay dagaal ka dhacay deegaanka Burjeedka

Khamiis 17, April, 2025 {HMC} Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya khasaaraha ka dhashay dagaal waabarigii hore ee saakay ka dhacay deegaanka Burjeedka oo ka mid ah deegaanada hoostaga magaalada Baydhabo.

Dagaalka oo ahaa mid dhexmaray ciidamada dowladda iyo kuwa Koonfur Galbeed oo dhinac ah iyo kuwa Al-shabaab oo weerar kusoo qaaday deegaanka Burjeedka.

Wasiirka Amniga maamulka Koonfur Galbeed Xasan Cabdulqaadir ayaa warbaahinta u sheegay in weerarka saakay soo qaadeen kooxda jab xoogan lagu gaarsiiyay, islamarkaana looga dilay horjoogayaal iyo maleeshiyaad ka tirsanaa kooxda.

“Saakay Khawaarijta khasaare xoogan ayaa lagu gaarsiiyay weerar ay kusoo qaadeen deegaanka Burjeedka, waxaa looga dilay in ka badan 10 xubnood, ciidamada oo ayaa u diyaarsana weerarka khawarijta oo xogtooda waa la sii hayay, taas ayaana sahahay in jab xoogan la kulmaan Khawarijta” ayuu yiri Wasiirka Amniga Koonfur Galbeed Xasan Cabdulqaadir.

Wasiir Xasan Cabdulqaadir ayaa sidoo kale xusay in maamulka Koonfur Galbeed uu sii wadi doono howlgalada noocaan oo kale ah ee ka dhanka ah Al-shabaabka ku sugan deegaanada Koonfur Galbeed.

Si kastaba ha ahaate meydadka xubnaha Al-shabaab ee lagusoo dilay dagaalka saakay ka dhacay deegaanka Burjeedka ayaa la geeyay gudaha magaalada Baydhaba, gaar ahaan fagaaraha loo yaqaano afar irdoodka ee magaalada Baydhabo, halkaas oo ay isugu soo baxeen boqolaal dadweyne ah oo u soo daawasho tagay.

Ugu dambeyntii dhawaan ayay aheyd markii uu shaaciyay Taliska ciidanka xoogga dalka Soomaaliya ee ka howlgala deegaanada Koonfur Galbeed in Maleeshiyaadkii ugu badnaa kooxda Al-shabaab ay soo buux dhaafiyeen deegaano iyo degmooyin ka tirsan gobolada Baay iyo Bakool ee maamul goboleedka Koonfur Galbeed Soomaaliya.

Wasiir Fiqi “feysal Waraabe waa in la geliyaa liiska argagixisada Lana soo taagaa Maxkamad.”

Khamiis 17, April, 2025 {HMC} Wasiirka Arrimaha Dibadda Soomaaliya Amed Macallin Fiqi ayaa ku baaqay in Maxkamad la hor geeyo Guddoomiyihii hore ee Xisbiga Mucaaradka ee UCID Faysal Cali Waraabe, isaga oo codsaday in lagu daro liiska waxa loogu yeero argagixisada.

Fiqi oo ka falceliyey faalo uu Waraabe soo dhigay bartiisa X ee horay loogu aqoon jiray Twitter, kaas oo taageero ugu muujiyey Al-Shabaab, xilli uu sheegay in ay qabsan doonaan Soomaaliya, ayaa sababtay in ka carroodaan shacabka Soomaaliyeed, kuwaas oo siyaabo kala duwan uga hadlay fariimo ay soo dhigeen barahooda bulshada.

Eng. Waraabe ayaa qoraalka uu baahiyey u dhignaa sida tan, “Waxaynu eegnaaba waa Al Shabab oo la wareegta Somaliya, dhawaan. Siidi aan hore u sheegay bisha May amba u gu dambeeyn Bisha June 2025.”

Qoraalkaan oo ahaa kii uu Waraabe baahiyey ayaa Wasiirka Arrimaha dibadda Soomaaliya Axmed Macallin Fiqi waxa uu kaga falceiyey, “Waa garaad xumi hadalka uu ku hadaaqay, horay ayuu caruurtiisii ugu biiriyey ISIS (Daacishta), haddana asagii ayaa Kooxda argagixisada Alshabaab si toos ah ugu biiray sida kuwa ka soo horeeyey ay ugu biireen.”

Wasiir Fiqi ayaa qoraalkiisa qeybta dambe ku soo jeediyey Guddoomiyihii hore ee Xisbiga Mucaaradka ee UCID Faysal Cali Waraabe in la soo hor istaajiyo Maxkamad, isaga oo yiri, “Waraabe waa in la geliyaa liiska argagixisada Lana soo taagaa Maxkamad.”

Faysal Cali Waraabe oo ahaa Guddoomiyihii Xisbiga Mucaaradka Somaliland ee UCID ayaa muddooyinkii dambe faafinayey fariimo uu taageero ugu muujinayo kooxda Al-Shabaab oo in ka badan 15 sanno dagaal kula jirta dowladda Soomaaliya.

Weli Dowladda Soomaaliya iyo Maamulka Somaliland si rasmi ah uguma hadlin hadalka ka soo yeeray Faysal Cali Waraabe, oo la rumansan yahay in uu ka mid yahay siyaasiyiinta ku adag gooni isutaagga Somaliland, kuwaas oo nasiibka u yeelan in ay hoggaamiyaan Xukuumadda Hargeysa.

{DAAWO MUQAALKA} Sidee ku timid guushii saakay ciidamadu ka gaaren AS kii la xasuuqay?

0

khamiis 17, April  2025 {HMC} Sidee ku timid guushii saakay ciidamadu ka gaaren AS kii la xasuuqay?

HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA 

{DAAWO MUQAALKA} Maxaa ka cusub maanta Aboorey kadib ka bixitaankii ciidamada?

0

khamiis 17, April  2025 {HMC} Maxaa ka cusub maanta Aboorey kadib ka bixitaankii ciidamada?

HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA 

Gedo governor warns electoral body against uncoordinated voter registration.

0

Thursday 17,April 2025 {HMC}  The Governor of the Gedo region, Mohamed Hussein Al-Qaadi, has warned the country’s National Independent Electoral and Boundaries Commission (NIEBC) against conducting any voter registration or election-related activities in the region, stating that doing so without coordination with the Jubbaland administration would be considered illegitimate and met with resistance.

Speaking to local media on Wednesday, Governor Al-Qaadi insisted that the electoral process must be based on consensus between the Federal Government and Jubaland State authorities.

“No elections will be held in the Gedo region without our agreement. I warn the Electoral Commission that if they proceed without coordination, there will be consequences,” Al-Qaadi said.

The warning underscores the unresolved political rift between the Jubaland administration and the Federal Government over electoral authority, constitutional amendments, and the framework for transitioning to direct elections.

The NIEBC had previously announced plans to conduct voter registration in several regions, including Gedo, as part of preparations for Somalia’s first one-person, one-vote elections since 1967, scheduled for 2026.

Registration officially began Tuesday in Mogadishu’s Shangani district, where residents turned out in large numbers to obtain voter ID cards. Senior federal and municipal officials, including the mayor of Mogadishu, were among the first to register.

The federal push to roll out universal suffrage seeks to replace Somalia’s longstanding 4.5 clan-based power-sharing system. Under the current model, parliamentary seats are distributed among four major clans and a collective “half-share” is allocated to minority groups. Critics of the system argue it entrenches elite control and inhibits democratic accountability.

Federal officials have not yet publicly responded to governor Al-Qaadi’s remarks.

U.S. airstrike kills 12 AS militants after group seizes Aden Yabaal district

0

Thursday 17,April 2025 {HMC}  A U.S. airstrike conducted in coordination with the Somali National Army (SNA) killed at least 12 Al-Shabaab militants, including senior commanders, in the Aden Yabaal district of the Middle Shabelle region on Wednesday night, the Somali government announced.

According to a statement released Thursday, the joint operation by U.S. Africa Command (AFRICOM) and Somali forces targeted a compound where Al-Shabaab militants had gathered for shelter. The government confirmed that there were no civilian casualties in the strike.

“This precision strike is part of ongoing coordinated operations aimed at neutralizing the leadership and operational capabilities of the Al-Shabaab terrorist group,” the statement said. “The National Army and AFRICOM are still assessing the full extent of the enemy’s losses.”

The airstrike came just hours after Al-Shabaab militants launched a large-scale attack and seized control of Aden Yabaal, a strategic town in Middle Shabelle that had been under government control since its liberation in December 2022.

Al-Shabaab later claimed responsibility for the takeover, releasing unverified video footage purportedly showing fighters inside the town.

HOL could not independently verify the authenticity of the footage.

The U.S. and Somali forces have intensified counterterrorism operations across central Somalia in recent weeks amid a sharp rise in Al-Shabaab attacks. According to the Armed Conflict Location & Event Data Project (ACLED), Al-Shabaab’s activity in the Hiraan and Middle Shabelle regions has increased by more than 50% compared to 2024, reversing some of the territorial gains made during the federal government’s landmark 2022 offensive.

Somali forces repel AS attack near Baidoa, kill at least 10 militants

0

Thursday 17,April 2025 {HMC}  Somali government forces and allied local militia repelled an attempted Al-Shabaab attack in the Gasarta area between Baidoa and Deynuunay on Wednesday, killing at least ten militants, according to military officials.

“The Khawarij terrorists tried to carry out an attack, but our brave forces were prepared and defeated them decisively,” a Somali National Army (SNA) official said. “Their bodies remain at the scene as a clear message that such threats will not be tolerated.”

The ambush occurred in a strategic corridor linking Baidoa, the capital of the Southwest State, with the Deynuunay area, where Al-Shabaab has previously targeted military convoys and checkpoints. SNA forces reportedly responded with coordinated fire, preventing the insurgents from breaching their defensive perimeter.

Residents of Gasarta reported hearing intense gunfire during the engagement and said they were relieved the militants were pushed back before reaching populated areas.

No casualties were reported among Somali forces, and military officials say operations are ongoing to clear suspected Al-Shabaab hideouts in the vicinity.

The attack comes as Somalia continues a nationwide offensive against the al-Qaeda-linked militant group, which has waged a deadly insurgency against federal institutions for over 15 years.

Source Hiiraan online