Home Blog Page 1022

Suudaan oo looga dhawaaqay Dhismaha Dowllada Cusub.

Arbaco 16, April 2025 {HMC} Ciidamada Gurmadka Degdegga ah ee RSF ayaa ku dhawaaqay dhismaha dowlad ka soo horjeedda ciidamada qalabka sida ee dalkaas, iyadoo labo sano uu socday dagaal, kaas oo noqday dhibaatada bini’aadantinimo ee ugu weyn caalamka.

Hoggaamiyaha Ciidamada Gurmadka Degdegga ah (RSF), Maxmaed Xamdaan “Hemedti” Dagalo, ayaa sheegay in kooxdu “ay dhisayso mustaqbalka kaliya ee dhabta ah ee Suudaan”.

Ku dhawaaqista ayaa timid iyadoo London ay martigelisay shir heer sare ah oo lagu xusayay sanadguuradii labaad ee dagaalka Suudaan, halkaas oo xoghayaha arrimaha dibadda ee UK David Lammy uu ku baaqay “dariiq nabadeed”. Dagaalka ayaa socday, iyadoo ciidamadu ay sheegeen inay duqeeyeen fariisimo ay RSF-ta ku lahaayeen duleedka magaalada el-Fasher, taasoo ku qasabtay boqollaal kun inay ka cararaan xerada qaxootiga ee Zamzam.

Hemedti waxa uu sheegay in RSF ay dhisayso “Dowlad sharci ah” oo aysan ahayn dawlad ay shakhsiyaad gaar ahi xukumaan. “Ma raadineyno xukun, laakiin midnimo [ayaan rabnaa], waxaan aaminsanahay in aysan jirin qabiil, gobol, ama diin aan keli ku haysata aqoonsiga Suudaan,” ayuu ku yidhi qoraalkiisa oo la soo dhigay Telegram. Wuxuu intaas ku daray in dowladdiisu ay bixin doonto adeegyada muhiimka ah sida waxbarashada iyo caafimaadka oo keliya ma aha meelaha ay RSF maamusho, balse dalka oo dhan.

Dowladda Soomaliya oo Mareykanka u bandhigtay Shidaal sahminta SSC-Khaatumo.

Arbaco 16, April 2025 {HMC} Safiirka Soomaaliya u fadhiya dalka Mareykanka, Danjire Daahir Xasan Carab, ayaa si rasmi ah ugu dhawaaqay in Soomaaliya ay hadda furan tahay, islamarkaana diyaar u tahay sahaminta iyo qodista shidaalka, gaar ahaan deegaanada SSC-Khaatumo.

Danjiraha ayaa fursaddan muhiimka ah u bandhigay shirkadaha tamarta ee Mareykanka, isaga oo ku dhiirrigeliyay inay dib ugu soo laabtaan dalka si ay u sahamiyaan ceelasha shidaalka ee ka buuxa dhulka Soomaaliyeed.

Qoraal uu ku daabacay bartiisa X (hore Twitter), ayuu Danjiruhu ku sheegay in dowladda Soomaaliya ay qaaday tallaabooyin muhiim ah oo ka saaray caqabadihii sharciyeed iyo amni ee horay u hor istaagay howlaha shidaal-baarista.

“Waan ku faraxsanahay inaan ku dhawaaqo in Soomaaliya si rasmi ah ugu furan tahay qodista shidaalka. Waxaan si xushmad leh ugu martiqaadayaa shirkadaha tamarta ee Mareykanka inay dib ugu soo laabtaan Soomaaliya si ay uga faa’iideystaan fursadahan muhiimka ah,” ayuu yiri Danjire Daahir.

Danjiruhu wuxuu sidoo kale xusay in xaaladda amni iyo siyaasadeed ee dalka ay si weyn u hagaagtay, gaar ahaan kadib markii dowladda Federaalka Soomaaliya ay si rasmi ah u aqoonsatay maamulka cusub ee SSC-Khaatumo inuu yahay xubin rasmi ah oo ka tirsan dowlad-goboleedyada dalka. Aqoonsigaas, ayuu sheegay, wuxuu sahli doonaa in dib loo bilaabo mashaariic horay hakad ugu jiray sababo la xiriiray muran siyaasadeed iyo khilaafaad sharci.

“Ka qaadista xaaladdii ‘force majeure’ waxay sahleysaa in si buuxda dib loogu bilaabo sahamin iyo qodis shidaal oo ka dhacda dooxada hodanka ku ah kheyraadka ee Nugaal Valley Basin,” ayuu raaciyay hadalkiisa.

Soomaaliya iyo fursadaha tamarta

Soomaaliya waxay leedahay dhul istaraatiiji ah oo xeebihiisu ka mid yihiin kuwa ugu dheer Afrika, kana hodan ah shidaalka iyo gaaska dabiiciga ah.

Aagagga sida Nugaal, Dharoor, iyo Juba-Lamu basins ayaa lagu tilmaamaa inay yihiin qaar ka mid ah meelaha ugu khayraadka badan ee aan weli si buuxda loo sahamin. Inkastoo ay jiraan duruufo amni iyo kuwo siyaasadeed oo hakiyay horumarka sahanka, haddana waxaa jirta rajo xooggan oo laga qabo in Soomaaliya ay noqon karto mid ka mid ah suuqyada tamarta ee soo koraya ee Geeska Afrika.

Shirkado caalami ah sida, Turkish Petroleum, Coastline Exploration, Soma Oil & Gas, iyo Spectrum Geo ayaa horey ula saxiixday dowladda heshiisyo ku saabsan sahamin shidaal, inkastoo hawlahaasi hakad galeen. Dib u furitaanka rasmiga ah ee sahanka iyo dadaallada dowladda ee lagu sugayo xasilloonida sharci iyo amni ayaa la filayaa inay dib usoo celiyaan xiisaha maalgashadayaasha.

Safiirka ayaa sheegay in Soomaaliya ay diyaar u tahay iskaashi fog iyo xiriir istaraatiji ah oo ay la yeelato shirkadaha Mareykanka, isagoo ku adkeeyay muhiimadda ay leedahay in shirkadahaas ay hormuud u noqdaan kobaca dhaqaalaha Soomaaliya.

Dowladda Mareykanka, inkastoo aysan si toos ah u maalgashan howlaha shidaal-baarista Soomaaliya, haddana waxay si dhow ula socotaa isbeddellada amni, dhaqaale, iyo siyaasadeed ee dalka. Washington ayaa sidoo kale ballanqaadday inay sii xoojin doonto taageerada ay siiso dowladda Federaalka ee ku aaddan horumarinta kaabeyaasha dhaqaalaha iyo xoojinta dowladnimada.

Dhawaaqan kasoo baxay safiirka Soomaaliya ee Mareykanka wuxuu muujinayaa tallaabo istiraatiji ah oo lagu doonayo in dalka looga furo waddooyin horumarineed oo salka ku haya ka faa’iideysiga kheyraadka dabiiciga ah.

Waxaa la filayaa in hadalkan uu horseedi doono xiiseyn cusub oo ka timaadda shirkadaha tamarta ee caalamiga ah, taas oo haddii si wanaagsan loo wajahdo, wax ka tari karta kobaca dhaqaalaha, abuurista shaqooyin, iyo xoojinta madaxbannaanida dhaqaale ee Soomaaliya.

{DHAGEYSO} Warka Subaxnimo ee Warbaahinta Hiiraanweyn {16.04.2025}

Arbaco 16, April 2025 {HMC} Dhageystayaal halkan waxa aan idiin kugu soo gudbi neynaa Warka subaxnimo ee Warbaahinta Hiiraanweyn

Warka waxaa soo jeedinayo ::Abdi Ahmed Hussein

Farsamadii ::Mohamed Baryare Haamud

HOOS KA DHAGEYSO WARKA SUBAXNIMO

{DHAGEYSO} Warka Habeenimo ee Warbaahinta Hiiraanweyn {15.04.2025}

Talaado 15, April 2025 {HMC} Dhageystayaal halkan waxa aan idiin kugu soo gudbi neynaa Warka Habeenimo ee Warbaahinta Hiiraanweyn

Warka waxaa soo jeedinayo ::Abdiqani Osoble

Farsamadii ::Mohamed Baryare Haamud

HOOS KA DHAGEYSO WARKA SUBAXNIMO

{DAAWO MUQAALKA} Muxuu yahay Qalabka Israa’iil laga keenay ee lagu Rakibay Boosaaso.

0

Talaado 15, April  2025 {HMC} Muxuu yahay Qalabka Israa’iil laga keenay ee lagu Rakibay Boosaaso.

HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA 

{DAAWO MUQAALKA} Dhacdooyinkii ugu Dambeeyay ee Caalamka 15-04 2025.

0

Talaado 15, April  2025 {HMC}  Waxaa halkan idin kugu soo gudbineyna Dhacdooyinkii Ugu Dambeeyay Caalamka ee Warbaahinta Hiiraanweyn.

HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA

{DAAWO MUQAALKA} As Waa ku aadnaahe laba shaarle ayaa nagu jiro””Odayaasha Hiiraan

0

Talaado 15, April  2025 {HMC} As Waa ku aadnaahe laba shaarle ayaa nagu jiro””Odayaasha Hiiraan

HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA 

{DAAWO MUQAALKA} Shacabka Muqdisho siddey u Arkaan Isdiwangalinta Maanta ka bilaabatay Banaadir

0

Talaado 15, April  2025 {HMC} Shacabka Muqdisho siddey u Arkaan Isdiwangalinta Maanta ka bilaabatay Banaadir

HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA 

{DAAWO MUQAALKA} Wararkii ugu Dambeeyay 15-4-2025.

0

Talaado 15, April  2025 {HMC} Waxaa halkan idin kugu soo gudbineyna Wararkii ugu rbacoDambeeyay Soomaaliya iyo Caalamka ee Warbaahinta Hiiraanweyn.

HOOS KA DAAWO WARARKII UGU DAMBEEYAY.

.Somalia Begins Voter Registration for 2026 Elections.

0

Tuesday 15 April 2025 {HMC} Somalia’s National Independent Electoral and Boundaries Commission (NIEBC) launched voter registration on Tuesday in Mogadishu, marking a historic step toward the country’s first one-person, one-vote elections since 1967, scheduled for 2026.

The registration began in Shangani district, where hundreds of residents lined up to receive voter ID cards. Senior government officials, including the mayor of Mogadishu, were among the first to register.

The chairperson of the NIEBC, Abdikarim Ahmed Hassan, announced the official start of the registration process and confirmed that additional districts in Mogadishu will begin registration in the coming days.

“Today is the first step in a nationwide process. We are committed to ensuring that every eligible Somali has the chance to vote,” he said.

Deputy Governor for Security and Politics of the Banadir Regional Administration, Mohamed Ahmed Diiriye (Yabooh), praised the launch as a turning point for the country. “This registration process puts to rest the long-standing myth that elections cannot be held in Somalia,” he said.

The NIEBC commended the strong coordination with local authorities and security forces, which it said was essential to ensuring a peaceful and orderly registration process. Officials urged citizens to seize the opportunity to register and participate in the democratic process.

The local elections—expected to take place in June and July—are part of a push by Somalia’s federal government to transition away from the 4.5 clan-based power-sharing system, which allocated parliamentary representation to the four dominant clans and a half-share to minority groups.

The last national election, held in 2022, followed the indirect model, in which clan elders and regional leaders selected members of parliament. Somalia has not held direct elections since 1967.

Despite the optimism surrounding the launch, the process has drawn criticism from opposition figures. Former Presidents Sharif Sheikh Ahmed and Mohamed Abdullahi Mohamed (Farmaajo) have accused the federal government of pushing forward unilaterally, and described it as an exclusionary process.