Home Blog Page 1026

{DHAGEYSO} Warka Subaxnimo ee Warbaahinta Hiiraanweyn {15.04.2025}

Talaado 15, April 2025 {HMC} Dhageystayaal halkan waxa aan idiin kugu soo gudbi neynaa Warka subaxnimo ee Warbaahinta Hiiraanweyn

Warka waxaa soo jeedinayo ::Mustaf Ali Addow

Farsamadii ::Mohamed Baryare Haamud

HOOS KA DHAGEYSO WARKA SUBAXNIMO

Muqdisho oo saakay ka bilaabatay diiwaangelinta Codbixiyaasha Doorashada qof iyo codka ah.

Talaado 15, April 2025 {HMC} Waxaa saakay magaalada Muqdisho, gaar ahaan degmada Shingaani si rasmi ah uga bilaabatay is-diiwaangelinta codbixiyaasha doorashada golaha deegaanka ee la filayo in magaalada Mqdisho ka qabsoonto bisha Juun ee sannadkan.

Xarunta degmada Shangaani, waxaa saakay ka socota is-diiwaangelin ay sameenayaan qaar kamid ah shacabka ku dhaqan degmadaasi, kuwaa oo doonaya in ay codkooda kusoo doortaan cidka maamul ahaan ku mataleysa degmada.

Masuuliyiin katirsan maamulka gobolka Banaadir, guddiga doorashada iyo qaar kamid ah hoggaanka ururada siyaasadda ayaa ku sugan goobta ay ka bilaabatay is-diiwaangelinta, kuwaa oo dadweynaha ugu baaqayay in ay isku-diiwaangeliyaan sidii ay codkooda u dhiiban lahaayeen.

Wasiir kuxigeenka Wasaaradda Warfaafinta Soomaaliya Cabdiraxmaan Al Cadaala, ayaa sheegay in saakay ay tahay maalin taariikhi ah, uu tilmaamay in muwaadiniinta magaalada Muqdisho kunool ay isku-diiwaangelinayaan in codkooda ku go’aamiyaan mustaqbalkooda.

”Saaka waa subax taarikhi ah, Muwaadiniinta Caasimadda waxeey isku diiwaangalinayaan inay codkooda ku go’aamiyaan mustaqbalkooda, waa in aan lagu eegin aragti gaaban, balse laga eego Aragti togan oo indheer garad ah.alle ayaa mahadsan” ayuu yiri Wasiir Al Cadaala.

Dowladda uu hoggaamiyo Madaxweyne Xasan Sheekh oo kaliya u harsan tahay muddo hal sano ah, ayaa sheegeysa in ay qabaneyso doorasho qof iyo cod ah oo dalka oo dhan ka dhacda, halka siyaasiyiinta mucaaradka iyo maamulada qaar aaminsan yihiin in xilligan la qaban karin doorasho qof iyo cod ah.

{DAAWO MUQAALKA} Reer shangaani Wadooyinka ayaan idiin taaganahay ee kaararka Codeynta qaata.

Talaado 15, April  2025 {HMC} Reer shangaani Wadooyinka ayaan idiin taaganahay ee kaararka Codeynta qaata.

HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA 

Doiwladda Soomaaliya oo Shaacisay ineey maxaabiis kala wareegtay SSC-khaatumo.

Talaado 15, April 2025 {HMC} Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Xamse Cabdi Barre oo ku sugan magaalada Laascaanood, ayaa la wareegay 25 kamid ah maxaabiistii lagu qabtay dagaalkii SSC-khaatumo iyo Somaliland, sida lagu shaaciyay War-murtiyeed kasoo baxay Dowladda Federaalka iyo maamulka Khaatumo.

Maxaabiistan oo duruufo gaara ah ka muuqdaan ayaa lagu celin doona qoyaskooda oo ku sugan Somaliland, waxa ayna fure u noqon doonaan in labada dhinac oo maxaabiis badan kala heesta ka shaqeeyaan sidii ay isku dhaafsan lahaayeen.

“Iyada oo la tixgalinaayo Barnaamijka Nabadeynta ee uu garwadeenka ka yahay Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda JFS, ayuu Maamulka SSC- Khaatumo oo la tashaday Golayaasha Maamulka ku wareejiyay Dowladda Federaalka Soomaaliya 25 maxbuus oo kamid ah maxaabiistii lagu qabtay dagaalkii Somaliland iyo dadka reer SSC-Khaatumo, kuwaas oo leh duruufo gaar ah, waxayna DFS dib-ugu-celin doontaa ehelkoodii iyaga oo badqaba” ayaa lagu yiri War-murtiyeedkaasi.

{DAAWO MUQAALKA} Siddee saakay Muqdisho uga Socotaa diiwaangalinta Shacabka doorashooyinka Codeyn doono?

Talaado 15, April  2025 {HMC} Siddee saakay Muqdisho uga Socotaa diiwaangalinta Shacabka doorashooyinka Codeyn doono?

HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA 

{DAAWO MUQAALKA} Askarta ilaalineysa dadka doorashooyinka loo diwaangalinayo oo Awaamiir la siiyay.

Talaado 15, April  2025 {HMC} Askarta ilaalineysa dadka doorashooyinka loo diwaangalinayo oo Awaamiir la siiyay.

HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA 

Ilhan Omar oo si rasmi ah ugu dhawaaqday Go,aankeda doorashada soo aadan,

Talaado 15, April 2025 {HMC} Xildhibaan Ilhan Omar oo laga soo doorto gobolka Minnesota ayaa si rasmi ah ugu dhawaaqday in ay markale u tartamayso kursigeeda Aqalka Wakiillada, taasoo meesha ka saaraysa saadaasha ahayd inay u hanqal taagayso kursiga Senate-ka ee bannaan doona sanadka 2026.

“Xilli ay xuquuqdeenna weerar wajahayaan, waa lama huraan in aan si adag uga hortagno fowdada, musuq-maasuqa, iyo arxandarrada maamulka Trump,” ayay Omar ku sheegtay wareysi ay siisay Idaacadda Minnesota Public Radio.

“Innaga oo ku sugan Minnesota, waxaan ognahay in dadka abaabulan ay mar walba ka adkaan doonaan lacagta abaabulan. Ololaheena wuxuu diyaar u yahay in uu sii xoojiyo dadaalladii abaabul ee hore si aan u gaarno ka-qaybgal doorasho oo rikoor ah oo aan dib ugu soo celinno aqlabiyadda,” ayay raacisay.

Doorashadii ugu dambeysay ee degmada 5-aad ayay si sahlan ugu guuleysatay, iyadoo 50 dhibcood kaga adkaatay weriye Republican ah oo asal ahaan kasoo jeeda Ciraaq, Dalia al-Aqidi.

Omar ayaa hore loogu tiri jiray dadka la hadal hayay inay beddeli karaan Sen. Tina Smith oo ka tirsan xisbiga Dimoqraadiga, taasoo bishii hore ku dhawaaqday inaysan markale u tartami doonin xilka Senate-ka.

Isla markiiba, ku xigeenka guddoomiyaha gobolka Minnesota, Peggy Flanagan, oo ah Dimoqraadi, ayaa shaacisay inay tartamayso, halka Omar iyo musharraxiin kale oo la filayay ay ka gaabsadeen in ay wax sheegaan.

Bishii Febraayo, Sen. Smith – oo markii hore xilka loogu magacaabay beddelkii Sen. Al Franken, kaasoo iscasilay kaddib eedo la xiriiray anshax xumo – ayaa sheegtay inay doonayso in ay waqti badan la qaadato qoyskeeda.

“Go’aankan mid siyaasadeysan ma ahan, waa mid shakhsi ah. Laakiin waan fahamsanahay in dalku maanta si ka badan sidii hore ugu baahan yahay hoggaan horusocod ah,” ayay tiri Smith.

Guddoomiyaha gobolka Minnesota, Tim Walz, ayaa sidoo kale sheegay in uusan tartami doonin, taasoo Peggy Flanagan ka dhigeysa musharraxa Dimoqraadiga ee ugu sumcadda dheer tartanka illaa iyo hadda.

“Waqtigan xaadirka ah, ma doonayo inaan saameyn ku yeesho tartanka,” ayuu yiri Walz bishii Febraayo. “Laakiin waan ogahay inaan leenahay dad karti leh oo diyaarsan,” ayuu raaciyay, isagoo tilmaamay in laga yaabo inuu u tartamo muddo-xileed saddexaad ee hogaaminta gobolka.

Haddii la doorto, Flanagan – oo ka tirsan qowmiyadda Ojibwe – waxay noqon doontaa senatorkii shanaad ee kasoo jeeda qowmiyadaha asaliga ah ee Mareykanka, iyo tii labaad ee xilka haya xilligan, iyadoo ay wehelinayso Senator-ka Jamhuuriga ah ee Oklahoma, Markwayne Mullin.

Dhinaca xisbiga Jamhuuriga, Adam Schwarze – oo horey uga tirsanaa ciidanka badda iyo ciiddanka gaarka ah ee Maraykanka – ayaa ku dhawaaqay inuu u tartamayo kursiga, isagoo ku tilmaamay “howshiisa ugu muhiimsan ee noloshiisa.”

Sidoo kale, ciyaaryahankii hore ee Sacramento Kings, Royce White, ayaa isaguna shaaciyay inuu mar kale is sharaxayo. White ayaa hore ugu guuldarreystay doorashadii hordhaca ahayd ee Senet-ka xisbiga Jamhuuriga sanadkii 2024.

Tartankan lagu beddelayo Sen. Smith ayaa noqonaya kii ugu horreeyay ee Senate-ka Minnesota ee kursi furan tan iyo 2006, markaasoo Gov. Mark Dayton uusan mar kale u tartamin, halkaasna ay Sen. Amy Klobuchar ku garaacday xildhibaan Mark Kennedy oo Jamhuuri ahaa, farqi dhan 19 dhibcood.

{DAAWO MUQAALKA} Kaalintee ayey itoobiya uga jirtaa dalalka ugu ciidanka xooggan qaaradda Afrika?

0

Isniin 14, April  2025 {HMC} Kaalintee ayey itoobiya uga jirtaa dalalka ugu ciidanka xooggan qaaradda Afrika?

HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA 

{DAAWO MUQAALKA} Deeq loogu talagalay ciidamada Macwisleyda oo la gaarsiiyey deegaanka Hareeri-Madoobe.

0

Isniin 14, April  2025 {HMC} Deeq loogu talagalay ciidamada Macwisleyda oo la gaarsiiyey deegaanka Hareeri-Madoobe.

HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA 

{DAAWO MUQAALKA} Wasiir Fiqi “Mardanbo Deegaanada SSC Kuma Noqonayaan Gooni ugoosadka”

0

Isniin 14, April  2025 {HMC} Wasiir Fiqi “Mardanbo Deegaanada SSC Kuma Noqonayaan Gooni ugoosadka”

HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA